Washington 04 May, 2014 (Himilo)- Baadhitaano aqalka Odeyaasha Maraykanku ku sameeyeen xabsiyo qarsoodi ah oo hay’adda sirdoonka CIA-da ku leedahay dacalada dunidda, ayey ku sheegeen in dalka Jabuuti ka mid yahay wadamada laga hirgeliyey, sida ay Al-jaziira u sheegeen saraakiil helay natiijada baadhitaanka.
Xaqiijinta rasmiga ah ee aqalka Odeyaasha Maraykanku ku shaaciyeen jiritaanka xabsi CIA ku leedahay dalka Jabuuti oo muddo dheer la beenin jiray, waxa ay soo dhaweeyey isla markaana markhaati-kac u noqotay Maxamed Al-asad oo u dhashay dalka Yemen, kaas ooh ore u sheegay in isaga oo indhaha ka xidhan la geeyey dalka Jabuuti.
Saraakiisha u warramay telefishanka Aljazeera, ayaa xaqiijiyey in baadhitaanka lagu ogaaday xubno kala duwan oo lagu xidhay dalka Jabuuti oo laba ka mid ah sifo khaldan CIA-du ugu xidhay.
Safiirka Djibouti u fadhiya dalka Maraykanka Rooble Colhaye, ayaa AlJazeera u sheegay inaan dalkiisu macluumaad ka haysan in hay’ada CIA-du xabsiyo qarsoodi ah ku leedahay waddankooda, waxaanu beeniyey eedaha Al-asad ku sheegay in muddo kooban halkaas ku xidhnaa.
"Hadii Maraykanku qarsoodi ugu xidheen xeradooda, sidaan ku ogaan karnaa?” sidaa waxa ku dooday safiirka Jabuuti u fadhiya Maraykanka. Sida laga war-qabo, Heshiiska u dhexeeya Jabuuti iyo Maraykanka ee dhinacyada iskaashiga ammaanka, kuma jirin inay xeryahooda xabsi ahaan u adeegsadaan, kuna xidhaan dambiileyaasha la haysto.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment