Hargeysa, September 7, 2015-(Himilo)- Dufcaddii toddobaad ee ka qalin-jebisa Jaamacadda ADMAS qaybteeda Hargeysa, ayaa shalay Shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey Munaasibad loogu qabtay Hargeysa, waxaana Xafladdaas ka qaybgalay Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday dawladaha Itoobiya iyo Somaliland.
[gallery columns="4" ids="23570,23568,23565,23564"]
Ardaydan tiradoodu dhan tahay 414 Arday, ayaa ka qalinjabiyey ama bartay culuumta toddoba Kulliyadood oo ay Jaamacadda Admas bixiso, kuwaasoo ay ka mid yihiin Accounting-ka, ICT, Management, Development Studies, Economics, Achitecher-ka, Product Planning, Banking and Finance iyo Kulliyado kale oo isugu jira Shahaadada Koowaad iyo Labaad (degree and postgraduate).
Munaasibadda Ardaydan loo sameeyey oo si heersare ah loo soo agaasimay oo ay aad ula dhaceen marti-sharaftii iyo Masuuliyiintii ka soo qaygalay, ayaa lagu qabtay Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Xubno Wasiirro ah, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Guddoomiye Ku-xigeenka Xisiga Kulmiye, Faadumo Siciid oo ka tirsan xisbiga WADDANI, Maayerka Caasimadda Hargeysa, Taliyaha Booliska Somaliland, Wakiilka dawladda Ethiopia u fadhiya Somaliland, Masuuliyiinta Jaamacadda Admas ee Hargeysa iyo Addis Ababa.
Waxa Munaasibaddaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Admas qaybteeda Hargeysa Ixsaan Cumar Ismaaciil oo sheegay in ay Jaamacada ka qalin-jabinayaan dufcaddii toddobaad oo tiradoodu ay dhan tahay 414 Arday, waxaanu yidhi; “Waxa maanta (shalay) farxad weyn ii ah in aan ku dhawaaqo in Arday tiradoodu dhan tahay 414 Arday ay ka qalinjabinayaan dufcaddii 7-aad ee Jaamacadda Admas, waxaanay Ardaydaasi ka qalin-jebinayaan qaybaha kala duwan ee ay ka midka yihiin Accounting-ka, ICT-ga, Management, Development Studies, Economics, Achitecher, Product Planning, Banking and Finance. Waxaan halkan aad ugu hambalyeynayaa dhamaan ardaydan dedaalka ay joogteeyeen, gaar ahaana kuwa hadda dhamaystay shahaadada labaad (second degree.”
Guddoomiyaha Jaamacadda Admas, ayaa sidoo kale waxa uu ammaan u soo jeediyey Macallimiinta iyo Proffesorada Jaamacaddaasi wax ka dhiga oo iyagu dedaal badan muujiyey sidii ay u soo saari lahaayeen Arday aqoon iyo karti leh.
Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha guud ee Jaamacadda Admas qayteeda Addis Ababa Dr. Mulla Zagaie, kaasoo u hambalyeeyey Ardaydii ka qalinjabisay Jaamacadda Admas ee Hargeysa, waxaanu sheegay in ardaydan qalin-jabinaysaa ay yihiin kuwo nasiib leh sababtoo ah buu yidhi waxaa dufcadii labaad ee la kulanka ama la kawsata in dawladda Ethiopia ay Jaamacada Admas ee Hargeysa u aqoonsatay jaamacad buuxda (full university), sidaa darteeda aad noqotaan wax soo saarkii jaamacada Admas.
Intaa ka dib waxa khudbadihii lagu wareejiyey Masuuliyiinta Qaranka Somaliland oo uu horkacayey Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu yidhi; “Bishan sagaalaad waxa ay innoo tahay bil farxadeed, waa bil ubaxeennii uu qalin-jebinayo oo uu ka qalin-jebinayo dhammaan Jaamacadaha Somaliland, waxaanan odhan karaa bisha September waxay innoo tahay bishii farxadda iyo ubaxa soo koraya ee ku soo biiraya jiilka aqoonyahanka Somaliland ayaynu ugu magac-dari karnaa.”
“Marka labaad waxaan u mahadcelinayaa jaamacada Admas madaxdeeda ee hawsha baaxadda intaa leeg soo gelisay sidii ay Ardaydan halkaasi u soo gaadhsiin lahaayeen, waxa kale oo aan hambalyeynayaa waalidiinta ku soo tabacday Ardayda halkan loogu dabbaal-degayo, nin waliba maalin buu leeyahay waa maalintoodii Wiil iyo Gabadh-ba waxa aan leeyahay hambalyo waa maalintiiniiye. Waxa innoo farxad ah in innaga iyo dawladda aynu Jaarka nahay ee Ethiopia aynu iska kaashanno dhinacyada horumarka ee xagga Amniga, dhaqaalaha iyo waxbarashada ay innoo tahay wax maanta dhammaanteen farxad ah, dawladda Ethiopia waxaanu Somaliland ahaan ugu hambalyeynaynaa in ay noo soo guuriso horumarka waxbarashadu ka kow tahay, waxbarashadu waa waxyaaaha bulshada beddela, meel wax lagu bartay waxa ku yaraanaya qalalaasaha, inanku marka uu wax barto waxa uu yeelanayaa maskax furan oo ballaadhan, nin aqoonyahan ah ayuu noqonayaa, waxa ku yaraanaya in bulshada uu ku dhex noolyahay uu dhibaato u geysto.” Sidaa ayuu yidhi Md. Saylici.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna Xafladdaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaan aad ugu mahad-naqayaa Jaamacaddan Admas dadkii Abaabulay ee hadda wada, waxaan halkan ka hambalyeynayaa Ardayda 414-ka ah ee Illaahay subxaanahuu watacaalaa ku guulaysiiyey inay qaataan shahaadadii Jaamacadda, waxa kale oo aan hambalyeynayaa Waalidiinta siiba Hooyooyinka Somaliland oo maanta doorkii Aabbaha iyo kii Hooyadaba qaatay, waxaannu leenahay hambalyo.”
Waxa kale oo iyaguna halkaasi hadalo qiiro leh oo hambalyo, guubaabo iyo dhiirigalin isugu jiray Ardayda u jeediyey Faadumo Siciid oo ka socotay xisbiga Waddani iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.
Sidoo kale, Wakiilka dawladda Ethiopia u fadhiya magaalada Hargeysa ee Caasimadda SomalilandGeneral Berha Tesfaye, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu ku dheeraaday xidhiidhka saaxiibtinnimo ee Somaliland iyo Ethiopia ay wadaagaan, isla markaana waxa uu sheegay inay labada dal iska kaashadaan dhinacyada Ammaanka, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimo kale oo tiro badan, siina wadi doonaan, waxaanu hambalyeeyey Jaamacadda ADMAS iyo Ardayda ka qalin-jebiyey shalay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment