Hawshan Bar-bilowga u ah Waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidhi Doonta, ayaa waxa Goob joog ka ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan Dawladda Somaliland.Xubnahan ayaa dhammaantood waji farxad leh ku soo dhaweeyey Bilowga Waddadaas Halbawlaha ah oo muddo la sugayey in la Bilaabo, waxana ay sheegeen inay Garab joogi doonaan ilaa iyo inta Hawshu dhamaanayso.
Masuuliyiintan oo halkaasi hadalo kasoo jeediyey ayaa guul ku tilmaamay iyo maalin taariikhiya in si rasmiya loo bilaabo jidkii dheeraa ee ceerigaabo iyo burco isku xidhaayey, waxaana ay xukuumada somaliland iyo Wasaarada madaxtooyada somaliland ku amaaneen waxqabadka muuqa iyo fulinta balan qaadkii ay samaysay.
Waddadan oo Masaafo aad u ballaadhan sii Mari doonta, ayaa lagu wadaa in dabagal iyo Ka Warhayn badan ay xukuumaddu ku Hayn doonto, maadaama ay tahay udub-dhexaadka Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
HALKAN KA DHEGAYSO
[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/05/Bilowga-Wadada-Ceerigaabo-oo-Saaka-bilaaban-tahay-iyo-Codadka-Masuuliyiinta.mp3"][/audio]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment