Sunday, November 1, 2015

Daacish oo Sheegatay inay soo ridday Diyaarad Rakaab oo Ruushku leeyahay, dadkii saarnaa oo wada dhintay iyo Buntin oo ka hadlay

 

Siinaay, 01 November, 2015-(Himilo)- Kooxda Daaciish, ayaa sheegatay inay iyagu soo rideen Diyaarad uu Ruushku lahaa oo Sabtidii shalay ku dhacday Buuraleyda gobolka Siinaay ee dalka Masar, ayaa la sheegay inay 224 qof oo saarnaa ay geeriyoodeen, kuwaasoo isugu jiray 217 Rakaab ah iyo 17 shaqaalihii diyaaradda ahaa.

Ururka ISIS ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya qaybo ka tirsan, ayaa sheegtay inay iyagu ka dambeeyaan dhicitaanka diyaaraddaas, iyagoo War-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay iyagu soo rideen diyaaradda oo aanay u dhicin cillad la soo daristay.

Rakaabkii saarnaa diyaaradda oo isugu jirey 138 Ruux oo Haween ah iyo 62 Rag ah, waxaana sidoo kale ku jiray 17 Carruur ah. Isla markaana waxay Xukuumadda Ruushku sheegtay in 224 qof oo ka mid ah Rakaabka ay u dhasheen Ruushka, halka saddex qof oo kalena ay u dhasheen dalka Ukraine.

Safaaradda Ruushku uu ku leeyahay magaalada Qaahira, ayaa sheegay inay qaar ka mid ah Saraakiisha dalka Masar u sheegeen in duuliyuhu uu isku dayay inuu ku dejiyo diyaaradda garoonka El-Arish, balse nasiib-darro uu xidhiirkii diyaaraddu lumay.

“Waan arkay burburkii diyaaradda,” ayuu Sarkaal Hay’adaha Ammaanka Masar ka tirsan u sheegay Reuters. Isagoo hadalkiisa raaciyay; “Waxaan arkay Meydadka dad badan oo ka mid ah Rakaabkii diyaaradda oo ku firirsan Buuraleyda ay diyaaraddu ku dhacday.”

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yidhi; “Diyaaraddu laba qaybood ayuu u kala jabay. Qayb ka mid ah burburka diyaaraddana wuxuu ku gubtay Buuraha. In ka badan 100 Meyd ayaa dibedda kusoo dhacay, intii kalena weli waxay weli ku jiraan burburka diyaaradda.”

Gobolka Siinaay ayaa ah goob ay ku xooggan yihiin Islaamiyiin xidhiidh dhaw la leh kooxda khilaafada Islaamka, kuwaasoo dilay boqolaal ciidammada Masar ka mid ah, sidoo kalena weerarro ku qaaday danaha reer galbeeedku ay ku leeyihiin dalka Masar.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ku dhawaaqay baroor-diiq Qaran oo loogu barooranayo boqolaalka qof ee Ruushka ah ee ku dhintay shilka diyaaradeed, baroortaas oo ka dhacaysa Ruushka oo dhan berri oo Axad ah.

Diyaarada oo nooceedu ahaa Airbus A321 ayaa waxaa iska lahayd shirkadda Kogalymavia, iyadoo ka duushay magaalada Sharm el-Sheikh iyadoo ku socotay magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka.

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa baahiyay ehellada rakaabkii diyaaraddan la socday oo ku barooranaya gudaha garoonkii ay ku wajahnayd. Waxaana la sheegay in diyaaraddan oo la sameeyay sannadkii 1997-kii ay sameysay in ka badan 21,000 oo duullimaad oo caalami ah.

Shilkan iyo sheegashada kooxda IS ee mas’uuliyaddad dhicitaanka diyaaraddan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Ruushku ay duqeymo cirka ah oo ay ku beegsanayso kooxda Daacish ay kawaddo Suuriya, kuwasaoo ay si rasmi ah u billowday 30-kii bishii September ee sannadkan.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in Masar ay u dirayaan khuburo Ruushan ah oo baadhitaanno kusoo sameynaya qaabkii uu u dhacay shilka diyaaradda laga leeyahay Ruushka.

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment