Monday, August 31, 2015
Qaramada Midoobay Oo Walaac ka Muujiyay Xaalado Bini’aadanimo Oo Lasoo Darsay Dad Badan Oo Soomaali Ah.
Warbixin maanta Hay’adda UNOCHA ee qaabilsan arrimaha Bin’aadanimada kusoo bandhigtey magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in dad ka badan 3-milyan oo qof ay u baahan yihin gargaar.
Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Peter de Clercq ayaa ugu baaqay Hay’addaha samafalka in ay kordhiyaan dadaalada ku aadan sidii loo samata bixin lahaa dadkan.
Arrintan ayaa la xidhiidha roobabkii guga oo sanadkan soo daahay halka meelaha qaarna aanu ka di’in.
Wuxuu intaas ku daray in 68% dadkan ay yihin barakacayaal taasna ay sii adkeynayso howlaha gargaarka.
Hay’addaha samafalka ayaa ka digeya in Soomaaliya ay mar kale ka dhacdo musiibo bin’aadanimo oo la mid ah abaarihii 2011-kii oo ay ku dhinteen dad ka badan 200,000-qof.
Himilomedia
Hargeysa Office
Wasiir Maxamud Xaashi waa Astaan Qurux badan oo Qaranku leeyahay
isweydaarsiga fikradaha .
“Xukuumada Damac Wuu ka gali karaa inay Wareejiso Haamaha Shidaalka….Dastuurkuna Waxaa uu u siiyay Waajib” Wasiirka Warfaafinta Somaliland.
Hargeysa 31 August,2015(Himilo)- Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigalinta Cabdilaahi Maxamed Daadhir Cukuse ayaa ku dooday in dastuurka Somaliland xukuumada awood u siiyay inay iibiso, kireyso ama hantida umada ku badasho waxay danta umada u aragto.
Wasiir Warfaafintu waxaa uu sheegay in xukuumada damac ka gali karo in haamaha lagu wareejiyo ganacsato reer Somaliland oo gudan kara maamulka haamaha shidaalka .
Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo arimahan ka hadlaya waxaa uu yidhi “Qodobka 12aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxaa uu cadeynayaa masuuliyada hantida iyo kaalinta ay xukuumadu ku leedahay, qodobkaasi waxaa uu sheegayaa in xukuumada somaliland ay u xilsaarantahay hantidaa gacan ku haynteeda awoodna ay u leedahay, inay iibiso , inay kirayso, inay ku badasho wax kale oo u dhigma, oo ay qaranka dan u mooday.”Ayuu Yidhi Wasiir Cukuse.
Wasiir Cukuse waxaa uu Carabka ku dhuftay inay jiraan ganacsato usoo bandhigtay inay la wareegi karaan maamulka haamaha shidaalka isla markaana iyadoo la danaynayo dhiirigalinta ganacsiga Somaliland lagu wareejinayo haamaha.
“Wuu imankaraa in xukuumadu haamaha shidaalka cid kale ku wareejiso, waliba waxaa uu qurux badan yahay marka ay xukuumadu shacbigeeda u danaynayso oo ilaalinaysa xaqa iyo sharciga oo korinta ganacsiga danaynaysa, oo haamaha daryeelkooda danaynaysa, oo haamaha in muwaadin gacanta ku hayo danaynaysa, marka ay dhiirigaliso ganacsato isku tagtay oo awoodaa iyo kartidaa la timaada, inay iyagu noqon karaan kuwo maamulkaa gacanta ku hayn kara.”Ayuu Yidhi Wasiir Cukuse.
Wasiir waxaa uu xildhibaanada wakiilada usoo jeediyay inaan lagu mashquulin wareejinta haamaha shidaalka ee loo baahanyahay in xukuumada iyo wakiilaba loo gudagali sidii doorasho dalka uga dhici lahayd, maadaama wakhtigii doorashada la qaban.
Xukuumada Somaliland ayaa ku adkasanaysa inay ku wareejiso haamaha shidaalka Berbera Shirkado gaara iyadoo xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland aad uga soo horjeedaan wareejinta haamaha.
Himilomedia
Hargeysa Office
"Nimanka Wasiirada Ah Ee Qaylinaya waxaanu Leenahay Sidaas ayay Ku laalnaanaysaa In Haamaha La Wareejiyo"Mujaahid Boobe
Xoghayaha warfaafinta Xisbiga Waddani mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa golaha ku bogaadiyay go’aanka ay ku laaleen qorshaha lagu wareejinayo haamaha shidaalka, isagoo xukuumada usoo jeediyay si kasta oo ay uga xumaadaan laalida lagu sameeyay heshiiska lagu wareejinayo haamaha ay ku khasbanyihiin in ay ogaladaan.
Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale waxaa uu ku amaanay golaha wakiilada sida ay u gutaan waajibaadka loosoo doortay isagoo ilaahay uga baryay inuu ku asturo shaqada ay umada u hayaan.
Mujaahid Boobe Oo maant saxaafada hargeysa kula hadlay ayaaa sheegay“Waxaanu u mahadnaqaynaa golaha wakiilada iibkii iyo wareejintii haamaha shidaalka ee ay laaleen aad ayaad ugu mahadsantihiin, ilaahay ha idin garansiiyo xilkiina, qolada wasiirada ah ee qalinaysa ee leh maanaan yeelin waxaaanu leenahay golaha hadaad keentaan iyo hadaydaan keeninba sidaasbay u laalnaanaysaa”Ayuu Yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Geesta Kale Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale waxaa uu ka warbixiyay Qorshe ay SNM Ku burburinaysay haamaha shidaalka oo madaxwayne Siilaanyo ka horjoogsaday isagoo wax laga xumaado ku tilmaama in Axmedkii shalay lexojecladu ka haysay maantana xukuumadiisii haamihii iibinayso.
“Arintan ayaa waxaa ay I xasuusinaysaa sanadihii dulsaarka ahayd ee aanu joognay SNM, waa dabayaaqadii 1990kii meeshu waa Beligubadle, waxaanu kasoo baxnay shirkii Malaweyn ee gurrtida waxaanu u diyaar garoobaynay, shirwaynihii lixaad oo dhamaadkii March 31 keedii ka frumay Baligubadle oo Axmed Siilaanyo oo maanta madaxwayne ah maalintaasina Guddoomiye ahaa taanbuug yar oo uu seexan jiray kasoo baxay, ardaa ka horeeyay ayaa markaa loo goglay qureecdii kadib, sagaalkii iyo badhkii ayay ahayd dabadeedna ciidan Ibraahim Dhagawayne Wato ayaa duleedka marayay, dabadeedna ciidankii ayuu waraysatay halka ay u baxayaan iyo halkay tagayaan, waxaa loo sheegay halka ay u baxayaan oo ah Berbera oo ay soo qarxinayaa haamihii shidaalka.”
Boobe Yuusuf Ducaale oo hadalkiisa sii wataana waxaa uu intaasi ku daray “Anigub haamaha shidaalka waligay cilmi baadhis kumaan samaynin meel kamaan akhriyin, laakiin lacture yar oo kooban oo Axmed Siilaanyo I siiyay ayaa waxaa uu ahaa sidii ay ku samaysmeen iyo taariikhdii haamaha shidaalka, waxaa uu nooga sheekeeyay in haamihii ugu horeeyay ay ahaayeen kuwo yar yar oo gumeysigii Ingiriisku ka tageen, haamihii labaad waxaa uu sameeyay ruushka kii sadexa oo kuwa hada taagana maraykanka ayaa sameeyay markii intaasi nooga sheekeeyay maalintaasi hawlgalkaasi sidaasi ayuu ku baaqay. Axmed waxaan u haystay in lexo jeclo ka hayso haamaha, dabadeedna maanta ayaan maqlayaa isagoo madaxwayne ah in haamihii shidaalka la iibinayo, Ninbaa laga hayaa laba isma saaro, waxaan ka mid ahay ninka aan labadaas isasaarin, Haamaha shidaalku maaha arimo ganacsi arintu lama xidhiidho ganacsi, waa arin la xidhiidha amnia qawmiga ah ee dalka, waa arin la xidhiidha siraha uu qarankani leeyahay.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Golaha Guurtida Oo Ansixiyay Xeerka Ilaalinta Duurjoogta.
Fadhigan oo uu shirgudoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Mudane Siciid Cali Jaamac Ayaa waxaa kasoo xaadiray 47 mudane.
Markii uu fadhigu Furmay ayaa guddoomiye ku xigeenka guurtidu golaha u akhriyay wax kabadal ay ku sameeyeen xeerkan duurjoogta, isagoo markii dambana cod u qaaday ansixinta xeerkan. Waxaa ogalaaday in xeerkan la ansixiyo 45 mudane, waxaa diiday 1 mudane Guddoomiyuhuna ma uu codayn, sidaana waxaa lagu ansixiyay xeerka Ilaalinta duurjoogta Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa Office
Madaxwayne Siilaanyo Oo Tacsi U Diraya Geerida Ku Timid Marxuum Siciid Cali Giir
31/08/2015
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Siciid Cali Giir oo ku geeriyooday Laascaanood maanta oo taariikhdu tahay 31/08/2015.
Siciid Cali Giir waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu horeeyey ee qaybta ka ahaa ciidamada wakhtigii ay Somaliland qaadatay xoriyada 1960kii, isagoo ka mid ahaa 1961kii koox saraakiila oo ka qaybqaatay inqilaabkii fashilmay oo ay doonayeen saraakiishaasi in ay ku soo celiyaan midnimadii lagu hungoobay.
Marxuumka oo Xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland, 1991kiina waxa uu ka mid ahaa hormuudadii kaalin muga leh ka qaatay sidii loo xaqiijin lahaa himiladii ahayd in qaranka dib loola soo noqdo oo ahayd wixii uu ku taamamayey 1961kii kana midho dhaliyey.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Sunday, August 30, 2015
Xukuumada oo Cadeysay Inay Wareejinayso Haamaha Shidaalka , Wakhti Golaha Wakiiladu Laaleen Qorshaha Lagu Wareejinayo Haamaha .
Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr Muuse Qaasim Cumar ayaa sheegay in uu socdo heshiiska xukuumadu ku wareejinayso Haamaha shidaalka marka uu dhamaadana ay shacabka u soo bandhigi doonaan shirkada lagu wareejiyay haamaha kaydka shidaalka.
Wasiirku waxaa uu sheegay in xukuumadu ay masuul uga tahay shacabta hantida, isla markaana ay iyagu masuul ka yihiin hantida la iibiinayo ama la wareejinayo marka loo baahdo.
Wasiirka oo arimahan ka hadlaya waxaa uu sheegay “Haamaha shidaalka ee Barbera (Line Ministry)ayaanu u nahay anagaana xukuna,waxaana iska leh shacabka reer Somaliland sida Dekada Barberaba ay u leyihiin , Shacabka xukuumada ayaa uga masuula hantida, xukuudana wasaarada ganacsiga ayaa uga masuula. Markaa Dastuurka waynu wada naqaanaa, Distoorka Somaliland waxaa uu sheeegay in xukuumadu hantida ay umada u hayso, hadii loo baahdo ay iibin karto, hadii loo baahdo ay kirayn karto, hadii loo baahdo ay hibayn karto,”
Wasiirku waxaa uu intaasi raaciyey “Mar iyo laba jeerba way dhacday hada arinka laga hadlayo ee haamuhu awalba waxay u shaqayn jireen shirkada shiddaalka keena ee Somaliland.Shirkadihii ay awalba u shaqayn jireen ayaa la isla soo qaaday oo in mudo ah soo socotay in la kireeyo, iyagoo awalba ay iyaga u shaqeyn jirtay, khidmad iyo cashuurta dawladana laga qaadi jiray.”
Wasiirku waxaa uu ku dooday in habda xukuumada jirta sida ay ula muuqato maamulka hantida umada ay ugu shaqaynayaan “Hadba xukuumada joogta sidii ay ula muuqato maamulka hantida umada eek u wa isticmaalana uga midha dhalinayso, danta dadkana la eegayo ayaa hadba sidii u wanaagsan la yeelayaa.Markaa waxay ahayd arintu in haamaha lagu wareejiyo shirkada gaara Heshiiskii ayaa socda walina waa la isla eegayaa xiliga uu soo dhamaado heshiisku ayaa la sheegayaa in la wareejiyay dhawaana waa uu dhamaaanaya heshiisku.”Ayuu Yidhi Wasiirka Ganacsigu.
Mudenayaasha golaha wakiilada ayaa laalay qorshahan ay xukuumadu ugu wareejinayso haamaha shidaalka shirkado gaara iyadoo xukuumaduna ku adkaysanaysa in haamaha shidaalka lagu wareejiyo shirkado gaara.
Go’aamada kala duwan ee golaha
wakiilada iyo xukuumada ayaa dalka galin kara loolan siyaasadeed oo abuura khilaaf u dhaxeeya xukuumada iyo golaha wakiilada Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa Office
“Anagu Xildhibaanada Warbixin Aanan U Dhiibin Ayay Akhriyeen….Warbixintayaduna Way Cadahay”Mareeyaha Haamaha Shidaalka
Mareeyuhu waxaa uu cadeeyay in guddida dabagalka musuq ee golaha wakiilada ay kulan wada yeesheen, balse aanay siin warbixinta ay ka hor akhriyeen golaha wakiilada Somaliland, isagoo ku dooday in haamaha shidaalku ay ku shaqeeyaan miisaaniyada uu golaha wakiilada u ansixiyey 2014kii.
Mudane Saleebaan oo arintan ka hadlaya waxaa uu yidhi “guddida aanu kulanay waxaan xilka hayay sanad buuxa, markaa warbixintii shalay guddidu golaha hor keentay dee waxaanu anagu u sheegnay iyo hanaan xisaabeed ay anaga naga heleen midna may ahayn. Runtii waxaanu u soo gudbinay odoroska miisaaniyaddayada 2015-ka, markaa shalay golaha wakiiladu waxay sheegeen in kharash dhan 24 Milyan haamaha ka soo baxaan, runtii waa arrin la yaab u leh. Kharashka aanu ku shaqaynaa waa kii goluhu noo ansixiyay 2014, kii sanadkii ka horeeyayna waanu ku shaqaynaa, waxaanay martaa hab xisaabeed adag oo litirkasta oo shidaal ah cashuurta ama adeegga laga qaado maalinleh iyo sanadleh ba xisaab adag bay martaa”Ayuu Yidhi Mareeyaha kaydka Haamaha Shidaalku.
Sheekh Saleebaan Waxaa uu sheegay in xildhibaanada golaha wakiilada ay akhriyeen warbixin aanay ku shaqayn haamaha shidaalka “Markaa Warbixin aanan u gudbin ayay xildhibaannadu yidhaahdeen maamulkii haamaha ayaa noo soo gudbiyay, markaa anagu warbixintaas umaanu gudbin, warbixintayaduna way caddahay. Waraaqaha ay naga hayaan, kuwa xafiiskayga yaala iyo kuwa wasaaradda ganacsiga yaala saddexduba way siman yihiin, markaa waxaa wanaagsanayd inay wixii aanu isku ogayn uun sheegaan.”Ayuu Yidhi Sheekh Saleebaan
Guddida dabagallka hantida qarn ee golaha wakiilada ayaa warbixin ay sheegeen in uu siiyay maareeyaha haamaha shidaalka u akhriyay golaha wakiilada Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa Office
Golaha Wakiilada oo Laalay Qorshe Xukuumadu Ku wareejinayso Haamaha Shidaalka
Hargeysa August 30, 2015(Himilo)-Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigii maanta ee golahaasi ku laalay qorshe ay xukuumadu ku doonayso in haamaha shidaalka lagu wareejio shirkado gaar ah.
Xukuumada ayaa maalmihii u dambeeyay waday qorshe ay shirkada gaara ugu wareejinayso haamaha shidaalka berbera oo ay xukuumadu gacanta ku hayso.
Fadhigii maanta ee golaha wakiilada oo ay kasoo qaybgaleen 55 Mudane ayaa waxaa farta u taagay in lalaalo qorshaha xukuumadu ku wareejinayso haamaha shidaalka 40 Mudane.
Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada iyo xildhibaano taabacsan in xukuumadu ku wareejiso haamaha shidaalka shirkado gaara ayaa iyagu fadhiga iskaga baxay kadib markii ay arkeen in goluhu kasoo horjeedo wareejinta Haamaha shidaalka Berbera.
Guddida la dagaalan musuqmaasuqa ee golaha wakiilada ayaa warbixin ka diyaariyay haamaha shidaalka iyo kharashka kasoo xareeda, iyagoo sheegay inay tahay il muhiima, oo dhaqaale dalka kasoo galo isla markaana aan loo baahnayn in lagu wareejiyo shirkado gaara.
Waa markii labaad ee mudanayaasha golaha wakiiladu laalaan qorshe xukuumadu dhaqaale ugu samaynayso shirkado kale , iyadoo sanadkan aynu ku jirnana ay laaleen cashuuro lagu soo rogay baabuurta soo degaysa.
Himilomedia
Hargeysa Office
Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka oo Warbixin ka soo saaray Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera, kana digay Shirkado Xukuumaddu ku wareejisay
“Inkasta oo way wax badan oo fiican qabteen, Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalku wuxu ka baaqsaday inay sameeyaan tartan xor ah oo xalaal ah iyo Qandaraasyo furan oo lagu tartamo mashaariicda ay fuliyaan, taasoo si cad u jebinaysa Xeerarka Qandaraasyada waddanka u yaalla..” Warbixin ay soo saartay Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka iyo daba-galka Musumaasuqa ee Golaha Wakiillada Somaliland
Hargeysa, 30 August 2015 (Himilo)- Guddiga ilaalinta iyo daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa soo saaray Warbixin ay ku darseen is-beddelka Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee magaalada Berbera tan iyo intii laga wareejiyey Shirkaddii Total oo muddo dheer gacanta ku haysay Maamulkooda, isla markaana waxa ay sheegeen in Maareeyaha Haamuhu ku kacay Musuqmaasuq baahsan. Waxaanay soo jeediyeen in la laalo heshiis la sheegay in Xukuumadda talada haysaa la gashay Shirkado yar-yar oo gaar loo leeyahay oo ay ku wareejinayso Maamulka Haamaha.
Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada waxa uu Guddoomiyaha Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka iyo daba-galka Musuqmaasuqa ee Golahaasi Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi ka hor-jeediyeen Mudanayaasha ka hor-akhriyey Warbixin dheer, ayaa sheegay in aan wakhtigan loo baahnayn in la wareejiyo Haamaha Kaydka Shiidaalka oo uu sheegay in 18-kii bilood ee u danbeyey ay ka soo baxeen 24 Milyan oo Doollar. Waxa Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi sheegay in dhaqaalaha intaasi leeg Qaranku ka helo Haamaha Shiidalka loona baahnayn in Dad gaar ah ama Shirkado lagu naasnuujiyo, waxa uu ku dooday Guddoomiyuhu oo uu Warbixintaas ku xusay in haddii heshiiskaasi hirgalo oo Shirkado gaar ah lagu wareejiyo Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera la jebinayo Sharciga Ganacsiga Xorta ah iyo weliba Tartanka Xorta ah ee Ganacsatada reer Somaliland, sidaa awgeedna aanu ka turjumayn heshiiska lagu wareejinayo Haamuhu danta Ganacsatada, Tartanka xorta ah ee Ganacsiga iyo weliba Hantida ay dawladdu ka heshaba.
Waxa ay Guddigu soo jeedisay in Golaha Wakiilladu go’aan ka soo saaro wareejinta Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera, isla markaana Goluhu laalo qorshaha Xukuumaddu doonayso inay ku wareejiso Haamaha Shidaalka. Waxay Warbixintu intaas ku dartay in Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalku ku guul-darraysatay inay soo bandhigto hal Qandaraas oo ka mid ah Qandaraasyada ay bixisay, inkastoo lagu xusay warbixinta in Maamulku wax badan oo fiican qabtay, balse aan sida Sharcigu dhigayo la marin Qandaraasyadooda Guddiga Qandaraasyada ee cid gaar ah si aan muuqan loo siiyey, taasina ay tahay musuqmaasuq.
Xildhibaan Obama waxa uu sheegay in 18-kii bilood ee u dambeeyey Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera ay u qabsoomeen wax badan oo fiican, waxaanu yidhi; “18-kii bilood ee u dambeeyey waxaa Maamulka Haamaha Shidaalka u qabsoomay waxyaalahan soo socda:- Dakhliga oo sare u kacay oo 18-kaa bilood ee aannu sheegnay 24 Milyan oo Doollar gaadhaya, in la dayac-tiray dhammaan Haamaha, taasoo aan weligeed hore u dhicin, xarun Shay-baadh oo Badrool iyo Naafato ah oo la hirgeliyey, waddo Laamay ah oo dheer oo laga Galo xarunta Haamaha oo la sameeyey, Dhulkii Haamuhu fadhiyeen oo lagu wareejiyey Xayndaab ama Dayr weyn, Baarkin loo sameeyey Baabuurta iyo Booyadaha Shidaalka oo aan hore u jirin, intaasba waa la sameeyey oo waa wax ku soo kordhay, intii Total haysay lama samayn intii kuwii ka horreeyey hayeenna lama samayn.”
“Haddaba, Guddi ahaan waxaannu qabnaa wareejinta Haamaha Shidaalku inay keeni karto kooto in loo xidho shirkado gaar ah oo kooban, tani waxay meesha ka saaraysaa Suuqa xorta ah ee Dastuurku jideeyey, waxaanay noqonaysaa naas-nuujin ama kooto cid gaar ah loogu xidhay Ganacsiga Shidaalka. Mar haddaan ummadda la soo dhex-dhigin, mar haddaan tartan xor iyo xalaal ahi dhicin oo aan Qandaraas lagu bixin.” Sidaa ayuu Warbixinta uu Golaha ka hor akhriyey ku yidhi Guddoomiyaha Guddigaasi.
Waxa uu Xildhibaan oo Warbixinta sii waday intaas ku ladhay; “Wuxuu keenayaa inaanay shirkadahani u oggolaan Shirkado kale oo Shidaalka keena, tusaale ahaan Shirkadahani waxay keenaan Badroolka, haddiiba Shirkado kale ay keenaan Markab Badrool ah oo kooda ka jaban, xaggee bay ku shubanayaan, marna Shirkadaha lagu wareejiyey ma oggolaanayaan inay Badroolka Shirkado kale oo tartan ka dhexeeyaa Shidaal ku kaydsadaan Haamaha.”
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi waa uu sii waday Warbixintaas Guddi ahaan ay ka soo saareen Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka Somaliland ee magaalada Berbera, waxaanu yidhi; “Waxa cad inaanay Shirkadahan yaryari samayn karin maalgashi u dhigma ka dawladdu ku samayn karto Haamaha, sidaas darteed ma jirto sabab Shirkado yar oo maxalli ah loogu wareejiyo. Dawladdu xaq bay u leedahay haddii ay awoodi waydo maalgalinta Haamaha inay ku wareejiso Shirkad kale oo awoodda, tusaale haddii 4 Milyan oo Doollar ay u baahan yihiin Haamuhu oo aanay dawladdu awoodin shirkad awoodda way ku wareejin kartaa. Laakiin, in Shirkadahan yaryar ee is urursaday dawladdaa ka qanisan-yihiin ma muuqato.”
Xildhibaanka oo Warbixintan kaga hadlaya musuqa Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalku ku kacay, waxa uu yidhi; “Maamulka Haamaha Shidaalku inkasta oo ay wax fara badan qabteen waxa ka muuqata gal-daloolo badan iyo kaantarrool la’aan dhiirrigelin karta Musuqmaasuq aan indhaha laga qarsan karin. Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalku wuxu ka baaqsaday inay sameeyaan tartan xor ah oo xalaal ah iyo Qandaraasyo furan oo lagu tartamo mashaariicda ay fuliyaan, taasoo si cad u jebinaysa Xeerarka Qandaraasyada waddanka u yaalla, keeni kartana musuqmaasuq iyo wax is-daba-marin badan. Horumar badan bay sameeyeen, Laab bay keeneen Shidaalka lagu baadho, Laabka miyeynu garanaynaa cid keentay iyo sida loo keenay? Habkii qandaraasyada lama marin, Waddo ayay dhiseen, waddada Qandaraas lama marin, Guryey dhisteen Qandaraas lama marin.”
“Horumarkaa ay gaadheen mid qandaraas la mariyey haba-yaraatee ma jiro. Miisaaniyadda Haamaha Kaydka Shidaalku kama muuqato Miisaaniyadda Qaranka ee la keeno Golaha Wakiillada, kama muuqato Miisaaniyadda Haamuhu Xisaab-xidhada Xisaabiyaha Qaranku Golaha horkeenay. 13-kaa Milyan, 15-kaa Milyan, 25-kaa Milyan intay doontaba ha ahaatee, waxaa innaga lafteenna inagu ceeb ah in Hay’adda Qaranka Lacagta intaa le’eg u soo hoynaysay afartii sano ee inna dhaafay inaanay ku jirin Miisaaniyadda la inna horkeeno ee aynu gacanta u taagno ee ansixinno.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed.
Mar uu sidoo kale, ka hadlayey in la jebiyey Xeer Madaxweynuhu soo saaray 2011-kii markii Haamaha Shidaalka laga wareejiyey Shirkadda Total, waxa uu yidhi; “Sida Xeerka Madaxweynuhu amrayo ama uu farayo ee 01/31, oo soo baxay 2011-kii, Wasaaradda Ganacsigu waa Hay’adda Qaranka ee Maamusha Haamaha Kaydka Shidaalka, haddana waxaannu ogaannay inaan xidhiidh iyo wada shaqayn joogto ahi aanay ka dhaxaynin. Xeerka Madaxweynuhu wuxuu ku amray 2011-kii markii Total lagala wareegayey in Haamuhu ay hoos-yimaaddaan Wasaaradda Ganacsigu, Xeerkaas waa la jebiyey, wada shaqayn toos ah oo ka dhaxaysaa ma jirto.”
Guddoomiyaha Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka iyo daba-galka Musumaasuqa ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu sheegay in Golaha Wakiilladu awood sharci u leeyahay in la horkeeno heshiisyada ay Xukuumaddu cid la gasho sida Shirkado caalami ah iyo kuwo waddani ahba, sidaa awgeedna loo baahan yahay in Goluhu waajibkiisa guto oo ay Xukuumaddu horkeento Heshiisyada ay gasho, Mudanayaashu ka doodaan, ansixiyaan hadday dan waddan u arkaan, haddii kalena laalaan oo aan waddanka dani ugu jirn. Waxaanu intaas ku daray in Guddi ahaan iyaga oo ka duulaya Xogta iyo warbixinnada rasmiga ah ee ay hayaan, warbixintanna ku soo bandhigeen qaarkood, ka dib ay go’aansadeen inay Golaha u soo jeediyaan qodobbo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo akhriyaya soojeedinta Guddiga uu Guddoomiyaha u yahay, waxa uu yidhi; “Haddii la wareejiyey baynu ka hadlaynaa, Guddi ahaanna aannu qabno in la wareejiyey, xog-ogaalna aannu u nahay in la wareejiyey; Ka dib markaannu aragnay in la baalmaray xeerka qandaraasyada oo faraya in Xukuumaddu hirgeliso tartan xor ah iyo qandaraasyo furan. Wax kasta oo saddex kun ka badan waa in Qandaraas la geliyaa, haddii kale waa musuqmaasuq, haddii kale waa Xeer-jebin, haddii kale waa Xeer-qalloocis, haddii kale waa waxaan waxba ka suurtoobayn, hase-ahaatee, way dhacday oo dalkan wax badan oo sidaas ah baa soo noqnoday, Goluhuna aanu ka hadal, xaqna aynu u leenahay innagoo isku duuban inaynu awoodaha innagu aynu leenahay, in awoodaha dadku innagu soo doortay, in awoodaha aynu halkan u fadhino ku shaqayno oo aynu dadka iyo dalka uga masuul nonno.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Guddoomiyayaasha WADDANI Iyo KULMIYE Oo Tacsi U Diraya Geerida Ku Timid Marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale
Anigoo ku hadlaya xilka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan ka tacsiyadaynayaa qoyska, qaraabada, asxaabta iyo shacabka reer Somaliland geerida ku timi Marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo ku geeriyooday magaalada Boorama maanta oo taariikhdu tahay 30/08/2015).
Marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale wuxuu ahaa oday taariikh wanaagsan ku lahaa dalka tan iyo waqtigii Ingiriiskii, waxaannu ka mid ahaa xildhibaannadii Baarlamankii u Horreeyey ee Somaliland sannadkii 1960-kii. Waxa kaloo uu kaalin wayn ka soo qaatay nabadayntii beelaha Somaliland markii xorriyadeeda ay dib ula soo noqtay, isagoo door wayn ka soo ciyaaray xulustii xildhibaanada Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.
Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo Marxuum Xaaji Daahir Cilmi, qoysaska, ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin…. Aamiin…. Aamiin.
ALLAH MAHAD LEH
MUUSE BIIXI CABDI
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE
Ujeedo WADDANI Tacsi
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), wuxuu tacsi tiiraanyo leh u
dirayaa , Boqorada, Ugaasyada, Saladiinta, Cuqaasha Iyo Bah-weynta
Madax-dhaqameedka, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii & dhamaan
Shacab weynaha Reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku
timi Alle ha u naxariistee Marxuum Oday Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo ku geeriyooday 30/08/2015 maanta Magaalada Boorama.
Gudoomiyuhu wuxu Eebe uga baryay inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo
Marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale, qoyskii iyo qarabadii & shacbka Reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani.
Muj.Boobe Yuusuf Ducaale.
Guddiga Caddaaladda oo Isku-shaandheyntii ugu ballaadhnayd ku sameeyey Bahda Garsoorka
Liiska Magacyada Garsooreyaasha, Xeer-ilaaliyeyaasha shaqada laga caydhiyey iyo kuwa Cusub
Hargeysa, 30 August, 2015 (Himilo)- Guddiga Caddaaladda Somaliland, ayaa isku-shaandheyntii ugu ballaadhneyd ku sameeyey Guddoomiyeyaasha, Garsooreyaasha, Xeer ilaaliyeyaasha, Kaaliyeyaasha iyo hawl-wadeennada ka hawl-gala Maxkamadaha iyo Xafiisyada hay’adaha garooskra dalka.
Isku-shaandheynta Guddiga Cadaaladdu ku samaysay bahda Garsoorka, waxa sidoo kale shaqada lagaga fadhiisiyey Garsooreyaal iyo Xeer-ilaaliyaaal tiradoodu gaadhayso 16 xubnood, halka sidoo kale la magacaabay Garsooreyaal cusub.
Go’aanka Guddiga Cadaaladda ayaa lagu shaaciyey wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda oo u xil-saaran Fulinta Go’aamada ka soo baxa Guddiga Sare ee Cadaaladda, sida ku xusan qodobka 106aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa loo magacaabay Cali Suudi Diiriye oo hore u ahaa Garsoore ka tirsan Maxkamadda Racfaanta Gobolka. Halka Maxkamadda Gobolka Maroodijeex loo magacaabay Maxamed Dalmar Ismaaciil oo hore uga hawl-gali jiray Maxkamadda Racfaanka Gobolka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa loo magacaabay Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
Guddoomiyaha Maxkamadda Deg/Gobolka Gabiley, ayaa loo magacaabay Cabdikariim Cumar Cabdi.
Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Togdheer, waxa loo magacaabay Ibraahim Axmed Yaasiin, halka Xasan Ismaaciil Guuleed uu noqonayo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer. Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Burco, ayaa loo magacaabay Cabdilaahi Cabdi Maxamed.
Halkan Hoose ka Akhriso Liiska Isku-shaandheynta Bahda Garsoorka oo dhammaystiran.






Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Sababta uu Xubinta UCID ee Komishanka ugu magacaabo Shaqsi ay Isku Beel yihiin & Qurbeejoogga u soo shaqo-taga Dalka
Hargeysa, 30 August, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa markii u horeysay ka hadlay sababta uu xubin Xisbiyada UCID ugu jirta Guddiga Doorashooyinka ugu magacaabo masuul ay Isku deegaan ka soo jeedaan.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu aragtidiisa ka hadlay oo wax laga weydiiyey sababta ay masuuliyiinta Qaranka ee xilalka haya intooda badan ama siyaasiyiinta dalka badankooda oo isagu ka mid yahay u noqdaan siyaasiyiin Qurbejoog ah, balse ay u noqon waayeen siyaasiyiin Qol-qoljoog ah oo dalka gudihiisa ku barbaaaray.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu arrimahan kaga hadlay Madal uu telefishanka HCTV soo qaban-qaabiyey oo dhalinyarada Jaamacadaha magaalada Hargeysa su’aalo kala duwan ku weydiiyeen
Faysal Cali Waraabe oo madashaas lagu weydiiyey su’aal u dhignayd, “Guddoomiye inta badan waxaad ka hadashaa qabyaalladda oo waxaad tidhaahdaa aynu la dagaalanno qabyaaladda. Ilaa Afar jeer baad Komishneer u soo magacowday Komishanka Doorashooyinka. Afartoodaba Isku-deegaanbaad ka soo wada-jeeddaan. Sideebay markaa u noqonaysaa inaad qabyaaladda la dagaalamayso?”
Waxa uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo su’aashaas ka jawaabayey yidhi, “Barigii u horaysay labada Mucaaradkaba anigaa soo magacaabay, markaa waxaan soo gudbiyay Dr Edna Aadan Ismaaciil iyo Barofesoor. Guuleed oo jaamacadda Camuud haysta, markaasay labadiiba iga cudur-daarteen oo Edni tidhi Dhakhtar baan dhisayaa, Prof-kuna jaamacaddii baan hayaa buu yidhi. Markaasaan soo magacaabay Inantii Hay’adda Candlelight haysatay ee Shukri Baandare iyo Inankii u sareeyay daladda ururrada aan Dawliga ahayn oo reer Boorama ahaa. Markii aan doonayay inaan Cabdiraxmaan ka dhigo guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaan arkay Shukri oo naga ololaynaysa, hadda waa Inantaan soo magacaabay; maalintaas baan idhi Naw! Waar wallaahi waxay Soomaalidu sheegi jirtay waxbaa ka jiree, nin ehelkaa ah uun magacow kaasaad aaminaysaaye, halkaas ayaan ka beddelay siyaasaddii.”
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo sidoo kale ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sababta ay Qurbeejoogu ugu bateen xilalka xukuumadda iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka ee muhiimadda looga siiyey dhalinyarada aqoonyahannada ah ee waxbarashooda ku qaatay dalka gudhiisa, waxa uu ku jawaabay, “Dadkayaga Dibadda ka yimi laba qolo ayaanu nahay; aniga iyo Bulxaniyo waxaanu nahay dadkii soo orday ee is-idhi dalka wax u qabta. Qolada kale waa qolo la soo eryey, waa qolooyinka intay halkaa waxba ka qaban kari waayeen inoo soo lacag doontay. Laakiin Qolooyinkinan immika jooga, waa ta hadda bilaabantahay oo Aadan Xaaji Cali loo dhiibay Maxkamadda ee horto wax barta,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Himilomedia
Hargeysa Office
Wasiirka Waxbarashada oo ballan-qaad u sameeyey Jaamacadaha Dalka, wasiirkii ka horeeyeyna ammaanay
Hargeysa, 30 Augus, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole, ayaa Jaamacadaha dalka u ballan-qaaday in wasaaraddiisu kala shaqayn doonto kor-uqaadista tayada waxbarashada isla markaana ay ka taageeraan wixii horumar ah ee loo baahdo.
Prof Geedoole, waxa uu qiray isla markaana ka marag-kacay in wasiirkii hore ee wasaaradda Waxbrashada horumar fiican iyo wax-qabad la taaban karo kaga tagtay Wasaaradda waxbarashada, isagun
Wasiir Geedoolle waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad ay ku qalin jabinayeen Arbacadii todobaadkii hore dufcaddii 14-aad ee ka aflaxday Jaamacadda Cammuud, waxaanu majeertay heerka ay Somaliland ka gaadhay waxbarashadda.
“Waxaan halkan ka caddaynayaa oo aan qirayaa In Wasiirkii iiga Horeeyay Wasaaradda Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo imikana ah Wasiirka Maaliyaddu ay wax weyn oo la taaban karo ka qabatay horumarinta waxbarashadda dalka iyo tacliinta sareba. Waxaan ku amaanayaa Wasiir Samsam inay wax weyn mudadii ay wasaaradda waxbarashada ahayd ku soo kordhisay mustawihii wasaaraddaasi taagnayd markii hore,”ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta Sare ee Somaliland.
Wasiirka Waxbarashaddu waxa uu sheegay in wasaaradiisu ay ka go’an tahay inay gacan siiso jaamacadaha dalka oo ay gacan qabato isla markaana kala shaqeyso sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashadda Jaamacadaha Dalka.
Himilomedia
Hargeysa Office
Siyaasi Raali-gelin ka bixiyey Hadal Boqor Buur-madow ka jeediyey Shir Beeshiisu Qabsatay
Hargeysa, 30 August, 2015 (Himilo)- Siyaasi Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa arrin aan loo baahnayn iyo xad-gudub ku tilmaamay hadal uu dhawaan Boqor Cismaan Buur-madow ka jeediyey Shir lagu taageerayey nabadeynta beelaha Gobolka Buuhoodle oo dhowaan lagu qabtay degmada Qurulugud ee gobolkaas.
Boqor Cismaan Buur-madow oo hadal ka jeediyey shirkaas, waxa uu sheegay in beesha Habar-Jeclo dib uga fekerayso isla markaana ka tashanayso Isbahaysi siyaasadeed oo u dhexeeya Beesha Habar-Awal, iyadoo hadalkaas bulshadu siyaabo kala duwan u fasiratay.
Cabdirashiid Riyo-raac oo ah siyaasi dhalasho ahaan kasoo jeeda deegaanka Shirka lagu qabtay, waxa uu sheegay in hadalkaasi ixtiraam-darro iyo meel-ka-dhac ku ahaa ujeeddada Shirka beeshiisu qabsatay, sidaas awgeed looga baahan yahay Boqor Buur-madow inuu raalli-gelin ka bixiyo hadalkiisaas.
“Waxaan u arkayey xad-gudub Buur-madow sameeyey waxaanu xaq u lahayn. Shirka waxa qabsatay beel, in cid laga maagona diyaar looma ahayn. Waa arrin uu u baahan inuu si adag xaal uga bixiyo oo uu uga jawaabo,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid oo qaar ka mid ah warbaahinta u warramayey shalay.
Himilomedia
Hargeysa Office
SOLJA oo Tabobar uga furay Hargeysa 45 Weriye oo isaga kala yimi gobollada dalka
Hargeysa, 30 August 2015 (Himilo)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa 45 Weriye oo isaga kala yimi gobollada kala duwan ee dalka tabobbar muddo saddex maalmood ah socon doona Sabtidii shalay uga furay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, ay u furtay Suxufiyiinta, ayaa socon doona muddo saddex Maalmood ah, kaasoo lagu baran doono Anshaxa suubban ee Saxaafadda iyo Masuuliyadda looga baahan yahay qofka Weriyaha ah, waxaana maal-gelisay tabobbarkaas Hay’adda Vikes oo ah Hay’ad laga leeyahay dalka Finland.
Furitaankii tabobbarkaas, waxaa hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), waxaanu sheegay in muhiimadda Aqoon-is-weydaarsigani yahay mid ay uga dan leeyihiin inay Weriyeyaashu ka faa’iidaystaan duruusta lagu bixinayo si ay ugu dabbaqaan Shaqadooda, ugagana faa’iidayn karaan Suxufiyiinta kale ee aan jaaniska u helin inay ka soo qaybgalaan tabobbarkan iyo saaxiibbadooda ay Hay’adaha Warbaahineed ka wada shaqeeyaan.
Guddoomiye Xuuto waxa uu sheegay in Masuuliyadda qofka Suxufiga ah saarani tahay mid culayskeeda leh, una baahan aqoon, anshax-suubban, akhlaaq wanaagsan, dedaal, daacadnimo, hawlkarnimo iyo hal-abuurnimo, sidaa awgeedna ay SOLJA ahaan ku dedaalayaan inay kaabaan, isla markaana kor u qaadaan aqoonta Suxufiyiinta Somaliland, si tayada wax-soo-saarkooduna uga sii fiicnaan karo heerka ay maanta marayaan, waxa la gudbinayo ama la baahinayaana u noqon lahaa wax cad oo sugan ama xaqiiqda waafaqsan oo dalka iyo dadkaba dani ugu jirto.
Sidoo kale, Maxamed Xasan Mataan oo ka socday Hay’adda Vikes oo ah Hay’ad laga leeyahay dalka Finland, oo ka hadlay ujeeddada tabobbarkaas, waxa uu yidhi; “Aqoon-korodhsigan ujeeddadiisu waa aasaaska Saxaafadda iyo Anshaxa Saxaafadda sidii loo kala korodhsan lahaa aqoon, bal adduunka sida ay Saxaafaddu uga shaqaysana loogu soo gudbin lahaa Weriyeyaasha ka qayb-qaadanaya tabobbarkan innoo bilaabmay.”
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Shugri Xariir Ismaaciil oo tabobbarkaas furtay, ayaa tidhi; “Waxa aynu ognahay in Suxufiyiinta reer Somaliland maanta ay haystaan fursad qaali ah oo ah mid loo baahan yahay inay ka faa’iidaystaan. Waxaad maalin kasta iyo bil kasta iyo wakhti kastaba heshaan tabobbarro kala duwan oo ku saabsan sidii loo tayayn lahaa ama aqoontooda kor loogu qaadi lahaa Suxufiyiinta Somaliland ee loo siin lahaa tabobbarro anfaca qof kasta oo Suxufi ah oo Barnaamij samaynaya ama Radio ha u sameeyo ama TV ha u shaqeeyo, ama Wargeys ha u shaqeeyo ama Website ha u shaqeeyee inay ka muuqato Aqoon Suxufinnimo.”
Shugri Xariir waxay Weriyeyaasha iyo Warbaahinta Somaliland sheegtay inay qayb ka yihiin Ciidanka dalka iyo dadka xuquuqdooda aasaasiga ah wax ka raadinaya, waxaanay tidhi; “Dhinaca kale, Xilka idin saarani waxa weeyaan, dadkan iyo dalkan Somaliland wuxuu ku jiraa Jihaad qaboow oo ay ku raadinayaan sidii xuquuqaadkooda aasaasiga ah ay u heli lahaayeen, sidii Beesha caalamka ay aqoonsi uga heli lahaayeen, markaa dagaal baynu ku jirnaa, dagaalkaa aynu ku jirno waxaad ka mid tihiin Ciidammada loogu talo-galay inay difaacaan.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Wasiirka Madaxtooyada oo Wax-qabadka ugu weyn ee Xukuumadda ku sheegay Abaabulka Shacabka
Hargeysa, 30 August, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in wax-qabadka ugu weyn ee Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo tahay inay Shacabka u abaabushay dhiiri-gelinta sidii ay wax u qabsan lahaayeen, xukuuumadduna ugala kaashan lahaayeen wixii wax-qabad ee ay uga baahdaan.
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sheegay inay xukuumadda waajib ku tahay isla markaana xaq loogu leeyahay wax-ka-qabashada tabashooyinka ay ka tirsato bulshada qaybaheeda kala duwan, mucaarad iyo muxaafad kay doonaan ha ahaadaane, balse aanay haboonayn in si qaloocan loo dhigo.
“Tabashada laga hadlay maaha lanaga baryayo oo aanu ku laaluushayno, waa xaqooda dastuuriga ah ee ay dawladda ku leeyihiin, ka mucaaridka ah iyo ka muxaafidka ahna way u siman yihiin laakiin waxa aan leeyahay ha loo dhigo sida saxda ah, aynu isku kaashano horumarka. Horumarka waxa uu muuqanayaa marka bulshadda iyo dawladdu iskaashadaan ee hadba wixii baahi ah ee deegaamadu qabaan siday u kala muhiimsan yihiin loo kala horaysiiyo ayuu hano qaadayaa,” Sidaas waxa uu Wasiir Xirsi ka sheegay shir lagu soo gabogabeeyay tuullada Qaloocan ee degmadda Dhoqoshay ee gobolka Togdheer oo bulshadda deegaankaasi kaga arrinsanayeen danahooda gaarka ah.
Wasiirka oo ka hadlayey doorka xukuumaddu ku leedahay dhiirigelinta wax-qabadka bulshada, waxa uu yidhi, “Xukuumaddu waxqabadka ugu weyn ee ay qabatay waxa kow ka ah inaanu dadka u abaabulno inay wax-qabsadaan ka dib dawladda ula yimaadaan wixii lala qabanayo, diyaar ayaanu u nahay in aanu wax idinla qabano.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Saturday, August 29, 2015
CABASHADA REER AWDAL EE SAAMI-QAYBSIGA XILDHIBAANNADA GOLAHA WAKIILLADU MA GARBAA MISE WAA SI KALE?
Isla maanta oo ay ka soo wareegtey toban sannadood isla tii oo aan waxba ka beddelnayn ayaa dhacday, xildhibaannadii ka soo jeedey gobolka Awdal waxa ay ka dareereen fadhiyadii golaha iyagoo isla dooddii hore qaba.
Arrintan waxa khasab ah in sidaa u soo noqnoqonayso una taagnaanayso markasta oo doorasho golahan ahi dhacayso haddii aan go’aan waara iyo xal kama danbays ah laga gaadhin.
Go’aanka laga qaadanayaana waa inuu noqdaa mid xaqiiqda ku dhow oo aan ahayn qancin iyo danta guud halloo eego, waayo waa dhibaato haddii danta guud mar walba cidi sed bursiinyo ku hesho cidna laga sed bursado.
Anigoo ka duulaya arrintaas ayaan isku deyey inaan jawaab u helo cabashada reer Awdal, jawaabtan maaha mid aan leeyahay iyada ayaa sax ah ee halla raaco, mana lihi waa khalad ee halla tuuro, waxay ka mid tahay aragtiyaha muwaadiniinta reer Somaliland iyo jawaabaha arrinta qof waliba aragtidiisa ku salaynayo.
Arrintan marka aan ka hadlayo waxaan ka eegayaa dhinacyada soo socda.
- Saamigii Degmooyinkii 1960-kii reer Awdal ma waxbaa ku seegay oo kaga maqnaa waqtigaa?
- 2005-tii ma waxbaa laga duudsiyey mise sed baa loogu daray Saami-qaybsigii?
- Reer Awdal ma waxay u tarmeen si aan dadka kale u tarmin oo waxbaa sidaa kaga maqan?
- Mise reer Awdal sed bursiimo ayay doonayaan oo ay filayaan in ay helayaan haddii ay sidan ku adkaystaan?
Su’aalahaa jawaabohooda waxaan ku saleeyey
- Doorashadii 1960kii ee degmooyinkii waqtigaa oo hadda gobollo ah
- Doorashooyinkii Dalka ka dhacay 2002-2012 iyo codadkii gobollada dalka oo dhan xaqiiqo ha ahaadaan codadkaasi ama yay ahaane reer awdal dadka ayuunbay kala mid ahaayeen.
- Diiwaan gelintii dalka ka dhacday 2008 oo qiyaas ahaan uun laga qaadan karo, diiwaan gelintaasi may ahayn mid xaqiiqo ah dalkuna wuu wada qabey arrintaase, manay ahayn tiro koob, waayo tirokoobka Muwaadiniinta iyo diiwaan gelinta codbixiyayaashu way kala duwan yihiin.
GUDO-GALKA FALANQAYNTA SU’AASHA
1960-kii dalka waxa loo qaybiyey Lix degmo oo hadda gobollo ah, mid walbana waxa loo qoondeeey kuraas lagaga tartamo, oo ahaa sidan:
- Hargeysa 7 kursi. oo kala yaalley: Dacar-budhuq, Baanka, Sheekh Madar, Gebiley, Faraweyne, Sallaxley iyo Cadaadley
- Burco 6 kursi. oo kala yaalley: Masjid jaamaca, Sh. Ismaaciil, Laasdhuurre, Duruqsi, Qoryaale iyo Oodweyne
- Berbera 5 Kursi. oo kala yaalley: Dekedda, jaamalaaye, Bullaxaar, Mandheera iyo Sheekh.
- Boorame 5 kursi. Oo kala yaalley Boorame, Saylac, C/Qaadir, Boon iyo Dila
- Ceerigaabo 5 kursi. Oo kala yaalley Ceerigaabo, Xiis Laasqoray, Ceel-Afweyn iyo Jiidali
- Laascaanood 5 Kursi. Oo kala yaalley Caynabo, Xuddun, Lascaanood, Widh-widh iyo Taleex
Sidaa ayay u qaybsanaayeen 33kii kursi ee Baarlamaanku.
Si kale haddii loo eego waxay ahaayeen 17 xildhibaan oo saddexdii degmo ee galbeedka ka soo baxay iyo 16xildhibaan oo saddexdii Degmo ee bariga ka soo baxayey.
Haddaba tirada guud ee dalka oo dhan ka codaysay waxay ahayd 81,366 oo qof
Hargeysa waxay lahayd codad dhan 28,085 cod
Boorame waxay lahayd 10,561 Cod
Berbera waxay lahayd 10,957 cod. Fiiro gaar ah. Berbera way ka codad badnayd Boorame
Burco waxay lahayd 17,105 Cod.
C/gaabo waxay lahyd 9,183 cod
L/caanood waxay lahayd 5,272 Cod
- Fiiro gaar ah: Burco waxa jirey kursi aan lagu tartamin waana kursigii yaalley Oodweyne oo uu qaatay qofkii keli ahaa ee ciddii kula taratami weydey, kaas oo ahaa Maxamuud Sh Muuse sidaa darteed codkiisu inta uu noqon lahaa lama hayo tirada degmadana kuma jiro waxaana suuro gal ah in ay Burco gaadhi lahayd 20,000 maadaama kursiga ay ku tartamayeen wax ka badan hal qof aan ka soo qaado laba qof inuu midkiiba heli lahaa 1,500 oo cod
- L/caanood Laguma tartamin saddexdii sanduuq ee kala yaalley L/caanood, Widhwidh iyo Taleex, oo iyagana ay qaateen saddexdii qof ee ciddii kula tartami weydey kuwaas oo kala ahaa Cali Garaad Jaamac, Cabdalle X. Faarax iyo Cismaan Garaad Maxamuud sidaa darteed codadkoodii halkan kuma jiraan maadaama aan la garanayn waxa ka soo bixi lahaa waxa suuro gal ah midkiiba haddii aynnu ka soo qaadno 2,000 inay noqon lahay L/Caanood 11,000, waayo kursi walba oo meel yaalla waxa ku tartamayey laba qof qaarkoodna saddex qof, markaa celcelis ahaan qofkiiba waxaan ka soo qaaday 1,000 kuraasta aan lagu tartamin inuu ka heli lahaa.
Sidaa darteed Boorame marna may soo gelin kaalinta labaad waxay ku jirtaa kaalinta Afraad ama Shanaad ilaa haddana waa sidii, sida aan xagga danbe ku sheegi doono.
DOORASHADII 2005
Waxa laysla qaatay in saamiga gobollada loogu qaybiyo saamigii 1960kii degmooyinka aan kor ku soo sheegnay oo gobollo loo beddeley, isla markaana mid walba kuraastiisii lagu dhufto 2.5 waxaanay noqotay
- Gobolka Maroodi-jeex 7x2.5 =17.5
- Saaxil 5x 2.5 = 12.5
- Awdal 5x 2.5 = 12.5
- Togdheer 6x 2.5 = 15
- Sanaag 5x 2.5 = 12.5
- Sool 5x 2.5 = 12.5
Tiro guud 82.
Halkaa iyada oo taagan ayaa cabashooyin gobollada oo dhan ahi soo baxday taas oo gobol waliba leeyahay waannu badannahay oo noo qaybsami mayso, sidaa darteed ayaa gobollada qaar wax laga gooyey, qaarna wax loogu daray, qaarna sidoodii loo daayey, masalan:
Hargeysa: oo lahayd 17.5 waxa loogu daray 2.5 waxaana la siiyey 20
Awdal: oo lahayd 12.5 waxa loogu daray 0.5 waxaana la siiyey 13
Saaxil: oo lahayd 12.5 waxa laga jaray 2.5 waxaana la siiyey 10
Sanaag: iyo Sool waxa laga tuuray midkiiba 0.5 waxaana la siiyey 12
Togdheer: waxna looguma darin waxna lagama jarin
Waxa aan ka hadlayaa maaha ku tidhi-kuteen ee wax aan goob joog ka ahaa
Sidaa darteed ayaa waxa saami qaybsigii noqday oo doorashadii lagu galay sidan:
- Gobolka Maroodi-jeex 7x2.5 =17.5+2.5 = 20
- Saaxil 5x 2.5 = 12.5 - 2.5 = 10
- Awdal 5x 2.5 = 12.5 - 0.5 = 13
- Togdheer 6x 2.5 = 15 = 15
- Sanaag 5x 2.5 = 12.5 - 5 = 12
- Sool 5x 2.5 = 12.5 - 5 = 12
TIRO GUUD = 82.
DOORASHOOYINKII DALKA KA DHACAY 2002-2012.
Haddii walaaleheenna Awdal ay ka cabanayaan doorashooyinkii dalka ka dhacay ayaannu tiro badan ku codaynnay sidaa darteed waxbaa naga maqane ha nala siiyo oo taasi ay caddaato waxaan u arkaa inay gar noqonayso meel laga maraana aanay jirin, haddii kalese waa aragti kale, taana ila eega.
AFEEF: Doorashooyinkii dalka ka dhacay waxa lagu galay diwaan gelin la’aan marka laga reebo doorashadii 2010-kii waana doorashada la odhan karo haddii doorasho la raad raaco loo baahan yahay iyadaa ugu dhow, Awdalna waxa ka codeeyey 81,338.sidaa darteed diiwaan gelintaa cid wax iskala hadhay may jirin, gobol walibana wuxuu doonayey inuuTirada ugu badan soo saaro, taasna reer awdal dadka ayay kala mid ahaayeen waa gobolka 65,000-114,000 inta u dhaxaysa marba si looga codaynayey, gobollada kalena waa la mid, waxaanse iyaga carrabka ugu adkaynayaa ama tusaaalaha ugu soo qaadanayaa waa gobolka cabashadiisu taagan tahay ama soo noq-noqoto.
Doorashooyinkiina waa kuwane bal hadda eega:
DOORASHADII GOLAYAASHA DEEGAANKA 2002 | ||
GOBOLKA | CODADKA | % |
Maroodi-jeex | 186,383 | 42% |
Awdal | 100,495 | 23% |
Saaxil | 27,234 | 6% |
Togdheer | 66,598 | 15% |
Sanaag | 53,096 | 12% |
Sool | 6,261 | 2% |
Wadadrta guud ee dalka | 440,067 | 100% |
Tani waa doorashadii golayaasha deegaanka 2002 ee dalka ka dhacday, doorashadani kama wada dhicin dalka masalan Gobolka Sool waxay ka dhacday Degmada Caynaba oo keliya kama dhicin Degmooyinka L/caanood, Xuddun iyo Taleex sidaa darteed codka gobolka u qorani maaha kii gobolka ee waa degmo ka mid ah oo keliya.
Sidoo kale kama dhicin gobolka sanaag degmooyinka Badhan, Dhahar, Laasqoray iyo qayb ka mid ah Ceerigaabo oo ah qaybta Koonfureed, waxa la mid ah gobolka Togdheer gaar ahaan Degmada Buuhoodle.. halkaa Haddii aan caddeeyo waxaan uga jeedaa Sool, Sanaag iyo Togdheer midnaba lagama codayn deegaammada Hartigu dego sidaa darteed codadkii gobolladaasi malaha ku xisaabtan sax ah.
DOORASHADII MADAXTOOYADA 2003 | ||
GOBOLKA | CODADKA | % |
Maroodi-jeex | 208,864 | 43% |
Awdal | 65,934 | 13% |
Saaxil | 30,537 | 6% |
Togdheer | 115,064 | 24% |
Sanaag | 57,938 | 12% |
Sool | 9,702 | 2% |
Wadarta guud ee dalka | 488,039 | 100% |
Tani waa doorashadii madaxtooyada 2003.
Doorashadani iyaduna kama wada dhicin dalka masalan Deegaamada aan xagga sare ku soo sheegay kama dhicin codadkoodiina waa maqan yihiin.
DOORASHADII GOLAHA WAKIILLADA 2005 | ||
GOBOLKA | CODADKA | % |
Maroodi-jeex | 253,229 | 38% |
Awdal | 133,026 | 20% |
Saaxil | 52,479 | 8% |
Togdheer | 121,751 | 18% |
Sanaag | 89,286 | 13% |
Sool | 20,557 | 3% |
Wadarta guud ee dalka | 670,328 | 100% |
Doorashadani iyaduna kama wada dhicin dalka masalan Deegaammada aan xagga sare ku soo sheegay kama dhicin codadkoodiina waa maqan yihiin.
DOORASHADII MADAXTOOYADA 2010 | ||
GOBOLKA | CODADKA | % |
Maroodi-jeex | 236,651 | 44% |
Awdal | 81,338 | 15% |
Saaxil | 29,211 | 6% |
Togdheer | 111,653 | 21% |
Sanaag | 58,515 | 11% |
Sool | 20,878 | 4% |
Wadarta guud ee dalka | 538,246 | 100% |
Doorashadani iyaduna kama wada dhicin dalka masalan Deegaammada aan xagga sare ku soo sheegay kama dhicin codadkoodiina waa maqan yihiin.
DOORASHADII GOLAYAASHA DEEGAANKA 2012 | |||
GOBOLKA | CODADKA | % | |
1 | Maroodi-jeex | 314,663 | 39% |
2 | Awdal | 114,459 | 14% |
3 | Saaxil | 57,251 | 7% |
4 | Togdheer | 160,460 | 20% |
5 | Sanaag | 114,642 | 14% |
6 | Sool | 49,383 | 6% |
Wadarta guud ee dalka | 810,858 | 100% |
Doorashadani iyaduna kama wada dhicin dalka masalan Deegaammada aan xagga sare ku soo sheegay kama dhicin codadkoodiina waa maqan yihiin.
Intaa markaan kaga gudbo shaxda doorashooyinkii dalka ka dhacay cid waliba way arkaysaa garaafka gobollada kor u kaca iyo hoos u dhaca joogtada ah ee mid walba ku jira.
Fiiro Gaar ah: aan isu eego GobolkaTogdheer oo Degmada Buuhoodle qayb ka mid ahi ka maqan tahay iyo Gobolka Awdal, waxaynnu arkaynnaa in saddex doorasho gobolka Togdheer ka sarreeyo Gobolka Awdal halka laba doorashana uu Gobolka Awdal sarreeyo, sidoo kale waxaad arkaysaa gobolka sanaag oo hal doorasho ka sarreeya Gobolka Awdal iyadoo aynnu xusuusannahay in Gobolka 50% aanay doorashooyinku ka dhicin, codadkoodiina halkan ka maqan yihiin.
WADARTA GUUD EE DALKA SHANTII DOORASHO | |||
1 | SANNADKA DOORASHADA | TIRADA GUUD EE DALKA | |
1 | 2002 | 440,067 | |
2 | 2003 | 488,039 | |
3 | 2005 | 670,328 | |
4 | 2010 | 538,246 | |
5 | 2012 | 810,858 | |
Wadarta guud ee dalka | 2,947,538 |
Tani waa isugeynta guud ee shantii doorasho ee dalka ka dhacay iyo gobol waliba inta uu ku leeyahay.
WADARTA GUUD EE GOBOL WALIBA KU LEEYAHAY SHANTII DOORASHO | ||||
GOBOLKA | CODADKA 5-tii DOORASHO | % | TIRADA XIL. | |
1 | Maroodi-jeex | 1,199,790 | 41% | 33 |
2 | Awdal | 495,252 | 17% | 14 |
3 | Saaxil | 196,712 | 7% | 6 |
4 | Togdheer | 575,526 | 20% | 16 |
5 | Sanaag | 373,477 | 13% | 10 |
6 | Sool | 106,781 | 4% | 3 |
Wadarta guud ee dalka | 2,947,538 | 100% | 82 |
Qaybta noocan ah oo malahayga noqon lahayd ta reer Awdal ku qanci lahaayeen, waa mid aan la qaadan Karin, waayoTirada faraha badan ee gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Awdal ka muuqataa waa tirada ka maqan gobollada Sanaag sool iyo qayb Togdheer ka mid ah, sidaa darteed maaha mid la qaadan karo.
Haddaba xildhibaannada gobolka Awdal waxa dooddoodii ka mid ahayd waxannu nahay gobolka labaad ee xagga tirada dadka ugu badan Gobollada Somaliland,taasi waa sheegasho aan waxba ka jirin sida shaxahani caddaynayaan, waxa dhab ah in gobolka Maroodi jeex uu yahay gobolka Somaliland ugu dadka badan taasna muran kama taagna waxaana caddaynaya tirada ka codaynaysey ilaa 1960 oo mar walba waxa uu noqonayey gobolka ugu dadka badan Somaliland, Gobolka Togdheerana Gobolka labaad.
Hase yeeshee sheegashada Gobolka Awdal ee inuu yahay Goblka labaad waa mid aan marnaba caddayn loo hayn, marka la eego 1960 Berbera ayaa ka cod badnayd, marka la eego doorashooyinka 2002-2012 dhacayna waxa ka horreeya gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer sidoo kale diiwaan gelintii dalka ka dhacday 2008 wax ka horreeyey Gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sanaag, aragti ahaan waxaan aaminsanahay in gobolka Awdal uu yahay Gobolka Afraad xagga tirada dadka, waxaana ka horreeya Goboolada maroodi jeex, Togdheer iyo Sanaag marka lagu daro 50% aan ka codayn gobolkaa.
CADDAYNTA ARRINTAAS
Tirada goobaha codaynta dalka oo ah 1,146 iyo siday gobollada ugu qaybsanaayen
Gobolka | Goobaha Codaynta | Inta Laga Codeeyey | Inta Aan Laga Codayn |
Maroodi Jeex | 337 | 337 | |
Awdal | 153 | 153 | |
Saaxil | 90 | 90 | |
Togdheer | 208 | 196 | 12 |
Sanaag | 210 | 138 | 72 + L/Qoray |
Sool | 148 | 33 | 115 + Taleex |
Shaxdani waa goobihii loogu talo galay in laga codeeyo, waxaana laga arkayaa inaan laga codayn 199 goobood oo ka mid ah taas oo u dhiganta 17% tirada guud ee goobaha,.
Goobahan aan laga codayn waxa ka maqan laba degmo oo kala ah Degmooyinka Laas-qoray iyo Taleex oo aan iyaga wax goobo ahba loo samayn, haddii aan ka soo qaado in ay lahaan lahaayeen goobo doorasho, goobaha aan laga codayni intan way ka badan lahaayeen, tirada codeeyayaasha ee Sanaag iyo Sool iyaguna intan way ka badnaan lahaayeen, bal aan uga qiyaas qaato degmooyinka la midka ah tirada goobaha sida Dhahar, Badhan iyo Xuddun oo ah midkiiba 25 goobood shaxdu waxay u dhigmi lahayd sidan:
Tirada goobaha codaynta dalka oo noqon lahayd 1,196 iyo siday gobollada ugu qaybsanaayen
Gobolka | Goobaha Codaynta | Inta Laga Codeeyey | Inta Aan Laga Codayn |
Maroodi Jeex | 337 | 337 | - |
Awdal | 153 | 153 | - |
Saaxil | 90 | 90 | - |
Togdheer | 208 | 196 | 12 |
Sanaag | 235 | 138 | 97 |
Sool | 148 | 33 | 140 |
TOTAL | 249 |
Waxaanay u dhigmi lahayd tirada guud ee goobaha codaynta dalka 21%,tirada goobaha aan laga codayni waxa ay ka badan tahay tirada goobaha laga codeeyey ee gobollada Awdal iyo Saaxil oo laysku daray, miyaan la odhan Karin dadka ka codayn lahaa waxa uu ka badan lahaa dadka ka codeeyey labadaa Gobol, waa la odhan karaa, laakiin waxa ku jiri kara ka badbadin iyo ku talax tag, hase yeeshee haddii lagu adkaysto taas lafteeda lama helayo wax laysku hortaago ama lagu beeniyo, waayo waxa muranku ka taagan yahay oo dhan ayaa ah sheegasho, iyadoo la helo diiwaan gelin iyo tiro koob sax ah mid uun ayaana lagu kala bixi lahaa, taasina way adagtahay.
Waxase muuqata oo aan la dafiri Karin inay ku maqan yihiin tiro badan oo ay labadaas gobol ku noqon lahaayeen xagga tirada gobollada dalka lambarrada Saddexaad iyo afraad.
Waxanse ku qanacsanahay in Gobolka Awdal uu yahay Gobolka afraad Xagga tirada dadka waxaana ka horreeya oo aanu muran ka taagnayn aragtidayda iyo baadhistayda Gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sanaag.
Aan ka soo qaado in halkii goob doorashaba oo goobaha aan laga codayn ah ay ka codayn lahaayeen ugu yaraan 400 oo qof sow noqon mayso sida 249 x 400 = 99,600 oo cod waa 100,000 ugu yaraan inta gobolladaa ka maqani waxay mid walba goonnidiisa uga badan tahay tirooyin ka codeeyey doorshooyinka qaarkood gobollada Awdal, Saaxil iyo Togdheer
Haddii aynnu shaxdaa raacno waxa is beddelaya boqolleyda gobolladu ka helayaan 92-ka xildhibaan,
Aynu eegno oo aynnu ku darno natiijada guud ee dalka shanti doorasho marka laysku daro oo aynu ku darno 249-ka goobood oo midkiiba aynu ka soo qaadno inay ka codeeyeen doorashadiiba 300 oo qof 249x300x5= 375,500 cod.
Waxa is beddelaya codadkii goboolada Togdheer, sanaag iyo Sool, sidoo kale waxa is beddelaya tiradii xildhibaannada gobollada oo noqonaya sidan:
WADARTA GUUD EE GOBOL WALIBA KU YEELANAYO 5-tii DOORASHO HADDII SHAXDAN LA RAACO | ||||
GOBOLKA | CODADKA 5-tii DOORASHO | % | TIRADA XIL. | |
1 | Maroodi-jeex | 1,199,790 | 36% | 29 |
2 | Awdal | 495,252 | 15% | 12 |
3 | Saaxil | 196,712 | 6% | 5 |
4 | Togdheer | 593,526 | 18% | 15 |
5 | Sanaag | 518,977 | 16% | 13 |
6 | Sool | 316,781 | 9% | 8 |
Wadarta guud ee dalka | 3,323,038 | 100% | 82 |
FIIRO GAAR AH: Gobollada Maroodi jeex iyo Togdheer waxa mid walba dheer 0.6 oo noqonaya hal xildhibaan, sidaa darteed waxaan ku daray gobolka Togdheer maadaama ay sidaa ku noqonayso ay hore u lahayd goobaha ka maqanna aan si dhab ah loo garanayn waxay noqon lahaayeen 15.
GEBO-GEBADA FALANQAYNTA.
- Waxa ii soo baxday in aan wax saami ahi kaga maqanayn reer Awdal saami qaybsigii 1960-kii
- Waxa ii soo baxday in doorashadii 2005-tii reer Awdal wax loogu daray gobollana wax laga jaray, taas oo aan ahayn xaq weliba maaxweynaha waqtigaa joogey waxa uu ka soo jeedey gobolka Awdal
- Waxa iisoo baxday in reer Awdal dhawr jeer cabashadoodii wax lagu siiyey gar ha haato ama yay ahaane taas oo aan u arkayey markaan sidanoo kale u baadhay in aan waxba ka maqnayan
- Wax ii soo baxday in dhammaan gobollada reer somaliland wada cabanayaan una baahan yihiin korodhsiimo.
- Waxa ii soo baxaday in haddii reer Awdal tiradoodu korodhay gobollada kale sidaa iyo si ka badan u kordheen.
- Waxa ii caddaatay in reer yihiin gobolka Afraad ama shanaad xagga tirada dadka.
- Waxa caddatay in aan reer Awdal wax ka maqani jirin, dhinac allaale iyo dhinicii aad ka eegto ama aad raacdaba waxaanay sinaba u dhaafayn 12 xildhibaan inay ka yaraato mooyaane badan karto, laakiin gobolada wax ka maqan yihin ay yihiin goboollada Maroodi jeex iyo Sanaag waa haddii la raaco mala awaalka goobaha maqan, oo aan ka soo qaaday inay ka codeeyeen tirada ugu yar maadaama goobta la geeyo ugu yaraan 800 oo waraaq cod-bixineed waxaan ka dhigay in 300 ka codayse 500 oo waraaqoodna la soo celiyey, haddiise ay soo baxdo tiro intaa ka badani waxa is beddelaya dhammaan saamiyada Gobollada oo hoos u dhac ku imanaya gaar ahaan gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo Togdheer
Waxa Diyaariyey
C/Kariim Axmed Maxamed (xinnif)
0634240009
0659240009
xinnif04@hotmail.com
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Qabyaaladdee la dilayaa?-W/Q Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Si haddaba taa loo gaadho, dadweynuhu wax uu u baahan yahay in uu isu abaabulo oo u midoobo sidii uu isaga qaban lahaa kooxaha sharci darrada ah ee dawladnimadii afduubay. Waana xilkasnimo darro iyo doqonnimo in la gu sheekaysto wax baa hagaagi iyo doorasho ayaa iman ee ha la sugo. Taariikhda dunida la ma arag dal ay dawladnimadu ka xumaatay oo wax ku hagaajiyay duco iyo samir. Waa kacdoon bulsheed oo qudha waxa dawladnimo qalloocatay la gu toosiyaa, jaadka uu doonaba kacdoonkaasi ha noqdee. Waxaa se muuqata shacbiga reer Soomaalilaand xaqiisaa in la ga jahawareeriyay la gana cabsi geliyay, iyada oo xitaa loo diiday in ay isu soo baxdo oo cabashadeeda muujiso, taas oo ah xaq dastuuri ah oo asaasi ah. Waxaa dadweynaha la gu dhex faafiyay hadal odhanaya: haddii aad na ga hor timaaddaan waa la idin laynayaa, dalkuna wuu idinka dumayaa. Bal hadalkaa aad u dhadhanso waxa sharci darro iyo axmaqnimo ka buuxa! Haddii aad na ga hor timaaddaan waannu idin laynaynnaa, dalkuna wuu idinka dumayaa! Iyaga wax laynaya ee wax duminayaa waa ayo? Meesha haddii aan budhcad haysan, maxaa keenay in la yidhaahdo wax baa la laynayaa iyo wax baa dumaya? Odhaahdaasi dhab ahaantii waa dembi qaran, waana in la ga xisaabtamaa, waayo xuquuq muwaaddin oo dastuuri ah ayaa la duudsiyay oo xoog la gu joojiyay.
Dhibaatada kale ee jirtaa waa iyada oo la waayay cid dadweynaha abaabusha oo codkiisa iyo doonistiisa midaysa. Siyaasiga mucaaradka sheegta ee maanta jiraa kaalintaa si buuxda ayuu u gu fashilmay, hoggaanka labada xisbina waxaa ka muuqda jileec iyo nadaam xumo aan xad lahayn. Dhanka kalena, la ma hayo aqoonyahanno madaxbannaan oo isu xilsaara ilaalinta dawlad wanaagga iyo xuquuqda siyaasadeed ee muwaaddinka, kaalintaas oo tijaabada dunida oo dhan wax aad u weyn u tarta horumarinmta dawladnimada iyo dhisidda wacyiga bulshada. Tani wax ay timid iyada oo la ga soo quustay golayaashii dastuuriga ahaa ee xukuumadda dheellitri lahaa, kuwaas oo qudhoodii sharci darro noqday. Sidaas ayay Soomaalilaand ku noqotay meel aanay ka jirin sharci dawladeed iyo xuquuq muwaaddin. Sidaas bay ku noqotay dal ay kooxo danaysato ahi sida ay doonaan u gu tagrifalaan.
Sida la og yahay xeeladaha ay kooxda dalka haysataa adeegsato waxaa u gu daran qabyaaladda iyo laaluushka. Odayada reeraha, kuwa dhaqanka iyo kuwa siyaasaddaba, waxaa la gu laaluushaa hantida yar ee umadda, waxaana la oggolaysiiyaa ama la ga aamusiiyaa ceebaha siyaasadeed ee dalkooda. Dabadeed waxaa abuurantay ummad dhan oo uu dhif yahay cod xor ah oo xaqa sheegi karaa. Waa qaab ka mid ah qaababka maamullada kelitaliska ah u gu foosha xun dunida; waa hab dilaya kalsoonida qaybaha bulshada dhexdooda, iyo qofafkaba. Dhanka kalena Soomaalilaand waxaa la ga abuuray jahawareer siyaasadeed oo aanu muwaaddinka caadiga ahi garanayn wax uu siyaasadda dalkiisa ku qiimaysto iyo aragti uu ku kalsoonaado.
Maanta Hargeysa halkii la ga sugayay awood siyaasadeed iyo aqooneed oo bulshada u abaabusha badbaadinta dastuurkeeda iyo dawladnimadeeda, waxaa loo dhigay ruwaayad la yidhaahdo “Dilista Qabyaaladda”. Qabyaaladda in goor walba la la dagaallamaa waa waajib waddaniyadeed, laakiin oodo dhacameed sida ay u ka la sarreeyaan baa loo ka la guraa. Marka aad hoos joogto talis dawladeed oo qabyaaladda u gu foolxun adeegsanaya, sidaana bulshada ku ka la furfuraya oo cududdeeda ku qaybinaya, caqli ma aha in aad tidhaahdo maamulka caynkaas ah baan daysanayaa oo maatada dulman baan qabyaalad ka saarayaa. Taasi wax ay la mid noqonaysaa hoosaasintii iyo maaweelintii ka dhici jirtay golayaashii hanuuninta ee Maxamed Siyaad Barre.
Mar kale, oodo dhacameed sida ay u ka la sarreeyaan baa loo ka la guraaye, la dagaallanka qabyaaladda waa in la ga bilaabaa la dagaallanka maamulka xun ee qabyaaladda ku shaqaysta ee bulshada ka dhex wada. Dilista qabyaaladda waa in la ga bilaabaa noolaynta dawladnimo caddaalad ah oo muwaaddinku xaqiisa qabyaalad la'aan ku siisa. Qabyaalad waxaa la ga bixi karaa oo qudha kolka dawladnimada la gu hoos nool yahay la gu kalsoon yahay; kolka aadan arkayn nin kale oo wixii idinka dhexeeyay xaqdarro ku qaadanaya. Wixii aan halkaas ahayni waa hoosaasin iyo maaweelin la doonayo in muddo kale oo sharci darro ah dalka la gu sii haysto.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Waddamo Somaliland ku jirto oo Tusaale u noqday Olole Caalami ah oo Loogu Gurmanayo Xasilooni-darro ka jirta Dalalka Adduunka qaarkood
“Dalalkani waxay hirgeliyeen xasilooni iyo Nabad xataa iyadoo Deriskoodu gubanayo”
New York, 29 August, 2015 (Himilo)- Olole Caalami ah oo muddo afar todobaad ah soconaya, isla markaana ay qayb ka yihiin hay’adaha gargaarka, ayaa xal loogu raadinayaa qul-qulatooyin ammaan-darro iyo dib-u-dhacyada adeegyada bulshada ee ka jira waddamada adduunka ee qalalaasuhu ka jiro, ayaa lagu wadaa inuu todobaadkan furmo, waxaana xal-u-raadinta dhibaatooyinkaas looga faa’idaysanayaa waayo-aragnimada laga helay hirgelinta nabadgelyada iyo horumarka ay gaadheen waddamo Somaliland ku jirto oo colaado-sokeeye soo mareen.

Sida aanu ka soo xigannay warbixin kooban oo lagu daabacay degelka Fagaaraha Devex, ololahan oo qodobbada laga duulayo lagu saleeyey su’aalo layska weydiiyey sida looga midha dhalin karo guulaha ay xagga nabadda iyo horumarinta ka gaadhaan dalalka Somaliland, Rwanda iyo Georgia, iyadoo laga faa’idaysanayo waayo-aragnimada laga helayna loogu dabbaqi lahaa xalka qul-qulatooyin ka taagan waddamo ay ka mid yihiin Suuriya, Yemen iyo Koonfurta Suudan, waxa ka qayb-qaadanaya saraakiil sare-sare oo ka tirsan hay’adda Maraykanka u qaabilsan gargaarka Caalamiga ah ee USIAD, hayadda Mercy Corps iyo Urur qaaradda Yurub u qaabilsan Iskaashiga ammaanka (Chemonics), madaxweynaha Machadka nabadda ee Maraykanka iyo Baanka Adduunka.
“Waddan kasta waxa uu leeyahay caqabado u gaar ah. Sidee baynu u tilmaami karnaa farqiga u dhexeeya iyo siday u kala fog yihiin Isbeddellada guulaystay ee aynu ka aragnay Rwanda iyo Somaliland iyo qalalaasaha daba-dheeraaday ee ka jira Suuriya iyo Koonfurta Sudan si ay inoogu suurta-gasho inay helno xasilooni iyo nabad ka tis-qaadda adduunka.
Qayb ka mid ah xalka arrintan waxa lagu raadinayaa wada-xaajood iyo talo-wadaag laysugu gudbiyo casharro laga bartay qalalaaseyaal hore adduunka u soo maray, kuwaas oo lagu dabbaqi karo xaaladaha kale. Iyadoo la bilaabayo todobaadkan, Devex iyo saaxiibbada ay wada-shaqeeyaan waxay bilaabayaan ololahan oo muddo bil ah socon doona. Dood-wadaaggan caalamiga ahi waxa uu diiradda saari doonaa sidii loo fahmi lahaa waxyaabaha hortaagan in guul laga gaadho dhibaatooyinka jira iyo sidii loo baadi dooni lahaa fursadaha soo wejaha dalalka marka qalalaasuu ka jiro iyo sidoo kale sida ugu habboon ee Ururrada gar-gaarka ee Caalamku uga fal-celiyaan Qalalaasaha jira,” Sidaas waxa lagu sheegay warbixin lagu baahiyey bogga Intenetka ee Fagaaraha Devex.
“In kasta oo aanay ahayn inaanu iska indho-tirno xaqiiqooyinka, waxa jira sheekooyin inaga mudan in xuso. Todobadaadka labaad waxaanu ku soo qaadan doonaa xaaladaha ka jira Rwanda, Georgia, Somaliland iyo dalal kale oo horumar ka sameeyey dhinaca nabadda xataa iyagoo xasilooni-darro iyo qalalaase ka jiro waddamada jarkooda.”
Sida warbixinta lagu sheegay, waxa uu ololahani dadka ka qayb-galaya ku kulmin doonaa, afkaartooda isku weydaarsan doonaan xidhiidhka Internetka muddada bisha ah ee Ololahani socdo, iyadoo todobaad kasta laga hadli doono mawduucyo gaar ah.
Anne Richard, kaaliyaha Xoghayaha waaxda Dadweynaha, Qaxootiga iyo guur-guurka dadka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Ku-xigeenka Maamulaha Guud ee hay’adda Chemmonics Eric Reading iyo shakhsiyaad kale oo caan ah, ayaa ka qayb-qaadan doona ololan iyagoo kala wada-faaqidi doona istaraatajiyo lagu gaadhi karo Xasiloonida loo baahan yahay in la helo.
“Qallafsanaanta xaaladaha qalalaase waxay ku khasbayaan daneenayaasha Arrimaha Horumarinta, Dowladaha, Deeq-bixiyeyaasha iyo inay si qoto-dheer u fahmaan taariikhda, siyaasadda iyo Dhaqanka waddan kasta leeyahay.
Todobaadka saddexaad, waxaanu wada-xaajood furan kala yeelanaynaa ururrada caqabadaha jira ee ay kala kulmaan marka ay timaaddo inay ka hawl-galaan dalalka xasilooni-darradu ka jirto iyo gar-gaarka bani’aadamnimada, anagoo weydiinayna sida ay kaga gudbaan haboon ee ay kaga fal-celiyaan qalalaasaha daba-dheeraaday ee ka jira Koonfurta Sudan, Suuriya iyo Yemen.” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta Devex.
Ugu dambayn, waxa warbixinta lagu sheegay in natiijada Ololahani ka filayo qorsheyaal xal loogu raadiyo dhibaatooyinka ka jira waddamada Caalamka colaaduhu qayrkood ka reebeen, isla markaana deegaan nabdoon oo xasaradaha iyo colaadaha ka fayow loogu heli lahaa mashaariicda horumarineed ee adeegyada bulshada iyo dadka jilicsan loogu gurmado.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Maareeyaha Wakaaladda oo ka hadlay Sababta Biyo-yaraantu ugu badan tahay Xaafadaha Caasimadda Qaarkood iyo Cadaalad-darro lagu dhaliilo

Maareeyaha oo ka hadlayey sababta Biyuhu u gaadhi waayeen xaafadaha Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax oo biyuhu si toos ah u gaadhi jireen 15 sanno iyo sababta xilligan oo biyo-soo-saarka wakaaladdu ka badan yahay xaddigii xilligaas laga soo saari jiray, waxa uu yidhi, “Maalintii waanu soo saarnaa Sagaal Milyan oo Litir (9 Kun oo mitir kuyuubic) oo Hargeysi maalintii heshaa, magaalo 1 milyan iyo laba boqol ku nool yihiin sida loogu qaybin karo sagaalkaa Milyan waa la garan karaa. Hargeysa waxay noqotay caasimad qurux badan, Somaliland oo dhan badankeedu Hargeysa ayay isugu timi. Wakhtigaas uu Yuusuf sheegayo (1995 ilaa 2003) magaaladu waxay heli jirtay 4 kun oo mitir kuyuubik, intaasaa gaadhi jirtay ilaa Star. Waxay su’aashu tahay maxay u gaadhi waayeen immika ee ay xilligaas u gaadhayeen? Biyaha taga Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax waxay sii maraan Suuqa weyn ee Hargeysa, Suuquna sidii hore maaha oo meherado fara-badan baa ku soo biiray. Biyihii xaafadaas tagayey Suuqa Hoose ayay ku dhacayaan, guddiyada xaafadaasna in badan waanu kala hadalnay oo u sheegnay, waynu ka garaabeen.”
Ibraahim Siyaad Yoonis oo la weydiiyey in maamul-xumo ka mid tahay sababaha horseedka u ah biyo la’aanta caasimaddu iyo waxa uu kaga jawaabayo cadaalad-darro lagu dhaliilo inaanay xaafadaha caasimadda si siman ugu qabin xaddiga biyo-soo-saarka maalintii, waxa uu ku jawaabay, “Degmo kasta oo Hargeysa ka mid ah biyo-la’aantu way ka taagan tahay oo way ku kala badan tahay. Biyaha magaalada Hargeysa waa la dhaliili karaa. Marka la soo furo kaagga barkadda Shiinaha ee biyihii Maxamuud Haybe loo waday la soo furo, dhammaan cidda beebkaasi soo dhex marayaa way ka cabbayaan biyaha, si alla si la yidhaahna lama garanayo. Wakhtigii Shiinuhu sameeyeyna, looguma talo-galin in biyaha Hargeysa Kaltan la galiyo (Marba xaafad loo furo), laakiin immika Kaltan baanu gelinaa.
Xaafadda Hargeysa ugu biyaha fiicani waa xaafadda Xiddigta la yidhaahdo, waayo waxay ku taallaa Dooxa; maalin kasta oo degmada Maxamuud Haye leedahay way la cabtaa, maalinta oo Axmed Dhagax u leedahayna way la cabtaa.” Sidaas ayuu yidhi Ibraahim Siyaad Yoonis.
Isagoo ka hadlayey qorsheyaal xal loogu raadinayo biyo-yaraanta caasimadda, waxa uu yidhi, “Waxna waa farsamo waxna arrimo maamul, markaa arrintaasi maaha hawl maamul ee waa arrimo farsamo. Waana sababta aanu u wadno mashruuca cusub ee biyo ballaadhin oo aanu doonayno in xaafad kasta biyuhu toos u tagaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Mati-qaad Soomaaliya looga soo diray laba Qoraa oo Somaliland u dhashay iyo xog-ogaal la’aanta Hay’adaha qaabbilsan Socdaalka

Qaar ka mid ah shaqsiyaadkii loo soo diray Casuumadaha ee ka gaabsaday, ayaa Wargeyska Himilo u xaqiijiyey in sababaha ay u qaadaceen la xidhiidhay, maaddaama qorshaha yeedhmadooda aanay ka maqnayn ujeeddo Siyaasadeed oo lagu sheegayo in Bandhigga Muqdisho u dhalan yihiin dhammaan deegaannada Soomaaliya oo Somaliland ku jirto.
Maxamed Cumar iyo Xamda Maxamed oo barahooda Facebook ku qoray qoraal ay ku cabbirayaan xiisahooda Muqdisho, ayaa yidhi; "Waa socdaalkii toddobaad ee aan u imaaddo Muqdisho.” ayuu sheegay Maxamed Cumar. “Xilligan way ka duwan tahay, fikrado iyo Hal-abuurro ayaa meel laysugu keenay. Qof waliba wuu u qushuucsan yahay, waa qurux inaan halkan (Muqdisho) joogo.”
Sidoo kale Xamda Maxamed ayaa qoraal ay barteeda ku qortay ku sheegtay; “Muqdisho magaalo iska diiday inay is-dhiibto.” Balse fasiraad dheeraad aanay ka bixin ujeeddadeeda.
Maxamed Diini oo ah qabanqaabiyaha Bandhiga Buugaagta Muqdisho, ayaa sheegay in ujeeddadooda Bandhiggu yahay isku-xidhka Qorayaasha dalkayaga (Soomaaliya) iyo kuwa caalamka, waxaanu yidhi; “Waxaan u qabanay Bandhiggan Buugaagta si aan u dhiirrigelinno dhaqankii Qoraalka iyo Akhriska Soomaaliya. Ujeeddada labaad waa isku-xidhka Qorayaasha gudaha iyo kuwa dibedaha si ay isu-weydaarsadaan fikradaha.” ayuu u sheegay Maxamed Diini Telefishanka Al-Jaziira Khadka Telefoonka isagoo Muqdisho jooga.
Sidoo kale, Hay’adaha Xukuumadda Somaliland u qaabbilsan dhinaca socdaalka, ayaa u muuqda kuwo aan xogo badan kala socon ujeeddooyinka qarsoon ee shaqsiyaad u dhashay Somaliland ugu socdaalaan Soomaaliya, sida labadan Qoraa oo kale.
Tallaabadan, ayaa saamayn taban ku yeelan karta qaddiyadda Shacabka reer Somaliland ku goosteen gooni-isu-taagga dalkooda iyo ka gaar ahaanshaha Soomaaliya, ayaa waddo furan ka dhigi karta is-dhexgal ujeeddo Siyaasadeed huwan oo qeybaha Bulshadu ku saheshadaan u socdaalka Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Haweenka Somaliland oo Rejo Weyn ka Qaba ka qayb-qaadashada talada dalka iyo Shuruudo ay xisbiyada ku xidheen

“Haweenku waxay ugu goodiyeen saddexda xisbi hadii aanay taageerin qorshaha in kuraas xadidan haweenku yeeshaan, aanu haweenku cod siin doonin,” ayey sheegtay Baar Siciid.
Warbixin wargeyska Inner press ka diyaariyey kaalinta haweenwaynaha Somaliland kaga jiraan siyaasada ayaa lagu sheegay in Baar Siciid tahay haweenayda keliya eek u jirta Wakiilada Somaliland, halka aanay golaha Guuritda ka maqan yihiin, dhinaca xukuumadana jiraan laba wasiir iyo laba wasiir-xigeen oo haween ah, balse taageerayaasha ayaa ku doodaya in xeer ballanqaadaya kootada kuraas u gaar ah haweenka la meelmariyo si farqiga jinsigu u yaraado.
“Cidna kuma siinayso sixni dahab ah cunto haweenka, xishoodkii hore wuu yaraaday, waxaan leenahay, hadaad doonaysid ciodkayga, iga kasbo,” ayey tidhi Adna Adan, ooh ore wasiirka Arrimaha Dibedda u noqotay, isla markaan aaasaastay cusbitaalka dhalmada Adna, oo si weyn ugu ololeeya qadiyadda haweenka iyo joojinta gudniinka.
Adna Adan ayaa sheegtay inay goobjoog u ahayd dodo xukuuamdau ka yeelatay haweenka sannadihii la soo dhaafay, oo baddi u muuqda ballanqaad siyaasadeed inay magacaabi doonaan jagooyin badan oo haweenka ah, isla markaana soo diyaarisay xeer kuraas cayiman gaar ugu xidhaya haweenka, balse laba xilli lagu guuldaraystay ka dib markii golaha wakiilada iyo Guurtida marba mid diiday.
Laakiin, Adna ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in xilligan haweenku u dabran yihiin sidii ay uga midho dhalin lahaayeen ansixinta xeerka kootada, si weyna olalahoodu u socdo.
Kaalinta haweenak xilka haya ayaa isweydiin leh, maadama baddi labada reerba sheegtaan, reerka ay ka dhalatay iyo kuwa ay u dhaxday, taasoo baddi aan faa’iido u keenin.
“Hadii haweenay loo magacaabo wasiir, labada qoys (Dhaxdin iyo dhalasho) way sheegtaan, balse hadii ay taageero weydiisto, labada dhinacba way isku riixaan,” ayey sheegtay Nuura Jamaal Xuseen, oo u ololeysa kaalin haweenka ee siyaasada.
Maxamed Cali oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa sheegay inuu taageero xeer kuraas cayiman u gaar yeelaya haweenka, balse mar la weydiiyey in haweenay u tartami karto xilka madaxweynenimo, waxuu sheegay in taasi ka horimanayso shareecada islaamka.
Inkastoo uu sheegay in fikirkiisu isbedeli karo mustaqbalka, balse dadka kale ku eedeyn karaan “qof aan aqoon u lahayn diintiisa,” haduu u ololeeyo in haweenay madaxweyne noqoto.
Aamina Faarax Caarshe, oo ganacsato ah ayaa sheegtay hadii fiiro gaar ah loo yeesho awoodsiinta dhaqaale ee haweenka, kaalintooda ka qeybgalka siyaasadeed iman karto.
“Waan necbahay xeerka kootada, waxaan doonayaa in haweenku la’aanteed codka isku huraan,” ayey sheegtay. “Laakiin, xaalada xilligan ma saamaxayso, markaa waa inaan dabakhnaa xeerka kootada.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Mandheera: Wiil u dhintay dhaawac ay gaadhsiiyeen Waraabayaal Kooxo ah oo weerar ku bilaabay Dadka deegaankaas iyo Qof kale oo u dhaawac ah

“Walaal Saacad maan haynin ee waxaan u malaynayaa inay xilli illaa siddeeddii (habeennimo) ahayd ayuu Wiilku Adhi Adhiga ka mid ah guriga ka waayey, bacdayna wuu baxay, aniguna maan ogeyn, ka dib qayladii ayay dad Rag Tuulaha ku socday maqleen, faro-laabna muu sidan ee Gacanta iskaga qabo ayuu islahaa, Niman socda oo Tuulaha qabanayey ayaa ka riday. Markaa, dhaawacyo Madaxa, dhinacyada iyo dhanka dambe ayuu dhaawacyo ka gaadhsiiyey Waraabuhu Wiilka.” Sidaa ayey tidhi Hooyada Wiilkaas dhashay oo u warrantay Radio Hirad.
Deegaanka Mandheera, ayaa toddobaadyadii u dambeeyey lagu arkay Waraabayaal Koox koox u socda oo dad-qaad ah, isla markaana dadka weeraraya, iyagoo Habeennimadii Isniintu soo galaysay ee toddobaadkan dhammaaday Nin kale ku dhaawacay Waraabahaasi isla deegaankaas Mandheera.
Faarax Cabdi Ducaale oo ka tirsan dadka deegaanka Mandheera oo isna Radio Hirad la hadlay, waxa uu yidhi; “Mid mid in la arko mooyee sidan ay isku soo raacayaan hadda hore looma arag. Awal wuu cabsan jiray Waraabuhu oo Carruurta yaryar baaba eryan jirtay oo uu ka carari jiray, laakiin immika dadkii buu u soo jeestay.
Muddo toban sano laga joogo waa markii ugu horreysay ee Deegaanka Mandheera lagu arkay Waraabe Koox koox u wada socda oo si toosa u weeraraya dadka iyo duunyada deegaankaas, gaar ahaan Dadka, iyagoo toban sano ka hor uu sidan oo kale Waraabe Kooxo u wada socdaa dadka ku weerari jiray deegaankaas, balse aan tobankii sano ee u dambeeyey aan lagu arag.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Muuqaal laga duubay Aabbe Qaxoonti ah oo soo jiitay Indhaha Caalamka iyo Jawaabaha uu helay
Beirut, 29 August, 2015 (Himilo)- Nin la sheegay inuu u dhashay dalka Suuriya, ayaa muuqaal laga sawiray isagoo daryeelka ubadkiisa u iibinayey qalimaanta biirooga u soo jiiday in bulsho kala duwan waxtarkiisa ka qeybqaataan.

Muuqaalka ninkan oo lagu baahiyey baraha bulshadu ku xidhiidho ee Twitter iyo facebook ayaa maalin gudaheed keentay in laga soo jawaabo, isla markaana la soo helo ciwaankiisa.
Baadhitaankii muuqaalka ninkan ayaa lagu ogaaday in magaciisa la yidhaahdo Cabdillahi, isla markaan yahay aabe u shaqeeya laba ubad uu dhalay mid sagaal jir ah iyo mid afar jir ah.
"Jawaabtii taageeradu la yaab ayey noqotay," ayuu sheegay Simonarson telefishanka NBC News shalay "maan filayn in degdeg looga soo jawaabayo kaalmaytiisa."
Cabdillahi oo qaxooti ahaan u yimi dalka Lubnaan saddex sanndood ka hor ayaa xilligan helay hoy uu ku noolaado isaga iyo ubadkiisu, tan iyo markii muuqaalka sawirkiisa uu baraha bulshada ku baahiyey ayuu Simonarson sheegay.
Gargaarka ninkan u shaqeysanayey ubadkiisa sifo xalaal ah waxuu awoodayey ayaa muujinaysa sida ilaahay u barakeeyo shaqo walba marka loogu dhaqaaqo in lagaga maarmo baryada dadka kale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland