Sunday, May 4, 2014

Jabuuti oo la xaqiijiyey inay ku biirtay dalalka Maraykanku Xabsiyada Qarsoon ku leeyahay




Washington 04 May, 2014 (Himilo)- Baadhitaano aqalka Odeyaasha Maraykanku ku sameeyeen xabsiyo qarsoodi ah oo hay’adda sirdoonka CIA-da ku leedahay dacalada dunidda, ayey ku sheegeen in dalka Jabuuti ka mid yahay wadamada laga hirgeliyey, sida ay Al-jaziira u sheegeen saraakiil helay natiijada baadhitaanka.


timthumb_031Xaqiijinta rasmiga ah ee aqalka Odeyaasha Maraykanku ku shaaciyeen jiritaanka xabsi CIA ku leedahay dalka Jabuuti oo muddo dheer la beenin jiray, waxa ay soo dhaweeyey isla markaana markhaati-kac u noqotay Maxamed Al-asad oo u dhashay dalka Yemen, kaas ooh ore u sheegay in isaga oo indhaha ka xidhan la geeyey dalka Jabuuti.


Saraakiisha u warramay telefishanka Aljazeera, ayaa xaqiijiyey in baadhitaanka lagu ogaaday xubno kala duwan oo lagu xidhay dalka Jabuuti oo laba ka mid ah sifo khaldan CIA-du ugu xidhay.


Safiirka Djibouti u fadhiya dalka Maraykanka Rooble Colhaye, ayaa AlJazeera u sheegay inaan dalkiisu macluumaad ka haysan in hay’ada CIA-du xabsiyo qarsoodi ah ku leedahay waddankooda, waxaanu beeniyey eedaha Al-asad ku sheegay in muddo kooban halkaas ku xidhnaa.


"Hadii Maraykanku qarsoodi ugu xidheen xeradooda, sidaan ku ogaan karnaa?” sidaa waxa ku dooday safiirka Jabuuti u fadhiya Maraykanka. Sida laga war-qabo, Heshiiska u dhexeeya Jabuuti iyo Maraykanka ee dhinacyada iskaashiga ammaanka, kuma jirin inay xeryahooda xabsi ahaan u adeegsadaan, kuna xidhaan dambiileyaasha la haysto.


 


Himilomedia.com                     


Hargeysa-Somaliland


 


 

No comments:

Post a Comment