Tuesday, September 8, 2015
Somaliland Maxay ka tidhi Heshiiska Sahaminta Badda ee ay Soomaaliya la gashay Shirkadda Spectrum ASA?
Hargeysa, 08 September, 2015-(Himilo)- Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, ayaa ka hadashay Heshiis ay dawladda Federaalka Soomaaliya la gashay Sabtidii toddobaadkan Shirkadda Spectrume ASA oo la xidhiidha Sahamin iyo baadhis Shidaal oo Badda ah, kaasoo ay sheegtay inaanu Somaliland wax saamayn ah ku yeelan doonin, isla markaana dhul-badeedka iyo dhul-berriga Somaliland sahamintaasi soo gaadhaynin.
Afhayeenka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Maxamuud Askar, ayaa War-Saxaafadeed Qoraal ah oo uu xalay soo saaray, ku sheegay inaanu saamayn ku yeelan doonin baadhitaanka Shidaal ee ay Wasaaradda Badroolka iyo Macdanta Soomaaliya la gashay Shirkadda ASA. Qoraalka War-Saxaafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan:-
“Wararka sheegaya in heshiiska ay Soomaaliya la gashay Shirkadda SPECTRUM ASA uu yahay mid Somaliland soo galinaya Sahamintaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn. Meelna kagama jirto heshiiskaas in Sahamin Shidaal laga sameeyo meelo ka mid ah Xuduudda Dhuleed iyo ta Badeed ee Somaliland.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku timid Codka Shacabkeeda oo 97% ugu codeeyay Dastuurka Somaliland iyo Madax-bannaanida dalkeeda. Xukuumadda Somaliland iyada ayaa ku filan, awood aan la tarraxinna u leh, bixinta Liisammada la xidhiidha Shidaalka iyo Macaadiinta Bad iyo Berri-ba inta Xuduudaheedu ku siman yihiin.
Heshiisyada ay dawladda Muqdisho la gasho Shirkadaha Ajaanibka ahi ma aha wax u yaalla Jamhuuriyadda Somaliland, mana jirto cid awood u leh inay liisan la’aan ku soo gasho Xuduudda Dhuleed iyo ta Badeed ee Somaliland. Waxa-se wax lala yaabo ah in qaar ka mid ah Saxaafadda Maxalliga ahi marka ay arkaan War khuseeya Soomaaliya ay iska jeclaystaan inay ku ladhaan meesha ugu dhaw ee ay isku shaqo noqonayaan ama Wasaaradda ay isku magaca yihiin.
Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Somaliland waxay si feejignaan leh uga war-haysaa xuduudda Dhuleed iyo ta Badeed ee dalkeeda, taasoo ilaalinteedu tahay waajib Qaran oo aan marnaba laga leexan karin. Allaa mahad leh.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment