Dhacdadan naxdinta leh, ayaa waxa ay Ka dhacday masaajid ku yaalla degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, waxana sheekadaas si weyn saaka looga hadal hayaa gebi ahaanba Caasimadda.Xilliga ninkan la gawracay ayaa ahayd salaaddii Cishaa’iga oo ninka la gawracay iyo man wax gawracayba ay ku wada tukanayeen Masaajidkaas.
Ninka dilka Geystay ayaa waxa lagu sheegay magaciisa Siciid Xuseen Roggow(siciid roggow),iyadoo ilaa iyo Haatan aan la aqoonsan sababta dilkaasi u dhacay.
Ninka Dilka Geystay, ayaa isla markiiba la sheegay inuu isku dayey inuu baxsado, balse waxa qabtay ciidanka Booliska, waxana uu haatan ku xidhan yahay saldhig ku yaalla degmada Kaaraan.
Ninkan qurbejoogga ah ee dilkan geystay, ayaa lagu sheegay nin dhallinyaro ah lamana garanayo inuu ka tirsan yahay kooxaha mayalka adag iyo in kale.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment