
Kulankan waxa kale oo goob-joog ka ahaa Xubno kale oo magac ku leh bulshada dhexdeeda, ganacsato iyo muwaadiniin u dhalatay dalka Turkiga oo hawlo maalgashi iyo ganacsi u jooga dalka.
Qunsulka Turkiga ee Somaliland Mr Yüksel oo kulankaas ka hadlay, ayaa Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland uga mahad-celiyey sida loogu qaabiley dalka iyo kulamo kala duwan oo todobaaddadii u dambeeyey uu la qaadanayey xukuumadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
“Waan idiinka mahad-celinayaa soo-dhawaynta diirran ee aad ii samayseen dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay, waxaanan idiin rejaynaa Ramadan Wanaagsan,” ayuu yidhi Mr Yüksel, isaga oo intaas ku daray, “Waxa kale oo aan fursaddan uga faa’idaysanayaa inaan shacabka Somaliland ku hambalyeeyo munaasibadda Ciidda,” ayuu yidhi Qundulka Turkiga u fadhiya Somaliland.
Qunsulka Turkiga ee Somaliland Muzaffer Yüksel oo dalka soo gaadhay horaantii bishan July, ayaa kulankiisii u horreyey la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo xafiiskiisa ku qaabilay, waxaanay ka wada-hadleen kor-u-qaadista barnaamijyada horumarineed iyo mashaariicda dawladda Turkigu ku taageerto Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment