Sunday, November 1, 2015
Britain oo si adag uga hadashay Hirgelinta Shuruucda La-dagaallanka Gudniinka Gabdhaha 18-jir ka yar
London, 01 November, 2015-(Himilo)- Shuruuc lagu xoojinayo mabnuucidda Gudniinka Gabdhaha da’doodu ka yartay 18 jir, ayaa laga dhaqangeliyey waddanka Britian, isaga oo dalkaasi uu Gudniinku mabnuuc ka ahaa tan iyo taariikhdu markay ahayd 1985-kii, ayaa haddana kor loo sii qaaday markii dadka Afrikaanka iyo Carabtu ku bateen waddankaas, kuwaasoo qaarkood caadooyin u leeyihiin Gudniinka Gabdhaha ee Fircooniga loo yaqaanno sida Soomaalida, Masaarida iyo Afrikaanka kale qaarkoodba ay isticmaalaan..
Gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha yar-yar ee waddankaas, ayaa Qaanuunka cusub lagu dabbiqi doonaa ciddii ku kacda, haddii ay fulin waayaan ku dhaqanka Shuruucdaas, waxaa laga qaadayaa tallaabooyin anshax-marin ah, ugu dambaystana shaqada, ayaa laga joojin karaa.
Xeerarkani, waxay ka dhaqan gelayaan qaybaha England iyo Wales marka Gabdhaha da'doodu ka yar tahay 18 jir ay sheegaan in la guday ama shaqaaluhu ay gartaan inay ku yaallaan calaamado gudniin. Waxaana waddanka Boqortooyada Britian Gudniinka Gabdhaha mamnuuc ka ahayd tan iyo laga soo bilaabo 1985-kii.
Dadka Gudniinka taageersani, waxay aamminsan yihii inuu Haweenka ka dhigo qaar faya-dhawr ahaan wanaagsan, galmada sharci-darrada ah ka dhawrsan oo Raggooda ku kooban. Hase-yeeshee, Waxaa socota Daraasad lagu sameynayo arrintan si loo ogaado tirada Haweenka ay saameysay, laakiin waxaa loo maleynayaa inay tiradu gaadhi karto 137 kun marka la isku-daro gobollada England iyo Wales ee waddanka Britain.
Dawladda Britain waxaa ka go'an inay gebi ahaanba joojiso ficilkan xad-gudubka iyo sharci-darrada ah, muddo hal fac gudihiis ah. Habka Caafimaadka dalka Ingiriiska ee loo yaqaan NHS iyo Hay'adaha xidhiidhka la leh sida Waaxda Caafimaadka iyo Jaamacadaha Caafimaadka ee dalkaasi waxay diyaariyeen nidaam shaqaalaha ka caawinaya inay fahmaan Xeerarka cusub.
Jane Ellison oo ah Wasiir qaabbilsan Caafimaadka Bulshada, waxay sheegtay in Xirfadlayaasha Caafimaadku ay safka hore kaga jiraan La-dagaallanka gudniinka fircooniga ah, waajibaadkan cusubna uu yahay tallaabada xigta ee dagaalkaas.
Hilary Garrat oo isaguna ah Agaasimaha horumarinta Caafimaadka guud ee NHS England, waxa uu sheegay inay ka go'an tahay gacan-siinta sidii loo Cidhib-tiri lahaa gudniinka Fircooniga ah, iyadoo la xaqiijinayo in Haweenka iyo Carruurta hore loo guday ay heli doonaan daaweyn iyo taageerada ay u baahan yihiin.
Raysal-wasaaraha waddanka Britain oo markii Shuruucdan la dejiyey horraantii sannadkan si adag uga hadlay, ayaa sheegay inay dhibaatooyin caafimaad iyo tacaddiyo jidh ahaaneed la kulmaan Gabdho yaryar oo reer Britain, isla markaana Shuruucdani ay meesha ka saari doonto ku xad-gudubka Gabdhaha yar-yar, isla markaana Waalidka uu ku caddaado Kiis Gudniin Gabdhohooda ah illaa heer Maxkamad la soo taago lala gaadhi doono, sidoo kalena waxa uu u digay dadka Afrikaanka iyo Carabta isugu jira ee Soomaalidu ugu badan tahay ee dalalkooda wakhtiyada fasaxa markay UK ka soo baxaan soo guda Carruurtooda.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment