Wednesday, July 2, 2014

Dagaal-Beeleed sababay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac isugu jira oo ka dhacay Degmada Hobyo ee Somaliya

Hargeysa, 02 Julay 2014 (Himilo)- Ugu yaraan saddex Qof, ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen dagaal shalay laba Malleeshiyo-beeleed ku dhex-maray degmada Hobyo oo ka tirsan gobolka Mudug ee waddanka Soomaaliya oo uu ka taliyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

HOBYOOOOODadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka kala tirsan yihiin labada Malleeshiyo-beeleed ee dirirtu dhex-martay. Waxa kale oo ay wararka qaar sheegayaan in Shanta qof ee dhaawacmay isugu jiraan dhinacyadii uu iska-hoirmaadku u dhexeeyay iyo dad shacab ah, iyadoo intii ay is-rasaaseyntu socotay uu xidhmay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee degmadaasi.

Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Kalluumeysiga Maamulka Galmudug Maxamed Aaden Qalab-xoor, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay iska-horimadka kooxahan hubeysan ku dhex-maray gellinkii dambe ee shalay gudaha degmada Hobyo.

Sidoo kale, Goob-joogayaal ku sugan degmada Hobyo, ayaa sheegay in dagaalkaasi uu daba socdo dil sannadkii hore gudaha degmadaas loogu geystay Taliyihii Ciidammada amniga ee degmadaas Cabdiweli Xasan Xersi.

Wasiirka Gaadiidka, Dekeddaha iyo Kalluumeysiga Galmudug, ayaa sheegay inay ku baxeen dagaalkaas Odayaal Dhaqan iyo Wax-garad si loo qaboojiyo xiisadda halkaas ka bilaabantay, isagoo rejo weyn ka muujiyay in xiisaddaas la dhammeynayo oo xaaladda degganaansho lagu soo dabbaali doono si dhaqso ah.

Maaha markii ugu horreysay ee kooxo hubeysani ay ku dagaallamaan degmada Hobyo oo ka mid ah deegaannada uu gacanta ku hayo Maamulka Galmudug oo ka arrimiya qaybo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galguduud ee badhtamaha dalka Soomaaliya.

Xaaladda degmada Hobyo ayaa xalay dagganayd, iyadoo weli kooxihii dagaalku uu ku dhexmaray degmadaas ay kuwada sugan yihiin gudaha degmada, waxaana dadka deegaanku sheegayaan in dedaallo nabadeed ay magaalada ka socdaan, kuwaasoo la isugu soo dhawaynayo labada Beelood ee ay ka soo kala jeedaan Malleeshiyo-beeleedyada halkaas ku diriray shalay.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland      

Tuesday, July 1, 2014

Alif Mabruuk

Guddoomiyaha Himilo Media Group Madar Cabdi Axmed, Tifaftiraha Wargeyska Himilo Khadar Iid Kaariye, Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Maxamuud Cali Maxamed, Agaasinka Xisaabaadka HMG  Cabdiwahaab Aadan Cali, Caydaruus Sheekh Cumar Geeddi, Axmed Cumar Axmed, Cismaan Axmed Cismaan iyo dhammaan hawl-wadeennada Himilo Media Group, waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Arooska Madaxa suuqgeynta iyo xidhiidhka bulshada ee Himilo Media Group:

Cabdilaahi Maxamed Axmed


Iyo Kawsar Maxamuud Muxumed


DSC_1819Oo xalay Arooskoodu Xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa. Waxa aanu leenahay Eebbe Qoyskiina ha u horseedo nolol badhaadhe ah ee Ubad kheyr Qaba kala hela. Aamiin…..Aamiin…..Aamiin

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Qaramada Midoobay Oo Kooxda ADF ee Ka Dagaallanta Uganda Ku Dartay Liiska Argagixisada

New York:July,01,2014(Himilo)-Wararka ka soo baxaya Xarunta Golaha Ammaanka ee Dalka Maraykanka, ayaa sheegaya in Golahaasi ay Liiska Argagixisada ku dareen Kooxda ADF eek a Dagaallanta Dalka Uganda.

uganda2 Kooxdan ayaa lagu eedeeyey inay Xidhiidh dhaw la leedahay Kooxda Somalia ka Dagaallanta ee Al-shabaab oo hore ugu dhawaaqday inay Ku xidhan yihiin Kooxda Alqaaida.

Kooxdan ayaa lagu eedeeyay iney geysteen afduub ,askareynta caruur ,kufsi iyo weeraritaanka Xarumaha qaramada midoobay ku leedahay Dalka Uganda.

Hogaamiyaha kooxda  Jamil Mukulu ayaa isagu waxaa la sheegay inuu xidhiidh la leeyhay kooxda Al-shabaab ee Somalia, isla-markaana ay wada shaqayni marar badan dhex martay.

ADF waa koox hadafkeeda ku sheegtay xoreynta dalka Uganda waxayna saldhigyo ku leeyihiin dalka Congo waxaana  tiradooda lagu qiyaasaa  ilaa 1,200 ama 1,400 dagaalyahano ah.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay kooxdan waxay Caruur  ka qorteen masaajidyo kuyaala dalalka Congo Ugand,Iyo Tanzania.

 

Dowlada Congo ayaa sheegtay in kooxdan ay kadambeysay weerar lagu dilay ilaa 21-ruux oo ay kujiraan haween iyo caruur kaas oo ka dahcay meel udhow magalada Beni ee waqooyiga gobolka Kive bishii December.

 

Himilo Medida

Meydka Haweenay Harraad Ugu Dhimatay Gobolka Selel Oo La Helay

Saylac:July,01,2014(Himilo)-Waxa Maalintii shalay laga Helay Banka Gobolka Selel, gaar ahaan inta u dhaxaysa Ceel-gaal iyo Tuulada Jidhi Meydka Haweenay soomaaliyeed oo aan wali si ramsi ah loo aqoonsan.

badieXidhibaan Axmed Migil Ciil-tire oo  xidhiidh la sameeyey warbaahinta ayaa sheegay inay shalay soo gaadhay warka maydka haweenaydaas, waxaanu sheegay inuu maydku bararay, isla markaana uu u muuqday mid maalmo ka hor dhintay.

Waxa kale oo uu tilmaamay xildhibaanku inuu waraabe ka cunay madaxa, taasoo sababtay in la garan waayo haybteeda, waxaana lagu aasay maydka gabadhaas magaalada Hargeysa oo markii dambe loo soo gudbiyey.

Si kastaba ha ahaatee waxa bilaha xagaaga ka dhaca deegaannada banka ah ee gobolka Selal dadka uu saameeyo haraadka, isla markaana qaarkood u dhintaan.

Dadka Halkaas Harraadka ugu dhinta ayaa u badan kuwo aan Meesha cilmi u lahayn oo ka  yimaadda Dalalka Somalia iyo Ethiopia.

Dhinaca kale magaalada Saylac ayaa maalintii tobnaad biyo la’a taas oo keentay inay dadka danyarta ahi ku adkaato nolol maalmeedka dhinaca biyaha, balse ay ilaa hada la il daran yihiin xaaladdaas biyo la’aaneed.

waa markii u horeysay ee magaalada Saylac laga waayo muddo toban maalmood ka badan, mana jrto ilaa hadda cid masuul ah oo ka hadashay.

 Himilo Medida

Saddex Dhallinyaro Isra’iliyiin Muddo La La’aa Oo Meydadkooda La Helay

Qaza:July,01,2014(Himilo)-Dawladda Srael ayaa sheegtay inay Gacanta ku soo dhigeen Maydadka Saddex dhallinyaro Yuhuud ahaa oo 12-kii Bishii dhamaatay ee June lagu afduubtay Daanta Galbeed.

meydiRa’isal wasaaraha Yuhuudda Benyamin natanyahu, ayaa ku eedeeyey Kooxda Hubeysan ee Falastiin ee XAMAAS inay ka dambeeyeen afduubka iyo dilka dhaliinyaradaasi, wuxuuna ku goodiyey inay XAMAAS ciqaabi doonaan.

Madaxweynaha Maraykanka, Obama ayaa cambaareeyey dilkaasi, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay is-xakameeyaan.

Madaxweynaha Maamulkla Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim ayaa isaguna cambaareeyey dilkaasi.

Maydadka dhallinyaradaasi oo da’doodu u dhexeysay 16 ilaa 19 jir ayaa laga helay magaalladda Alkhaliil ee Daanta Galbeed ee dhulallka la haysto ee Falastiin.

Wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Yuhuudu arrintaas kaga jawaabtay Duqayn ba’an oo ay daanta Galbeed ku Qaadday, iyadoo Goobaha la duqeeyeyna ay ku sugan shacab aan waxba galabsan oo Reer Falastiin ahi.

 

Himilo Medida

Maamulka iyo Hay’adaha Ammaanka gobolka Saaxil oo ka hadlay Shaqaale u Dhashay Pakistan oo Koox Shuraako ahi Berbera u soo Tahriibiyeen

Xog-warranka 12 ka tirsan 20 Kalluumaysato ah oo farsamo Khiyaamaysan looga keenay Dalkooda

 


 

“Markii aanu Dubai gaadhnay, waxa lanaga qaaday Baasaboorradayadii, waxaana lana saaray diyaarad u socotay Berbera, Somaliland..” – Feroze Bhatti

 

“Waxa laysheegay in shirkaddii aanu shaqada ka dalbadanay ay nagu wareejisay nin ganacsade Soomaali ah.”  – Feroze Bhatti

 

 “Wax gobolka ku sheegayana ma arag wax Baakistaaniyiin ah oo yimi, aniguna sidii aan u imi maalinna gobolka kama bixin,”” – Badhasaabka SAAXIL

 

“Wixii dambi gala waa halkeeda, wax dambi galay oo lanoo keenayna ma jiraan, balse arrintaas iyada ah wax boolis ah oo ka hawl-galay ma jirto haba yaraatee,” – Taliyaha Qaybta Booliska Saaxil

 

Karachi/Berbera, 01 July, 2014 (Himilo)- Maamulka iyo Laamaha Ammaanka ee gobolka Saaxil, ayaa ka hadlay warar maalmihii u dambeeyey hadal-hayntooda laga dareemay meelo badan oo adduunka ka mid ah, taas oo la xidhiidha kalluumaysato u dhalatay dalka Pakistan oo sheegtay inay dhibbaneyaal u ahaa fal-dambiyeedka ka-ganacsiga bani’aadamka, loona soo afduubay dhinaca magaalada Berbera.

1aadLabaatan Qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Pakistan oo la sheegay todobaadkii hore inay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Berbera ka dib markii diyaarad laga soo saaray magaalada Dubai, ayaa sheegay in qaab afduub ah looga keenay dalkooda, ka dib markii loo sheegay in shaqo la siinayo shirkad Kalluumaysi oo uu leeyahay ganacsade Carab ah oo Fadhigiisu yahay dalka Sucuudiga, balse markii la keenay magaalada Berbera, sida ay sheegeen qaar ka mid ah raggan oo markii ay ku laabteen dalkooda u warramay jariiradda DAWN oo ka soo baxda magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Sida lagu baahiyey jariiradda DAWN, 12 ka mid ah raggan oo maalinta Sabtida ee todobaadkan ku laabtay dalkooda, ayaa ka sheekeeyey dhacdadan oo ay ku tilmaameen nooc ka mid ah Ka-ganacsiga Sharci-darrada ah ee Bani’aadamka, halka ay ka sheegeen in siddoodii kale wali lagu hayo Meesha Berbera.

Haseyeeshee Badhasaabka Saaxil iyo Taliyaha Qaybta booliska, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay jiritaanka dhacdadan oo ay sheegeen inaanay jirin shaqaale u dhashay Bakistan oo la keenay magaalada Berbera, in kasta oo arrintan hadal-hayteeda laga dareemay magaalada Berbera.

badhasaabka saaxilBadhasaabka gobolka Saaxil Md Fahmi Cabdi Bidaar oo Wargeyska Himilo khadka telefonka arrintan wax kaga weydiiyey xalay, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inay jiraan shaqaale u dhashay Pakistan oo la keenay gudaha Berbera.

“Wax gobolka ku sheegayana ma arag wax Baakistaaniyiin ah oo yimi, aniguna sidii aan u imi maalinna gobolka kama bixin,” ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil. Waxa uu intaa raaciyey, “Ka masuul ahaan , waxaan kuu sheegayaa inaanay waxba ka jirin shaqaale Baakistaaniyiin ah oo halkan la keenay oo lagu dhex-garaacay masaajid, arrintaasi waa barobagaandho kale, waa beentood, wax dhacayna maaha haba-yaraatee,” ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Saaxil oo sidoo kale sheegay inuu arrintan maanta kaga hadli doono shir-jaraa’id.

Dhinaca kale, Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Saaxil Cabdi Cali Xayd oo Himilo wax ka weydiiyey inay jiraan Shaqaale u dhashay dalka Pakistan oo ku xidhan gudaha magaalada Berbera iyo wax uu kala socdo dhacdadan, ayaa ku jawaabay, “Waxaan kuu caddeynayaa inaanay jirin cid ajaanabi ah oo ku xidhan saldhigyada booliska Berbera. Wixii Ajaanib ah laanta socdaalka ayaa shaqo ku leh, wixii fiise iyo sharci dalka ku jooga, annagu ma faro-gelinno oo ammaankooda ayaanu ilaalinnaa oo meelaha Kaarantaroollada ah kuwa aanu ku aragno, ayaanu raacinnaa ciidan ammaankooda ilaaliya, ama qofka wada ayaanu talooyin siinnaa. Laakiin wixii dambi gala waa halkeeda, wax dambi galay oo lanoo keenayna ma jiraan.  Arrintaas iyada oo boolis ah oo ka hawl-galay ma jirto haba yaraatee,” ayuu yidhi Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Saaxil.

In kasta oo masuuliyiinta gobolku sheegeen inaanay waxba ka jirin arrintan, haddana qaar ka mid ah Shaqaalaha u dhashay dalka Pakistan oo markii ay dalkooda ku noqdeen u warramay jariiradda DAWN oo ka soo baxday magaalada Karachi, ayaa sheekeeyey  qaabkii ay ku yimaaddeen Berbera oo ay ku tilmaameen af-duub meel lagaga dhacay xuquuqdooda.

“Annaga oo u aragnay inay tahay Fursad Shaqo oo aanu ka helayno lacag noloshayada daboolaysa, ayay noola muuqatay xayaysiiska lagu baahiyey Wargeyska oo lagu sheegay in la doonayo Kalluumaysato ka shaqayn doonta dalka Sucuudiga. Markii aan arkay, waxaan istusay haddii aan helo shaqada inaan awood u leeyahay inaan Cumrada gudan karo. Laakiin, halkii aan ka eegayey inaan tagayo Dhulkii Barakaysnaa, waxa lanaga dejiyey Soomaaliya,” sidaa waxa jariiradda DAWN u sheegay Feroze Bhatti ka mid ah labaatan Kalluumaysato u dhalatay dalka Pakistan oo sheegtay in laga dejiyey magaalada Berbera, welina ay ku hadhsan yihiin 8 ka mid ah, in kasta oo masuuiyiinta laamaha ammaanka Gobolka Saaxil ay beeniyeen jiritaanka warkan.

Bhatti oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Sheekadayadu waxay ka bilaabmatay markii aanu codsi u xeraysannay xayaysiis lagu baahiyey jariiradda Urdu. Waxay noo sheegeen inaanu u shaqayn doono shirkad uu leeyahay nin Sucuudi ah. Markii aanu u diyaar-garownaynay inaanu Sucuudiga tagno, Fiisayaashii la noo soo sameeyey waxay ahaayeen qaar booqasho loogu talo-galay, may ahayn fiisayaal shaqo. Laakiin, shirkadda TARIQ ee halkan u qaabilsanayd waxay noo sheegtay in wax kasta lagu dhamaynayo markaanu tagno Dubia.”

“Markii aanu Dubai gaadhnay, waxa lanaga qaaday Baasaboorradayadii, waxaana lana saaray diyaarad u socotay Berbera, Somaliland. Kuwii kale ee meesha nala joogay ismay af-garan in kasta oo ay garanayeen luuqadaha Carabiga iyo English, intayada badani waxaanu ahayn Dad xoogsato ah oo aanu wax aqoon ah lahayn, laakiin anigu waan fahmi karayey. Waxaan dalbaday inay ii sheegeen sida ay wax yihiin maxaa yeelay waxay u muuqatay inaanu dhibbaneyaal u ahayn Fal-dambiyeedka Ka-ganacsiga Bani’aadamka,” ayuu yidhi.

Raggani waxa ay dhacdadan masuuliyaddeeda dusha ka saareen oo iska kaashaday, Shirkad wakaalad ahaan ugaga hawl-gashay gudaha dalka Pakistan oo lagu magacaabo TARIQ iyo Nin ganacsade Soomaali ah oo aanay magac-dhabin.

“Shirkadda TARIQ oo u qaabilsanayd diiwaangelinta oo noogu timi tuulooyinkayagu waxay naga qaadeen Rs80,000, lacag intaas le’egna maanaan haysan, qaar naga mid ahina waxay iibiyeen dahabkii xaasaskayaga, qaarkoodna lacagay soo ammaahdeen,” Sidaasna waxa yidhi Mohamed Aadan oo ka mid ah Kalluumaysata dhibatani ku dhacday oo jariiradda DAWN u warramay, isaga oo intaas raaciyey, “Waxa laysheegay in shirkaddii aanu shaqada ka dalbadanay ay nagu wareejisay nin ganacsade Soomaali ah.”

Mr Bhatti oo la weydiiyey sababtay ay saaxiibbadooda kale uga hadheen safarkooda waxa uu yidhi,  “Waxay ka baqayaan inay iska celiyaan kuwa ay u afduuban yihiin, sidaasaanay noo soo raacin.”

Nimanka sheegty in loo soo tahriibiyey Somaliland, waxa ay sheegeen inay qoysaskooda la xidhiidheen muddo laba maalmood ah oo ay ku jireen masaajidku hoy u ahaa, halkaasna ay kula xidhiidheen nin u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda bani’aadamka oo ka hawl-gala deegaamadii ay ka yimaadeen ee dalka Pakistan.

“Immika markii aanu halkan soo gaadhnay shirkadda TARIQ  ee wakiilka ahayd waxay noo sheegtay inay heshiis la gashay shirkad Kalluumaysi oo Soomaali leedahay,” sidaas waxa yidhi Mohamed Jamil oo ka tirsan raggan,” ayuu yidhi Bhatti.

Dhacdadan oo lagu baahiyey warbaahinta caalamka, isla markaana nooqonaya markii ugu horeysay ee nooceedu ka dhacdo Somaliland, ayaa haddii jiritaankeedu xaqiiq noqdo fadeexad iyo magac-xumo u soo jiidaysa Somaliland, waxaana looga baahan yahay hay’adaha ammaanka iyo cid kasta oo ay khusayso inay baadhitaan ku sameeyaan isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid kasta oo tuhunkeedu galo, si daboolka looga qaado xaqiiqada dhabta ah ee jirta iyo cid kasta oo ka dambaysay.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Horn Human Right oo Sharci-darro ku tilmaantay Muwaaddiniin ay Xukuumaddu ku wareejisay Jabuuti, kana dayrisay Heerka Kufsi-wadareedka

“Gabadh kale oo waxa jirta ay Dhakhtarka wayn ka shaqayn jirtay oo ay 21 Nin kufsadeen oo hadda Maskixiyan wax u gaadheen, cid wax u qabanaysaana ma jirto..” Guddoomiyaha Horn Human Right Axmed Yuusuf Xuseen

 

Hargeysa, 01 July, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqda Aadamaha Horn Human Right Axmed Yuusuf Xuseen, ayaa ka dayriyey dhibaatooyinka Kufsiga sida Wadarta ah loogu geysto Haweenka iyo Carruurta da’doodu aadka u yartahay, isla markaana waxa uu cambaareeyey qaabka ay dawladda Somaliland Sirdoonka Jabuuti ugu wareejisay Muwaaddiniin dalka u dhashay oo aan Maxkamad xukuntay jirin, dembi lagu caddeeyey-na jirin.

xuquuq-300x225Axmed Yuusuf Xuseen, waxa uu sidoo kale si kulul u cambaareeyey xadhigga iyo xayiraadda Warbaahinta Haatuf, Hubaal iyo Telefeshinka UNIVERSAL Xafiiskiisii Somaliland, kuwaasoo ay dhammaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xayirtay Xarumohoodii iyo shaqadoodii, halka Haatuf ay Maxkamadda gobolka Hargeysa sheegtay inay kala noqotay Ruqsadda, kuna xukuntay konton Maylan oo lacagta dalka ah iyo xadhigga afar illaa saddex  sano ah ee Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Haatuf.

“Annagu horta goobta lagu wareejiyey maannaan joogin, hadallo badan oo is-burinayana waannu ka maqalnay, laakiin in qof la dhiibayo, waxay ku xidhan tahay dembiga uu galay nooca uu yahay, waxay ku xidhan tahay xidhiidhka labada dal inuu yahay mid illaa heerkaas, haddii xidhiidhkaasi jiro oo uu qofku dalkaas dembi ka galay waa loo gudbin karayayaa. Laakiin, dembigu noocee uu yahay, Maxkamadi miyey caddaysay, Garsoor Madax-bannaan miyuu helay, Looyar miyuu helay, waxaas oo dhan baa la is-weydiinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Yuusuf Xuseen.

Axmed Yuusuf Xuseen oo sii wata hadalkiisa waxa uu tilmaamay inaanay tallaabada noocan ahi waafaqsanayn qaabka shuruucda caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah toona, waxaanu yidhi; “Markaa, anigu waxaan u arkayaa inay mid iska cuno-duub ah ahayd, Xuquuqdii ay dadkaasi ay lahaayeen-na aan la siinnin. Meesha maannu joojin, laakiin sidaannu warbixinta ku helnay waxa la yidhi; ‘dadkaasi waxay ahaayeen dad xagga Jabuuti laga soo dalbaday oo aan halkan wax sharci ah laga marin ee sidaas loogu dhiibay. Taasina shuruucda caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah midna ma waafaqsana.”

Waxa uu Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqda Aadamaha Horn Human Right, ayaa sheegay in heerka Kufsiga Somaliland marayo meel aad looga naxo, isla markaana kiisaskii ugu dambeeyey ee ay Hay’ad ahaan dhex galaan ay ka mid ahaayeen dhawr kiis oo uu sheegay inuu ka mid yahay Haweenay 15 Nin wada kufsadeen, Haweenay kale oo ku dhawaad labaatan nin kufsadeen Maxkamadaha iyo Hay’adaha Sharcigu toona waxba u qabannin, ee ay Maxkamaduhu siiddaayeen, isla markaana ay mid ka mid ahi Maskaxiyan wax u noqotay, Hooyadeedna dhimmirka ka xanuunsantay.

“Tii ugu dambaysay ee aannu hadda Kiiskeeda galnay waxay ahayd Gabadh ay dhawr iyo toban Wiil Kufsadeen oo Hooyadeed Dhimirka ka xanuunsanayso, Aabbeheedna Faalug ku dhacay oo runtii aad u tacaddi ah oo innamada kufsaday qaarkood ay si shaqsiyan ah u garanaysay, ayay Maxkamaddi siidaysay, markaa waxani maalinba maalinta ka dambaysa waxa uu u sii badanayaa waxa weeye Garsoor adag oo sugaya Caddaaladda ayaan jirin.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Yuusuf Xuseen.

Difaacyahankan Xuquuqada Aadamaha Mr. Axmed oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray; “Markaa, marka ka hore la siidaayo ka dambana wuu ku dayanayaa, midba midka uu ka dambeeyo wuu ku dhiirranayaa, illaa la helayo Garsoor adag oo caddaaladda suga wax qabsoomaya maaha, tallaabooyinka la samaynayaana way sii kordhinayaan ee waxba ma dhimayaan, waana tallaabooyin aannu aad uga xunnahay.”

Axmed Yuusuf Xuseen oo ka warbixinaya Gabadh kale oo ay 21 Wiil wada-jir u kufsadeen iyo saamaynta ay nolosheeda ku yeelatay tallaabadaasi, waxa uu yidhi; “Gabadh kale oo waxa jirta ay Dhakhtarka wayn ka shaqayn jirtay oo ay 21 Nin kufsadeen oo hadda Maskixiyan wax u gaadheen, cid wax u qabanaysaana ma jirto, Garsoorkina wuxu ku yidhi iyadoo garanaysa qaar ka mid ah; ‘Sharci maaha’! labadaa Kufsi ee aan kuu sheegayana Dhakhaatiirtii baa caddaysay. Markaa, waxaan ILLAAHAY ka rejaynaynaa inuu xaqa waafajiyo dadka Garsoorka fadhiya si ay waajibaadkooda shaqo ugu gutaan sidii loogu talo-galay.”

Axmed waxa uu sidan ku sheegay Waraysi uu siiyey Radio Hilaac, kaasoo uu dhinacyadan kala duwan kaga warbixiyey, waxaanu intaas ku daray inaanu sida uu wax u ogyahay, isla markaana dadka dhibaatada loogu geystay Kufsiga ee uu arkay ay ka mid yihiin Carruur yar-yar oo Hablo ah oo ay ka mid yihiin Gabadh uu sheegay inay lix bilood jirtay, Gabadh labaad oo uu sheegay inay sannad iyo afar bilood iyo mid sannad iyo lix bilood jirtay oo dhammaantood uu sheegay in Kufsi Rag waawayni u geysteen ku nafwaayeen oo ay ku dhinteen oo Mag lagu kala qaatay sida uu isagu caddeeyey.

Waxa uu soo jeediyey Axmed Yuusuf Xuseen in wada-jir looga soo horjeesto, Garsoorkana Caddaaladda lagu soo dabbaalo, si wax looga qaban karo dhibaatooyinka iyo tacaddiyada xadhkaha goostay ee Kufsiga oo uu xusay inuu ugu badan yahay Kufsi-wadareedka ay sida wada-jirka ah Hal Gabadh ugu wada geysteen Wiilal is-urursaday oo ay 21 illaa dhawr iyo toban inta u dhaxaysa, taasina ay sii socon doonto oo ay bulshada dhibaato baahsan ku keeni karto, haddii aan maanta wada-jir wax looga qabannin.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland