
Bayaan uu soo saaray hogaamiyaha dhexe ee ciidammada Mareykanka, ayuu ku sheegay in weerrarada cirka ah ay si sax u badhtilmaameedsadeen laba baabuur oo hub saarnaa oo ay leeyihiin kooxda jihaad doonka ah ee joogta meel u dhaw tuulada Sinjaar.
Mar sii horreysay waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo sheegayay in isla goobtaasi uu ka dhacay xasuuq, kaas oo la sheegay in loo geystay Dad laga tirada Badan yahay ee Yasiidiyiinta loo yaqaano.
Markii uu todobaad ka hor bilowday weerrarada dhanka cirka ah ee uu Mareykanku qaadayo ayaa madaxweyne Obama waxa uu sheegay in arrintaasi ay u sameynayaan inay ka hortagaan xasuuq ka dhaca waqooyiga Ciraaq.
Maamulka madaxweyne Obama, ayaa haddaba wajahaya su’aalo adag oo ku saabsan sida ay isaga joojin karaan inay ku lug yeeshaan duqeyn marka dambe isu badasha colaad weyn taasi oo uu Mr Obama ku celceliyay in aanay jirin xal uu militariga Mareykanka u keenayo dalkaasi.
Xoogagga Kurdiyiinta oo sida muuqata taageero ballaadhan ka Helaya Dawladaha Reer Galbeedka, ayaa iyagu dib uga soo kabsaday Hantaaqooyin xagga dagaalka ah ooh ore loo gaadhsiiyey, waxana la sheegayaa inay kusoo siqayaan Magaalada Mosil oo kooxda Daacish ay awood kula wareegtay Badhtimihii sanadkan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment