Saturday, February 28, 2015

“Waxa Walaac Badan Iyo Werwer Iiga Muuqdaan Sii Socodka Wada-Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Haddii Aan La Tixgalin Wixii Lagu Heshiiyey”

Hargeysa (Himilo)-Wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane xirsi cali x xasan oo ka mid ah gudiga wada-hadalka u qaabilsan Somaliland, ee haatan ku sugan dalka turkey.
Wasiir xirsi ayaa warbixin qoraal ah oo uu kaga xogwaramayo aragtidiisa ku wajahan wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayo inuu ka furmo dalka Turkiga, qoraalkaasi ayuu wasiirku ku baahiyey barta uu internet-ka ku leeyahay ee la yidhaa Guusha.com, waxaanu u dhignaa sidan:-
wadahadal kulankii 8aad turkey..“Waa kulankii 8aad ee Somaliland iyo dawlada aynu jaarka nahay ee Soomaaliya isku hor fadhiistaan, ujeedadooduna tahay in la ixtiraamo rabitaanka bulshada Somaliland lana sameeyo qorshe lagu kala gurto.

“Waxa walaac badan iyo werwer iiga muuqdaan sii socodka wadahadalada haddii aan la tixgelin wixii lagu heshiiyay”

Illaahay mahadi ha ka gaadhee waxaanu nabadqab gaadhnay dalka Turkey oo indhawaydba martigelinayey wada hadalada ku salaysan kala gurashada Somaliland iyo Soomaaliya anagoo nabad iyo caafimaad qabna.
Waxaan in badan bogaadin mudan dawlada turkey oo si qiimayn iyo qadarin badan ka muuqato u soo dhaweeyey waftiga aan ka midka ahay ee ka socda Somaliland isla markaana nagu qaabilay hab-maamuus u qalma dawlada Somaliland iyadoo la filayo in xubnaha ka socda dawlada wada hadalku naga dhaxeeyo ee Soomaaliyana ay galabta soo gaadhaan.
Kulankan ayaa noqonaya kulankii 8aad ee noociisa ah ee dawlada Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya isku soo horfadhiistaan iyagoo ka wada hadlaya aayaha iyo mustaqbalka labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Dalka maanta marti galinaya ee Turkey-ga ayey noqonaysaa markii 5aad ee dalkiisa lagu wada hadlo halka 3 kulan oo kale ka kala dhaceen dalalka kala ah:
Boqortooyada Ingriiska “Uk”, Imaaraadka Carabta “UAE” iyo Jabuuti.
Inkastoo aan weli loo gonda degin halkii loo baahnaa oo ah in la ixtiraamo rabitaanka bulshada Somaliland lana sameeyo qorshe lagu kala gurto, haddana, dhamaantood waxaa kasoo baxayay waxyaalo la kala saxeexday oo aan fulin sida:
- In Maamulka iyo hagista Hawada la keeno Hargeysa isla markaana dakhliga hawo marista kasoo xaroodana si siman loo qaybsado.
- In ay aqbaleen xasuuqii ku dhacay bulshada reer Somaliland.
- In aan arrimaha Horumarka la carqaladayn lana siyaasadayn.
- In la hawlgeliyo khubaro farsamo-yaqaaniin ku ah wada hadalada.
Waxa walaac badan iyo werwer iiga muuqdaan sii socodka wadahadalada haddii aan la tixgelin wixii lagu heshiiyay, xaqiiqaduna waxay tahay kulankii ugu danbeeyey ee Djibouti ay ku kulmeen labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku kala saxeexdeen qodob muhiim ah oo odhanayey
- In arrimaha masiiriga “aaya tashiga” ah hoos loogu dego kaasoo aanu rajaynayno in qolada Soomaaliya ay garwaaqsan doonaan madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland iyo sidoo kale inay ixtiraamaan wixii lagu heshiiyay.

Meel aad joogtaanba waxaynu isku ognahay xaqiijinta himilada qarankeena
Wa Bilaahi Tawfiiq
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Dhibta Hooyadaa Dheef Ma Kuu Noqotaa?

Mako waxay ku barbaartay nolol degan iyo qoys dhisan waxay ahayd guri-dambays aad iyo aad loo jecel yahay oo la koolkooliyo. Haddii ay kaalin gashay oo ay gashaanti noqotayba, waxay kohatay inay gayaankeed iyo gaddeedba guur ka raadiso, waxaana Alle calaf isugu daray Miigane oo markaa ahaa gedaha Mako. Markii ay isla fahmeen inay rug iyo reer yagleelaan, geeddiga noloshana sii wataan, ayaa sidii soo-jireenka ahayd uu u soo gole-fadhiistay. La isu guddoom, gaaf loo samee, goolal loo loog, la isuguna ducee.
Markay muddo guri lahaayeen ee ay nolosha gun iyo baar isla fahmeen, deegaankoodaa miyiguna la yaabeen isu-heellanaanta iyo jacaylka dhexdooda yaala, waxa Alle ugu deeqay wiilkii curad, waxaanay ugu wan qaleen duunyo badan. Wiilkaa ka dib, waxa Alle ugu daray laba ubad ah oo midkood gabadh ahayd. Waxa geeriyooday oo xaqii u yimid wadaadkii Miigane ahaa, Makona waxa deris u noqday walaac, walbahaar iyo wehel la’aan. Waxa ku soo ururtay muruggada iyo masuuliyadda ubadkeedan. Waxay go’aansatay sidii ay nolosha u wajihi lahayd xaqa Alle (SWT) keenayna ay ugu samri lahayd. Waxay tallo ku gaadhay markay Asayda ama Hengefta dhigto inay duunyada xoolaha ee ay haysato iibiso, magaaladana u guurto si ay ubadkeeda waxbarasho ula doonato. Waxay talo ku soo goosatay inaanay nin dambe guursan, balse ay ubadkeedaa gaadhsiiso nolol sare oo aanay tabin aabbahood.
Guunyadiina iibisay, magaaladiina meel ka degtay. Waxay wajahday nolol adag, dhaqan ka duwan kay ku bartbaartay. Waxay kacaa-kuftaba, waxay habeen iyo maalin u qaddo si ay ubadkeeda oo ay waxbarasho ku dartay u dhargaan, waxay u noqotay hooyo iyo aabbe. Hamigeeda ugu weyni wuxuu ahaa inay u darxumooto sidii ay iyagu asaaggood u raaci lahayeen.
Waxay ubadkeedii dhamaysteen dugsigii hoose/dhexe, waxaanay Mako niyadda ka tidhaahdaa; ‘Hadda ayuun bay rejadii kuu soo dhawaanaysaa”. Soomaaliduse waxay ku maahmaahaan, “Ninkaan curadku duuf-laal ka noqon, doogsin baa u maqane’, waxa tahriibay wiilkeedii curad. Wuxuu beegsaday Sucuudiga. Muddo markii u dhuumaalaysi ku jiray ee Mako-na ay daashadeen walaac iyo walbahaar, ayuu shaqo ka bilaabay meel lagu iibiyo jaadka qarsoodiga ah. Markii uu maalmo yar joogay ayaa la isku xidhay isagii iyo meeshiiba, waxaana la isugu daray xabsi iyo ganaax. Markii warkii soo gaadhay Mako oo markii horeba murugo la ildarnayd ayay tallo ku caddaatay. Waxay go’aansatay inay maarayso dhibaatadaas, waxaanay iibisiy dhulkii ay degannayd, waxaanay qaddarkii lacagta ahaa ee u soo hadhayna ay ku iibsatay dhul kale oo aad ugu fog, balse isagii waa la soo daayay, dalkana lagu soo celiyay.
Markii uu maalmo joogay ayay hooyo Mako isugu yeedhay ubadkeedii, waxaanay u jeedisay waano iyo hogo-tusaalayn, waxaanay war ugu koobtay oo ay ku tidhi, “Waar muuqiina ha iga dheeraynina, ha ii horseedina inaan naxdinta ka qaado xannuuno aan ka bogsan waayo, oo ha I badina in la ii doon-doono cid I aasta!!” Ax! illeen haddii damiirku kaa dhinto waxba ma dhaantid weel daloola oo waanadu way ku dhaaftaa! Maalmo markii uu magaalada joogay ayuu haddana tahriibay oo uu beegsaday dhinaca Liibiya, waxaana mar kale warkiisa loo sheegay hooyo Mako, waxaana xaalkeedu noqday, “illeen ciil kuma dilee, wuu ku daahiyaa!”
Hooyo naxariis badanaa! Halkii ay degannayd ayay qayb iibisay, waxaanay u dirtay ‘Magafihii' haystay oo ay kaga sii daysay. Wuxuu raacay Doonni, hase ahaatee way la qarraqantay oo wuu dhintay. Markii warkii soo gaadhay hooyo Mako, ayay dhacday oo dhakhtarka loola cararay, waxaana dhakhtarku sheegay in ay si wada-jir ah ugu soo boodeen dhiig-kar iyo macaan!
Hooyo Mako waxay noqotay bukaan-socod la nool labadaa xannuun. Samir bay weheshatay, waxaanay duhurkii markuu xayawaanku hadh galo ay buur iyo bannaan la meeraysataa dhawr caagadood oo ay caanaha macaamiisheeda ugu shubto, sababtoo ah, xaalkeedu wuxuu noqday; “Caydhi ma bukooto” oo markay socon kari waydaba meel bay kambadhuudhsataa, haddana ka socotaa!
Muddo markuu xaalku sidaa iska ahaa, ayuu wiilkeedii kalena beegsaday dariiqii walaalkii ku dhintay. “Illeen dhulku kulama guuro!” ayay talo ku noqotay hooyo Mako. Warkii u horreeyay ee ku soo dhacay wuxuu ahaa, ‘Lacagtii Magafaha soo dir’. Wehelkeedu wuxuu noqday walaac iyo walbahaar. Waxay iibisay intii kale ee dhulkii ay degannayd oo waxay u dirtay inankeedii kale, si ay Ma-gafaha uga sii dayso. Aqal-Soomaaligii yaraa ayay ka furfuratay halkii ay iibisay oo ay ahayd inay ka guurto, waxaanay ka dhisatay meel aan ka sii fogayn oo xabaalo ah. Waxaana is-taray xanuunnadii hayay. Inankeediina ma hayso warkaase, wuxuu la soo taagan yahay ‘Lacagtii doonnida ayaa hadhay!” Hase ahaatee, marka Mako la bariidiyoba, waxay ku jawaabtaa “Toloow yaa ciidda uun igu rogi doona oo I aasi doona?!” ..Aaax! Isaguse warkaasiba uma bilowna! Markii xaalkeedu cuslaaday, ayaa deriskeedii u soo qaadhaameen oo ay u soo ururiyeen lacag yar oo ay nolol-maalmeed ka dhigato, waxaanay geeyeen cusbitaalka oo ay dawo uga soo qaadeen. Hase ahaatee, waa hooyo iyo caadkeede, waxay intii yarayd u dirtay isagii si uu doonni ugu raaco, balse war bay ka wayday! Waxa ku kacay macaankii iyo dhiig-karkii, waxaana loola cararay cusbitaalka. Waxa loo caal waayay oo la dejin kari waayay dhiiggeedii kacay iyo macaankii. Maalmo markay sidaa ahaataba, geeridii baa u timid Mako. Murugo iyo oohin markii dambe keentay inay koomo gasho, ayay ku dambaysay inantii yaraydna.
Haddaba, akhriste midhka meesha taallaa waxa weeyi marka uu ilmuhu tahriibo haddii uu waalidkii wax walba u keeno oo uu daaro fooqle iyo duunyaduu doono siiyo, waxa aanu marnaba dawayn karin ama aanu miisaankeeda soo celin karin naxdintii gaadhay waalidka oo kaliya .
Fiiro gaar ah: Qisadan ama xaalkani akhriste maaha malawaal ama iska samayn ee waa qiso dhab ah oo dhacday…….

W.Q: Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi
Email: Liibaanhanad79@mail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Wax Ka Baro Cilmiga Xadithka-W/QSheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybti Labaad
Xadiiska Musnadka ah waxa lagu gartaa:-
 Musnadku waa ka sanadkiisu xidhiidho, ka warinaya laga bilaabo ilaa Rasuulka CSW laga gaadho, Kala go’na aan lahayn.
Musnadku; waa silsilad isku xidhan ka warinaya ilaa Rasuulka CSW, oo dadka warinaya ay yihiin dad isa soo gaadhay oo ugu yaraan hal marna is arkay.

Xadiiska mutasilka ah waxa lagu garta:-
 Mutasilku waa xadiiska isku xidhan meesha uu ka bilaabmo ilaa halka uu ku dhamaado.
Musnadku; waxa uu kaga duwan yahay Mutasilka waa isagoo ku dhamaada waa Musnadkee Rasuulka CSW. Hadduu ku dhamaado mutasilku Rasuulka CSW wuxuu noqonayaa Musnad.

Xadiiska Musalsalka ah waxa lagu gartaa:-
 Musalsalku waa habka uu u warinayo qofka xadiiska warinaya. Tusaale ahaan wuxuu leeyahay Rasuulka CSW wuxuu ii sheegay, marku intaa yidhaa ayuu is taagaya (isagoo fulinaya ficilkii Rasuulka CSW). Qofka qof u sheegayana marku u sheegayo qof kale isna sidaasoo kale ayuu samaynaya. Tusaale kale Rasuulka CSW qof wax uu sheegay markaasuu gadhka qabtay, Saxaabigaasi markuu qof kale u sheegayana gadhka ayuu qabtay sidii oo kale.
 Waxa laga faa’iidaa Musalsalka waa in la ogaado qofkan xusuustiisa.

Xadiiska Casiiska ah waxa lagu garta:-
 Casiisku waa xadiiska dadka ugu yar ee warinaya ay yihiin laba qof
Wa xadiis xoog badan oo dhawr qof warinayaan. Ileen dadka ugu yar ee warinaya wataa lagu yidhi waa laba qof. Tusaale ahaan waa xadiis u Rasuulku CSW ka dhex sheegay koox saaxaaba ah, Saxaabadii maqashayna koox taabiciin ah ayey u u sheegeen.

Xadiiska Mash-hurka ah waxa lagu gartaa:-
 Mash-hurku waa xadiis ay warinayaan wax ka badan saddex qof.
Xadiiskani wuu kasii xoog badan yahay Casiiski waayo kaa waxa ugu yaraa laba qof kanna waxa u shardi ah in dadka warinaya ay ka badan yihiin saddex qof. Marka wuu ka xoog badan yahay Mash-hurkii.

Xadiiska mucan canka ah waxa lagu gartaa:-
 Mucancanku waa qaab loo wariyo xadiiska. Siyaalaha loo wariyo waxa ka mid ah “xadasana” oo ah wuxuu noo sheegay hebel. Mucancankuna waxa weeye “can” taasoo ah waxa laga haya hebel.
 Waxa kale oo ay faa’iidaysa “can” in qofka warinaya iyo ka uu ka warinayo inay isku xilli noolaayeen ugu yaraana hal mar ay is arkeen.
Xadiiska Mubhamka ah waxa lagu gartaa:-
 Mubhamku waa xadiiska ama silsilada qof warinteeda ku jira oo aan la magacaabin.
Mar haddii aan la garanayn qofka silsilada warinta ku jira xadiis kaasi wuxuu noqonaya mid daciif ah. Waayo qofkaasi wuxuu yahayba la garan maayo. Midse ogow haddii u qofku aanu ahayn qofka warinaya xadiiska se uu ku jiro uun sida qof aan la garanayn ayaa Rasuulka CSW wax waydiyey iyadoo Saxaabaduna fadhido. Saaxaabada mid ka mid ahina xadiiskan warinayo. La odhan maayo qof aan la garanayn ayaa xadiiska ku jira. Waayo isagu silsilada warinta dhinacna kama haysto.

Xadiiska caaliga ah waxa lagu gartaa:-
 Caaligu waa xadiiska lagu gaadho Rasuulka CSW xagga warinta tiro yar.
 Sheekh kitaab qoray laguna kalsoon yahay.
Caaligu waxa uu u qaybsamaa laba qaybood mid “mudlaq” oo Rasuulka CSW lagu gaadhayo xagga warinta tiro yar. Mid “nisbi” oo laga daalacanayo sheekh kitaab qoray, sheekhaasi haba dheeraato xagga warinta inta uu Rasuulka CSW uu ka tirsanaye. Se sheekhu waa inuu ahaada mid lagu kalsoon yahay.

La soco Qaybta Saddexaad
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Ereyada Casriga ah ee Qabyaaladda!-W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Ereyadan aan hoos ku xusi doonno ayaa ah kuwo inta badan loo isticmaalo warbaahinta iyo goobaha shirarka ama khudbadaha madaxda qaarkood jeediyaan, waana kalmaddo maqalkoodu kusoo noqnoqdo dhagaha dadka, kuwaas oo aan odhan karno waa reer hebel baanu nahay oo la casriyeeyay ama marka aad maqasho cid leh aad si fudud u aqoonsanayso cidda hadlaysa iyo qabiilka hadlaya ama shiraya. Waxaan u kala saaray heerar kala duwan sida heer jihooyin loo adeegsado, heer xaafad loo isticmaalo, heer degmo ahaan loo soo qaato, heer gobol ahaan loogu dhigo iyo heer qaran ahaan ama si guud loogu isticmaalo.

Heer Jihooyin:-
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka beesha koonfurta Hargeysa
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka beesha bariga Hargeysa
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka beesha waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka beesha bariga iyo koonfurta Hargeysa
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka beesha bariga Burco
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka beesha galbeedka Burco

Heer Xaafad:-
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka xaafadda Axmed Dhagax
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka xaafadda 26 Juun iyo Ibraahim Koodbuur
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka xaafadda gacan libaax
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka xaafadda Maxamuud Haybe/Maxamed Mooge
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka xaafadda 31 may

Heer Dagmo:-
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ Aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka degmada Salaxlay
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ Aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka degmada Sabo-wanaag
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ Aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka degmada Faro-weyne
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ Aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka degmada War-cimraan
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ Aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka degmada Buuhoodle

Heer Gobol:-
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka gobolka Saaxil
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka gobolada Awdal iyo Selel
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka gobolka Sool
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka gobolka Gebilay
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka gobolka Daad-madheedh
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka gobolka Saraar
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka gobolka Hawd
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka gobolka Badhan
• Salaadiinta/ dhalinyarada/ aqoonyahanka/ waxgaradka/ siyaasiyiinta/ haweenka gobolka Taleex

Heer Qaran ama si guud:-
• Beelaha darafyada
• Beesha dhexe
• Xaalada deegaanada bariga Somaliland
• Tabashada/ Cabashada beesha galbeedka Somaliland

Afeef: Kolay inagama maqna Qabyaaladdi oo cid u hadasha la waayi maayo, balse waxaan ka cudur daaranayaa haday dhacdo inay dad si khaldan u fahmaan ereyadan ama ay saluug ka muujiyaan dhulka ama deegaanada aan soo qaatay aanay u arag in aan cid meel ku yaraynayo cidna meelo badan ku sheegayo, balse ay ujeedadaydu tahay uun in aan idinla wadaago ereyada qabyaaladda ee maanta aynu isticmaalno.
W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
E-mail: Xiinfiniin_10@hotmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Tilmaamaha Gabadha Wax Jecel-W/Q: Cali Cabdi Coomay

Gabdhuhu way kala duwan yihiin dabeecad ahaan, taasina waxay keeni kartaa inay ku kala duwanaadaan calaamadaha ay u muujiyaan marka ay wax jeclaadaan, balse waxa jira calaamado ay ka siman yihiin:
Calaamadaha ugu caansan
1: Xishood:waa calaamada ugu horaysa waxay la soo baxaysaa xishood xad-dhaaf ah oo mararka qaarkood ku kalifa inay ku tusi kari waydo wajigaaga oo ay fooror kugu qaabisho
2: Naxdin: waxa gabadha ku badanaya naxdinta dhinaca wadnaha la xidhiidha oo markasta oo ay la kulanto qofka ay jeclayd, waxa garaac xoogan sameeya wadnaha gabadha tani maaha xanuun, laakiin waa jacayl karaaray. isku dhexyaacid iyo aamusnaan ayaa wehelisa
3: Hadaaq: waxa gabadha ku bata in ay markasta ku halmaanto magaca qofka ay jeceshahay iyada oo qof kale u yeedhaysa ayaa ay ku hadaaqaysaa magaca qofka ay xooga u jeceshahay, isla muddo yar kadib waxay ka noqonaysaa iyada oo iska dhigaysa in ay khaldantay, balse uu jiitay wixii qalbigeeda ku jiray.
4:Ka sheekayn: waxa aad arkaysaa iyada oo mararka qaarkood ka sheekaynaysa waa markay la joogto saaxiibadeeda dhabta ah ee aanay waxba kala qarsan, ugana sheekaynayso in ay si wayn u jeceshahay, balse waxa ay ka faaloonaysaa dhaqamada fiican ee uu leeyahay qofka ay jeceshahay
5: Shaki: waxa ay la soo baxaysaa shaki oo ay ka qabto in laga qaado jacaylkeeda, xattaa haddii ay aamisantahay in uu daacad u yahay, markasta oo ay arki weydo waxa ay u qaadataa inuu ku maqan yahay gabadh kale, taasi oo sabab u ah shaki aan la soo koobi karin.
6: Eegmo badan: waxa ay markasta jeceshahay in ay daawato qofka ay u bogtay, kama dhargayso in ay daawato maantoo dhan, waayo waxa u ooman meel.
Dhinaca kale, ma doonayso in uu arko qofkan ay eegmada ku badinayso, marka uu soo eego deg deg ayey uga jeedsanaysaa, laakiin waxa ay rabtaa in ay eegto isaga oo aan soo eegayn noocan eegmada ahi waa ay ka duwan tahay eegmooyinka waayo waa indho-ku doogsi iyo farxad
7:Maqnaan xaga maskaxda ah:waa calaamad aan sidaasi u waynayn balse marar noqota mid keenta saamayn xoogan.
Waxa gabadha ku dhacda maqnaansho dhinaca maskaxda ah, oo marka ay hawl qabanayso soo dhexgala.
Waxa lagu arkaa gabadha marka ay dad la joogto iyadoo maskax ahaan baxda oo ka fikiraysa qofkii soo galay maskaxdeeda, haddii uu qof su’aalo wixii ay ka fikiraysay, waabay dafirtaa inay fikiraysay.
Waxyaabaha maankeeda ka guuxayana waxa ugu culus siday ula kulmi lahayd qofka ay u hayso jacaylkan daran.
8: Socod ku-badin: waxa ay goor kasta raadisaa in ay indhaha ku dhufato qofka u daran inay aragto, taasina waxay keentaa in ay bilawdo socod badan oo ay ku tagayso goobaha laga helo qofka ay rabto in ay indha ku doogsato ugu yaraan saddex jeer ayaa ay socod ku maraysaa goobaha laga helo jacaylkeeda ee ay ku indho kuulato.
9:Wax kasta haye: markasta oo uu wax waydiiyo qofka ay jeceshahay waxay ugu jawaabtaa haye, xattaa haddii aanay waxaasi karayn arrintani waa culayska uu leeyahay jacaylku marna ma odhan karto waxaasi ma awoodi karo.
10: Hadalkiisu ma dhibo:qofka ay jeceshahay wax kasta oo uu ku yidhaa uma keeno wax dhibaato ah hadday noqoto cay, af xumo, hanjabaad iyo iwm, kama xanaaqayso waayo waxa jiidanaya jacayl aan la soo koobi karayn waxa ay ku dadaalaysaa inay yeesho wax kasta oo raalli galinaya qofkan ay aadka u jeceshahay.
11:Xarago xad-dhaafa:waxay goor kasta iska dhistaa dhinaca labiska iyo kala badalka dharka, tani waa calaamad muujinaysa soo jiidadho qofka ay jeceshahay, waxay ka baqaysaa in lagu naco labis xumada iyo xarago la’aanta, ugu yaraan ilaa saddex sad oo kala duwan ayey xidhataa marka ay doonayso in ay soo hormarto goobaha laga helo qofkay jeceshahay.
12:Tillifoon ku-hadal badan: waxay aad ugu dadaalaysaa in ay xidhiidh fiican la yeelato qofka ay jeceshahay haddii ay ku adkaato inay toos ula xidhiidho jacaylkeeda, waxay la xidhiidhaysaa cidda ay isku fiican yihiin jacaylkeeda, iyada oo ka urinaysa jacaylkeedii, markasta waxa lagu arkaa iyadoo tillifoon garaacaysa ama ku mashquulsan inay cid lahadasho ammaba farriimo diraysa.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, somaliland
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Cilmi-baadhis.Female Reseach Center (FRC)
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Ciidanka Booliska oo Gacanta ku dhigay Saddex Dhalinyaro ah oo Midkood Xijaabka Dumarka lagu Qabtay

Hargeysa, 28 Feb, 2015 (Himilo)- Ciidamada Boosliska ee magaalada Hargeysa, ayaa hawl-gal shalay gelinkii hore ka fuliyeen degmada Ibraahim Kood-buur ee Caasimadda ku qab-qabtay saddex dhalinyaro ah oo looga shakiyey falal ammaanka-darro, kuwaas oo midkood lagu qabtay isaga oo xidhan Xijaabka Dumarka.
downloadHawl-galka lagu qab-qabtay saddexda Dhalinyarada oo Kiro ugu jiray Guri ku yaala agagaarka Geerashka Gacan oo ku yaala Xaafadda Xero-Awr, isla markaana dhinaca Woqooyi ka saaran waddada 150-ka, ayaa ka dambeeyey kaddib markii dadka xaafadda oo ka shakiyey xidhiidh la sameeyeen Ciidamada Booliska
Saddexda qof oo aan ciddooda iyo ujeeddadooda aan la aqoonsan, ayaa ku xidhan Laanta Dambi-baadhista ee ciidanka Booliska oo baadhistooda gacanta ku haya, sida , sida uu noo xaqiijiyey Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Cabdilaahi Xasan Faarax oo aanu wax ka weydiinnay dhacadadan.
“Ciidanka Booliska ee Saldhigga Daloodho waxay gacanta ku dhigey saddex wiil oo dhalinyaro ah oo midkood xidhan yahay Xijaab, haatana waxay dhalinyaradaasi ku xidhan yihiin xarunta baadhista dambiyada ee C.I.D,” ayuu yidhi Afhayeenku.
Mar aanu wedyiinnay waxa looga shakisan yahay dhalinyarada, waxa uu ku jawaabay, “Baadhistii ayaa socota, sidaa awgeed ka hor dhici mayo ilaa inta ay soo baxayso natiijada baadhista dhalinyaradani,” ayuu yidhi Gaashaanle Cabdillaahi Xasan Faarax, isaga oo intaas ku daray mahad-naq iyo Hambalyo uu u jeediyey dadweynaha ciidanka booliska ku soo war-geliyey, isaga oo dhinaca kale dadweynaha ku booriyey inay had iyo jeer la shaqeeyaan ciidanka booliska oo heegan u ah illaalinta amniga dadka ayuu yidhi Gaashaanle Cabdillaahi Xasan Faarax.
Dhinaca kale, Waxa Wargeyska Himilo u suurto-gashay inaanu helno Ciidda ka masuulka ah Guriga lagu qab-qabtay saddex qof si aanu wax uga weydiinno wakhtiga ay Guriga soo galeen saddexda dhalinyarada iyo sababta keentay in laga shakiyo.
“Gabadh aanu ilmaadeer nahay ayaa guriga leh, balse qoys kale ayaa kiro ugu jira, markii la ii soo sheegay arrintani gurigii ayaan tagay, waxaana la ii xaqiijiyey in laba wiil ay yimaadeen guriga oo uu mid ka mid ahi uu xidhay xijaab deena uu dibada u baxay oo uu ka nixiyey gabadh yar oo hor fadhida gurigooda oo ah sakadda gurigan ka horeysa, sidaa awgeedna ay gabadhii yareyd qaylisay oo jaarkii ku soo baxeen oo ay eryadeen, iyadoo la eryanayo ayuu galay gurigii, waa laga dabagalay oo qolkii ay galeen ayaa dusha lagaga xidhay, kaddibna booliskii ayaa yimid wuxuu gurigii ugu galay saddex wiil iyo laba hablood oo yar yar, waxaanu boolisku kexeeyeen saddexdii wiil ee dhalinyarada ahaa ee mid ka mid ahi uu xidhay xijaabka dumarka,” Sidaas waxa yidhi nin magaciisa ku sheegay Mowliid oo Wakiil ka ah Guriga saddexda dhalinyarada ahi ku jireen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac isugu jira oo ka dhashay Iska-hor-imaad Xoolo-dhaqato Hubaysan ku dhex-maray Deegaan Kalshaale u dhaw

Caaqil Camay oo Nabad iyo in Xaaladda la dejiyo ugu baaqay Beelaha Buuhoodle iyo Qori-lugud ee Dagaalku dhex-maray

Buuhoodle/Kalshaale, 28 Febr, 2015-(Himilo)- Shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac sababtay ayaa ka dhacday deegaanka Dhuxun-ku-reeb oo ka tirsan Deegaannada Kalshaale ee dhinaca Koonfur-Bari ee gobolka Togdheer, ka dib markii ay isku dhaceen Xoolo-dhaqato Hubaysan oo ka soo kala jeeda Degmooyinka Qori-lugud iyo Buuhoodle.
SAMSUNG DIGITAL CAMERAIllaa 3 qof ayaa lagu soo warramayaa ugu yaraan inay ku dhinteen dagaalkaas oo la isla gabbal-dhacsaday, tiro intaa ka badanina ku dhaawacmeen. Saddexda qof ee dhimashada ah, ayaa la sheegay inay laba ka mid ahi ka dhinteen Beesha Qori-lugud, halka ka saddexaadna ka dhintay Beesha Buuhoodle, waxaana warku intaas ku daray in labada dhinac-ba dhaawac jiro.
Iska hor-imaadkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii dad Xoolo-dhaqato ah oo wada deggan meesha lagu magacaabo Dhuxun-ku-reeble oo sida la sheegay Kalshaale dhinaca Bari ka xiga isku dhaceen, isla markaana nin Beesha Quri-lugud ka tirsan nin kale oo Beesha Buuhoodle ahi uu dilay, markaas ka dibna ay bilaabantay in dhinaca Qori-lugud tegeen goobtii ninka lagu dilay si ay u soo qaadaan Meydkiisa iyagoo hubaysan, hase-yeeshee, waxa markaas bilaabmay dagaal, ka dib markii dhinacyadu rasaas isku fureen, waxaana markaa ka dib dagaalka soo galay Tikniko ay wateen Malleeshiyada Kooxda la magac-baxday Khaatumo, sida ay Himilo u sheegeen qaar ka mid ah Odayaasha Burco.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye oo Weriyeyaal ka tirsan Wargeyska Himilo marar badan oo xalay ahayd khadka taleefanka ka waceen si ay arrintaas wax uga weydiiyaan, ayaanay noo suuragelin inaannu ka helno wax jawaab ah, ka dib markii uu naga qaban waayey Taleefankiisa gacanta. Sidoo kale, Caaqilka Beesha Qori-lugud oo aannay Khadka taleefanka gacanta ka wacnay xalay si aannu arrintan wax uga weydiinno, ayaannaan isagana jawaab ka helin markaannu la kulannay taleefankiisa oo xidhan ama dembsan.
Hase-yeeshee, Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar Camay oo isagoo ku sugan magaalada Buuhoodle xalay Wargeyska Himilo Khadka taleefanka wax kaga weydiiyey Shaqaaqada dhacday waxa ay kala socdaan iyo waxa keenay, maaddaama oo isaga iyo Cuqaal uu ka mid yahay dhawaan Hargeysa ka tageen, isla markaana sheegeen inay nabadda deegaannadaas iyo nabadda Kooxda la-baxday Khaatumo iyo Somaliland ka shaqaynayaan oo ay isu soo dhawayn samaynayaan, waxaanu sheegay inay ka xun yihiin waxa dhacay, welina ay iyagu Odayaal ahaan ku hawlan yihiin oo ay ka shaqaynayaan nabadda dadka iyo deegaannadaas-ba.
“Meeshaa shaqaaqo waa ka dhacday, Shacab hubaysan oo Xoolo-dhaqato ah baa isku dhacay, khasaarana waa jiraa dhimasho iyo dhaawacba leh sidaannu warka ku hayno. Marka nabadda laga shaqaynayo turunturrooyinku waa iska badan yihiin, tanina turunturrooyinkaas uun bay ka mid tahay, waanannu ka xunnahay. Waxaanan ku baaqayaa labada dhinac-ba in xaaladda la dejiyo oo colaadda la joojiyo, isla markaana nabadda iyo wanaagga laga wada shaqeeyo, meeshaasna aanay mar dambe wax iska hor-imaad ahi ka dhacin, ayaannu ku baaqaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Caaqil Camay.
Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar Camay waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Anigu Buuhoodle, ayaan joogaa, illaa Caawa illaa maanta (shalay illaa xalay) markii shaqaaqada naloo soo sheegay dejin baannu ka shaqaynaynay in xaaladda la dejiyo oo aan xabbad dambe la ridin, in bandanna waa ku guulaysannay oo wax waa dejinnay, welina waan ku jirnaa, Dhinacaa kalena sidaas oo kale ayaannu ka filaynaa. Markaa, Berri (Maanta) haddii Illaahay yidhaahdo ayaannu Odayaal ahaan ka soo baxaynaa Buuhoodle oo aannu imanaynaa meesha wax ka dhaceen oo ah deegaanka Kalshaale, markaa waxaan leenahay halla is-dejiyo oo xabbad dambe yaanay dhicin, xabbadi xumaan mooyee wanaag ma keento, dagaalna Wiil kuma dhasho ee Wiil baa ku dhinta.”
Waxa uu Caaqil Camay ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay Shaqaaqadaas ee soo gaadhay Beesha dhinaca Buuhoodle, balse waxa uu qiray in dhimasho iyo dhaawac-ba jiro, waxaanu yidhi; “Dhaawac iyo Dhimashaba waa jiraa sidaannu warka ku hayno, laakiin weli wax magaalada Buuhoodle ee aan hadda kaala hadlayo la soo gaadhsiiyey ma jiro, tiro sugan oo la ii sheegayna ma jirto, markaa warkaas oo dhan berri ayuun baa la iga heli karaa, immika xaddi (tiro) sugan ma hayo, waxaanan ogeyna kuuma sheegi karo, balse khasaare dhanwalba waa jiraa.”
Deegaannada Kalshaale, Maygaagle iyo kuwa ku xeeran ee ka kala tirsan Togdheer iyo Buuhoodle, ayay labada Beelood ee Qori-lugud iyo Buuhoodle marar kala duwan oo hore ku dirireen, isla markaana ay dagaallo dhimasho iyo dhaawac keenay ku dhex-mareen, inkasta oo marar badan la demiyey colaaddaas, haddana waxay hadda u muuqataa mid soo cusboonaatay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Xawaaladihii Soomaalida Maraykanka Oo Si Shuruudaysan Xayiraaddii Looga Qaadday

Washington:Feb,28,2015(Himilo)-Bank-giyada Maraykanka, ayaa Xawaaladaha Soomaalida u fasaxay inay lacagahooda ka tirsan karaan wixii ka dambeeya 1-da Bisha oo maalinta berry ah ku beegan.

reemooMerchants Bank ayaa joojiyay xidhiidhkii xawaaladaha Soomaalida uu la lahaa 06-dii February, taasoo keentay inay istaagaan shaqooyinkii xawaaladaha Soomaaliya iyo lacagihii ay Soomaaliya u soo diri jireen.

Guddoomiyaha ururka ay ku bahoobeen Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka ku yaalla ee SAMSA, , C/casiis Sugulle ayaa sheegay in berri ay dib u bilaabanayan xawaaladaha, kadib markii ay dadaal dheer u galeen sidii xawaaladaha ay howlahooda dib ugu billaabi lahaayeen.

Sidoo kale, Sugulle ayaa ugu baaqay dowladda Somalia inay wax ka qabato xayiraadda xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka lagu soo rogay, ayna ku dadaasho inaysan dib u soo laaban xayiraaddan oo kale.

Xidhitaanka Xawaaladaha Soomaalida Mareykanka ayaa saameyn ku yeeshay noolasha Soomaali badan oo ku nool gudaha Soomaaliya, kaddib markii ay waayeen lacagihii ay ehelkooda ka heli jireen.

Ugu dambeyn, hay’adda OXFAM ayaa dhawaan sheegtay in lacagaha laga soo diro dalka Mareykanka ay ka badan yihiin tan deeq ahaanta loo siiyo Soomaalida ku nool gudaha Somalia.

Kaliya waxa la oggol yahay lacagaha biilasha ah ee loo diraya dadka u baahan, waxana cabashada dadkani sababtay in masuliyiinta shaqadaas leh ee Maraykannka ahi ay debecsanaan muujiyaan.

 

Himilo Media

“Waxaan ka digayaa qoladan la yidhaahdo Palore ee faransiiska ah, waana shirkadihii ka qayb galay adoonsiga markii Afrika lagu qaybsanayey Berlin” Boqor Buurmadow

Hargeysa:Feb,28,2015(Himilo)-Boqor Cismaan Maxamuud Burmadow oo kamid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa Markii ugu horraysay Ka Hadlay Muranka ka taagan Wareejinta la sheegayo in xukuumaddu ku waddo Dekedda Berbera.

buurmadowBoqor Cismaan ayaa sheegay inuu si weyn uga soo horjeedo In xukuumaddu Dekedda Bebera ku wareejiso Shirkadda Faransiiska ah ee Palore, taas oo mucaaridka Somaliland si weyn uga soo horjeesteen.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo ka hadlayey munaasibad loo qabtay fanaaniin ka socotay magaalada Jig Jiga ayaa waxa kale oo uu ka hadlay weftiga somaliland ee u baxay wada hadalada somaliya.

“Waxa kale oo maalmahan laga hadlayey dekada magaalada Berbera iyo maal gashigeeda, Anigu waxaan qabaa inay dawladu marka hore ka shaqaysiiso dekadeena yar ee jirta, waanan aragnaa dawlado badan oo danaynaya sida Ethiopia waxaanan qabaa inaanay wali furfurnayn siyaasadii lagu isticmaali lahaa dekadeena waana inay dawladu dabciso sidii loo isticmaali lahaa dekedan, ta labaad waynu u baahanay in dekada la balaadhiyo laakiin inaynu ka darno maaha, anigu waxaan qabaa dawladaha aynaan is diidi Karin dhaqan ahaan dekada in la balaadhiyana aan diidi Karin mid kale ayaa laga dhinac furi karaa, arinkaasina waxa uu u baahan yahay arin degan oo loo bislaaday shacabkana loo bisleeyo in lagu deg degana maaha ee waa in laga fiirsado.” Ayuu yidhi boqor Buur Madaw.

Boqorka oo Hadalkiisa sii wata ayaa yidhi,

“Waxaan ka digayaa qoladan la yidhaahdo Palore ee faransiiska ah, waana shirkadihii ka qayb galay adoonsiga markii Afrika lagu qaybsanayey Berlin, waana dadkii adoonsiga ka qayb galay meelihii ay ka hawl galena adoonsigii ayey kula dhaqmeen, dad hufana maaha cunsuriyad ayaa aad uga muuqata waxaanan odhan lahaa xukuumadu heshiisyada ay la galayso qoladaas aad hawga fiirsato aad iyo aadna waan uga dayrinayaa waanan ka cabsi qabnaa laakiin maal qabeenada iyo dawladaha kale ee danaynaya waan soo dhawaynayaa xukuumaduna iyada ayaa xaq u leh inay cid heshiis la gasho laakiin niman caalamku tijaabiyey sida Palore oo kale in wax lala galo waanu ka digaynaa, waxaanan qabaa rag badan oo waa weyn ayaa dabada ka riixaya in shirkadan heshiis lala galo waana ka digayaa waxaanan leeyahay maanta oo aynu marayno 2015 uma baahnin gumaysi cusub.”ayuu yidhi boqor Cismaan Buur Madaw.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo ka hadlayey munaasibad loo qabtay fanaaniin ka socotay magaalada Jig Jiga ayaa waxa kale oo uu ka hadlay weftiga somaliland ee u baxay wada hadalada somaliya.

“Waxa dalka ka tagay wafti balaadhan oo u baxay dalka Turkiga, waxaanan odhan karaa intii somaliland wafti diraysay kii ugu balaadhnaa ayuu ahaa, weftigaan ugu jeclaana wuu ahaayoo in badan ayaa la yidhaa beesha dhexe ayaa u badanweftiyada laakiin maanta iyada ayaa ugu yarayd waxaanu u badnaa darafyada waxaanan odhan karaa waxa uu ahaa wefti miisaan culus ah oo si fiican looga shaqeeyey guul ayaanan u rajaynaa, shirkaasna waxaan ka rajaynayaa inay ka soo bixi doonaan wax somaliland u dan ah, wada hadaladana waa la amaanayaa dad walaalo ahna waynu nahay, walaalaheena somaliyeedna waxaynu wax uga tari karnaa masiibada haysata inaga oo kala nasana, inkasta oo aan anigu ka shaqaynayey inay Afrikaba isku timaado oo ay dawlad qudha noqoto hadana in la kala yara nasto ayey dantu ku jirtaa , aniguna shirkaas guul ayaan ka rajaynayaa wefti culus ayaana marayey kamana rajo xumin waanan soo dhawaynaa waxaanan leenahay wada hadaladu ha socdaan mar walbanan waanu dhiiri gelinaynaa, wada hadaladuna waxay kor u qaadeen qadiyadeenii caalamka oo dhan ayaana danaynaya.”ayuu yidhi Boqor Buur Madaw.

 

Himilo Media

 

Dawladda Itoobiya oo ka hadashay Ujeeddada Xarunta Horumarinta Afka Soomaaliga ee Muqdisho

Addis Ababa, 28 Feb, 2015 (Himilo)- Dawladda Itoobiya, ayaa ka hadashay ujeeddada loo abuurayo xarun dhowaan magaalada Muqdisho ay si wada-jir ah u dhagax-dhigeen madaxweyn Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud.
download (1)Sida lagu sheegay war-murtiyeed Xarunta lagaga hadlay oo lagu daabacay bogga Internetka ee wasaaradda arrimaha Dibedda Itoobiya, waxa ujeeddada xarunta lagu sheegay in ay taha goob lagu xoojinayno horumarinta Afsoomaaliga isla markaana Muhiimaddeeda koowaad ay tahay inay masuul ka noqoto diyaarinta luuqad koobsanaysa lahjadaha ay isticmaalaan dhamaan bulshooyinka Af-soomaaliga ku hadla ee ku kala nool Soomaaliya, Somaliland, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.
War-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, laguma sheegin doorka ay dawladda Itoobiya ku leedahay hirgelinta Xaruntan maadaama Luqadda Soomaaligu tahay luuqad ay ku hadlaan dadka tiradooda dhowr milyan lagu qiyaasay oo waddanka Itoobiya ku dhaqan.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadal uu ka jeediyey munaasibad ay todobaadkii hore isaga Madaxweynaha Jabuuti si wada-jir ah ugu dhagax-dhigeen Xarunta, waxa uu ku sheegay in horumarinta Afka Soomaalidu muhiim u tahay horumarka Soomaalida.
“Hadaan luuqadeena hooyo horumarinweyno, way lumaysaa, isticmaalkeeduna meesha wuu ka baxayaa. Waa waajib ina saran inaan horumarino luuqadeena Af-Soomaaliga,” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweyne Geelle oo muddo dheer u ololeynayey horumarinta Suugaanta Afka Soomaaliga, ayaa sheegay in tallaabada lagu hirgelinayo xaruntani ay horseed ka noqonayso waxa uu ku tilmaamay dedaallada dib loogu soo celinayo muuqaalkii Soomaalidu ku lahayd Gobolka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Shirka Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia oo Dib-u-dhac ku yimi kaddib Axadda Berri ka furmaya Istanbul

Hargeysa, 28 Feb, 2015 (Himilo)- Shirka wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa Axadda Berri ka furmaya Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyada oo ergooyinka labada dhinac u metelaya wada-hadallada ay maanta diyaarad ka raacayaan magaalada Jabuuti oo ay shalay gaadheen.
Shirka wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo wakhtiga uu qabsoomayo lagu muddeeyey kulan magaalada Jabuuti ku dhexmaray madaxweynayaasha labada waddan dabayaaqada sannadkii hore, ayaa wakhtigiisa dib ugu dhacay arrimo farsamo oo xagga Soomaaliya ka yimi, iyada oo lagu waday inuu furmo Khamiistii dorraad.
wafti01Guddiga Somaliland u metelaysa Wada-hadallada Soomaaliya oo isugu jira Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha baarlamaanka, ayaa shalay ka amba-baxay magaalada Hargeysa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ay weheliyaan Xubnaha Guddiga oo isugu jira Goleyaasha Xukuumadda iyo Xeer-dejinta, ayaa ka hor intii aanay u anba-bixin magaalada Jabuuti oo ay xalay u hoydeen, maantana la filyo inay ka raacaan diyaaradda Turkish Airlines, waxa uu sheegay inay guddi ahaan guul wax ku-ool ah kala soo laaban doonaan wejiga lixaad ee shirka wada-hadallada labada waddan oo Axadda Berri iyo Isniinta ka socon doona magaalada Istanbul.
“Aniga iyo weftiga balaadhan ee ila socdaa waxaanu u baxaynaa Turkiga oo Shirkii Somaliland iyo Xamar ka furmayo, soconayana Axadda iyo Isniinta, waxaana halkaas aanu kula shiraynaa Dawladda Muqdisho, waxaanan filaynaa inaanu Guulo ka keenno,” Sidaas waxa yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa shalay.
Wasiir Maxamed Biixi oo la weydiiyey inay Guddiga Soomaaliya ku jiraan Xubno asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya iyo mowqifka ay ka qaadanayaan haddii ay taasi dhacdo, waxa uu ku jawaabay, “Sidaad la socoto Wada-hadaladu waxay u dhexeeyaan Somaliland iyo Somalia oo laba waddan oo kala geddisan ah, nidaamka Somaliland waxa weeyi inaanu la hadalno dadka ka socda Soomaaliya, dad Isirkooda hore Somaliland ahaa lama hadleyno, waayo wada-hadalka ayaa ah Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.
Waxa uu wasiirku ka hadlay waxa ka hirgalay qodobbo dhinacyo hore ugu heshiiyeen fulintooda shirkii labada madaxweyne ku yeesheen Jabuuti, kuwaas oo muranka hawada sare ku jirto, waxa uu sheegay inay ku rejo weyn yihiin in Somaliland guulo kala soo laabto Shirka, isla markaana ay weftiyada labada dhinac ku weheliyaan Wasiirrada Duulista Hawada Somaliland iyo Soomaaliya iyo Guddiyo farsamo oo si gaar ah uga wada hadli doona Ismaan-dhaafka Maamulka Hawada Sare.
Weftiga Somaliland u metalaya wada-hadallada Soomaaliya oo kooban todoba Xubnood, ayaa kala ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdi aw Daahir, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Guurtida Siciid jaamac Cali, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud oo ka tirsan Golaha Guurtida.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Dawladaha Somaliland iyo Jabuuti oo Mar Kale ka hadlay Xuduudka labada waddan oo inuu xidhan yahay hore loo shaaciyey

Hargeysa/Djibouti, 28 Feb, 2015 (Himilo)- Dawladaha Somaliland iyo Jabuuti, ayaa mar kale ka hadlay isbeddel lagu sameeyey nidaamka isaga gudubka xuduudka u dhexeeya labada waddan oo la xoojiyey.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Jabuuti, ayaa labadoodu sheegay in xuduudka u dhexeeya labada waddan furan yahay, balse uu ka xidhan tahay dalka aan sharciga haysan ee xuduudka isaga tallaabo.
Wasiirka-arrimaha-dibadda4-300x281Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shalay war-fidiyeennada kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo ay ka amba-baxayeen wefti uu hoggaaminayo oo ka kooban guddiga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya, waxa uu sheegay xoojiyey ammaanka xuduudaha Somaliland la wadaagto dalalka deriska, taasina ay sababtay in si adag loo baadho isla markaana la hubiyo sharciyadda dadka isaga tallaabayo labada waddan.
“Xuduud Jabuuti oo xidhani ma jirto, waxa jirta baadhis, Xamar dhowaan qaraxyaa ka dhacay, dhibaatooyin hore ayaa Jabuuti ka dhacay, annaga iyo dalalka aanu xuduudka leenahay waxaanu iska kaashannaa inaana xagga nabad-gelyada ka wada-shaqayno,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Nabadgelyadu waa u muhiim Jabuuti, annagana waa noo muhiim, Itoobiyana waa u muhiim. Xududahaas waxa loo adkeeyey in la hubiyo inaanay wax dhibaato ahi ka iman, qolooyinkeena (Laamaha) ammaanka qaabilsan iyo dawladaha Jaarkuna way isla ogyihiin,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.
sawrDhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Korneyl Cabdilaahi Cabdi Faarax oo isaguna shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Jabuuti, ayaa sheegay inaanay jirin xuduud xidhan, balse la xoojiyey baadhista dadka isaga tallaabaya labada waddan.
Korneyl Cabdilaahi Cabdi Faarax oo ka hadlayey sababta xilligan soo dedejisay in al xoojiyo ammaanka xuduudka dalkiisa, waxa uu yidhi, “Waxa jira warar nabad-sugidda ah oo waliba nagaga yimi xagga Somaliland oo keenay in digtooni siyaado ah ka yeelano isaga gudubka xuduuddaas, tanina waa arrin ay labada dalba wadaagaan, masuuliyiintoodana aan isla ognahay, hadday noqoto xagga Shisha ee Somaliland iyo haddii ay noqoto xagga soke ee Jabuuti masuuliyiinta Joogta, aan isla oggolnahay, heshiisna ku ahayn in nabad-sugidda aanu adkaynayno labada dhanba waxa iskaga gudbaya.”
Taliyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Qofka sharcigiisa sita iyo alaabta sharcigeedu u dhan yahay, labadaas midna laysma hortaagi karo, wixiiaan labadaas ahayn ee sharci-darrada ku soo marayay, waa la adkeeyey, waana la diiday, waa amar dawladeed waana la fuliyey. Runtuna waxay tahay xuduudku wuxuu furan yahay, dadka sharcigooda sita ayuuna u furan yahay.”
Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Daakhiliga Somaliland, ayaa hore u sheegay in sababo amni awgood hakad loo geliyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee labada waddan, waxaanay arrintani soo baxday kaddib markii deegaannada ku teedsan xuduudka Jabuuti laga waayey adeegyada aasaasi ah nolosha qarkeed sida khudradda iyo Roodhida oo ka iman jiray dhinaca dalka Jabuuti.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Midawga Yurub oo Markii u horreysay Qirtay in Ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, waxa ay qabtaan iyo tiradooda

London, 28 Feb, 2015 (Himilo)- Midawga Yurub, ayaa markii ugu horreysay si cad u qirtay in Ciidammo ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegeen in ujeeddadoodu tahay inay tabobbarro iyo talooyin siiyaan Ciidammada dawladda Federaalka Soomaaliya.
Ergayga Midowga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya Michele Cervone d'Urso ddErgayga Midowga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya Michele Cervone d'Urso, ayaa markii ugu horreysay caddeeyey in Waddamada ku midoobay Ururka Midawga Yurub ay Ciidammo ka joogaan gudaha Soomaaliya. Michele Cervone d'Urso oo wareysi gaar ah shalay siiyay Laanta Afka-Soomaaliga ee Idaacadda BBC, ayaa sheegay in Ciidammadaasi ay Soomaaliya u joogaan in ay tababaraan, isla markaana talo siiyaan Ciidammada dawladda Soomaaliya.
“Waxa jirra 150 Askari Millateri ah oo ka socda Midawga Yurub oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasoo tabobbarro siiya Ciidammada dawladda Soomaaliya ee ku jira Xerada Jasiira, waxay talooyin siiyaan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Ciidammada dawladda Federaalka.” Sidaa ayuu yidhi Wakiilka Midawga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso.
Waxaanu intaas ku sii daray; “Waxaanay sidoo kale Ciidammadaasi kala shaqeeyaan dawladda sidii la isugu dhafi lahaa Ciidammada Federaalka Soomaaliya ee ka kala imanaya gobollada kala duwan ee Soomaaliya. Waxa jira Maraakiib ay Ciidammada Badda Midawga Yurub wataan oo Xeebaha Soomaaliya u jooga ilaalinta iyo la-dagaallanka Budhcad-badeedka, kuwaasoo ah Ciidammada ugu badan ee Yurub kaga maqan dibedda, isla markaana guulo fiican ka gaadhay hoos-u-dhigista hawlgallada Budhcad-badeedda.”
Wareysiga oo dhinacyo badan taabanaya ayaa sidoo kale waxa uu Ergaygu ku sheegay in ay ku rejo weyn yihiin in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo sannadka 2016-ka. Waxaanu su’aalo laga weydiiyey suuragal-nimada doorashooyinkaas 2016-ku ka dhici karaan gudaha Soomaaliya, ayuu sheegay in muhiimaddu tahay inaanu Soomaaliya hoggaamin Madaxweyne ay Odayaal soo doorteen, balse ay wacan tahay Madaxweyne Shacabku soo doortay uu hoggaamiyo.
Hase-yeeshee, mar la weydiiyey maaddaama oo sannad wax dhimani ka hadhsan yihiin 2016-ka, intii ay dawladdan dunidu aqoonsatay ee Soomaaliya jirtay-na Raysal-wasaaraha hadda xilka hayaa yahay kii saddexaad oo laba Raysal-wasaare oo Madaxweyne Xasan Sheekh markay isku dhaceen, lana hubin in Raysal-wasaaraha hadda jooga iyo Madaxweynuhu isku dhici doonaan iyo in kale. Waxa uu sheegay in kulammo iyo wada-tashiyo uu la yeeshay Madaxweynaha, Raysal-wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaakna Federaalka-ba ay ugu caddeeyeen inaan khilaaf dambe iman doonin, si looga midha-dhaliyo qorshaha iyo heshiiska higsiga cusub ee (New Deal) ee dhex-maray Soomaaliya iyo beesha caalamka ee caawimooyinka u fudiya.
Inkasta oo uu xusay inuu ku rejo-wayn yahay in si khilaaf la’aan ah lagu gaadho 2016-ka, waxa uu Sheegay Danjiruhu inaanu dammaanad qaadi Karin isagu in khilaaf iman doono iyo in kale, balse Midawga Yurub iyo beesha caalamka-ba ay ka go’an tahay wax la qabashada dawwladda iyo Shacabka Soomaaliya, iyo inay kala shaqeeyaan hirgelinta doorashooyin Shacabku cidda hoggaaminaysa si xor ah ugu soo dooran karaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Madaxweynaha oo Xil-ka-qaadis, Isku-beddel iyo Magacaabistii ku sameeyey Golaha Xukuumaddiisa iyo Taliyeyaasha Ciidamada

Hargeysa, 28 Feb, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa, Taliyeyaal Ciidan, wasiir ku-xigeenno iyo Agaasimayaal Guud, halka uu sidoo kale isku-beddel ku sameeyey Xubnaha ugu tunka waaweyn xukuumaddiisa.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed xalay xilli dambe ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidoo kale xilal u magacaabay masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay xukuumadiisa iyo qaar ku cusub saaxadda siyaasadda.

siilaanyoXil-ka-qaadis

Sida lagu war-saxaafadeedka ka  soo baxay Madaxtooyada, waxa uu madaxweyne Siilaanyo xilalka ay Qaranka u hayeen ka qaaday Wasiirradii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad),  Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha Xuseen Axmed Cabdille, Wasiir ku-xigeenkii Xannaanada Xoolaha Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalle. Waxa kale oo madaxweynuhu xilalkii ay hayeen ka qaaday Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaaladda Badda General, Axmed Aw Cismaan Cabdi, Abbaanduulihii Hore ee Ciidanka Qaranka, Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Calas iyo sidoo kale Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh) iyo Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Nuux Sh. Muuse Ducaale.

