Sunday, June 14, 2015

Danjire Mahiga oo u tartamaya Jagada Madaxweynaha dalka Tansaaniya

Tansaaniya, 14 June, 2015 (Himilo)- Ergaygii Hore ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Arrimaha Soomaalida, Dr. Augustine Mahiga, ayaa shaaca ka qaaday inuu u tartami doono madaxtinimada waddanka Tanzania oo uu u dhashay, isla markaana uu kheyraadka dalkiisa u bandhigi doono caalamka si loo maalgashado.
Mr. Mahiga oo soo qabtay xilka Ergeyga Xoghayaha QM ee Soomaaliya iyo safiirka dalkiisa u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa bayaamiyey qorshahiisa tartanka kursiga ugu sareeya dalkiisa usbuucii hore, isla markaana sheegay inuu dariiq cusub u jeexi doono horumarka dalkiisa.
Xogahayaha QM Ban Ki-moon ayaa u magacaabay ergeyga u qaabilsan Soomaaliya sannadkii 2010, xilkaana uu hayey ilaa 2013, ka hor intaan lagaga qaadin dareen uu ka muujiyey qadiyada madaxbanaanida Somaliland, inkastoo si guud loo shaacin.
Mr. Mahiga oo ka hadlayey khibradiisa ayaa sheegay inuu waaya-aragnimo dheer u leeyahay xalinta khilaafaadka, heshiisiinta iyo arrimaha horumarka, taasoo kaalin ka qaadan karta u tartankiisa jagada madaxtinimo ee Tansaaniya.
Dalka Tansaaniya ayey doorashada madaxtinimadu ka dhici doonta bisha tobnaad ee sannadkan, ka dib muddo toban sannadood Madaweyne Jakaya Kikwete xilka hayey maamul xumo iyo musuqmaasuq lagu eedeeyey.
Musuqmaasuqa ayaa lagu eedeeyey dhamaan hay’adaha dawlada, taasoo ka dhigtay dalka Tansaaniya, wadanka ugu musuqmaasuq badan Afrika, taasoo ka dhigaysa cod bixiyeyaashu inay doortaan hogaamiye daacad ah.

Himilomedia
Hargeysa

No comments:

Post a Comment