Monday, August 1, 2016

Xisbiga WADDANI oo mudeeyay Shirka Golaha dhexe ee lagu Dooranayo Musharaxa madaxwayne iyo ku xigeenkiisa

 

Hargeysa 1, August, 2016 – (Himilo)- Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay  wakhtiga uu qabsoomi doono shirka golaha dhexe ee lagu Dooran doono Musharaxa madaxwayne iyo ku xigeen ee uga qayb galaya doorashada  madaxtooyada 2017.

War qoraal ah oo lagu baahiyey degelka uu Xisbiga Waddani ku leeyahay Facebooga  waxaa lagu sheegay in shirka golaha dhexe ee xisbigaasi la qaban doono 1 bisha 10 ee 2016ka oo uu ka dhacayo magaalada Hargeysa.

Waxaa kale oo lagu sheegay qoraalkaasi in shirkaasi lagu dooran doono musharaxa madaxwayne iyo ku xigeen ee uu yeelan doono xisbiga Waddani maadaama la galayo tartan doorashada madaxtooyada Somaliland.

Jagada musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Waddani waxaa u tartami doona guddoomiyaha golaha wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbigaas Mudanew Cabdiraxmaan Cirro iyo musharaxa kale oo shaaciyay hankiisa musharaxnimo, halka kursiga musharaxa madaxwayne ay  ku tartamayaan siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Awdal kuwaasi oo uu ugu horeeyay Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed iyo siyaasiyiin kale.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa waxaa ay sheegayaan in Musharaxa madaxwayne uu noqonayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro maadaama uu xisbigaasi inta badan soo hogaaminayay ilaa imika aanu jirin musharax taageero wanaagsan soo bandhigay, waxaa kale oo loolan adagi dhex mari doonaa siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Awdal ee ku tartamaya musharaxa madaxwayne ku xigeenka.

 

HIMILOMEDIA.COM

HARGEYSA OFFICE

Heshiiska DP World ee Dekeda Berbera: Fursadii iyo Maalgashigii Ugu Waynaa ee Somaliland Heshay

Waxa aynu markasta nidhaahnaa waddanka waa in loo raadiyo cid maalgashata; si aynu fursad ugu helno in dhaqaalaha la kobciyo, dadkeena shaqo loo abuuro, la dhiso waddanka oo la sameeyo illo dhaqaale oo waawayn oo waddankeena iyo qaranimadeena xoojiya. Ujeedada ugu wayn ee Somaliland leedahay heshiiska DP World, waxa weeye inaynu dekeda Berbera u helo maalgashi lagu dhiso oo lagu qalabeeyo, si Ethiopia u soo mariso alaabta ay la soo degayso Berbera 30%, taasuna u noqoto mid kor u qaadayso dhaqaalaheena, dadkeena shaqo loogu sameeyo, inaynu ku xidhanaano UAE oo u noqono saaxiib wanaagsan suurto galna u noqoto in passportkeena loogu dhoofo UAE, xoolaheena nool si sharci ah loogu dhoofiyo Dubai, inay qaranimadiisu xoogaysato. Taas weeye ujeedada heshiiska DP World.

Somalidu waxay tidhaahdaa qofka aad kabaha aad ka tolanayso kabihiisaa la eegaa. Waxa is waydiin leh ma dameerteenii baa nin geele inoo dhex gelaysa heshiiskan; mise dayday xayraan ah baynu wax ku darsanaynaa oo inaga uun dheef inaga deyaya?

Tobanka dekadood ee adduunka ugu waawayn ee lagu rogo containers waawayn afar ka mida waxa maamulkeeda loo dhiibay DP World. Tobanku waxay ku kala yaaliin;

[1] Shanghai, China, 33M containers, [2] Singapore, Singapore, 32M, [3] Shenzhen, China, 23M, [4] Hong Kong, Hong Kong, 22M, [5] Busan, South Korea, 17.6M, [6] Ningbo-Zhoushan, China, 17.3M, [7] Qingdao, China, 15.5M, [8] Guangzhou, China, 15.3M, [9] Jebel Ali, UAE, 13.6M, [10] Tianjin, China, 13M

Shirkada DP World waxay maamushaa afar ka mida tobanka dekedood ee adduunta ugu waawayn, afartaas oo kala ah (ta 4raad Hong Kong, ta 7aad Qingdoa, ta 9aad Jebel Ali iyo ta 10aad Tianjin. Saddex waa Chinese midina waa Dubai). Shirkada DP World waxan heshiis kula jirtaa 40 waddan oo waxa u shaqeeya shaqaale ka badan 37 kun oo qof oo kala jooga 110 waddan.

Wadamada kale ee ay Dubai World u maamusho dekado waawayn oo Terminalka la soo mariyo waxay weeye (China, India, Indonesia, Pakistan, Phillipene, South Korea, Viatnam, Thailand, Australia, Argentine, Brazil, Dominican Republic, Suriname, Algeria, Belgium, Djibouti, Egypt, France, Germany, Mozambique, Netherlands, Romania, Saudi Arabia, Senegal, Spain, Turkey, UAE, iyo United Kingdom). Intaasuba waa waddamo la aqoonsan yahay oo ka mida kuwa caalamku ugu dhaqaalaha badan ama ugu waawayn. Waxan shicibka Somaliland tusaalaynayaa in shirkada Dubai Ports tahay shirkad caalamka laga yaqaan oo lagu aaminay inay maamusho dekedaha addunka ugu wayn oo ku yaala wadamada caalamku ugu waa wayn. Taas macnaheedu waxa weeye; dawlada Somaliland waxay heshiis la gelaysaa shirkad caalamka oo dhan xidhiidh ku leh oo caalamka ku leh saaxiibo fara badan oo wax inoo tari kara. Shirkadanu haddii illaahay ka dhigo marka ay ina maal gashato Somaliland, waxay inoo noqonaysa saaxiib wanaagsan, oo wanaageena iyo danteena lexejeclo ka hayso si ay u illaashato maalgashigeeda. Marka nin saaxiibo badan leh, oo caalamka laga yaqaana, oo adduun iyo maalgashi farabadan haystaa kula saaxiibo, marka heshiiska laga tago, saaxibtinamadiisa ayaad ku faaiidaysaa oo wax tar wayn kuu leh.

Heshiiskan waxa la hor keeni doono Barlamaanka Somaliland;  oo ay dawladu waydiin doonto inay ansixiyaan heshiiska aynu la gelayno DP World. Waa heshiis qaranka iyo ummada Somaliland wax tar wayn u leh oo dhaxaltooyo u noqonaya mustaqbalka qarankeena, oo qayb libaax kaga jira dhismaha qarankan, kobcinta dhaqaalaha, shaqo samaynta, iyo raadinta ictiraafka aynu caalamka ka doonaynoba.

1 – Qaybta kowaad waa heshiiska ku kooban labada dawladood ee Imaaraadka\Dubai metelayso iyo Somaliland. Waxa ugu horeeya in labada waddan imaaraadka\Dubai iyo Somaliland wada samaystaan xidhiidh dhaqaale iyo baayacmushtarka ah oo labadooda ka dhexeeya. Inay ka wada shaqeeyaan dhinaca shaqo u samaynta sidii dadka reer Somaliland ay uga shaqayn kari lahaayeen Dubai; sidii Dubai ay uga dhisan lahayd hotelo 4 star ah Hargeysa iyo Berbera, sidii loo dhisi laha haamo shidaal oo cusub, sidii loo dhisi lahaa dariiqa isku xidha Berbera iyo xaduudka Ethiopia. Inay laba waddan samaystaan xidhiidh joogto ah, iyo gudi joogta ah oo uga wakiil noqda kobcinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dawladood. In xidhiidhka ka dhexeeya shirkadaha baayacmushtarka ee Dubai iyo Somaliland lagu soo xidho heshiiskan oo ay aad u kordhiyaan xidhiidhkooda, oo la sameeyo waftiyo joogta ah oo baayacmushtariga metelaya oo labada dawladood qabanqaabiyaan. In wixii is qabsi ah ee yimaada loo xalilo si dimplomaasi ah. In heshiiskan labada dawladoodba ka bixi karaan haddii ay u arkaan inaanu waxtar u lahayn; laakiin looga baahan yahay haddii midi heshiiska ka baxayso inay dawlada kale siiyaan ogaysiin buuxa muddo lixdan casho ka hor ah inta aanay heshiiskan ka bixin.

Shicibka Somaliland waxan u sheegayaa heshiiskanu wuxu muujinayaa in Somaliland ay heshiis culus la gashay dawlad ka mida caalamka (UAE), inay Somaliland tahay qaran jira oo caalamka la gala heshiisyo culculus, oo heshiiskanu wuxu xoogaynayaa qaranimada Somaliland. Haddii Dubai ay inala gashay heshiis dawladaha kalena way ku soo dhiiranayaan inay heshiis inala galaan.  UAE iyaga oo dantooda eegaya ayay heshiiskan inala galeen, cidkastaana dantooda marka ay inaga dhex arkaan waxay inala gelayaan heshiiskan oo kale. Inagana heshiiskanu kor ayuu u qaadayaa qaranimadeenii oo waxa aynu yeelanay oo inoo soo kordhay saaxiib culus. Markii hore Ethiopia ayaa inoo ahayd saaxiibkeena ugu culus, imika xaga Carabtiina waxa inooga soo kordhay saaxiib culus oo labaad, taas oo heshiiskanu inoo suurto gelinayo. Dawlada Dubai markasta waxay illaashanaysaa dhaqaalaha kaga jira Somaliland oo nabadgelyadeena, horumarkeena iyo wanaageena ayay jeclaanaysaa markasta. Sidaa daraadeed heshiiskanu waa mid marka laga tago dhinaca dhaqaalaha, kor u qaadaya qaranimadii iyo himiladii shicibka Somaliland ay raadinayeen. Inaga shicib iyo dawladba waxa inoo taala inaynu garano meesha inagana wax inooga kordhayaan cid kalena dantooda ka dhex arkayso, taasaa inoo hawl yaraynaysa in caalamka ay la yeelano xidhiidhka iyo aqoonsiga aynu doonayno. Qof kasta iyo waddan kasta dantooda marka ay kaa dhex arkaan way ku soo raacayaan. Sidaas ayaynu qaranimadeena ku xoojinaynaa, maantana heshiiskanu wuxu inoo sameeyay saaxiib cusub oo illaalinaaya xoolahiisa iyo asxaabtiisa oo aan wanaag mooyee ogolaan doonin in reer Somaliland dhibaato gaadho xagay doontaba ha ka timaadee. Sida maanta Ethiopia saaxiib inoogu aragto ayay berito Dubai inooga dhigaysaa saaxiibkooda gaarka ah ee maalkoodii ay ku aamineen.

2 – Qayba labaad –Waxa la samaynayaa shirkad cusub oo maamusha Dekeda Berbera, shirkadaas oo dawlada Somaliland iyo dawlada Dubai wada yeelanayaan. Shirkada lacagta lagu maal gelinayo waxa loo kala bixinayaa Dubai 65% ayay bixinaysaa Somaliland-na 35% ayay bixinaysaa. Shirkadan ayaa lagu wareejinayaa maamulka dekeda Berbera. Hadhow marka shirkadu maamusho dekeda Berbera wixii ka soo baxa inta aan kharashka ku baxa dekeda laga jarin, marka hore Somaliland waxa la siinayaa 5 million sannad kasta, marka labaad Somaliland waxa la siinayaa boqolkiiba toban 10%, ka dib waxa laga jarayaa kharashka ku baxa dekeda, marka saddexaad inta soo hadha ayay Dubai qaadanaysaa 65% ka dibna Somaliland qaadanaysaa 35%-ka kale. Somaliland waxay markasta helaysaa 45% iyo waliba shan million oo dheeraad u ah sannadka. Intanu waa sida loo qayb sannayo wixii ka soo baxa.

Intaa waxaa dheer maalgashiga dawlada Dubai ay maalgashanayso dekeda Berbera. Marka hore maalinta la saxeexo heshiiska Dubai waxay Somaliland siinaysaa shan iyo toban milyan oo xaqul qalin ah, waxay keenaysaa qalab cusub dekeda imika jirta lagu qalabeeyo oo heshiiska ku qeexan oo qiimihiisu yahay laba iyo lixdan milyan ($62 million dollars). Waxa intaa dheer oo muhiimada ugu culus Somaliland u leh in sannadka ugu horeeya DP World bilaabayso dhismaha deked cusub oo labaad oo laga soo dejiyo Konteenarka dekedaas oo dhererkeedu yahay 400 meter iyo qalabkeedii oo ay ku baxayso lacag dhan boqol iyo todobaatan $170 million oo dollar. Marka dekeda cusubi shaqayso ee la gaadho in awoodeedii la wada isticmaalay, waxay DP World dhisaysaa deked saddexaad oo dhererkeedu yahay 400 meter oo kale iyo qalabkeedii, dekedaas oo lagu qiyaasay inay ku baxayso ugu yaraan laba boqol iyo toban kun $210 million oo dollar. Heshiiskanu waa heshiis soconaya soddon sanadood. Waa heshiis DP World aanay gaadhi Karin dhamaan go’aanada waawayn oo dhan keligeed iyada oo aan la tashanin Somaliland. Waa heshiis aan ogolayn inay DP World maamulkeedu aanay shir fadhiisan Karin haddii aan qof metelaya Somaliland aanu shirka fadhiyin oo goobjoog ka ahayn.

Waxa is xasuusin mudan heshiiskanu waa heshiis aad loogu rajo wayn yahay in dawlada Ethiopia ay ka soo dejisan doonto alaabta ay dibada kala soo degayaan ugu yaraan boqolkiisa soddon 30%, halka imika ay ka soo dejisato Berbera boqolkiiba laba 2%. Waa heshiis labada dhinacba DP World iyo Somaliland-ba ay aad ugu hanwayn yihiin inay sidan ugu badinayso oo dhaqaale badani ka soo gelayo marka Ethiopia gaadhsiiso waxay la soo degayso boqolkiiba soddon 30%, DP World waxay doonaysaa inay hadhowto gaadhsiiso in Ethiopia ay dhaafto oo Afrikada kale gaadhsiiso alaabta ka soo degaysa Berbera. Maanta Somaliland sidii aan horeba ugu soo sheegay markaan ka hadlayay inta meelood ee Dubai Ports ay shaqo ka hayso, maanta Somaliland awood uma laha inaynu lacagta iyo maalkaa intaa tiro le’eg ($500 million oo dollar) aynu gelino dekeda Berbera, Ethiopia inagu aamini kari mayso inay qaadato fursad ay alaabta dibada uga imanaysa 30% ay Berbera ku soo mariso illaa marka hore maalgashiga intaa le’eg lagu sameeyo dekeda Berbera oo awooda iyo tayada dekeda kor loo soo qaado. DP World waxay inoo suurto gelinaysaa intii aynu doonaynay dhinaca dhaqaalaha kobcintiisa, waxay maal gelinaysaa dekeda Berbera, waxay inagala shaqaynaysaa sidii maalgashi loogu samayn lahaa wadada Berbera iyo xadka Ethiopia u dhaxaysa oo ay balanqaadeen inay iyaguna ka qayb qaadanayaan, waxay inoo suurto gelinaysaa inay shirkadaha waawayn ee caalamka ee ay xidhiidhka la leedahay ay ku tidhaahdo kaalaya oo Berbera ku nasta, oo alaabtiina ku roga, si Markab kale Berbera uga qaado oo u geeyo meesha ay alaabtiinu ku socotay si ay Berbera u noqoto istaan Markab oo Maraakiibtu waxna ku rogaysay waxna ka qaadaysay, alaabtaas oo qaar ka mida u socoto meelo kale oo aan Berbera iyo Ethiopia midna shuqul ku lahayn. In dekeda Berbera laga dhigo meel maraakiibta lagu sameeyo haddii sida aynu ku rajo waynahay ay u dhacdo oo Ethiopia maalkeedu si fiican u maro Berbera oo xidhiidhkeenu u wanaagsanaado si ka wayn ka ay Ethiopia la leedahay Djibouti, waxay inoo suurto gelinaysaa inay Ethiopia ina aaminto oo halka maanta heshiiskeenu yahay boqolkiiba soddon ay ka sii kordhiyaa oo ka dhigaan boqolkiiba konton 50%. Taasu Berbera iyo Djibouti way isa soo gaadhsiinaysaa oo way ina simaysaa.

Dekedaha cusub ee la dhisayo sida heshiiska ku qoran waa dekedo casri ah oo lagu soo rogayo konteenarada labaatanka feetka ah, ma aha wax xamaalka dekeda Berbera tuurta ku qaadi karo, dekadan imika jirta sideeda ayaa loo daynayaa waxa lagu soo kordhinayaa qalab cusub oo casri ah. Laakiin dekeda la isku halaynayo inay alaabta badan ee konteerada ku jirtaa timaado waa dekeda cusub. Heshiiska waxa ku jira in sharkada cusubi ay dhamaan shaqaalaha dekeda Berbera ka masuul noqoto shaqadoodana ay haystaan. Hadhow marka dhowr sanno ka soo wareegaan shaqaaluhu intii hore aad buu uga badanayaa oo qalabkan cusub ee la keenayo iyo dekedahan cusub ee la dhisayo waxay u baahanayaan dad ka shaqeeya, xataa haddii qaar dibada laga keeno, markasta intooda badani waxay ka imanayaan Somaliland oo dhan. Waxay gaar ahaan ka imanayaan Saaxil iyo gobolada kaleba.

Hadhow wixii la dhiso ee dekeda lagu kordhiyaa waa wax inoo yaala oo waddankeena laga dhisay cidina tuurta ku qaadan mayso marka deked cusub la dhiso ee ha ka degdegina inta la inoo dhisayo, maanta misaajidka keliya ee Berbera lagu tukado waxa dhisay Turkey-gii joogi jiray (malaa imikaa masjid cusub la furay dhowaan). Airportka Berbera waxa dhisay Ruush, waakaa wali maanta kuu taagan. Markaa dekeda cusub ee laguu dhisayo adigaa iska leh Dubai qaadan mayso, qalabka la keeno adigaa iska leh Dubai qaadan mayso. Shaqaaleheedu waa adiga, maanta ayaynu gaadhaynaa himiladeenii ahayn inay Ethiopia wixii ay la soo degayso 30% soo marsato Berbera. Intii hore waxay ahayd riyodeena, maanta laakiin marka DP World ay maalgashigaa samayso, riyadeenii way rumoobaysaa. Marka la inoo dhiso wadada Berbera iyo Wajaale inagaa iska leh oo marayna, hadhow dadka alaabtan rarayaa baabuurtooda, dadka ka shaqaynaya, meesha ay wax ka cunayaan, meesha ay seexanayaan, Airportka ay ka soo degayaan waa Berbera, iyo meesha ay ku maydhanayaanba waa adiga magaalooyinkaagii oo kuu camirmaysa. Waxa maalin dhow la arkayaa iyada oo magaalada Berbera dhulkeedu ka qaalisan yahay dhulka Hargeysa.

Waxad arki doontaa iyada oo shirkadaha Somaliland heshiis la wada galeen shirkadaha Ethiopia si ay u maamulaan alaabta u soo maraysa dekeda Berbera, iyada oo dhaqaalaha dekeda Berbera ka soo baxaa shan jibaarmay oo oo gaadhay $500 million, oo miisanada dawlada gaadhay in ka badan billion dollar halka maanta miisaaniyada dawladu ka tahay laba boqol iyo konton million oo dollar. Waxa jira waddamo fara badan oo ama deked keliya sida Singapore iyo Hong Kong ama biriij keliya sida Panama ay is bedel wayn ku sameeyeen dhaqaalaha waddankooda. Maanta taas mid la mida ayaynu ka rajaynaynaa heshiiskan iyo dekeda Berbera. Caalamka magaalooyinka ugu waawayn waxa halkaas gaadhsiiyay waa dekadahooda inaguna horumarkaas ayaynu ka filaynaa dekeda Berbera.

3 - Qaybta saddexaad ee heshiisku wuxu qeexaya sida loo maamulayo dekeda, maamulka dekeda waxa leh guddi ka kooban toddoba qof oo shan kamida ay DP World magacaabayso lab ka midana Somaliland magacaabayso. Gudidan oo gaadhi karta dhamaan go’aamada waawayn ee shirkada, gudidan shir uma qabsoomayo oo ma fadhiisan karto haddii aanu la joogin qof ka mida gudida oo metalaya Somaliland. Markaa shirkadanu iskama gaadhi karto go’aano ka soo horjeeda Somaliland.Hadii isqabsi yimaado, marka waxa lagu xalinayaa shirkada gudaheeda iyo Berbera dhexdeeda, marka labaad waxa la isla tegayaa Dubai, marka saddexaad waxa lagu kala baxayaa maxkamadaha ku yaala waddanka ingiriiska oo gaadhaya xukunka kama dambaysta ah. Heshiiskana waynu ka bixi karaa haddii uu noqdo mid aan waxtar inoogu fadhiyin. Iyaguna way ka bixi karaan haddii ay dantooda ka dhex waayaan.

Heshiiskanu waa heshiiskii ugu waynaa ee qaranka Somaliland galaan, waa heshiis midhihiisa loo arkayo si dhakhso ah. Heshiiskanu wuxu noqonayaa mid dhamaan Somaliland oo dhami wada aragto, xildhibaanada barlamaanka Somaliland-na la horkeeno oo ay u codeeyaan oo la waydiiyo inay ansixiyaan. Markaa waxan leeyahay shicibka Somaliland ha ka hor degina, oo yaan qof aan xogtii runta ahayd haynin idin hor cararin oo been idiin sheegin. Maalinta heshiiska la hor keeno Barlamaanka Somaliland, maalintaas dhamaan shicibka Somaliland way wada arkayaan wixii heshiiska ku jira iyo wixii aan ku jirin, in heshiiska danteenu ku jirto iyo in aanay ku jirin. Markaa maanta warxumo tashiil been iyo belaayo la ordayaa yaanu danta qarankeena inaga burburinin. Haddii Barlamaanku diido inay heshiiska ansixiyaan heshiiskanu halkaa ayuu ku istaagayaa danta qarankeenuna halkaas ayay ku lumaysaa hadii taasu dhacdo. Laakiin waxan kalsooni buuxda ku qabaa inay xildhibaanada barlamaanka Somaliland ay garawsan doonaan sida heshiiskanu kor ugu qaadayo qaranimadeena, sida heshiiskanu u yahay mid danta qaranka dhinac dhaqaale, dhinac siyaasada dibada iyo dhinacii aqoonsigaba inaga caawinaya inuu yahay.

Heshiiska waxa geed dheer iyo mid gaaban labadaba u fuulay in heshiiskanu dhaco dawladaha Somaliland, dawlada Ethiopia iyo dawlada Dubai. Heshiiskan markii hore DP World waxay doonaysay inay la gasho waddanka Eriteria oo leh dekeda Masawac ee berigii hore ay Ethiopia isticmaali jirtay. Ethiopia waxay ka dagaalantay in DP World aanay heshiiskan la gelin Eriteria ee ay la gasho Somaliland. Taasaa qayb libaax ka qaadatay oo aad iyo aad u suurto gelisay inaynu heshiiskan la galo DP World, taasu waxay kale oo suurto gelisay inay DP World tix gelin dheeraad ah siiso Somaliland, dhinaca DP World iyagu laftoodu aad iyo aad ayay u dadaaleen inay helaan ogolaanshaha Somaliland inay heshiiskan la gasho. Inaga haddaynu nahay Somaliland, inay Ethiopia heshiiskan rabto wuxu inoo yahay guul, waayo waddanka aynu ka filayno in alaabtooda laga soo dejiyo dekeda Berbera waa Ethiopia. Heshiiskanu wuxu suurto gal ka dhigayaa inay hawl yaraato in Somaliland shirkadaheeduna wax u dhoofinan Ethiopia oo halkaas uu inooga soo baxo suuq wayn oo shaqooyin fara badan inoo sameeya.

Wadamada heshiiskan ka soo horjeeda waxa ugu horeeya Somalia oo aan marnaba doonaynin in wadan caalamka ka mid ahi inuu heshiis la galo Somaliland, waanay ka dagaalameen, si publicly ahna way uga hadleen oo waatii aad arkayseen ee ay lahaayeen maxkamada adduunka ayaanu DP World geynaynaa mar hadday Somaliland heshiis la galeen, waxay ka tahay xin iyo xaasidnimo ay Somaliland la hor joogaan. Waxay doonayaan in heshiiskan DP World la gasho Boosaaso, Kismaayo ama Muqdisho. Laakiin inaga inooma ogola. Waxa kale oo ka soo horjeeda Eriteria oo iyadu doonaysa in iyada heshiiskan ay DP World la gasho oo dekedooda Musawac ay maal geliso oo loo casriyeeyo. Waxa kale oo heshiiskan ka soo horjeeda waddanka Djibouti oo aan jeclayn inay Ethiopia hoos u dhigto wixii ay kala soo degaysay dekeda Djibouti oo ay kordhiso waxa ay kala soo degayso dekeda Berbera. Djibouti waxay samaysay maalgashi ka badan sagaal boqol oo milyan oo dollar oo lagu dhisay shan dekedood oo kale duwan, mid xoolaha oo keliya laga dhoofiyo, mid macdanta oo keliya laga dhoofiyo, mid kaluunka laga diro, Doraleh oo kontaynarada oo keliya laga soo rogo, waxaas oo maalgashi ah Djibouti waxa u sameeyay shirkado ajnabi ah oo DP World ka mid tahay. Djibouti ma rabto maanta oo ay maalgashiga intaa tiro le’eg ku sameeyeen dekedahoodii inay Ethiopia hoos u dhigto alaabtii iyo wixii ay kala soo degaysay dekeda Djibouti, markaa cid waliba hayska hadashee Djibouti ma jecla inay DP World maal gashato dekeda Berbera waayo taas waxay u arkayaan inay iyaga dekedooda wax ka soo degi lahaa loo leexinayo dhinaca Berbera. Caqliga saxa ah wuxu ku tusayaa Djibouti danteeda kuma jirto inay Dekeda Berbera guulaysato oo waynaato, waayo taas macnaheedu waxa weeye waxay la tartamaysaa dekeda DJibouti.

Waxan xasuusinayaa kuwa war la’aantu hayso ee heshiiska DP World iyo Somaliland canaanta u soo jeedinaya iyaga oo aan wali arag heshiiskii oo dhamays tiran: waar haddaa dekeda Berbera in la maalgashado diidaan, ma waxa doonaysaan in heshiiskan DP World ay la gasho Somaliya oo la dhiso Boosaaso, Kismaayo, iyo Muqdisho, mise waxa doonaysaan inay Djibouti sidaas inoo hor fadhido oo iyaduna sii waynaato inaguna sii yaraano oo waxba yahay noqono. Runtu waxa weeye maanta waxaynu maraynaa heer ay danteenu ku jirto inaynu helo cid dekedeena maal gashata waayo inagu uma hayno kharashka ay u baahan tahay in lagu maal geliyo. Haddii aan la maalgelinin Ethiopia ma soo marinayso boqolkiiba soddon wixii ay la soo degayso, ee waxay inagu haynaysaa boqolkiiba laba ama saddex 2% wax aan dhaamin. Ka dibna waxay raadsanaysaa meel kale oo ay xoolaheeda soo marsato haddii heshiiskanu dhicisoobo. Maanta inaga danteena kuma jirto inaynu lumino fursadan qaaliga ah.

Xattaa waxa heshiiskeena ka soo horjeeda Egypt oo doonaysa in aynaan sidaas ugu sii dhowaan ama ku xidhmin Ethiopia, waayo Egypt waxay rabtaa inaynu Somalia midawno mar kale iyada oo uga dan leh inay Somalia Egypt dhinaceeda raacayso oo Ethiopia ka soo hor jeesanayso. Heshiiskan aynu Ethiopia la sii galaynaa waxay caalamku intooda badani (inta inaga soo horjeeda mooyaane) u arkaan mid inagu sii dhowaynaaya qaranimadeenii iyo aqoonsigeenii, mid inagu sii dhowaynaya Ethiopia, waxay u arkaan heshiis Somaliland gaadhsiinaya inay la tartanto Djibouti, waxay u arkaan heshiis keenaya horumar dhinaca dhaqaalaha geeska Africa. Dhamaan jaraaidka ka soo baxa caalamka, ama ha noqoto Africa ama Europe iyo America waxay wada qoreen in heshiiskanu yahay mid Somaliland kor u soo qaadaya oo ku dhowaynaya qaraminadii ay raadinayeen.

Markaa shicibka Somaliland waxan ogaysiinayaa heshiiskanu waa mid saaxibadeena sida Ethiopia u soo dagaalameen oo ay aad iyo aad uga soo shaqeeyeen sidii aynu ugu guulaysan lahayn. Markaas dantooda ayaa ku jirta inay Somaliland guulaysato oo heshiiskan la gasho dawlada UAE, caalamka qofkii dantooda inaga dhex arkaa wuu ina soo raacayaa oo inala saaxiibayaa. Maalintii dhowayd ee abaaruhu ku dhaceen Somaliland iyo Ethiopia labadaba, waxa dekeda Djibouti taagnaa oo hoganayay afartan Markab oo raashin siday oo sugayay inta dekeda Djibouti furmayso oo raashinka laga rogaayo, halka Ethiopia dadkoodii gaajo la dhimanayeen raashinkiina soo dhaafi waayay DJibouti. Taasu waxay suurto gelisay inay Ethiopia aqoonsato in danteedu ku jirto inay dekeda Berbera wax kala soo degaan. inagana danteena ayaa ku jirta inay Ethiopia soo marsato alaabteeda dekeda Berbera, oo taasu waxay keenaysaa in dhaqaalaheenu kor u kaco. Afarta wadan ee nagu xeeran (Ethiopia, Djibouti, Eriteria, iyo Somalia) ee saddex ka mida aynu la leenahay xuduud (Ethiopia, Somalia, iyo Djibouti), maanta waxa shaki la aan ah in saddex ka mid ahi ay inaga soo horjeedaan oo aanay marnaba doonaynin inaynu helno fursada heshiiskanu ina siinayo (Somaliya, Eriteria, iyo Djibouti). Waayo iyagu taas waxay u arkaan inay dantooda qaranimo ka soo horjeedo.

Nasiib wanaag maanta dawladeena iyo shicibkeenuba waxaynu isku raacsanahay sida heshiiskanu waxtar dhaqaale, mid siyaasadeed, iyo mid qaranimo intaba inoo leeyahay, kuwa keliya ee sida dhabta uga soo horjeedaana ay yihiin cadawgeenii aan marnaba jeclayn inay Somaliland guulaysato. Waxan aad uga xumaaday marka aan arkay dad reer Somaliland ah oo sheegaya inay heshiiska ka soo horjeedaan iyaaga oo aan wali arag heshiiskii oo buuxa. Ama iyada oo aan tixgelin siinin baaxada faaiidada heeshiiskanu le’eg tahay iyo sida qaranimadeenu kor ugu kacayso. Heshiiskanu inuu guulaysto waxa ku farxaya Somaliland, Ethiopia, iyo Dubai, heshiiskanu inuu dhicisoobo oo guuldaraysto ama la saxeexi waayo, waxa ku farxaya Muqdisho, Boosaaso, Kismaayo, Eriteria, iyo Djibouti kuwaas oo ah inta maanta aan aan jeclayn in Dekeda Berbera iyo Somaliland horumar gaadho oo guulaysato. Somaliland waxa maanta ku waajiba inaynu galo heshiiska DP World oo faaiido wayn u leh shicibka iyo qaranka Somaliland, Dubai, iyo Ethiopia. Waa heshiis caalami ah oo saddex waddan dhex maraya. Waa mid qarankeena gaadhsiinaya horumar, dhaqaaleheena kor usoo qaadaya, xoogaynaya qaranimadeena, saaxiibtinadii Ethiopia-na kor u sii qaadaysa.

Ujeedada ugu wayn ee Somaliland waxa weeye in dekeda Berbera aynu maalgashi u helo, in la dhiso oo loo qalabeeyo, si Ethiopia u soo mariso alaabta ay la soo degayso Berbera 30%, taasuna kor u qaadayso dhaqaalaheena, dadkeena shaqo loogu sameeyo, inaynu ku xidhano UAE, passportkeena loogu dhoofo UAE, xoolaheena nool si sharci ah loogu dhoofiyo Dubai, inay qaranimadiisu xoogaysato, in aynu yeelano saaxiibo waawayn oo caalamka ka mida, iyo in heshiiskanu inagu dhoweeyo himiladeenii in waddankeena la aqoonsaddo. Illaahay shicibka iyo qaranka Somaliland ha xoogeeyo oo guul iyo gobonimo waarta ha ku manaysto.

Rashid Garuf
Wakiilka Somaliland ee USA
Washington DC

Kulan Madaxweynuhu la yeelan lahaa Qoor-weynta Beesha Saaxil Oo Fashilmay, Xaaladda Berbera, Baxarasaafka Oo Kacsan Iyo Wararkii U Dambeeyay

Berbera, 1 Augost, 2016-(Himilo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa Ciidammadii ugu badnaa ee Magaalo Rayid deggan yahay la geeyo ku daabushay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Ciidammadan oo u badan Booliis iyo kuwa la dagaalanka Argagixisada ee loo yaqaanno RRU-da, ayaa Xaafad kasta oo ka mid ah Berbera la dhigay, iyaga oo illaa Xalay dhan walba u gaaf-wareegayey Jidadka Iyo Xaafadaha Magaaladaasi.

Warka koowaad (1)Ciidammadan ayay Xukuumaddu ugu talo-gashay inay kaga hor-tagto Haddii Dadweynaha Degmada Berbera sameeyaan kacdoon ay kaga soo hor-jeedaan Diidmada Xukuumadda ee qabashada Shirka DAN iyo DUCO  2, kaasi oo qorshuhu yahay inuu 1-da Bisha 8-aad oo Maanta ah uu ka furmo deegaanka Baxarasaaf oo ka mid ah Degmada Dacar-budhuq.

Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Berbera, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Xukuumaddu Ciidamo xoog leh geysay Deegaanka Baxarasaaf ee la doonayo in lagu qabto Shirka DAN iyo DUCO ee Xukuumaddu Saska ka qaadday, waxaana la Weriyey in Ciidammadu la wareegeen guud ahaan Deegaanka lagu Magacaabo Baxarasaaf.

Shirka DAN iyo DUCO 2 ee la doonayo in lagu qabto deegaanka Baxarasaafka ee Gobolka Saaxil, ayaan la ogeyn Ajandihiisa rasmiga ah, laakiin Abaabulkiisa ayaa ku soo beegmay Xilli Dadka Gobolka Saaxil qaarkood diiddan yihiin Heshiiska Dekedda Berbera iyo Xukun Dil ah oo Maxkamadda Ciidammada Qalabka sidaa ku ridday 8 Nin oo ku eedaysan Dilka Taliyihii Booliiska Saaxil, xukunkaasi oo Mudaharaaddo lagaga soo horjeedaa laba Toddobaad ka hor ka dhaceen Magaalooyinka Berbera, Sheekh iyo Burco.

Ciidammada la geeyay Berbera iyo Deegaanka Baxarasaaf, ayaa ku soo beegmay Xilli uu habeen hore fashilmay kulan Hal-doorka Beesha Saaxil ee Shirka Abaabulayaa la yeelan lahaayeen Madaxweynaha Somaliland, kaasi oo la doonayey in Xaaladda lagu dejiyo isla-markaana xal lagaga wada gaadho kala fogaanshaha Xukuumadda iyo Beesha Saaxil.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Kaneeco Ku Tarantay Biyaha Roobka Ee Jidadka Burbursan Iyo Guryaha Hortooda Fadhiista Oo Faro-baas Ku Haysa Shacabka Caasimadda Hargeysa

“Habeenkii Markaad doonayso inaad Guriga wax ku dhex Akhrisato, waa inaad Buste ama Shay kale isku wada qarisaa, Haddii kale…” Dad u Warramay Wargeyska Himilo

 Hargeysa, 1 August, 2016-(Himilo) – Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa, ayaa ka cabanaya dhibaato ay sheegeen inay ku qabaan Kaneecada oo tan iyo markii Roobabku bilowdeen sii badanaysa.

Warka labaad (3)Kaneecada oo Qaniinyadeedu sababto Xanuunka loo yaqaanno “Mallaariya”, ayaa korodhkeedu la bilowday Roobabka ka da’ Magaalada Hargeysa iyo Guud ahaan Somaliland,  waxayna taasi sababtay in Guri kasta laga dareemo dhibaatadeeda.

Dadweynaha oo qaarkood u warramay Wargeyska Himilo, ayaa sheegay inay adag tahay in la seexdo Guriga aanay ku xidhnayn Marada laga hoos-galo ee loo yaqaanno “Maro-kaneecada”

Axmed Cabdiraxmaan oo ka mid ah Dadka ku dhaqan Caasimadda Hargeysa oo ka hadlay dhibaatada ay ku hayso Kaneecadu, ayaa yidhi, “Kaneecadu awalba way jirtay, laakiin tan iyo markii Roobabku bilowdeen aad bay u soo badatay, waxayna mareysaa in aanad xitaa Xafiiska shaqada fadhiyi karin, adigoo Marawaxadda shita mooyaane.”

Muwaadinkan oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay inuu u maleynayo in Kaneecadan badatay ka dhalaneyso Biyaha Roobabka ee fadhiista Guryaha Hortooda iyo Jidadka Caasimadda ee badankoodu leh Goo’go’a.

Yoonis Maxamed, ayaa isaguna Wargeyska Himilo u sheegay in Kaneecadu u diidday inuu Habeenkii ku caweeyo Kaabadda dibadda ee Gurigiisa, maaddaama Kaneecada oo ka mid ah Xasharaadka ku tarma Biyuhu si muuqata u qaniinayso.

“Habeenkii Markaad doonayso inaad Guriga wax ku dhex Akhrisato, waa inaad Buste ama Shay kale isku wada qarisaa ama aad Maro-kaneecada kuu xidhan Hoosta ka gashaa, haddii kale naftay kaa qaadeysaa Kaneecadu.” Ayuu yidhi, Yoonis Maxamed oo ka mid ah Muwaadiniinta ka hadlay dhibaatada Kaneecada Roobabka ku tarantay ku hayso Bulshada Caasimadda.

Guryaha Magaalada Hargeysa badankooda iyo Waddooyinka Goo’go’a leh, ayaa mar kasta oo Roob da’o waxa hortiisa buuxiya Biyo waayay meel ay maraan.

Dadweynaha la hadlay Wargeyska Himilo, ayaa Dawladda Hoose ee Hargeysa u soo jeediyey inay Masuuliyad iska saaraan sidii ay Xaafadaha Magaalada uga nidaamin lahaayeen Godadka iyo jeex-jeexyada hakiya Biyaha Roobka, maaddaama oo Biyaha muddada dheer guryaha hor-fadhiya ay kala dhalaan karaan Xanuuno uu ka mid yahay ka qaniinyada kaneecada ka dhasha.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Dawladda Oo Caddeysay In Turkigu Ka Mid Yahay Dalalka Lagu Tago Baasaaboorka Somaliland + VIDEO

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Hoos u dhigay Dhawaaqii Safiirka Turkiga Ee Muqdisho


 Hargeysa, 1 August, 2016-(Himilo) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa si Taxadar leh uga hadlay Dhawaaq uu Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ku sheegay inaan Dawladda Turkigu aqoonsanayn Baasaaboorka Somaliland isla-markaana uu la mid yahay Waraaqaha Aqoonsiga (ID Cards).


Warka Dawladda ee BaasaaboorkaWasiir Sacad oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay inay khalad tahay in Safiirka Turkigu u fadhiya Soomaaliya uu Baasaaboorka Somaliland la maseeyo Warqad Aqoonsi (ID Card), Maaddaama buu yidhi imika iyo horeba Dalka Turkiga loogu tago si la mid ah Baasaaboorrada Dalalka Caalamka.


Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Waxa jira Waddamo badan oo aynu ku tagno Baasaaboorka Somaliland, taas oo tilmaamaysa in la inoo aqoonsan yahay in aynu Waddan nahay oo aynaan qayb ka ahayn Soomaaliya.”


Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland wuxuu caddeeyay in Dawladda Turkigu aqoonsan tahay Baasaaboorka Somaliland isla-markaana lagu tago, “Turkiga marka aynu tageynana waxaynu ku tagnaa Baasaaboorkeena Somaliiland.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo si toos ah uga jawaabaya hadalkii uu Safiirka Turkiga ee Muqdisho ku yasay Baasaaboorka Somaliland, “Baasaaboorkeena in la yidhaahdo wuxuu la mid yahay Kaadh aqoonsi (ID Card) waa khalad, Waayo? Cidna marti ugama nihin oo waxaynu nahay Qaran leh Astaamo, waxaana ka mid ah Astaamaha Dawladnimada Somaliland Baasaaboorka oo aynu waddamo badan ku tagno, markaa waa khalad in lagu tilmaamo Kaadh Aqoonsi.”


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxa kale oo uu Shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Dawladda Turkigu ka codsatay in la xidho Dugsiga Nile oo uu leeyahay Fathullaah Gulen oo lagu xidhiidhiyey Afgembigii dhicisoobay ee Dalka Turkiga ka dhacay badhtamaha Bishii hore ee Sannadkan, “Waxa jira Dugsiga Nile Acadamey oo lala xidhiidhiyey inuu gacan saar la leeyahay Ninka loo aaneynayo inuu ka dambeeyo inqilaabka. Turkiga wuxuu naga codsaday in aynu xidhno dugsigaasi, inaguna waxaynu nahay waddan shuruuc leh oo kala dambayn ka jirto, dugsigaasi si sharciga waafaqsan ayuu ku jooga oo heshiis buu inala galay oo waxaynu siinay shahaado ay muddo dheer ku shaqeysan karaan (Dalka kaga shaqeyn karaan). Arday badan ayaa dhigata, waxaanu nidhi baadhitaan baanu samaynayaa haddii ay soo baxdo inuu inqilaabkaasi lug ku leeyahay sharcigayaga wuxuu ka yidhaahdo ayaa laga yeelayaa, haddii ay soo bixi waayaana waxay noqonayaan dad aan dambi lahayn, marka waxaan rajeynayaa inay Walaaladeen innagu Ixtiraamaan Go’aankaasi iyo Sharcigaasi".


Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Wasaaradda Waxbarashada Oo Jaamacadaha Dalka U Samaysay Carwo Ay Ku Soo Bandhigaan Waxqabadkooda Aqooneed Iyo Kulliyadaha Ay Bixiyaan

Wasiir Cabdillaahi-dheere Oo Sheegay In Wasaaraddu Bilaabays Dhismaha Dugsiga Tababbarka Macalimiinta

Hargeysa, 1 August, 2016-(Himilo) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa furay Carwadii Saddexaad ee Bandhigga Jaamacadaha ku yaalla Somaliland, taasi oo lagu qabtay Huteelka Guuleed ee Caasimadda Hargeysa.

Warka WaxbarashadaCarwadan oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland ugu talo-gashay in Jaamacadaha Dalku soo bandhigaan Kulliyadaha ama Takhasusaadka ay bixiyaan, tayadooda iyo weliba adeegyada Waxbarashada Sare u sahlaya Ardayga, ayaa waxa ka qayb-galay 32 Jaamacadood oo ku kala yaalla Gobollada Somaliland, kuwaasi oo qaarkood laga leeyahay Dalalka Afrika, laakiin Qaybo ka mid ah ka furtay Somaliland, markii Wasaaradda Waxbarashadu siisay ogolaansho.

Bandhigga Carwada Jaamacadaha Somaliland oo Kulliyadaha Jaamacaduhu ku soo bandhigeen ka sakow, laga soo jeediyey Daraasado lagu sameeyay Nolosha Qoysaska reer Somaliland qaarkood, ayaa waxa furitaankii waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere), Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Dalka, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga, Masuuliyiin ka socday Hay’adaha Waxbarashada daneeya, Ardayda Sannadkan ka baxaya dugsiyada sare oo la doonaya inay Bandhiggan wax kaga ogaadaan Takhasusaadka Jaamacadaha Dalku bixiyaan si ay u kala doortaan iyo weliba Dadweyne kale oo tiro badnaa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa ka war-bixiyey Ujeeddada Bandhigga Carwada ee Jaamacadaha Somaliland, waxaanu Agaasimuhu sheegay in loogu tal-galay in Jaamacaduhu soo bandhigaan aqoonta ay bixiyaan iyo doorka ay Dadka iyo Dalka ugu jiraan.

Agaasimaha Guud, wuxuu sheegay in Jaamacaddi ugu horeysay ee Somaliland laga aasaasay ahayd Sagaashamaadkii ay ahayd Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama, ilaa wakhtigaana Somaliland yeelatay 32 Jaamacadood, muddadaana ay ka aflaxeen arday ka badan 50 kun, kuwaasi oo bartay Kulliyadaha Maamulka Ganacsigu ka mid yahay. Agaasimaha ayaa intaa ku daray in Jaamacadaha looga baahan yahay inay kor u qaadaan Tayada Tacliinta sare ee ay Ardayda siiyaan, si Dadka Jaamacadaha ka soo baxaa u noqdaan kuwo Dadkooda iyo Dalkoodaba anfaca.

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Jaamacadaha Dalku ku faraxsan yihiin isla-markaana Wasaaradda Waxbarashada uga Mahad-celinayaan Qabashada Bandhigga Jaamacadaha.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey Aqoonta Ardayda Jaamacadaha ka soo baxa sida loo hagaajin karo, ayaa Wasaaradda Waxbarashada ka codsaday in culays la saaro Waxbarashada Dugsiyada ay ka soo baxaan Ardayda Jaamacadaha gala, maaddaama buu yidhi Aqoonta uu Ardaygu kala yimaaddo Dugsiyada Hoose/dhexe iyo Sare ka muuqaneyso Ardaygu markuu Jaamacadda galo.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere) oo isaguna halkaa ka jeediyey Hadal dheer oo ku saabsanaa Ujeeddada Bandhigga Carwada Jaamacadaha Dalka, ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan diyaar u yihiin in kor loo qaado tayada Waxbarashada Dalka, siiba Dugsiyada oo Aabo u ah Jaamacadaha.

“Carwadan ay Jaamacadaha aanu kala qayb-galeyno waxay Jaamacaduhu ku soo bandhigayaan waxyaabaha ay qabtaan inay Ardaydu Ogaadaan, innaguna aynu ogaano halka ay ku sugan yihiin Jaamacaduhu (Tacliin ahaan), waxay hayaan iyo waxa ka dhiman.” Ayuu yidhi, Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo intaa ku daray isagoo ka hadlaya Waxbarashada Somaliland, “Waa Run oo Waxbarashadu waa aasaaska Nolosha, Dal walba wuxuu horumarkiisu ku xidhan yahay siduu Waxbarashada u xoojiyo ee uu Awoodda dhaqaalahiisa u huro.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay, “Isbeddello badan baynu soo marnay, Maanta halka aynu mareynaana waa meel ILAAHAY loogu Mahad-naqo. Laakiin ilaa Macalin Tababbaran aynu helo oo dhaqaalaha loo huro Tayada Waxbarashadu way Wagash-Wagashleynaysaa, haddana waxaanu leenahay si aynu Ujeeddadeena u gaadhno Hoostana aynu ka soo dhisno Waxbarashada, Dushana aynu ka soo celino.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Wasaaradda Waxbarashadu bilaabayso dhismaha Kulliyadda Waxbarashada Macalimiinta oo qayb ka ah dedaallada kor loogu qaadayo Tayada Waxbarashada Somaliland, “Waxaanu Toddobaadkan bilaabaynaa dhismaha Kulliyadda Waxbarashada Macalimiinta, taasina waxa loo samaynayaa in Macalimiintu aqoontooda kordhin karaan, sidii awalba ahayd in Saddexdii Sannadoodba mar laga qaado Imtixaan (Macalimiinta) oo Qofkii gudbaa Shahaadada Digriiga qaadanayey, si Digriiga loo gaadhsiiyo Shahaadada Masterta.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay, “Markaanu nidhi Fasalka 1-aad illaa fasalka 8-aad waxa lagu dhigayaa Af-Soomaali, Dugsiyada Sare-na Ama Af-Ingiriisi ha ku dhigo ama Af-carabi ujeeddadayadu waxa weeyaan, da’yartu waxay wax ku fahmayaan Afkooda Hooyo, ta kalena waxaanu ugu talo-galnay inaanu ka wada-hadallo Ragga Dugsiyada gaarka ah leh.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Walaalayaal noqon mayno boqol Dawladood, Dawlad keliya ayaynu nahay oo Hal Manhaj baynu yeelanaynaa.”

Gabogabadii waxa Munaasibaddaasi furay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici, “Farxad bay dhammaanteen inoo tahay inaynu ka qayb-galno Carwadii 3-aad ee Jaamaacadaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu Carwadan ku Hambalyeynaynaa Wasaaradda Waxbarashada oo soo qaban-qaabisay si ay Jaamacaduhu ugu soo bandhigaan Kulliyadaha ay dhigaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Qabashada Carwadani waxay daaran tahay in Jaamacaduhu soo bandhigaan Waxqabadkooda aqooneed, Tayo ahaan iyo Kulliyadaha kala duwan ee ay Ardayda u hayaan, si Ardayda iyo Ciddii kaleba halkaa uga aragto Jaamacadda ay Aayaheeda ku aamineyso ee Nafteeda iyo Dalkaba wax u tareys.”

Bandhigga Carwadan oo Laba Maalmood socotay, ayaa Xalay la soo Gabogabeeyay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Al-shabaab Oo Qaraxyo Ku Weerartay Xarunta Ciidanka Dambi-baadhista Soomaaliya, Xilli Saraakiil Booliiska Maraykanka Ahi Muqdisho Ku Sugan Yihiin

Waxa Ku Dhintay 15 Qof, Waxaana Ku Dhaawacmay In Ka Badan 20 Ruux

 Muqdisho, 1 August, 2016-(Himilo) – Ugu yaraan 13 Ruux, ayaa ku geeriyooday Weerarro is-miidaamin iyo toos ah oo xoogag ka tirsan Al-shabaab ay Shalay ku qaadeen xarunta Ciidammada C.I.D-da ee Dawladda Soomaaliya oo ku taalla Isgoyska Lambar Afar ee Magaalada Muqdisho, waxaana Weerarradaa ku dhaawacmay dad ka badan 20.

Warka Muqdisho (1)Kooxda Weerarka qaadday oo tiradooda lagu sheegay 7, ayaa Gaadhi Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey ku qarxisay Albaabka Xarunta Ciidanka CID-da Soomaaliya, waxaana markaasi ka dib isku dayey inay gudaha Xarunta Xoog ku galaan Shan Nin oo la sheegay inay ka mid ahaayeen Kooxda Weerarka qaadday, laakiin Ciidankii ilaalinayey Goobtaasi oo dagaal dhex maray baa toogtay shantoodiiba sida Dawladda Soomaaliya sheegatay.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay hayeen xogta weerarkan, laakiin uu si kedis ah u dhacay.

Kooxda Al-shabaab, ayaa sheegatay Masuuliyadda Weerarka lagu qaadday Xarunta Ciidanka Dambi baadhista Soomaaliya.

Afhayeenka hawl-gallada ee Al-shabaab C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay Warbaahinta Kooxdooda taageerta, ayaa sheegay inay weerarkan ku beegsanayeen saraakiil Soomaali iyo Ajaanib isugu jira, inkasta oo aanu caddeynin khasaaraha ka dhashay Weerarkooda, wallow Idaacadda Andulus oo Afka Al-shabaab ku hadashaa Werisay in Weerarkan lagu dilay 12 Qof oo iskugu jira Saraakiil iyo Askar caadiya isla-markaana laba ka mid ah Dagaalyahannada Al-shabaab gudaha u galeen Xarunta CID-da, inkasta oo Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya uu sheegtay in Weerarkan ay ku dhinteen 13 Qof oo 7 yihiin kuwii Weerarka qaadday, Hal Askari oo Ciidanka Dawladda Soomaaliya ah iyo inta kale oo uu Shacab ku sheegay.

Dhawaan ayay ahayd markii Muqdisho ay gaadheen saraakiil sare oo ka socday booliiska Gobolka Minnesota, kuwaasoo sheegay inay tababbarro siin doonaan Ciidamada booliiska Soomaaliya, gaar ahaan sida dambiyada loo baadho, waxaana loo maleynayaa in Saraakiisha ka socda Booliiska Maraykanka ee Muqdisho ku sugan ay yihiin Saraakiisha Ajaanibka ah ee Afhayeenka Hawl-gallada Al-shabaab sheegay in Weerarkan lagu beegsanayey.

Cisbitaallada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada in ka badan 20-qof, kuwaasoo dhammaantood ahaa shacab, waxaana laba ka mid ah ay ku dhinteen Cisbitaalka Madiina Shalay.

Dhanka kale, Weerarkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa Toddobaad uun ka dib, markii Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamanka Soomaaliya iyo Nin kale Weerarro ka fuliyeen qaraxyo aad u cuslaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo sida hore Warbaahintu u sheegtay ay ku dhinteen 15-qof.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

“Laba Wiil Oo Walaalo Ah, ayaa Mid Gaadhi Ka Soo Kaxeyn Jiray Boorama, Marka Uu Kalabaydh Keenana Ka Kale Ayaa Hargeysa Keeni Jiray……”

 

Wasiirka Waxbarashada Oo Dadka Nabadgalyada Somaliland La Fududdahay Huga-tusaaleeyay

Hargeysa, 1 August, 2016-(Himilo) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere) ayaa si Waayo-aragnimo ah uga hadlay Jidka dheer ee loo soo maray kala-dambeynta iyo Nidaamka Dawladnimo ee Somaliland ka jira.

Cabdilaahi-dheerWasiirka oo ka hadlayey Furitaanka Carwada Jaamacadaha Somaliland oo markii Saddexaad lagu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in guud ahaan Somaliland uu Qofku habeen iyo Maalinba si Nabadgalyo ah ku socon karo, taasina tahay wax ILAAHAY loogu Mahad-naqo, maaddaama buu yidhi Somaliland soo martay xilli dadku kala fadhiyey oo aan deegaanna u tallaabi jirin deegaanka la deriska ah.

Cabdillaahi-dheere oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa sheegay, “Shalay bay ahayd markii Jidka u dhexeeya Boorama iyo Hargeysa loo kala dhixi jiray 3 Habeen, Ninkii joogay baa joogay ee 1993-kii bay ahayd.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo Hugo-tusaaleynaya Dadka aan ogeyn dhibaatada badan ee Somaliland u soo martay Nabadgalyada iyo Barwaaqada Maanta taalla, “Gaadhi Iska-rogo ah oo ay leeyihiin Laba Inan oo Walaalo ah, laakiin kala Aabo ah ayaa Midna intuu Boorama ka soo kaxeeyo keeni jiray Kalabaydh, Midna Intuu Kalabaydh ka soo kaxeeyo keeni jiray Hargeysa, taasina 1993-kii ka hor bay ahayd.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa isagoo arrinkaa hore barbar-dhigaya Xaaladda Maanta ka jirta Somaliland iyo horumarka, ayaa yidhi, “Laakiin, Maanta waa wax ILAAHAY loogu Mahad-naqo halka aynu mareyno Maanta, Waayo? laga bilaabo Saylac illaa Ceelaayo iyadoon Cidna kula soconin oo waxba Wadanin baad Habeen iyo Maalinta soconaysaa.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Doodaha Danyarta Iyo Dugsiyada Gaarka Ah - W/Q: Axmed Cismaan Batuun (Qaybta 2aad)

Qormadii koobaad ee taxanahan waxaynu ku hakanay oo aynu ku nasanay bilawgii dugsiyada gaarka ah iyo sidii ay u kobcayeen ee ay maalinba talaabo u qaadayeen,maantana halkii ayaynu kasii amba qaadiye dugsiyada gaarka loo leeyahay waqtiyadan aan soo sheegnay waxay ahaayeen kuwo aad u kooban isla markaana aan la fahamsanayn muhiimada ay u leeyihiin horumarinta waxbarashada dalka sidoo kale macalimiinta waqtigan dalka ku sugnaa ee la odhan karo wadanka waxay kalasoo dabaasheen xilli adag waxay ahaayeen qaar ku kooban intooda badani bixinta duruusta iyo dhisidda dugsiyada dawlada manay jirin macalimiin badan oo wax ka dhiga dugsiyada gaarka ah iyadoo marmar ay saacadaha fasaxa sida galabtii tagi jireen dugsiyadan gaarka loo leeyahay.

Waqtigaasi wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare wuxuu mahaceedu ahaa mid kulmiya WAXBARASHADA,BARBAARINTA,DHALINYARADA IYO CIYAARAHA,waxaana muuqatay in hawlqabadka wasaaradaasi ahaa mid la dareemayo siduu kor ugu socdo.

Aynu ku laabanee muddo kooban ka dib waxaa dalka ka bilaabmay tartan loogu jiro hirgalinta dugsiyada aanay maamulin wasaaradu kuwaasoo magaalooyinka waawayn ee dalka si xawliya looga furay isla markaana suuqa galiyay xayaysiisyo badan oo sheegaya inay yihiin goobaha ugu tacliinta fiican dalka.

Waqtigani waa markii ay bilaabantay qaybtii koobaad ee dhibaatada ay la yimaadeen dugsiyadan gaarka ahi gaar ahaan kuwa jiray xiligaas oo u badnaa hoose iyo dhexe waxaana la arkay macalimiintii dugsiyada dawlada oo looga gacan haadinayo meelo kale taasoo soo jiidashada sahlaysay ay sal u ahayd woxoogaaga lacaga ee laga furo faraqa bulshada danyarta ah ee ubadkooda geeyay goobahan gaarka ah taasoo xad aan la qaadi karin ahayd kuna adkayd dadka ilaa imikan kor u socota sidii ay doonaana ay ugu takri falaan mulkiilayaasha bixiya adeega waxbarsho ee bilaa dabarka ah isla markaana sida bilaa dhuuxa ah loo siiyo bulshada.

Dugsiyada aqoonta maaddiga ah bixiya ee gaarka ah,waxaa barbar socday kuwo kale oo la magac baxay madaariis isla markaana lagu barto aqoon diineed iyagoo waliba qaarkood isticmaala manaahij aan dalku lahayn ee dawlado kale keeneen iyagoo ka faa,iidaysanaya shuruucdii diciifka ahayd ee dalkan dib u dhisku ka socday ka jirtay xiligaa,arrimaha xiisaha gaarka ah lahaa waxaa ka mida in dugsiyada diinta lagu bartaa ka lacag qaalisanaayeen kuwa kale isla markaana aanay inta badan dhici jirin in ay bixiyaan wax barasho la siiyo danyarta jilicsan,waxaa kaloo jirtay inay dawlado waawayni caawin jireen qaarkood dugsiyadan isla markaana ay dalbadeen inaan lacag laga qaadin dadka dhigta iyagoo bixin jiray wax kasta oo ku baxaya goobtaas balse laga qaadi jiray lacag aanay awood u lahayn waalidka ubadkoodu dhigtaan lagana qarin jiray cidda maagalisa,waana amuur la sheego in ilaa waqtigan ay ka jirto dalka isla markaana ay dugsiyo caan ah oo waawayni ku adeegtaan.

Aan idin xasuusiyee ilaa xiligan aan ka sheekaynayo wali lama gaadhin waqrigii ay bilaabmeen ortii iyo is barbaryaacii dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay haday jiraana xataa waa tiro kooban,waana halbeeg qiyaas yabaal idinku abuurta ka bixinaya waxyaalaha qoraalkani xambaarsanayahay ee ku duugan qorma kastaa  midda ay ka danbayso,adigoo markaba iswaydiinaya ilaa heer jaamacadeed halka ay martay aqoontii gacanta u gashay dadka sida qaldan ee indha la,aanta ah uga ganacsada waxbarashada waddanka.

Waxaan qormooyinka danbe idiinku soo gudbin doonaa qisooyin bulshada inteeda badan ka dadan kuwaasoo laga yaabo inaad is waydiiso sida ay uga dhici karaan somaliland laakiin aanay goobaha waxbarashada gaarka ahi u haysan in su aali kaga iman karto lagana xisaabtami doono.

La soco qormada 3aad

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland