
Hase-yeeshee, Taliyaha Ciidanka Millateriga Jabuuti ee gobolka Hiiraan oo qayb ka ah kuwa Midawga Afrika (AMISOM), ayaa warkaas beeniyey. “Warkaas waa been, mana aha mid ka Tarjumaya Siyaasadda Xukuumadda Jabuuti ee ku aaddan Xidhiidhka dhaqan iyo deris-wanaag ee ka dhexeeya dalka Itoobiya.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Millateriga Jabuuti ee gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ka hawlgala Jen. Sakariye Sheekh Ibraahim oo sidaas ku sheegay War-Saxaafadeed uu kaga hadlay eedeyntaas.
Sidoo kale, Jen. Sakariye Sheekh wuxuu xusay in eedeyntaasi aanay ahayn mid si toos ah uga timid Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti iyo Taliyeyaasha Ciidammada dalkooda, waxaanu yidhi; “Ciidammada Jabuuti waxay sii wadi doonaan hawshooda ku aaddan horumarrada Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan. Ciidammadayada iyo Kuwa Itoobiyana si wanaagsan ayay u wada shaqeeyaan, waxaanay la wadagaayaan dadka Soomaaliya dhibaatada iyo farxadda.”
Jen. Sakariye Sheekh, ayaa sheegay in ujeeddada keliya ee Ciidammada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ay tahay sidii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa nabad iyo xasillooni waarta, waxaanu yidhi; “Itoobiya iyo Jabuuti midna dano qarsoon kama laha Soomaaliya. Laakiin-se, hawsha ay ka wadaan Soomaaliyana waa sidii uu dalkaasi uga bixi lahaa colaadda iyo xasillooni-darrada muddada dheer socday.”
“Eedeymahan ceebta ahi waa kuwo looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo is-aaminaadda u dhexeysa Ciidammada labada waddan iyo in lagu kala daadiyo geeddi-socodka Nabadda Soomaaliya, gaar ahaan qaybta Afaraad ee AMISOM, Xilli la isku diyaarinayo dhismaha Maamul-goboleed loo sameeynayo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.”
Ciidammada ka socda Jabuuti, ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii qayb ka ahaa Hawl-galka Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo 1,900 oo Askari kaga Sugan yihiin gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya, marar badanna halkaas dagaallo ku dhex-mareen Malleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo kooxdaasi dhawr jeer weerarro ismiidaamin ah ku bartilmaameedsatay saldhigyada ay Ciidammada Jabuuti ku leeyihiin deegaannada gobolka Hiiraan.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment