Tuesday, August 4, 2015

Somaliland: Tiro ka badan 20,000 oo Qoys oo Gurmad deg-deg ah u baahan iyo Xukuumadda oo Gar-gaar ka dalbatay bulshada iyo Beesha Caalamka

 

Hargeysa, 04 August, 2015 (Himilo)- Guddi madaxweynaha Somaliland u saaray Gurmadka Abaaro ku habsaday gobollada Galbeedka dalka, ayaa muwaadiniinta Somaliland iyo Beesha Caalamka ka codsaday in laga taageero gargaarka dadka iyo Xoolaha ku dhaqan deegaannada abaaruhu saameeyeen.
Guddiga oo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland guddoomiyaha u yahay, ayaa shir-jaraa’id oo ay shalay wada-jir u qabteen ku shaaciyey in tiro ka badan 20,000 Qoys oo ku dhaqan gobollada Awdal, Selal, Gabiley iyo Maroodijeex u baahan yihiin biyo iyo Cunto degdeg lala gaadho.
Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo ugu horeyn ka hadlay halkaas, ayaa in qaybaha kala duwan ee bulshadu u diyaar garowdo gurmad degdeg ah oo biyo iyo Cunto lagu gaadhsiiyo dadka ku dhaqan deegaannada abaaruhu ku dhufteen. “Waxaanu ugu baaqaynaa bulshada Somaliland gudo iyo dibadba,hay’addaha caalamiga ah, iyo waddamada aynu saaxiibada nahay in hawshaas gurmad degdeg ah laga galo oo nalaga caawiyo. Xukumad ahaan waxaanu diyaar u nahay inaanu qaybtayada ka qaadanno,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.
Madaxweyne xigeenku oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Umadda reer Somaliland ganacsatada iyo cid walba waxaanu ka codsanaynaa inaynu isku naxariisanno oo u diyaar garowno gurmad degdeg ah oo dadka lala gaadho waxay cunaan. Waxaa lagu qiyaasay in dad labaatan kun oo qoys lagu qiyaasay maanta cunto u baahan yihiin gobolada Galbeedka, markaa dibaddu wakhti bay inagu qaadanaysaaye waa inaan u diyaar garowno sidii aynu degdeg ugu gaadhsiin lahayn 20,000 qoys cunto degdeg ah.”
Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Kormeer lagu soo maray Gobollada Selal, Awdal, Gabiley iyo Maroodijeex waxa ka soo baxay in wixii beeraha inooga soo bixi jiray boqolkiiba 97 uu innaga dhicisoobay sannadkan oo aanu jirin Baad xooluhu ay cunaan, biyuhu ay fogaadeen.”
Waxa kale oo wasiirku yidhi, “Waxaanu halkan baaq ugu diraynaa caalamka, dadweynaha; dal-joog iyo Qurbejoogba iyo ciddii kale ee arrintaa wax nagala qaban kartaba, waxa loo baahan yahay gar-gaar xagga biyaha ah, xagga cuntada ah iyo nafaqada Xoolaha, waa arrin u baahan in si deg-deg ah wax looga qabto oo aan ina sugayn. Waxay Alle (SWT) in dhibaatada jirta ee Roob la’aanta ah uu innaga qaado oo inoo naxariisto.”
Abaaraha ku dhuftay gobollada Galbeedka dalka oo lagu sheegay kuwii ugu halista badnaa ee sannadihii u dambeeyey ku dhaca deegaannadaas, ayaa saamayn ku yeeshay nolosha xoolo-dhaqatada iyo beeraley tiro badan, iyadoo labadii bilood ee u dambeeyey ay deegaanno ka tirsan gobolka Selal harraad ugu dhinteen tiro lagu qiyaasay sagaal qof oo intii u dhaxaysay bishii May ilaa July oo ku beegan xilliga Xagaaga ee dhulka xeebaha ah kuleylka xad-dhaafka ahi ka jiro ay dadkaasi harraad ugu dhinteen gobolkaas.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment