Tuesday, September 8, 2015
Hissène Habré oo noqday Madaxweynihii u horreeyey ee Afrika lagu Maxkamadaynayo iyo Is-Makeekigiisa
Dakar, 08 September, 2015-(Himilo):- Waxa shalay dib uga furmay Maxkamad ku taalla Caasimada Dakar ee dalka Senegal, dhegaysiga dacwad loo haysto Madaxweynihii hore ee waddanka Chad Hissène Habré, kaasoo ku eedaysan ama loo haysto inuu gelay dembiyo isugu jira kuwo dagaal, kuwa ka dhan ah Aadamannimada iyo weliba Jidh-dil.
Dhegeysiga Dacwadan taariikhiga ah ee ay qaadayso Maxkamadda aan caadiga aheyn ee Afrika, ayaa soo bilaabantay 20-ka bishii July ee sannadkan. Maalintii koowaad ee dacwadda ayaa Mr Habré, waxa Maxkamadda looga saaray qeylo darteed, maalintii labaadna Qareennada metelayey, ayaa diiday inay ka soo xaadiraan Maxkamadda.
Haddaba, Maxkamadda ayaa ugu dambeyntii hakisay dhegeysiga Dacwadda, waxaanay magacowday saddex Qareen oo cusub oo meteli doona Madaxweynihii hore ee waddanka Chad Hissène Habré, kuwaasoo la siiyay 45 maalmood si ay u darsaan kiiska loo haysto Mr. Habre’e.
45 cisho ka dib, ayaa saddexdan Qareen ee cusub ee ay Maxkamaddu magacowday, waxa ay waqti u heleen in ay darsaan kiiskaas, hase-yeeshee Ninka ay metelayaan ayaan isagu weli aqoonsanayn Qareennada Maxkamaddu u magacawday inay metelaan, waxaanu diiday in uu la hadlo Qareennadaas.
Arrintu haatan waxa ay u taallaa in uu wax ka yidhaahdo Madaxa Maxkamaddu Gberdao Gustave Kam, oo ah Xaakim u dhashay dalka Burkina Faso, kaasoo go’aansan doona in Dacwadda ay sii socon doonto iyadoo Hissene Habre aanu wax Qareen ah haysan iyo in kale.
Tan iyo bilawgii Dacwadda Madaxweynihii hore ee dalka Chad Mr. Hissène Habré, oo haatan 72 jir ah, ayaa waxa uu diiddanaa sharciyadda Maxkamaddan Afrika, taasoo ah mid gaar ah oo uu Midowga Afrika sameeyay sannadkii 2013-kii si loogu Maxkamadeeyo dalka Senegal. Madaxweynihii hore ee dalka Chad, ayaa marwalba diiddanaa inuu ka jawaabo su’aalaha Xaakimka.
Reed Brody oo ka tirsan Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch, ayaa rumeysan in diidmada Habré ee ku aaddan la shaqeynta Maxkamadda uu ku doonayo in uu kaga faa’iidaysto dhaqaalaha yar ee loogu talagalay Maxkamadda, kaasoo dhan 9.5 Milyan oo Lacagta Doollarka Maraykanka ah.
“Dib-u-dhigga dhageysiga Dacwadda muddo 45 cisho ah xilli markii horeba loogu talagalay in Dacwaddu ay ku soo gebagaboowdo 90 cisho, ayaa waxa uu kala badh kor u qaadayaa Miisaaniyaddii loogu talagalay.” Sidaa waxa sheegay ama yidhi Reed Brody.
Ka dib 25 sano oo ay dadka dhibannayaasha ah ee Reer Chaad ee u ololeynayaan in Mr Habre caddaaladda la horkeeno oo ay xasuuq iyo tacaddiyo kala duwan ka tirsanayaan, ayaa intooda badan waxa ay rejaynayaan in Maxkamaddan gaarka ahi ay soo afjari doonto tobannaan sano oo uu haystay Xasaanadda Madaxtinnimo.
Waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Afrikaan ah lagu Maxkamadeynayo dal Afrikaan ah, isagoo loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin Jidh-dil, kuwo dagaal iyo kuwo ka dhan ah Bina-aadaminnimada. Iyadoo Guddi Xaqiiqo-raadin ah oo Chad laga sameeyay, ay heleen caddeyn muujinaysa ku dhawaad 4,000 oo kiisas dil ah, iyagoo qiyaasay in tiradaasi ay 10 jibbaar kor u kici karto.
Dacwad-oogaha, ayaa isku dayi doona in uu ku qanciyo Maxkamaddan gaarka ah in Mr Hissène Habré uu sakhsi ahaan ku amray dilka iyo waxyeellaynta kumannaan qof oo Siyaasad ahaan iyo Qowmiyad ahaan-ba ka soo horjeeday Maamulkiisa markii uu Madaweynaha ka ahaa waddanka Chad.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment