Bisha Cas ee dalka Tunisia ayaa sheegtay in Muhajiriinta Soomaalida ay ku jiran lagu qabtay Xeebaha Zarzis ee dhaca koonfurta dalka Tunisia iyagoo la socday dooni la buux dhaafiyey.Madaxa Bisha cas ee dalka Tunisia Mongi Slim ayaa sheegay in 19 ka mid ah dadka gacanta ay ku dhigeen ee la socday doonida ay yihin Soomali halka inta kale ay ka soo kala jeedaan wadamada Sudaan, Eritrea, Nigeria, iyo Morocco .
Sanadkasta waxaa xeebaha dalka Talyaaniga ka gudba kumanaan Muhaajiriin Africaan ah oo Soomaali u badan kuwaas oo raadinaya nolal dhaanta tan wadamadooda ka jirta, iyadoo muhaajiririn kumanaan ka badan ay naftooda ku waayaaan socdaalka khatarta badan ee ay galaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment