
Kooxdan ayaa lagu eedeeyay iney geysteen afduub ,askareynta caruur ,kufsi iyo weeraritaanka Xarumaha qaramada midoobay ku leedahay Dalka Uganda.
Hogaamiyaha kooxda Jamil Mukulu ayaa isagu waxaa la sheegay inuu xidhiidh la leeyhay kooxda Al-shabaab ee Somalia, isla-markaana ay wada shaqayni marar badan dhex martay.
ADF waa koox hadafkeeda ku sheegtay xoreynta dalka Uganda waxayna saldhigyo ku leeyihiin dalka Congo waxaana tiradooda lagu qiyaasaa ilaa 1,200 ama 1,400 dagaalyahano ah.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay kooxdan waxay Caruur ka qorteen masaajidyo kuyaala dalalka Congo Ugand,Iyo Tanzania.
Dowlada Congo ayaa sheegtay in kooxdan ay kadambeysay weerar lagu dilay ilaa 21-ruux oo ay kujiraan haween iyo caruur kaas oo ka dahcay meel udhow magalada Beni ee waqooyiga gobolka Kive bishii December.
Himilo Medida
No comments:
Post a Comment