ISKU-BEDDEL IYO MAGACAABIS

Madaxweynuhu waxa uu xilalkii ay hayeen ka beddelay Wasiirradii hore ee wasaaradaha Xannaanada Cabdi Aw-Daahir inuu noqdo Wasiirka cusub ee wasaaradda Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Madaxweynuhu waxa uu digreetadiisa ku sheegay:-

- In Mudane, Cali Siciid Raygal, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/Dhalinyarada iyo  Cayaaraha)

- In Mudane, Axmed Cabdi Kaahin, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland

- In Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/Maaliyada)

- In Marwo, Samsam Cabdi Aaden, ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland (hore W/Waxbarashada).

In Mudane, Baashe Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

Wasiir ku-xigeennada laysku beddelay iyo kuwa Cusub

Madaxweynuhu waxa uu isku-beddel ku sameeyey Wasiir ku-xigeennada Wasaaradaha qaarkood, halka uu sidoo kale magacaabay Wasiir kux-geenno Cusub.

war-saxaafadeedka xambaarsan digreetada madaxweynaha, waxa lagu sheegay:

-In Mudane, Cabdi Daahir Camuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Cismaan Garaad Soofe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Xasan Daahir Dhimbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Axmed Maxamed Nuur (Indha-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Cabdikariim Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Cali Maxamed Cilmi (Gadh-dheer), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Marwo, Shukri Xariir Ismaaciil, ay ahaato Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Marwo, Nimco Xuseen Qawdhan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Jaamac Cabdilaahi Biin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland

-In Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

Taliyeyaasha Ciidamada

Taliyhii hore ee Ciidamada Asluubta Somaliland General Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), waxa uu madaxweynuhu u magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

- In General Maxamed Cismaan Xudhuun, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Jamhuuriyadda Somaliland

- In Mudane, Cabdi Xirsi Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

- In Mudane, Mawliid Weris Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee JSL

- In Mudane, Maxamed Faarax Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland

- In Mudane, Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland

- In Mudane, Xasan Aadan Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland

- In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland

LIISKA HAY’ADAHA MADAXA BANAAN

Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyaha Cusub ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda u magacaabay Maxamed Mixile Boqorre, Halka uu sidoo kale Maareeyaha hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) uu u magacaabay Siciid Xasan Cabdilaahi.

LIISKA LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA JSL

Madaxweynuhu waxa la-taliyihiiisa Arrimaha Dibadda u magacaabay badhasaabkii hore ee gobolka Awdal, Cabdoo Axmed Aayir, halka uu sidoo kale Maxamed Ibraahim Qabo u magacaabo inuu noqdo La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xisbiyada iyo Doorashooyinka.

Friday, February 27, 2015

Gudigii Somaliland U Qaabilsanaa Wadahadalada Soomaaliya oo U Kicitimay Dalka Turkiga

Hargeysa (Himilo)-Gudiga Somaliland u qaabilsanaa wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ayaa u kicitimay dalka turkiga oo la filayo in wadahadaladu si rasmi ah uga furmaan toddobaadkan gudihiisa.

Gudigan ayaa diyaarad gaar ah oo uu dalka turkigu u soo diray ka raacay caasimada Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Dagaal Qadhaadh Oo Galabta Ka Qarxay Deegaanka Kalshaale Iyo Khasaare Laxaad leh Oo Ka Dhashay

Buuhoodle:Feb,27,2015(Himilo)-Dagaal qadhaadh oo aan waxba la isula hadhin, ayaa Maanta ka bilaabmay Deegaanka Kalshaale ee Gobolka Buuhoodle, waxana uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira.

degocWararka aanu ka Helayno Deegaankaas, ayaa sheegay in Dagaalku ka bilaabmay Muran dhinaca dhul-daaqsimeedka ah oo dhex yaalla Laba beelood ee kala dega deegaanada Qorilugud iyo Buuhoodle.

Dhimashada ilaa Shan qof oo kasoo jeeda Deegaanka Qorilugud, ayaa la sheegayaa inay dhinteen, halka dhinaca kalena la sheegayo in dhimashadoodu gaadhayso ilaa iyo Afar qof, iyadoo dhaawacuna tiro badan yahay.

Dhaawacyada iyo Meydadka, ayaa loo kala qaaday Deegaanada Buuhoodle iyo Qorilugud, waxana socda Gurmad labada dhinac isweydaarsanayaan, iyadoo gabalku iskugu dhacay galabta makhribkii.

Deegaanka Dagaalku ka dhacay ayaa in muddo ahba wax aka taagnaa Muran dhinaca dhulka ah, waxana laba beelood oo halkaas deggeni ku muransan yihiin lahaanshaha dhulkaas, iyadoo dagaal hore halkaas uga dhacayna ay ka dhasheen dhimasho dad badan oo shacab ahi.

Himilo Media

Waftigii Somaliland Uga Qaybgeli Lahaa Wada-hadallada Turkiga Oo Maanta Dalka Ka Ambabaxay

Hargeysa:Feb,27,2015(Himilo)-Hormadii ugu dambaysay ee Waftigii Somaliland uga Qaybgeli lahaa wada-hadallada Maalinta Axadda Toddobaadkan Dalka Turkiga ayaa Maanta dalka ka Ambabaxay.

mogrWaftigan ayaa Maanta waxa waxa Garoonka Cigaal International Airport ka qaadday Diyaarad khaas oo ah oo Turkiga laga soo diray, waxana ay sii mareen Dalka Djibouti.

Waftigan oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka daba tegaya wafti gogol xaadh ahaa oo halkaas uga sii horreeyey, waxana la filayaa in shirku fumi doono maalinta Axadda ee Bisha March 1-Da tahay.

Waftiga Wasiir Biixi ee Maanta Baxay ayaa waxa Xubno ka ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada, Kuxigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida iyo Wasiirka Beeraha.

Somaliland iyo Somalia, ayaa waxa dhexyaallay Wada-hadallo la bilaabmay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxase wali aan Jirin natiijo la taaban karo oo xukuumaddu kala soo hoyatay Tiro wada-hadallo ah oo ay hore ula gashay Dhiggeeda Somalia.

Himilo Media

Haweenay Xijaaban Oo Faqooq Ba’an Kala Kulantay Maxkamad Ku Taalla Dalka Canada

Montreal:Feb,27,2015(Himilo)-Haweenay Muslimad ah oo xijaaban, ayaa faquuq baaxad leh kala kulantay Maxkamad ku taalla Dalka Canada, taas oo diiday inay dhegaysto dacwad ay wadatay.

quuqHaweenaydan xijaaban ayaa soo fadhiisatay Maxkamad ku taalla Haweenay magaalada Montreal ee dalka Canada, waxana Haweenay kala oo halkaas qaaddi ka ahayd ka diiday inay dhegaysato dacwadeeda, iyadoo sabab looga dhigay Xijaab ay xidhnayd.

“Maxkamada looma ogola in dadka ay lasoo galaan dirays khaldan, tusaale ahaan looma ogola in dadka ay lasoo galaan Koofiyado ama Ookiyaalayaasha qoraxda, sidaa daraadeed xijaabka aad wadato looma ogola maxkamada…”ayey tidhi Garsoorahan oo cuskatay xeerka 13aad ee Maxkamada. Walow xeerkaasi uu qorayo oo kaliya:

[Qofka Maxkamada hor Imaanaya waa inuu si asluubeysan u labisan yahay]

Haweenayda Muslimada ah ee lagu magacaabo Rania El-Alloul ayaa sheegtay inay tahay qof muslim ah isla markaana xijaabkeeda xaq uleedahay.

Rania El-Alloul ayaa maxkamada u timid dacwad la xidhiidha Gaarigeeda oo uu caymiska ka qaatay oo dooneysay in dib loogu soo celiyo, balse waxaa la yaab ku noqday murranka ka dhex dhashay haweenayda Garsooraha ah iyo iyada intaanba maxkamada furmin.

“Laba mid kala dooro. Inaan maxkamada dhageysigeeda dib u dhigo oo aad Qareen qabsato ama inaad iska furto Xijaabka…”ayey Garsooraha lasoo istaagtay.

Maxkamada ayaa dib loo dhigay kadib markii haweenayda muslimada ah diiday inay xijaabka iska furto. Waxayna sheegtay inay dacwad kale ka gudbin doonto Garsoorahan.

Wareysi ay Rania El-Alloul siisay telefishinka CBS ee dalka Canada ayey ku sheegtay in ay la yaabtay hab dhaqanka Garsooraha iyo waliba inay dareentay inaysanba xaquuq ku lahayn Canada, hadiiba lagu heysto Xijaabkeeda.

Falkan ayaa waxaa cambaareeyey Xildhibaanada Canada qaarkood oo ku eedeeyey Garsooraha inuu ku tuntay xaquuqda Rania El-Alloul.

Haweenayda Garsooraha oo ay saxaafada la xidhiidheen ayaa diiday inay wax wareysi ah siiso warbaahinta.

 

 

 

Himilo Media

 

“Marna ha ii weydaaran odayaasha yaanay iyana kusoo gaadhine Reer saaxil oon suldaan u ahay xaalbaan ka siiyay dhinacii bah ahaan……” Sudlaan Xasan Suld. Cabdilaahi.

Hargeysa:Feb,27,2015(Himilo)-Suldaan Xasan Suldaan Cabilaahi Suldaan Diiriye oo ah Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, ayaa jawaab adag ka Bixiyey Hadal dhawaan uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ka sheegay Dekedda Berbera oo la sheegayo in xukuumaddu ku wareejinayso Shirkad Shisheeye.

sudaan xsanSuldaan Xasan ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay Haboonayn in Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir kala tashato jawaabta uu Arrimaha Dekadda Kaga Hadlayo, waxana uu xusay inaan loo baahnayn inuu udhaafo Dekedda uu dhalasho ahaan uu kasoo jeedo.

Sidoo kale waxa uu Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Su’aal geliyey Saldannada Guud ee uu sito Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxana uu sheegay inaanay sheekagashadaasi ahayn mid sax ah.

Suldaan Xasan ayaa suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir uga digay inuu arrimaha Siyaasadda faraha la galo, xilli u hayo shaqo la xidhiidha arrimaha Dhaqanka.

Warka uu Suldaan Xasan Soo Saaray ayaa u dhignaa sidatan:

 

Suldaan maxed suldaan cqaadir suldaan clahi oo Aanu kala mudanahay tix-gelin qadarin iyo xishmad soo jireena hadaan ahay suldaanka guud ee subulaha ilaa saaxil Suldan xasan suldaan cabdilaahi suldaan cabdi raxmaan suldan diiriye.

Runtii Waxa aanu nahay laba saldanadood oo isku faca mataano ku ahaa talo boqornimo sharaf oo isku xili fog u soo ariminaayay Somaliland.

waxa noo dheer tafiir qudha inaanu kasoo wada jeedno oo loo yaqaan ba-dahabo oo dalka hadii uu turkigii joogay waxa uu ugu imanaayay labadayada awoow suldan diiriye garaad iyo suldaan diiriye xasan oo geed qudha wada fadhiya oo boqoro dhulkoodii jooga ahaa oo dhinacna wada dhashay.

Hadii uu ingiriis yimina labadii suldaan ee ku xigay suldan cabdiraxman suldan diiriye iyo suldan cabdilahi suldan diiriye oo geed qudha wada fadhiya haday xornimo u socdaan isku talo ah qof udhaxayn laguma koobi karo sida sooyaalkii tarikhed ee fogaa ee naga dhexeeya labada saldanadood hayeshee waxan isu haystaa inaan wali geedkii fadhiyo dhaqanku siduu ahaa odayaasha reer salaxley uma dhaafi karo asagaa noo dhexeeya saaxilna wadadeda inuu soo maro waa dow balse in badan waan isu dhagooleeyay in badan waan isu indholeeyay ha maqlin ha arkin malaha wuu kasoo degi faraskan .

hase yeeshee maanta waa in aan xakamaha u qabtaa waxaan leeyahay Suldaan soo baydh oo kusoo noqo dhaqankii dadkayga reer saaxil siday ii xurmeyanbay kuu xurmeyn iyo si ka badan dadkayga reer gabiley sidoo kale ana reer salaxley xurmo badan baan ku qabaa oo taada ka badan.

warbaahinta waxaad marinayso jooji, xaajooyinka kaleba sidaad iigaga timaad la kaalay wixii aad saluugto marna ha ii weydaaran odayaasha yaanay iyana kusoo gaadhine waa talo hoga tusaaleyn iyo waano xambaarsan reer saaxil oon suldaan u ahay xaalbaan ka siiyay dhinacii bah ahaan suldan maxamed suldaan cabdi qaadir.

waxa kale oo xusid mudan haba yaraatee dhaqankeena soo jireenka ah kuma jirto suldaanka guud ee dalku qolyaha saxaafadu haka waantoobeen. suldaanku maaha administration ee waa hogaan dhaqan oo beel ama laba beelood u bokhran oo cumaamada u haya qaran waxaa metela ninkaa distooriga ah ee kitaabka u maray sida madaxweyne xildhiban Baarlamaan ama degaan luquntu madaxa ma dhaafto kii maamula shaqadiisa waala yaqaan kii dhaqana ardaagiisa waa layaqan saxaafadu haday ka xishooto suldaanka habar awal qabyaaladaa sidii berigii hore ee xoriya iyo jamhuriya deganka hasheegen suldanka subulaha ilaa saxil suldaan maxed walaalkayna suldanka guud ee salaxley waa ok suldaanka guud ee qaranka waa madaxweynaha dalka shucubteena iyo qabaa ilkenuna waa suldan. Caqil iyo cheif caqil beelna beel waxba uma dhiibane shaadhka hanaga weyneynina markaad wax qoraysaan markaad suuqa joogtaan hana odhanina suldaankii ciidagale ama awal ama arab dhaqanka intuu hayo sheega wasiirka sidiisa u sheega xilalkaa qaranka waabad sheegtane dhaqankana sidiisa u sheega waayo janareshinka inaga danbeeya haka khalkhalina dhaqanka jamhuriyada Somaliland baa umada ka dhexaysa wabilaahi towfiiq”

 

 

 

Himilo Media

Thursday, February 26, 2015

Madaxweyne Silaanyo Oo Soo Kormeeray Haamaha Keydka Shidaalka Somaliland Ee Magaalada Berbera

Berbera (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, oo ku gudo jira hawlihii shaqo ee uu maalmahan ka waday magaalada Berbera ayaa waxa uu soo kormeeray xarunta keydka shidaalka Somaliland ee loo yaqaano Haamaha ee ku yaala magaalada Berbera.
DSC_0142Madaxweynaha halkaasi war bixin kooban ka siiyey maareeyaha haamaha shidaalka berbera sheekh Saleebaan Siciid Aw Cali, oo sheegay in ay socoto hawshii madaxweynuhu uu bil ka hor uun dhagaxa-dhigay maantana ay halkaasi marayso, waana dhismaha laab casri ah oo lagu baadhi doono shidaalka dalka si shacbigu u helaan shidaal tayeysan oo baabuurta iyo caafimaadka dalkaba u wanaagsan, isaga oo sheegay maareeyuhu inay gacanta ku hayso hawlahaasi oo ay la kaashadeen ka maamul ahaan shirkado caalamiya oo ka shaqeeya Dalka Kenya iyo Jabuuti.
Madaxweynuhuna waxa uu ku hambalyeeyey maareeyaha iyo maamulka haamaha sida ay isaga xilsaareen masuuliyada culus ee ay shacbiga iyo qaranka u hayaan.
Intaasi ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo guryo noqday magaalo madaxda Somaliland ee hargeysa oo si weyn loogu soo dhaweeyey madaxweynaha jidadka caasimada ilaa inta uu ka gaadhayey qasriga madaxtooyada.
HALKAN KA DAAWO

[gallery columns="4" ids="16374,16373,16372,16371,16370,16369,16368,16367,16366,16365,16364,16363,16362,16361,16360,16359,16358,16357,16356,16355,16354,16353,16352,16351"]

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Shir Maanta Turkiga Uga Furmi Lahaa Somaliland iyo Somalia Oo Dib u Dhacay Iyo Xilliga La Uu Furmi Doono

Stanbul:Feb,26,2015(Himilo)-Shir Maanta lagu waday inuu Dalka Turkiga uga furmo Somaliland iyo Somalia ayaa dib u dhacay sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soamliland Maxamed Biixi Yoonis, balse sababta dibu dhacaas ma uu sheegin.

tuureWasiir Biixi, ayaa sheegay in wada hadalada ay bilaaban doonaan maalinta axada ee soo socda ee ku beegan 1-da March.

Labada dhinac ayaa hore u yeeshay dhowr wareeg oo wada hadal ahaa, waxaana ugu dambeeyay wada hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ku dhex maray Jabuuti.

Wada hadalada oo soo bilowday sanadkii 2012 ayaa waxay labada dhinac kala gaadheen dhowr heshiis oo aanay wali si dhab ah u fulink, isla-markaana mar walba la dhaliilo sida ay wax usocdaan.

Waxyaabaha labada dhinac lagu eedeynayo ayaa waxaa ka mid ah in aanay wali gudaha u gelin arrimaha masiiriga ah ee ka dhaxeeya, sida Midnimada iyo Kala Go’a oo labada dhinacba si gaar ah ugu kala adkaysanayaan.

Dhawaan ayey Mucaaridka somaliland ku dhaqaaqeen inay soo jeedinayaan in la joojiyo wada-hadallka, iyagoo tilmaamay inaanay jirin wax natiijo ah oo shirkaas kasoo baxdaa.

Himilo Media

 

Xogo Dheeri ah Oo Laga Helay Magaca iyo Cidda u Yahay Ninka ISIS U Qaabilsan Gawraca La Haystayaasha

Londoni:Feb,26,2015(Himilo)-Inkastoo aanu soo gunaanadmin dabagl weyn oo lagu hayo ninka Kooxda Daacish u qaabilsan Gawraca La Haystayaashu, haddana waxa soo baxay xogo lagu kalsoonaan karo oo daaha ka rogay Magaca ninkan iyo cidda uu yahay.

fireNinka oo Daacish dhexdeeda looga “Jihadi John”, ayaa Haatan Hay’adaha warbaahinta qaarkood ogaadeen inuu yahay Mohamed Emwazi oo ah muwaadin Kuwaiti haysta dhalashada ingiriiska, kaasoo loo maleynayo inuu deganaa Galbeedka London oo ay in badan isha ku hayeen laamaha amniga Ingiriisku.

Emwazi ayaa muuqaalkii u horeeyay ee uu ka soo muuqdo waxaa ahaa kii bishii Agosto ee sanadkii hore uu ku gowracay Wariyaha Mareykanka ahaa James Foley.

Ilaa iyo hada faah faahin rasmi ah lagama hayo ninkan, hase ahaatee dadka ayaa aad ula xidhiidhinayay inuu yahay ninkan Mohamed Emwazi oo da’diisa lagu qiyaasay 27-jir

Sidoo kale ninkan ayaa gowracay wariye kale oo Mareykan u dhashay Steven Sotloff, sama fale u dhashay British David Haines, nin darawal ka ahaa Takaasida Alan Henning iyo nin kale oo Mareykan ah oo ka shaqeyanayay sama falka Abdul-Rahman Kassig oo loo yaqaanay Peter.

Ninkan ayaa aad ugu hadlayay lahjada British-ka ah, waxaana uu reer galbeedka ugu hanjabayay inuu dilay la heystayaal.

Bishii la soo dhaafay ayuu mar kale ka soo muuqday muuqaal kale oo cabsi ahaa, kaasoo ahaa dilkii labo muwaadin u dhalatay Japan oo lagu kala magacaabayay Haruna Yukawa iyo Kenji Goto.

Emwazi ayaa bartay cilmiga Computer-ka oo uu ka qalin jebiyay Jaamacad, sanadkii 2012 ayuu u safray dalka Suuriya, isagoo kadib ku biiray ISIS.

Saaxibada ninkan lagu magacaabo Emwasi ayaa u sheegay Washington Post in ninkan ka soo jeedo qoys wanaagsan,

“Wuxuu sida walaalkey oo kale, waa isaga waan hubaa, Mohamed waa Jihadi John”ayuu yidhi nin saaxib la ahaa.

Sirdoonka reer galbeedka ayaa muddo raadinayay ninkan, iyadoo hore u cadeeyay inuu yahay mid ka mid ah dadka loogu doonista badan yahay.

Himilo Media

 

Xildhibaan Guddoomiyaha Gobolka Selel ku eedeeyey Xil-gudasho la’aan iyo inuu Qaranka Somaliland Khiyaameeyey, lana shaqeeyo Jabuuti

Muxuu Xildhibaankani u daliishaday Eedaha Culus ee uu Huwiyey Masuul Qaranka uga wakiil ah gobol Xaasaasi ah oo Xuduud ku yaala?

“Mishiinka Ceelka magaaladu ka cabbi jirtay bil iyo dheeraad buu immika fadhiyaa, waa la dayac-tiri karaa, ma oggola Maayerku… Badhasaabku isagaa ka dambeeyey inay Jabuuti Xadkeeda xidho, warbixinta xadka lagu xidhay isagaa halkan ka qaaday…” Xildhibaan Cabdikariin Aw Aadan Kibbaar

Saylac, 26 Feb, 2015 (Himilo)- Xildhibaan Cabdikariin Aw Aadan Kibbaar oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac, ayaa Guddoomiyaha gobolka Selel Cabdirisaaq Waabberi Rooble ku eedeeyey xil-gudasho la’aan iyo Khiyaamo Qaran, isla markaana waxa uu sheegay inuu gabay xilkii iyo shaqadii ay dawladda Somaliland u soo diratay, taa beddelkeedana uu yahay nin Jabuuti u shaqeeya, waxaanu sidoo kale ku eedeeyey inuu ka dambeeyey Badhasaabku go’aanka ay dawladda Jabuuti ku xidhay xadka ay Somaliland la wadaagto.
XILDHIBAANKAXildhibaan Kibbaar waxa uu sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Selel ku eedeeyey inuu faro-gelin wada-shaqaynta Maamulka degmada iyo ka gobolka ee Sharcigu oggol yahay ka baxsan ku hayo habsami-u-socodka hawlaha iyo shaqada Golaha Deegaanka degmada Saylac. Waxa uu Xildhibaanku Duqa demgada Saylac ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee degmadaas ku eedeeyey xil-gudasho la’aan iyo inuu awooddii Golaha deegaanka keligii isagu maroorsaday, wax-qabashadii Golaha looga fadhiyeyna cunaha iskaga duubay.
“Gobolka in Badhasaab loo soo magacaabay waan maqalnay, habeen hadduu Saylac joogo saddexda maalmood ee ku xiga Jabuuti ayuu joogaa. Xaaladda aannu ka hadlayno waxa weeye Guddoomiyaha gobolku hawshii loo soo igmaday wuu gees-maray, Jabuuti ayuu galaa, xaaladda Xadka Jabuuti u xidhan yahayna isagaa u sabab ah Badhasaabku, sababta oo ah Warbixinta lagu xidhay waa mid halkan ka tegtay, isagaa qaada sidaannu aamminsannahay. Dadka reer Jabuuti waa walaalahayo, dhibaatadooduna waa dhibaatadayada, dawladdooda iyo shacabkoodaba hadday dhibaato ku dhacdo inaannaan annaguna badbaadayn baan u aragnaa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariin Aw Aadan Kibaar oo shalay Warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel.
Waxaanu intaas ku daray; “Hadduu Maalin joogo Guddoomiyaha gobolka magaalada Saylac, 17 Xildhibaan ayaa degmadan ka soo baxay, Badhasaabkuna 18 buu ku yahay 17-ka Xildhibaan, Xafiis malaha, Hoolkayagaa u Xafiis ah, Guddoomiyihii hore ayaa ugu dambeeyey Xafiiska. Markaa, waxaan leeyahay 17-ka Xildhibaan ee laga doortay deegaanka 18-aad buu ku yahay. Waxaannu leenahay dad hawsha wadi kara halloo soo diro hawsha, ka degmada ee hawshiisa ka seexdayna annagaa arrintiisa geli oo doorannaye.”
Xildhibaanku Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka arrimaha gudaha ayuu Baaq u diray, waxaanu yidhi; “Dawladda Somaliland, Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka arrimaha gudaha waxaan leeyahay wax maamul gobol ah oo Saylac ka dhisani ma jiro, waxaan leeyahay hallaga fiirsado dadka Maamulidda gobolkan loo soo dirayo, waayo? Waa Xuduud waa meel maamul fiican oo nabadgelyada labada waddan iyo xidhiidhka labada dal iyo labada dadba ilaaliya, markaa baaqaygan yaan la dhayalsan ee wax hannalala eego waxa jira.”
Haddaba, si aannu xogo dheeraad ah uga helno warkan waxa uu Wargeyska Himilo Khadka Taleefanka xalay warkan wax kaga weydiiyey isla Xildhibaanka eedayntan soo jeediyey, waxaanannu weydiinnay waxa uu ku caddaynayo eedamaha culus ee uu u jeediyey Badhasaabka gobolka Selel, waxaanu ku jawaabay; “Waxaan ku caddaynayaa Badhasaabku Xilkii Somaliland u soo diratay ma qabto, saddex cisho marku Jabuuti ku maqnaado, maalin iyo labuu hurdaa Saylac, ka dibna wuu ku noqdaa, markaa shaqo uma hayo Somaliland, Xafiis malaha, guriga Martida ayay geli jireen Masuuliyiintii ka horreeyey oo ku shaqayn jireen, kii wuu xidhan yahay, Guri Waxbarashadu leedahay, ayuu deggan yahay, kaasna shaqo kuma qabto ee markuu dhawr cisho Jabuuti ku maqnaado ayuu u soo hurdo-tegaa, maalinta uu joogana 17-kayaga Xildhibaan ee Golaha Deegaanka ayuu 18 ku yahay.”
Cabdirisaaq-Waaberi-RoobleXildhibaanka oo jawaabayey su’aal aannu ka sii weydiinnay oo la xidhiidhay in qof weliba Jabuuti hawl u yeelan karo oo xataa isagu Xildhibaan ahaan uu tego amaba uu tegi karo, tegista meel hawl loo yeeshay iyo gudashada waajibaadka shaqaduna isku xidhnayn, markaa waxa ay tahay sababta uu sida gaarka ah ugu durayo Guddoomiyaha, waxa uu ku jawaabay; “Waa run qof kasta oo dani ka gasho Jabuuti wuu tegi karaa iyo meel kaleba, laakiin maalin, laba iyo saddexba haa, toddobaadka maalmaha toddobada ah ee uu ka kooban yahay marka la qiimeeyo inta badan Guddoomiyaha Selel Jabuuti ayuu ku maqan yahay, inta uu joogana Golahayaga ayuu xasarad ula joogaa, ee shaqo iyo hawl uu Somaliland iyo gobolka midna u qabtaa ma jirto. Guddoomiyaha gobolku wax yar maaha waa Madaxweynihii gobolka, waa inuu noqdaa qof la socda xaaladda deegaanka iyo dadka ku dhaqan iyo amnigaba.”
Mar uu ka jawaabayey Xildhibaanku waxa ay tahay xasaradda iyo faro-gelinta uu ku eedeeyey inuu Guddoomiyaha gobolku ku hayo golaha Deegaanka Saylac, waxa uu yidhi; “Xafiisii Guddoomiyaha Gobolku ma shaqeeyo Masuul fadhiista Guddoomiyihii hore ayaa ugu dambeeyey, inta badan Jabuuti buu iskaga maqan yahay, maalinta uu joogana Annaguu 18 nagu yahay oo Golahayaga ayuu fadhiistaa. Maayerkan Magac-u-yaalka ah ayuu garab-fadhiyaa.”
“Maalin dhawayd gacanta ayaannu isula-tagnay oo waa nala kala gaadhay, waayo waannu ka shaqayn kari waynay. Xoghayaha dawladda hoose oo jooga oo Sharcigu u oggol yahay inuu fadhiyada Golaha fadhiyo ayuu yidhi ka saara Hoolka, mar ay noo timi Hay’adda UNICEF shalay (Dorraad) oo aannu arrimo biyaha iyo waxaas la xidhiidha ka wadahadlaynay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Kibaar oo sii watay jawaabta uu su’aashaas ka biiyey.
Sidoo kale, mar uu ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay Guddoomiyuhu maaddaama oo uu Masuulkii ugu sarreeyey ee gobolka yahay inuu Golaha deegaanka la shiri karo oo ay isa fadhiisan karaan si uu hawlohooda iyo wada shaqaynta ka dhaxaysaba ula socon karo, markaa waxa ay tahay sababta uu u diiddan yahay taas, waxa uu yidhi; “Waa sax wada-shaqayn baa naga dhaxaysa, waannu wada shiri karnaa, wuu noo yeedhi karaa, waanu noo iman karaa, waxna waan is-weydiin karnaa, laakiin Sharciyan Shaqada waannu kala leenahay, Shaqadayada marku faro-geliyo ee uu Xoghayaha Sharciga ah ee saddexda Xubnood ee Fulinta ka tirsan dibedda u saarayo, waa awood dheeraad iyo faro-gelin, arrimo badan oo kale oo aanan immika doonayn inaan ka hadlo oo deel-qaaf ah oo Guddoomiyuhu nagu hayaana way jiraan, markaa intaas baan kaaga sheegi karaa.”
Sidoo kale, Maayerka Saylac ayuu Xildhibaan Cabdikariin Aw Aadan Kibaar ku eedeeyey awood-maroorsi iyo xil-gudasho la’aan, waxay tahay xil-gudasho la’aantaasi oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey waxa uu ku jawaabay Xildhibaanku; “Degmada Saylac Biyihii Baddaa ku soo jabay, Guryo dhan baa sabbaynaya, Xaafado dhan baa aqalladoodii ka qaxay oo Biyaha Badda ee soo fatahay buuxiyeen, Anigaygan idinla hadlaya saddex Reer oo Guryahoodii ka soo qaxay ayaa Gurigayga jooga, Saxaafadduna way soo arki kartaa. Magaaladuna waa bilaa biyo oo Booyado ayaa loogu dhaamiyaa, Ceelkii magaaladu ka cabbi jirtayna Mishiinkaa ka xumaaday, Maayerkuna ma oggola oo wuu ka werwereegayaa in dadka iyo magaalada wax loo qabto oo dhibaatooyinka jira wax laga qabto. Fadhiyadii Golaha waa la joojiyey oo saddex xilli-fadhiyeed maannu fadhiisan, Badhasaabkuna isagaa mua’amaradeeyey oo yidhi khilaaf baa jira, Mooshinkii aannu soo gudbinnay ee Sharciga ahaana is-hor-taagay.”
“Mishiinka Ceelka magaaladu ka cabbi jirtay bil iyo dheeraad buu immika fadhiyaa, waa la dayac-tiri karaa, ma oggola Maayerku. Laba Booyadood baan u yeedhnay oo magaalada Biyaha u dhaamiya oo ka soo dhaamiya Ceelka la yidhaahdo Bariisle oo 28 KM u jira Saylac, una dhaw Lawya-caddo oo 3KM u jiro. Taladii Golaha ayuu maroorsaday, Xeerka Golayaasha deegaankana waxa ku qoran inuu fuliyo wixii goluhu isku raaco oo ku hoggaamiyo, cid uu wax kala tashanayaa ma jirto, cid uu wax weydiinayaa ma jiro, cid uu wax ka qaadanayaana ma jirto. Fadhiyana ma jiraan, saddex fadhi haddii la fadhiisan waayo fadhiga afraad in xilka laga qaado Maayerka haddii aanay jirin sababo cadcad oo la isla wada ogyahay oo fadhiyadu u baaqdeen, in xilka laga xayuubiyo ayuu sharcigu dhigayaa. Mooshinkaannu ka soo dhignayna Badhasaabkaa is-hor-taagay. Markaa, Wasaaradda arrimaha gudaha waxaannu ka dalbanaynaa inay na soo kala gaadho Maayerka.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Kibaar.
Guddoomiyaha gobolka Selel iyo Maayerka magaalada Saylac ayaa Weriyeyaal ka tirsan Wargeyska Himilo Xalay isku dayeen inay arrintan wax ka weydiiyaan, hase-yeeshee, Badhasaabka way noo suurageli wayday inaannu helno Teleefankiisa gacanta oo xidhnaa ama demsanaa darteed, Halka uu Maayerka oo aannu Taleefanka ku helnayna ka gaabsaday inuu ka hadlo warkan, isla markaana waxa uu ku cudur-daartay inaanu wakhtigaas ka hadlayn, balse maalmaha soo socda uu ka hadli doono.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Xannuunno la garan-waayey oo Xoolo badan ku laayey Deegaamo ka tirsan Xeebaha Galbeedka iyo Wasaaradda X/Xoolaha oo ka hadashay

Hargeysa, 26 Feb, 2015 (Himilo)- Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, ayaa sheegtay inay kooxo isugu jira dhakhaatiirta caafimaadka Xoolaha u kala dirtay deegaamo ku teedsan Xeebaha Galbeed ee dalka, kuwaas oo la sheegay inay ka dillaaceen xannuunno dadweynaha deegaanku ku sheegeen inaanay noocooda hore u arag oo ku dhacay Xoolaha, gaar ahaan adhiga.
Xoolo-dhaqatada ku dhaqan deegaannada Lughayaha, Cabdi Geeddi, Ceel-Sheekh iyo Bullaxaar oo ka kala tirsan gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Saaxil, ayaa sheegay inay deegaamadooda ka dillaaceen xanuunno aanay bulshada xoolo-dhaqada ee dhulka xeebaha ku nooli hore arag noocooda, kuwaas oo ku dhacay Adhiga, gaar ahaan Riyaha, iyaga oo sheegay inay xannuunadan u dhinteen xoolo-tiro badan, waxaanay wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh caafimaadka Xoolaha ee dalka u sugan ka codsadeen inay la soo gaadhaan gurmad deg-deg ah oo xoolahooda lagu bad-baadiyo.
“Waa xanuun khatar ah oo laynaya adhiga waliba ugu sii daran Riyaha. Neefku marka u horraysa wuxu keenayaa Saxaro, kadibna neefka maalmo gudahood ayuu hilibka ka idlaynayaa, woxoogaa markuu dugdug leeyana wuu u dhimanayaa xanuunkaa neefku. Dhammaan deegaannada xeebta intooda badan waa xanuun ku wada dhacay xoolaha, laga soo bilaabo Ceelsheekh, Biyo-cas, Cabdi-geedi, Hadayda, Carro-tuulka, Jilbawga, illaa Xabawga dhammaan dooxyadaa oo deegaanada iyo dooxooyinka ka soo korreeya ama xagga bari kaga toosan Lughaya wuu wada gaadhay xanuunkani,” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha ku dhaqan deegaannada Xannunkani ka dhacay oo la hadlay warbaahinta.
Agaasimaha-guud-x.-xoolaha-Dr-OdowaaHaddaba, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr.Jaamac Maxamed Odowaa oo wariye ka tirsan Wargeyska Himilo khadka telefoonka xalay wax kaga weydiiyey waxa ay wasaarad ahaan kala socdaan Xannuunada dadka xoolo-dhaqatada ahi ka soo qayb-galiyeen, ayaa xaqiijiyey inay jiraan xannuunno laga soo sheegay deegaannada Bullaxaar iyo kuwa ku teedsan Xeebta Galbeed ee dalka, waxaanu sheegay inay ka hawl-galaan oo tiimam ka tiirsan dhakhaatiirta xoolaha u direen, kuwaas oo xilligan ku maqan deegaannada isla markaana laga sugayo warbixinta iyo natiijada uga soo baxda baadhitanno ay dhakhaatiirtu ku samaynayaan Xannuunadaas.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xooluhu waxa uu sheegay in wasaaraddu kooxo dhakhaatiir ah oo qaabilsan gurmadka deg-deg ah ee xoolaha loo diray deegaannada hoos-yimaadda degmada Bulaxaar Isniintii Dorraad
“Bullaxaar oo Saaxil ka tirsan dorraad (Isniintii) ayaa loo diray kooxo gaadiidka gurmadka ee xoolaha. Isu-duwaha gobolka, ayaanu amarnay inuu deegaankaas tago,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland.
Dr Jaamac Maxamed Odowaa oo la weydiiyey haddii ay ka war-hayaan iyo sida ay uga hawl-galeen deegaannada Xeebaha Galbeedka oo xannuunnada oo laga soo sheegay, waxa uu ku jawaabay, “Warkaasi wuu nasoo gaadhay, arrintaasna waa lagu jiraa. Waxa ay xannuunadani yihiinnada marka dhiigga laga soo qaado oo la baadho ayuunbaa la sheegi karaa, inta ka horeysa waa tuhun uun. Dhakhaatiirtu iyagaa xaqiijin doona markay la soo noqdaan ee shaybaadhka la yimaaddaan,” sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaannada Xoolaha Somaliland waxa uu sheegay in kooxo dhakhaatiir xoolaha Caafimaadka iyo hawl-wadeennada gurmadka deg-degga ah ay u kala direen deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada Galbeedka dalka iyo deegaamo ka tirsan Bariga iyo Koonfurta gobolka Saaxil.
Degmooyinka Dilla iyo Baki ee gobolka Awdal, ayaa hore loogu arkay xannuunno ka dillaacay oo xoolo tiradan u dhinteen, haseyeeshee wasaaradda Xannaanada Xoolaha ayaa sheegtay in xoolo laga keenay deegaanno kale oo hay’adaha gar-gaarku u qeybiyeen xoolo-dhaqatada deegaanadaas ay sababeen in cudurradaasi dillaacaan. Balse ay wasaarad ahaan ka hawl-galeen isla markaana dhakhaatiirta xoolaha u direen deegaannadaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Sabab La’aan Doorashada Dib Loo dhigay Dambigeeda Yaa Qaba?

Maalmahan goob kasta iyo meel kasta waxa lagu hadal hayaa in doorashada Madaxweynaha, Ku-Xigeenka iyo Wakiiladu in ay ku qabsoomayso wakhtigii loogu talo galay iyo in kale.
Wuxuu shicibku ku dhaga barjoobay doodaha iska soo horjeeda ee ka soo yeedhay xukuumadda, Xisbiga Kulmiye, Labada Xisbi ee Mucaaradka ah iyo Golayaasha Wakiilada ee ku waajahan doorashada oo ay inaga xigto dhowr bilood.
Dadweynuhu ma garanayaan waxay kaga talo galaan mana hubaan inay dhacayso iyo in kale.
Bal aynu isku dayno in aynu fahamno weedhaha diiwanka galay ee laga soo xigtay qaar ka mid ah masuuliyiinta ku shaqada leh qabsoomida ama dib u dhaca doorashada.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu yidhi: “Ma ogolaanayo in hal maalin laygu daro marka wakhtigaygu dhamaado,”.
Xukuumadu waxay tidhi: “Anaga xagayga wax kasta waanu dhamaystirnay oo nagaga aadanaa doorashada wixii dib u dhac ah ee ku yimaad xukuumada looma raaco.”
Gudoomiyaha Kulmiye Md Muuse Biixi wuxuu yidhi: “Anagu Xisbi ahaan diyaar baanu u nahay doorashada dhulkana waxba nagama yaalaan, hase yeeshee wakhtiga la qabanayo anaga nooma taalo, Madaxweynhana uma taalo, Xisbiyada Mucaaridkana uma taalo, shaqada golayaashan maaha, hawshan waxa iska leh Gudida Doorashooyinka Qaranka iyagaa laga sugayaa goorta la qabanayo doorashada iyo jadwalka lagu hawl galayo. Muuse hadalkiisa wuxuu ku daray hadiiba dib u dhac yimaado waxa ka masuul noqon doona Gudoomiye C/raxmaan Ciro iyo Golihiisa Wakiilada.
Xisbiyada Mucaaridka ah iyo xubno ka tirsan golaha wakiiladu eeda dib u dhaca waxay saarayaan madaxweynaha iyo xukuumadiisa.
Akhriste, muwaadin muddada doorashada ka hadhay oo kooban iyo weedhaha sarbeebta ah ee lays waydaarsanayo waxa inooga baxay in aanay doorasho dhici Karin 26 /6/2015.
Haddaba doorashada sabab la’aan dib loo dhigay dambigeeda yaa qaba?
Dambigaa iyo wixii ka yimaada masuuliyada waxa qaadi doona Madaxweynaha, inta ku dhow dhow ee talo wadaagta la leh, Golaha Wakiilada iyo Guurtida oo iyaga qudhooda xil ka saran yahay toosinta iyo masiirka dalka, hadda ogow kuwa doorashada carqaldaynaya ee raba in loo kordhiyo waa hoggaankii iyo hormoodkii umada iyagana midida daabkeeda haya,.
Waa qiiq isku qarin iyo hadal aan macno lahayn in la yidhaahdo komishanka doorashooyinkaa awoodda uun leh, waa run laakiin Komishanku wuxuu ku dhawaaqi karaa ama tariikh cayimi karaa marka cidi ku shaqada lahayd diyaariso jawigii doorashada lagu qaban lahaa.
Haddaba Su’aasha lays waydiinayaa waxay tahay haddii Golayaashii qaranku isku raacsan yahay ama ay rabaan in wakhti dheerad ah loogu daro maxay buuqa u samaynayaan oo ay bulshada naxliga ugu beerayaan?
Jawaabtu way fududahay waxa lagu dambabasayaa khiyaamada iyo danbiga culus ee umadda laga galay sidaa daraadeed qolo waliba waxay ku dedaalaysaa inay eedda iskaga riixdo qolada kale ama ay indhaha dadweynaha ku jeediso qoladaa ay iska soo hor jeedaan.
Masuuliyada way kala badsan karaan waxa se hubaal ah dhamaantooda inay ka baaqsadeen doorkii ay ku lahaayeen diyaarinta doorashada kamana galgalan karaan.
Madaxweyne, maah-maah baa tidhaahda (If you want to lead long, lead well) macnuhu wuxuu yahay “Haddii aad jeceshahay inaad Hogaanka ku sii negaato si wanagsan u maamul.”
Mudane Madaxweyne haddii aad noqon lahayd hogaamiye fiican maanta kama aad baqateen ama kama aad warwerteen inaad mar labaad hesho codka dadweynaha.
Si kastaba ha ahaatee madaxdii la doortay (Goloyaasha Qaranka) ay sidaa u dhaqmeen Shicibku muxuu yeelayaa?
Wixii dhacayba dhace waxa inala gudboon inaynu iska ilaalino ama ka foojignaano wax kasta oo wax yeelayn kara nabad-geliyada iyo xasiloonida dalkeena, fursad siin mayno cadawgeena badan ee dhawaraya wakhtiga iyaga oo ka rajo qaba inay mar uun arkaan Somaliland oo gashay xalad qalalaase si ay ugu wiirsadaan.
Dhanka kale siyaasiyiinta mucaaridka qaarkood ee ku baaqaya in aan la aqoonsan xukuumada wixii ka danbeeya 26 June oo la macno ah dawlad la’aan waxan u soo jeedinayaa xalku marnaba ma aha in dalka fowdo la geliyo ama dhibaatadii laga cabanayay mid ka sii wayn la abuuro iyadoo ujeedadu tahay in maamulka Madaxweyne Siilanyo meesha laga saaro (We must not burn down the house to kill the rats).
Ragga aan la hadlayo waxa looga baahan yahay bisayl siyaasadeed iyo aragti ka fog loolanka iyo xilfatanka dhexdeena. Somaliland waxay ka mid tahay waddamada Gobolka ee dagaalka kula jira argagixisada dhibaatada ka dhacdaana waxay samayn ku yeelan kartaa amniga dalalka jaarka ah
Gabadha wariyaha ah ee BBC-da Marry Harper waxay tidhi : “Trouble in Somaliland can mean trouble across the Horn of Africa” .
Sidaa daraadeed waa in caadifadda laga koraa oo si waayeelnimo ah loo waajahaa dhibaatada ka iman karta dib u dhaca doorashada.

C/raxmaan Cadami
abdirahmanadami@yahoo.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Muslimiinta Britain oo Muujiyey Takoor Diimeed oo lagu hayo

London, 26 Febr, 2015-(Himilo)- Aqlabiyadda Muslimiinta ku dhaqan waddanka Britain waxay ka soo horjeedaan in wax loo dhimo dadka Daabaca Sawirrada lagu aflagaaddeeyo Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee Nebigeenna Suubban ee Muxamed (CSW), sida ay muujineyso Cod-bixin laga uruuriyay Muslimiinta ku dhaqan Britain, taasoo lagu cabbiray Ra’yigooda oo BBC-du ay sameysay.
MUSLIMIINTA BRITAINQiyaas ahaan kala Badh Muslimiinta dalka Britain ku dhaqani waxay qabaan in Diintooda Suubban ee Islaamka lagu takooro. Waxa kale oo ay Daraasaddu muujisay in Muslimiinta Ingiriiska badankoodu ku waafaqsanayn kuwa doonaya in lala dagaallamo danaha waddamada Reer Galbeedka.
Hase-yeeshee, 27% -kiiba oo ka tirsan Kunkii Muslimiinta Britain ah ee Daraasadda lagu sameeyey waxay sheegeen in ay dareensan yihiin sabibihii ka dambeeyey weerarradii magaalada Paris ee Caasimadda dalka Faransiiska ee lagu fuliyey Ninkii daabacay iyo xaruntii Wargeyskiisa ee uu ku daabacay Sawirrada lagu aflagaaddaynayo Nebi Muxamed Nabdgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee.
Waxaase 80% Muslimiinta Britain ku dhaqani sheegeen inay aad u dhibsadeen Sawirrada lagu magac-dilo ama lagu aflagaaddeeyo Nebi Muxamed (C.S.W) ee lagu daabaco Warbaahinta Reer Galbeedkan ama reer Yurub.
Hase-yeeshee, Sheekh Maxamuud Axmed Dalmar oo ah Khabiir ku xeel-dheer arrimaha Muslimiinta iyo Diinta Islaamka, isla markaana deggan dalka Ingiriiska oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du Shalay wax ka weydiisay sida uu u arko Daraasaddan iyo aragtida Muslimiinta Britain ay ku muujiyeen, ayaa sheegay in Britain yahay dalka loogu tixgelinta badan yahay Muslimiinta marka loo eego waddamada Yurub ama Reer Galbeedka.
Sheekh Dalmar waxa uu sheegay in ay iska dhici karto marka dadku dhaqan ahaan iyo Diin ahaan kala duwan yahay, in wax badan lagu kala duwanaan karo oo qolo weliba dhinaceeda ad-adayg muujin karto, hase-yeeshee, waddanka Ingiriisku yahay mid ka dhadhaw dalal badan oo la mid ah oo Muslimiin badani ku nool yihiin oo kuwa reer Galbeedka ka mid ah oo culays iyo cadaadisyo badan oo Diimeed ay kala kulmaan Muslimiintu.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Tirada Shacabka Sanadkii Hore Shabaabku Ku Laayeen Gudaha Kenya Oo La Shaaciyey

Nairobi:Feb,26,2015(Himilo)-Ciidamada Booliska dalka Kenya, ayaa shaaca ka qaaday Tirada Rasmiga ah ee Ururka Al-shabaab Sanadkii hore ku dileen Gudaha Dalkooda.

sarogWar ka soo baxay ciidanka booliska Kenya, ayaa lagu sheegay in 173 qof oo Kenyaan ah gudaha dalkaasi lagu dilay sanadkii 2014-ka, kuwaasi oo ku baxay gacanta Al-shabaab.

Dadka Alshabaab ku dileen gudaha Kenya sanadkii 2014 ayaa ka badan tiradii ay dileen sanadki 2013, xilligaasoo xarrunta ganacsiga Westgate oo kaliya lagu dilay 67 ruux.

Tirakoobkan maanta la shaaciyay ayaa lagu xusay in 312 qof lagu dilay gudaha Kenya illaa sannadkii 2012-kii, iyadoo la dhaawacay muddadaas 779 qof.

Xarakada Alshabaab ayaa markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya dabayaaqadii sannadkii 2011, waxay ballan ku qaadday inay weerarayaan dalkaas, iyagoo dhowr jeer ka tallaabay xadka Kenya halkaasna ka fuliyeen dilal iyo weliba qaraxyo qorsheysan.

Weerarada Alshabaab ee dadkaas lagu laayey ayaa intooda badan waxey ka dhaceen deegaanka Lamu ee Xeebta, deegaanka Mandhera, Mombasa iyo Nairobi.

Himilo Media

 

Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlay Rejadiisa Doorashooyinka, Dhawaaqa Mucaaradka iyo Xanta Muddo-kordhinta

Hargeysa, 26 Feb, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay dhawaaqyo maalmihii u dambeeyey ka soo yeedhayey xisbiyada mucaaradka oo ku baaqay in xukuumad ku-meel-gaadh ah la dhiso haddii doorashooyinku wakhtigooda dib uga dhacaan, waxaanu hadalkooda ku tilmaamay mid aan munaasib ku ahayn wakhtigan maadaama aan la joogin wakhti doorasho.
SaleebaanGuddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay inaanay Gole guurti ahaan soo gaadhin wax muddo-kordhin ah oo xukuumadda loo samaynayo, haseyeeshee waxa uu iftiimiyey in talo-qaran iyo wada-tashi loo dhan yahay laga yeelan doono wixii la yeelayo haddii doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi weydo.
Md Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu dhawaaqyada mucaaradka ku sheegay inay ka soo horjeedaan shuruucda dalka isla markaana ay ku hadlayaan hadallo aan munaasibad ku ahayn wakhtigan, waxaanu u dooday in cid kasta oo xilligan arrimo doorasho ka hadasha ay falal amni-darro ka abuurayso dalka.
“Doorashooyinka ninka maanta wad-wada, waa nin Kicin wada, doorasho wakhtigeedii ma joogto. Marka la gaadho wakhtigeeda, haddii la qaban kari waayo wakhtigeeda haddii la qaban-kari waayo, markaasay tahay in laga tashado. Laakiin, maanta waxan aan arkayaa ee lagu waashay, aniga iima taal, golahaygana uma taalo. Waxaan u arkaa uun nin wax duqlaalinaya iyo nin doonaya codkaaga hala maqlo, dee hala gaadho,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Haddii la qaban kari waayo (Doorashada), markaa qaranku waa tashanayaa, waddadiisa loo marona, qaranku waa yaqaanaa, dastuurkaa iyo sharciyaddaa qaranka u taala uun baa loo raacayaa. Ninkii wax kale ku riyooda, isagaa cirka caano ku og.”
Guddoomiye Saleebaan oo la weydiiyey in aragti ahaan aaminsan yahay ifafaalo muujinaya doorashooyinka oo wakhtigooda ku qabsooma, waxa uu ku jawaabay, “Guddigii doorashadu waxba nama odhan, madaxweynihiina annaga waxba nama odhan, markay xaggaas ka soo dhammaato (Muddo-kordhin), ayuunbay timaaddaa Guurtida,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Tirada dadka Kooxda Al-Shabaab ku dishay gudaha Kenya 2014-kii oo La shaaciyey

Nairobi, 26 Feb, 2015 (Himilo)- Ciidammada Booliiska dalka Kenya, ayaa sheegay in 174 Qof lagu dilay weerarrada argaggixiso ee dalkooda lagu ka dhacay sannadkii tegay ee 2014-kii, weerarradaas oo ay Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaallantaa sheegatay Masuuliyaddooda, isla markaana ay ka fulisay deegaanno kala duwan oo ka tirsan Kenya.
ASTAANTA BOOLISKA KENYATiradan ay Ciidammada Booliska Kenya soo bandhigeen in lagu diley weerarradii sannadkii tegay ka dhacay gudaha dalkooda ee argaggixisannimo, ayaa noqonaysa tii ugu badnayd ee gudaha Kenya lagu dilo saddexdii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo Kenya ay dilakan ku eedeysay inay ka dambeyso Al-Shabaab oo iyada lafteedu inta badan masuuliyaddooda sheegatay.
Sidoo kale, Tira-koobkan oo Arbacadii shalay ay Booliska Kenya shaaciyeen, ayaa lagu xusay in 312 Qof lagu diay gudaha Kenya illaa sannadkii 2012-kii, iyadoo la dhaawacay muddadaas 779-qof, marka la isu geeyo saddexdaas, sano, iyadoo tiro ahaan ay tilmaameen in sannadkii 20014-ka noqonayo kii ugu dhimashada badnaa.
Kooxda Al-shabaab, ayaa markii Kenya ay Ciidammadeeda u dirtay Soomaaya sannadkii 2011-kii, waxay ballan ku qaadday inay weerarayaan dalkaas, iyagoo dhawr jeer ka tallaabay Xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, isla markaana hawlgallo iyo dilal qorshaysan ka fulisay gudaha waddanka Kenya.
Al-shabaab ayaa Muuqaal fiidiyow ah oo ay soo saartay Sabtidii toddobaadkan waxay ku sheegtay inay weerarayso Gancsiyada reer Galbeedka, iyadoo tusaale u soo qaadatay weerarkii Suuqa Ganacsiga Caasimadda Kenya ee Nairobi ee Westgate Mall ay ku qaaddeen dagaal-yahanno Al-Shabaab ka tirsani 2013-kii, iyadoo ku baaqday in la weeraro Suuqyada caanka ah ee dalalka Kiristanka ku yaalla sida Maraykanka, dalalka Yurub oo Ingiriisku ka mid yahay iyo kuwo kale, goobahaas oo Muuqaalkaas markii la daawaday ka dib Ammaankooda si weyn loo adkeeyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Maraykanka oo Rubuc-qarni kadib Safiirkii u horreeyey u Magacaabay Soomaaliya

Washington, 26 Feb, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa magacaabay Safiirkii u horeeyey ee si madax-banaan waddankiisa ugu metela arrimaha Soomaaliya tan wixii ka dambeeyey Burburkii dawladdii Dhexe ee Siyaad Barre sannadkii 1992-kii, wakhtigaas oo safaarado badan oo ta Maraykanku ku jirto ugu dambaysay.
Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo lagu magacaabo Jen Psaki Salaasadii, madaxweyne Obama waxa uu Safiirka Soomaaliya u magacaabay inay noqoto haweenay lagu magacaabo Katherine S. Dhanani oo hore u ahayd Qunsulka Guud ee Maraykanka u fadhiya magaalada Hyderabad ee waddanka Hindiya.
Katherine“Magacaabistan oo taariikhi ahi waxay tusinaysaa xidhiidhka sii qoto-dheeraanaya ee u dhexeeya Maraykanka iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi Afhayeenkan oo intaas ku sii daray. “Waxay magacaabistani ka tarjumaysaa horumarka dadka Soomaalida ahi ka gaadheen inay ka soo kabteen dagaaladii iyo xasilooni-darradii ay tobanaanka sanno ku soo dhex-jireen.”
Afhayeenka u hadlay wasaarada Khaarajiga Maraykanku waxa uu sheegay in dawladdiisu ka rejaynaysa madaxda iyo dadka Soomaalida inay waajahaan dhammaystirka geeddiga dimuqraadiyadda iyo nabadda oo uu sheegay ku imanayso “Si dalka Soomaaliya u noqdo waddan horumaray oo barwaaqo ah”.
“dawladda Maraykanku waxay diyaar u tahay inay Soomaliya ka caawiso jidkaas ay u marayso horumarka oo aanu saaxiibbo isku-dhow noqonno,” ayuu yidhi Afhayeenku.
Safiirka Cusub ee dawladda Maraykanku u magacowday Soomaaliya, ayaa hoggaamin doona siyaasadda Maraykanka ee gudaha dalkaas oo wakhtigan laga darawaliyo safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
“Annaga oo eegayna sida ay xaaladda ammaanku noogu saamaxdo, waxaanu rejaynayaa inaanu kordhinno oo kor u qaadno xidhiidhkagaya dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya isla markaana aanu dib u furno safaaradda Maraykanka ee Muqdisho,” sidaas ayuu yidhi Sarkaalkan u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.
Haweenayda loo magacaabay Safiirka Cusub ee Maraykanka u qaabilsanaan doona xidhiidhka dibloomasiyadeed iyo danaha Soomaaliya, ayaa hor uga soo shaqaysay isla markaana ahay Qulka Guud ee Maraykanka u fadhiya magaaalda Hydrebad ee waddanka Hindiya.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland