Sunday, November 1, 2015
Madaxweynaha Maraykanka oo sheegay inay Heshiisyada Ganacsi ee ay kula jirto Afrika ka saaraysa dalka Burindi
Washington, 01 November, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa sheegay in Xukuumadda Burundi inaanay sameyn horumar ku aaddan dhanka sharciyadda, isla markaana ay ka saari doonaan Barnaamijyada Ganacsi ee uu la leeyahay dalalka Qaaradda Afrika.
Dalalka Afrika waxaa ka jira horumar iyo fursado dhanka Ganacsiga ah, gaar ahaan kuwa ka hooseeya Saxaraha, kuwaasoo Mareykanka looga dhoofiyo alaabooyin fara badan oo kala duwan.
Madaxweyne Obama ayaa Warqad uu u diray Xildhibaannada Mareykanka ayuu ku sheegay in Burundi ay ka jiraan xaalado Siyaasadeed oo aan wanaagsanayn, kuwaasoo ay ku jiraan weerarro lagu hayo xubnaha Mucaaradka iyo dilal qorsheysan oo loo geysto; taasoo uu ku sheegay inay tahay sababta uu u go’aansaday in laga saaro Burundi qaanuunka Ganacsi ee Afrika.
Barack Obama ayaa qoraalkiisa ku xusay in dalka Burundi 01-da Jannaayo 2016-ka, laga saari doono qaanuunka ganacsi ee Qaaradda Afrika, gaar ahaan ganacsiga Mareykanka uu la leeyahay waddamada Afrika.
Xukuumadda Burundi ayaa la sheegay inay sidoo kale joojisay kulammada ay yeelanayaan xubnaha Xisbiyada Mucaaradka dalkaas iyo Ururrada bulshada; taasoo ay uga hortagayaan ololahooda ka dhanka ah Xukuumadda Burundi.
Rabshadaha Siyaasadeed ee ka taagan dalka Burundi, ayaa billowday bishii Abriil ee 2015-ka, markaasoo Madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza uu go’aansaday inuu u tartamo mar saddexaad xilka Madaxweynennimo ee dalkiisa, taasoo uu ku guuleystay.
Dhanka kale, Xiisadaha Siyaasadeed ee Burundi ka aloosan, ayaa waxaa natooda ku waayay boqolaal qof oo isugu jira shacab, Ciidammo iyo Xubno Mucaaradka ka tirsan; iyadoo tiro kale oo fara badanna ay ku dhaawacmeen.
Waxaa dalka Burundi ka barakacay in ka badan 200,000 oo qof kuwaa oo ka baqdin qaba in dhibaatooyin ay kasoo gaaraan colaadaha dalkaas ka socda, iyagoo magan-galyo ahaan u galay dalalka dariska ah oo Rwanda ay ka mid tahay.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment