Monday, August 1, 2016

Dawladda Oo Caddeysay In Turkigu Ka Mid Yahay Dalalka Lagu Tago Baasaaboorka Somaliland + VIDEO

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Hoos u dhigay Dhawaaqii Safiirka Turkiga Ee Muqdisho


 Hargeysa, 1 August, 2016-(Himilo) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa si Taxadar leh uga hadlay Dhawaaq uu Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ku sheegay inaan Dawladda Turkigu aqoonsanayn Baasaaboorka Somaliland isla-markaana uu la mid yahay Waraaqaha Aqoonsiga (ID Cards).


Warka Dawladda ee BaasaaboorkaWasiir Sacad oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay inay khalad tahay in Safiirka Turkigu u fadhiya Soomaaliya uu Baasaaboorka Somaliland la maseeyo Warqad Aqoonsi (ID Card), Maaddaama buu yidhi imika iyo horeba Dalka Turkiga loogu tago si la mid ah Baasaaboorrada Dalalka Caalamka.


Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Waxa jira Waddamo badan oo aynu ku tagno Baasaaboorka Somaliland, taas oo tilmaamaysa in la inoo aqoonsan yahay in aynu Waddan nahay oo aynaan qayb ka ahayn Soomaaliya.”


Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland wuxuu caddeeyay in Dawladda Turkigu aqoonsan tahay Baasaaboorka Somaliland isla-markaana lagu tago, “Turkiga marka aynu tageynana waxaynu ku tagnaa Baasaaboorkeena Somaliiland.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo si toos ah uga jawaabaya hadalkii uu Safiirka Turkiga ee Muqdisho ku yasay Baasaaboorka Somaliland, “Baasaaboorkeena in la yidhaahdo wuxuu la mid yahay Kaadh aqoonsi (ID Card) waa khalad, Waayo? Cidna marti ugama nihin oo waxaynu nahay Qaran leh Astaamo, waxaana ka mid ah Astaamaha Dawladnimada Somaliland Baasaaboorka oo aynu waddamo badan ku tagno, markaa waa khalad in lagu tilmaamo Kaadh Aqoonsi.”


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxa kale oo uu Shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Dawladda Turkigu ka codsatay in la xidho Dugsiga Nile oo uu leeyahay Fathullaah Gulen oo lagu xidhiidhiyey Afgembigii dhicisoobay ee Dalka Turkiga ka dhacay badhtamaha Bishii hore ee Sannadkan, “Waxa jira Dugsiga Nile Acadamey oo lala xidhiidhiyey inuu gacan saar la leeyahay Ninka loo aaneynayo inuu ka dambeeyo inqilaabka. Turkiga wuxuu naga codsaday in aynu xidhno dugsigaasi, inaguna waxaynu nahay waddan shuruuc leh oo kala dambayn ka jirto, dugsigaasi si sharciga waafaqsan ayuu ku jooga oo heshiis buu inala galay oo waxaynu siinay shahaado ay muddo dheer ku shaqeysan karaan (Dalka kaga shaqeyn karaan). Arday badan ayaa dhigata, waxaanu nidhi baadhitaan baanu samaynayaa haddii ay soo baxdo inuu inqilaabkaasi lug ku leeyahay sharcigayaga wuxuu ka yidhaahdo ayaa laga yeelayaa, haddii ay soo bixi waayaana waxay noqonayaan dad aan dambi lahayn, marka waxaan rajeynayaa inay Walaaladeen innagu Ixtiraamaan Go’aankaasi iyo Sharcigaasi".


Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment