Muqdisho, 1 August, 2016-(Himilo) – Ugu yaraan 13 Ruux, ayaa ku geeriyooday Weerarro is-miidaamin iyo toos ah oo xoogag ka tirsan Al-shabaab ay Shalay ku qaadeen xarunta Ciidammada C.I.D-da ee Dawladda Soomaaliya oo ku taalla Isgoyska Lambar Afar ee Magaalada Muqdisho, waxaana Weerarradaa ku dhaawacmay dad ka badan 20.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay hayeen xogta weerarkan, laakiin uu si kedis ah u dhacay.
Kooxda Al-shabaab, ayaa sheegatay Masuuliyadda Weerarka lagu qaadday Xarunta Ciidanka Dambi baadhista Soomaaliya.
Afhayeenka hawl-gallada ee Al-shabaab C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay Warbaahinta Kooxdooda taageerta, ayaa sheegay inay weerarkan ku beegsanayeen saraakiil Soomaali iyo Ajaanib isugu jira, inkasta oo aanu caddeynin khasaaraha ka dhashay Weerarkooda, wallow Idaacadda Andulus oo Afka Al-shabaab ku hadashaa Werisay in Weerarkan lagu dilay 12 Qof oo iskugu jira Saraakiil iyo Askar caadiya isla-markaana laba ka mid ah Dagaalyahannada Al-shabaab gudaha u galeen Xarunta CID-da, inkasta oo Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya uu sheegtay in Weerarkan ay ku dhinteen 13 Qof oo 7 yihiin kuwii Weerarka qaadday, Hal Askari oo Ciidanka Dawladda Soomaaliya ah iyo inta kale oo uu Shacab ku sheegay.
Dhawaan ayay ahayd markii Muqdisho ay gaadheen saraakiil sare oo ka socday booliiska Gobolka Minnesota, kuwaasoo sheegay inay tababbarro siin doonaan Ciidamada booliiska Soomaaliya, gaar ahaan sida dambiyada loo baadho, waxaana loo maleynayaa in Saraakiisha ka socda Booliiska Maraykanka ee Muqdisho ku sugan ay yihiin Saraakiisha Ajaanibka ah ee Afhayeenka Hawl-gallada Al-shabaab sheegay in Weerarkan lagu beegsanayey.
Cisbitaallada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada in ka badan 20-qof, kuwaasoo dhammaantood ahaa shacab, waxaana laba ka mid ah ay ku dhinteen Cisbitaalka Madiina Shalay.
Dhanka kale, Weerarkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa Toddobaad uun ka dib, markii Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamanka Soomaaliya iyo Nin kale Weerarro ka fuliyeen qaraxyo aad u cuslaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo sida hore Warbaahintu u sheegtay ay ku dhinteen 15-qof.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment