Wednesday, August 26, 2015

Taliska Ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya oo ka jawaabay war sheegaya inaanay Ciidanka Itoobiya ka amar-qaadan AMISOM

Baladweyne, 26 August, 2015 (Himilo)- Taliska Ciidammada dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya ku sugan, ayaa beeniyey hadal uu dhawaan Warbaahinta ka sheegay Taliyaha AMISOM ee gobollada dhexe ee Soomaaliya Col. Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbiil, kaasoo uu tilmaamay in Ciidammada Itoobiya ee ka howlgala gobolka Hiiraan qaarkood aanay ka mid ahayn Hawlgalka AMISOM, balse ay dano gaar ah ka leeyihiin Soomaaliya.

Taliyaha_Ciidanka_Jabuuti_Somalia_HOLTaliye Dhimbiil oo Toddobaadkii hore kula hadlayay Warbaahinta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in Ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan qaarkood aanay ka mid ahayn kuwa AMISOM, amarkana ay ka qaataan magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.

Hase-yeeshee, Taliyaha Ciidanka Millateriga Jabuuti ee gobolka Hiiraan oo qayb ka ah kuwa Midawga Afrika (AMISOM), ayaa warkaas beeniyey. “Warkaas waa been, mana aha mid ka Tarjumaya Siyaasadda Xukuumadda Jabuuti ee ku aaddan Xidhiidhka dhaqan iyo deris-wanaag ee ka dhexeeya dalka Itoobiya.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Millateriga Jabuuti ee gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ka hawlgala Jen. Sakariye Sheekh Ibraahim oo sidaas ku sheegay War-Saxaafadeed uu kaga hadlay eedeyntaas.

Sidoo kale, Jen. Sakariye Sheekh wuxuu xusay in eedeyntaasi aanay ahayn mid si toos ah uga timid Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti iyo Taliyeyaasha Ciidammada dalkooda, waxaanu yidhi;  “Ciidammada Jabuuti waxay sii wadi doonaan hawshooda ku aaddan horumarrada Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan. Ciidammadayada iyo Kuwa Itoobiyana si wanaagsan ayay u wada shaqeeyaan, waxaanay la wadagaayaan dadka Soomaaliya dhibaatada iyo farxadda.”

Jen. Sakariye Sheekh, ayaa sheegay in ujeeddada keliya ee Ciidammada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ay tahay sidii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa nabad iyo xasillooni waarta, waxaanu yidhi; “Itoobiya iyo Jabuuti midna dano qarsoon kama laha Soomaaliya. Laakiin-se, hawsha ay ka wadaan Soomaaliyana waa sidii uu dalkaasi uga bixi lahaa colaadda iyo xasillooni-darrada muddada dheer socday.”

“Eedeymahan ceebta ahi waa kuwo looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo is-aaminaadda u dhexeysa Ciidammada labada waddan iyo in lagu kala daadiyo geeddi-socodka Nabadda Soomaaliya, gaar ahaan qaybta Afaraad ee AMISOM, Xilli la isku diyaarinayo dhismaha Maamul-goboleed loo sameeynayo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.”

Ciidammada ka socda Jabuuti, ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii qayb ka ahaa Hawl-galka Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo 1,900 oo Askari kaga Sugan yihiin gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya, marar badanna halkaas dagaallo ku dhex-mareen Malleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo kooxdaasi dhawr jeer weerarro ismiidaamin ah ku bartilmaameedsatay saldhigyada ay Ciidammada Jabuuti ku leeyihiin deegaannada gobolka Hiiraan.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment