Saturday, August 1, 2015

“Waxaanu leenahay Xukuumada intaad ku kharash garanaysaan lacag Xisbiyada UCID Iyo WADDANI umadiina bakhtiyeysa ku kharash gareeya”Xoghaye Maxamed Uurcade.

Hargeysa August 1, 2015(Himilo)-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay xaalada abaareed ee lasoo daristay qaar kamida gobolada Somaliland.
Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Uurcade ayaa ku dhawaaqay in ay jirto xaalad abaareed oo saamaysay dad iyo duunyo,isla markaana waxaa uu carabka ku dhuftay in xukuumadu indhaha ka xidhanayso xaalada abaareed ee dalka ka jirta.
Maxamed Uurcade oo maanta saxaafada kula hadlay Hargeysa ayaa ka sheegay “Maanta waxaanu ka hadlaynaa xaalada abaareed ee dalka ka jirta, ee dawladuna indhaha ka qarsanayso, mudo dheerna aanu arkaynay inaanay dawladu usoo jeedin, Baryahan waxaa jiray abaaro ka jiray gobolada galbeedka oo dhan, oo dad iyo duunyaba wax gaadhsiiyay inay dadkaasi ku jiraan, maanan arag wax taakulo ah oo ay dawladu fidisay haday biyo tahay, haday cunto tahay iyo haday kaalmo kale tahayba”Ayuu Yidhi Maxamed Uurcade.

Xoghaye Uurcade waxaa uu baaq u diray beesha caalamka iyo ganacsatada si loo caawiyo bulshada abaartu ku dhacday “Waxaanu baaq u diraynaa beesha caalamka, ganacsatada reer Somaliland iyo xukuumada maanta jirta haday leedahay dhago wax maqla ama dareen waddaninimo oo ay dadkooda wax ugu qabanayaan waxaanu ugu baaqaynaa,in gurmad degdega lala gaadho dadkaasi ay haysato biyo la’aanta iyo wax ay cunaan oo ay laayihiin”Ayuu yidhi Maxamed Uurcade.
Maxamed Uurcade waxaa uu xukuumada ku eedeeyay in ay ku mashquushey xisbiyada mucaaridka “Xukuumada waad arkaysaan siduu xisbigeedu yahay,Waxaanu leenahay intaad ku kharashgaranaysaan lacag Xisbiyada UCID Iyo WADDANI umadiina bakhtiyeysa ku kharash gareeya.”Ayuu Yidhi Uurcade.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment