Sunday, November 30, 2014

Akhri Odoroska Miisaaniyad-Sanadeedka 2015-ka Oo Maanta Golaha Wakiillada uu ka Hor Akhriyey Wasiir Samaale

Hargeisa:Nov,30,2014(Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Maanta Goalha Wakiillada Somaliland ka Hor Akhriyey Odoroska Miisaaniyadda Sanadka 2015-ka oo ay ka muuqato kor kacweyn iyo kobac dhaqaale.

treeMiisaaniyadda waxaa ku jira korodhka,waxyaabaha qorshaysan in lagu qabanayo,cashuuro la dhimay, kuwo la dhaafay iyo qaar la dhimayo hadda, waana miisaaniyaddii ugu badynayd ee abid la horkeeno Golaha wakiillada.

Khudbada Wasiirka Maaliyadda oo faahfaahsan ayaa u dhigan sidan:-

 

REPUBLIC OF                                                 SOMALILAND

MINISTRY OF FINANCE

 

Date 30-11-2014

 

Ujeedo : Khudbada Wasiirka ee Miisaaniyadda 2015 ee Golaha Wakiilada:-

 

1.1.Hordhac

 

Waxa ii sharaf ah in Maanta oo taariikhdu tahay 30/11/2014 aan golaha hor imaado si aan uga jeediyo khudbadii miisaaniyada 2015 iyada oo golaha xukuumad u usoo gudbiyey golaha wakiilada 11/09/2014, isla markaana ay   sharci tahay in goluhu uu mudnaanta koowaad siiyo gudagalka dooda miisaaniyada isla waqtigab loo soo gudbiyaba waxaana ay ahayd in aanu golaha hornimaadno 13/9/2014 sida kucad Buugaagta miisaaniyada ee aanu idiin soo gudbinay sidoo kale waxa ii sharafa in wasaarada maaliyadu ay sanadihii ugu danbeeyay ku horkeenaytay golaha wakiilada miisaaniyada qaranka waqtigii loogu tala galay taas oo aan hore u dhici jirin, tusaale ahaan waxaanu miisaaniyadii 2013 Golaha usoo gudbinay 26/12/2012 taas oo golaha wakiiladuna ansixiyeen 31/12/2012,sidoo kale miisaaniyadii 2014 waxaanu golaha usoo gudbinay 29/09/2013halka golaha wakiiladuna ansixiyeen 24/11/2013. miisaaniyada 2015 waxay ka koobantahay sidan:-

 

Faah faahinta Miisaniyadda 2015

S/NO          Hayada      SLSH          Dollar

  1. Dawladda Dhexe 1,080,000,000,000      $180,000,000

  2. Hayadaha Madaxa Banaan 176,846,392,352         $29,474,399

  3. Dawladdaha Hoose 164,877,744,867         $27,479,624

  4. Dakhliga Deeqaha caalamiga ah(Denmark& Britain) 85,800,000,000           $14,300,000


Isugeyn      1,507,524,137,219      $251,254,023

 

1.2.Korodhka Misaaniyadda

Waxa jirta in sadexdii sano ee u dambeeyay ay miisaaniyadu si xawliya kor ugu kacaysay iyadoo weliba sanad kasta uu soo baxayey dakhli dheeraad ahi kaas oo ka muuqda miisaaniyadaha aanu idiin soo gudbinay ee 2014 iyo 2015, waxaana halkan hoose ku cad jaantuska muujinaya sida ay u kordhayso miisaaniyadu kaas oo korodhsiimada miisaaniyada sanadka 2015 iyo sanadka 2010 uu yahay 283%. Sidoo kale waxaa misaaniyada 2015 dheertahay misaaniyadda 2014 qadar dhan 18%

 

Kor u kaca Miisaniyada 2010 ilaa 2015

Misaaniyada 2010-2015

Sanadka   Misaaniyada

2010              $   47,000,000

2011               $   88,322,554

2012              $   106,561,540

2013               $   125,000,000

2014                  $ 152,000,000

2015                   $     180,000,000

Faahfaahinta Kor u kaca Miisaaniyadda meelaha muhiimka ah

S/No          Magac        2010 sh sl 2015 sh sl Farqi          %

1       Mushaharka Madaxwaynaha         2,600,000,000    819,800,000       -1,780,200,000    -68

2       Golaha Wakiilada         6,555,058,600    18,727,824,320 12,172,765,720 186

3       Golaha Guurtida          6,088,620,400    20,199,178,720 14,110,558,320 232

4       Nabadgalyada     157,113,836,969         439,663,884,011         282,550,047,042           180

5       Waxabarashada 14,633,732,140 72,602,190,058 57,968,457,918 396

6       Caafimaadka       8,783,810,960    35,700,043,934 26,916,232,974 306

7       Jaamacadaha     1,050,000,000    2,600,000,000    1,550,000,000    148

8       Mujaahidiinta Sooyaal           250,400,000       1,595,550,000    1,345,150,000           537

9       Mujaahidiinta Dhimirka        360,000,000       2,447,000,000    2,087,000,000           580

10     Xisbiyada   360,000,000       2,592,000,000    2,232,000,000    620

11     Wasaarada Arimaha Bulshada      651,231,992       4,103,474,978           3,452,242,986    530

12     Daryeelka Dugsiyada   37,240,000         2,420,000,000    2,382,760,000    6398

13     Agoomaha/Iskulada    260,000,000       3,470,000,000    3,210,000,000    1235

14     Daryeelka Ceelasha     460,000,000       1,032,000,000    572,000,000       124

 

1.3.Faah Faahinta Shaqaalaha Dawladda:

 

Waxa jirta in waqtigii talada xukuumadu lawareegtay ay culayska saartay sidii shaqo la;aanta loola dagaalami lahaa isla markaana loo hawl gelin lahaa dhiiga cusub ee jaamacada kasoo baxaya taas la shaqaaleeyay tiro dhan 7,585 qof kuwaas oo u badan dhalinyaradaas.waxa kale oo dhinaca shaqaalaha xooga la saaray wasaarada waxbarshada iyo wasaarada caafimaadka kuwaas oo adeega ugu badan u gudbiya dadweynaha waana sidan tafaasiisha shaqaaluhu:-

Magaca      Tirada Shaqaalaha 2010     Tirada Shaqaalaha 2015    Farqiga

Dhamaan Shaqaalaha Dawlada     8,515         16,089       7,585

Wasaarada waxbarashada    2579          6,378         3,799

Wasaarada caafimaadka       1,439         2,588         1,149

 

1.4.Waxqabadka Dawlada ee Aug 2010-2014:-

Kordhinta Mushahaarooyinkii shaqaalaha iyo Ciidamada 120%

Bixinta derejeda ciidamadawaxa Lacag la,aan laga dhigay iskuulada hoose dhexe ee dawladda laga qaadijiray Iibinta idaacadii Qaranka Bedelka lacagtii giinbaarta ahayd ee Gobolka Togdheer iyo Sanaag. Samaynta E.Passport ka Somaliland Hirgelinta Mashaariicda Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga. Iibinta Qalabka Cusbitaalka Hargeysa (Mishiinka kelyaha ,iyo keenida dhakhaatiir ajaaniba) Bixinta dayntii dawladii hore ka tagtay oo dhamayd 21 Milyanoo Dollar.

Dhamaystirka Biriijka Labaad ee Hargeysa

Dhisida Wadada Dila ilaa Boorame

Dhisida Wadada Wajaale ilaa kalabeydh

Bilaabida wadada ceerigaabo ilaa Burco

Dhismaha wadada Hargeysa ilaa xamaas

 

Iskaashiga Dhismayaasha wadooyinka ee Dawlada iyo dadweynaha sida(wadada dawga cad,wadada cad ee salaxley,wadada oodweyne,wadada baligubadle iyo wadada allaybaday)

Dhisida wadada Jidka Halleeya ilaa jigjigayar

Dhisida Madaarka Hargeisa ( Egal airport)

Dhisida Madaarka Berbera

Dhisida Madaarka Burco

DHismaha Wasaaradaha sida (Madaxtooyada, W.duulista Hawada,W. Xanaanada xoolaha,W. Dhalinta iyo Ciyaaraha, W. Horumarinta Reer Miyiga iyo deegaanka,W. Kaluumaysiga, W. Boosaha iyo is gadhsiinta, wasaarada Gaashaandhiga,wasaarada arrimaha Dibeda,wasaarada Arrimaha Gudaha,wasaarada cadaalada, Hanti dhawrka guud ee qarank.

Guryaha Martida ee magaalooyinka Burco,Baligubadle,Boorame,gebilay

Xafiisyada wasaarada maaliyada sida (xafiiska Xisaabaadka Guud, waaxda kastamada,waaxda cashuuraha Beriga,4 xafiis oo cashuuraha Beriga hargeysa ah,xafiiska xisaabaadka iyo cashuuraha Gebilay,xafiiska kastamka kalabeydh,kastamka Boorama, kastamka seylac, Kastmaka ceelgaal,kastamka Baligubadle,kastamka Beer, xafiiska cashuuraha iyo xisaabaadka ceerigaabo iyo xafiiska cashuuraha iyo xisaabaadka Berbera).

Dhismaha xafiisyada wasaardaha ee Gobolada sida, Xafiisyadda wasaarda qorsheynta qaranka ee ceerigaabo,Burco,Berbera,xafiisyada wasaarada arrimaha bulshada ee Gebilay iyo Baligubadle W.Maaliyadda iyo W.Caafimaadka).

Dhismaha Jaamacadda Badhan, Ceerigaabo,hargeysa,boorame iyo burco

DHismaha laybareriyada jaamacada hargeysa,laybareeriga qaranka iyo Jaamacada Caamud.

Bixinta Kaalmooyinka Jaamacadaha, Iskuulada special needs ka, Cusbitaalada dhimirka,iskuulada Agoomaha IWM.

 

Jaangoynta Mushahaarooyinka Madaxweynaha,ku xigeenka iyo goleyaasha xeer dejinta.

Kordhinta Miisaaniyadda Hay’adaha adeega Bixiya sida: Waxbarashada, Caafimaadka iyo hay’adaha Nabadgelyadda.

Qalabaynta ciidamada gaar ahaan milateriga iyo ciidanka Bada.

Kordhka Miisaaniyada Dawlada dhexe intii u dhaxaysay 2010 ilaa2014 waa $47 Million ilaa $152 Million,iyadoo korodhku yahay 223%.

Kordhinta Miisaaniyadaha hayadaha Madaxa Banaan 150%.

Xaraynta Dakhligii khasnada Dawladda la baalmarin jiray sida: Maxjarka,Dekedda iyo Haamaha Berbera

Gudbinta xisaabxidhadii miisaaniyadaha 2010 ilaa 2013 oo aan iyaga hore loo gudbin jirin.

Hirgelinta Cashuurta Aan hore ujirin sida ku dhejinta Tigidhada oo markii ugu horaysay laga hirgeliyay dhamaan Gobolada dalka 12 April 2012 Guddi u gaara dhaqan gelinteedana aanu u xilsaaray ilaa intay sidii loogu talay u fulayso

Hirgelinta cashuurta Hawlgabka Shaqaalaha Dawladda Dhexe oo 1% ah

Hirgelinta Cashuurta E-passportka .

Korodhsiimada Gunnada Agaasimayaasha guud SL SH 6000,000, iyo Agaasime waaxeed yada 1,500,000, Garsooryaasha iyo xeer ilaaliyayaasha 120%.

Dhimista Cashuuraadka iyo Habayntooda.

 

1.5.Qorshaha Waxqabad ee Miisaaniyadda 2015 :-

Kharashka Doorashooyinka Golaha Wakiiladda ,Madaxtooyadda, iyo kharashka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo loogu tala galay $ 6,000,000

Qalabka iyo Saanadda ciidamada dalka ee kala duwan.

Mashruuca Dib u dhiska wadooyinka

Mashruuca Xannaanada Xoolaha

Dhismaha Maktabada Berbera oo loogu talagalay $ 80,000

Dhismayaasha xafiisyadda dawladda sida:- Wasaaradda Biyaha, Hadhaaga Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Dhismaha xafiiska Hayada Shaqaalaha Dawlada,

Dayrka Hanti dhawraha guud ee Qaranka ,xafiisyadda Wasaaradda Maaliyada Boorama iyo Burco, Dhismayaasha iyo dib u dhiska maxkamadda gobolka iyo degmada Maroodijeex,Hoolka Wasaaradda Cadaaladda, dhismaha ciidanka Dab damiska, Hoolka iyo deyrka Wasaaradda Arrimaha Dibeda

Hadhaaga Iibsiga rooga Garoonka kubada cagta Hargeysa

Iibsiga gaadiidka iyo qalabka xafiisyadda Wasaaraddaha iyo Ha’ayadaha .Ka qayb qaadashada Dhismaha madaarka Burco.

Kabka shidaalka wershedda laydhka Berbera.

Iibinta Cagaf weyn “Bulldozer” oo loo iibinayo Wasaaradda Beeraha si loogu sameeyo Gabyanadda.

Kaalmadda Dhimirka mujaahidiinta SNM.

Kaalmooyinka Agoomaha oo loo kordhiyey 100%.

Kaalmooyinka Asxaabta Qaranka oo loo kordhiyey 50%

Bilawga Dhismaha jeelka Burco.

Daryeelka iyo Dibudhiska iskuulada dalka

Dhismaha 5 MCH oo laga dhisayo Gobolada dalka

Dhismaha qaybta dadka caafimaadkoodu halista ku jiro ee ICU iyo qolka Gargaarka degdega ah ee cisbitaalka Hargeysa

Iibinta Dawada Mishiinka Kelyaha sifeeya iyo qalabeynta cusbitaalka hargeysa waxaana ku baxay lacag dhan $1,850,667 sanadihii hore ee 2012 ilaa 2015.

Kharashka mushaharka dhakhaatiirta cusbitaalka hargeysa waxaana ku baxay lacag dhan $2,158,500 sanadihii 2012 Ilaa 2015 soo socda.

kharashka bannaynta agagaarka madaarka Egal international Airport

Dhismaha guriga Martida ee Magaaladda Baligubadle.

Dhismayaasha Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee magaalooyinka laascaanood iyo Boorama

Qalabeynta xafiisyada Maxkamadaha Gobolka iyo Degmada Maroodi-jeex.

1.6.Cashuuraha Hoos Loo dhigay Sanadkii 2011-2014

Tirsi Nooca Cashuurta         Cashuurtii hore Cashuurta Danbe

1       Cashuurta Macaashal macaashka Ganacsiga           24% 10%

2       Cashuurta Macaashal Macaashka shaqaalaha         12% 6%

3       Cashuurta Macaashal macaashka kirada Guryaha           18% 10%

4       Cashuurta kala wareejinta Guryaha       6%    2%

5       Cashuurta kala wareejinta Baabuurta   6%    $105 and $55

6       Cashuurta Gadista      5%    5%

7       Cashuurta Diiwaangelinta shirkadaha   1%    Nil%

8       Cashuurta dhaxalka dadka isdhalay,isla dhashay iyo kuwa isku dhaxay    3%    1%

9       Cashuurta dhaxalka ilaa afar oday         5%    3%

10     Cashuurta dhaxalka wixii ka badan afar oday          10% 5%

 

1.7.Cashuuraha la dhaafay iyo kuwa la dhimay sanadka 2014

Waxa cashuur dhaaf soo dejinta ah golaha wakiiladu usameeyeen sanadkii 2014 qodobada hoos ku qoran taas oo wasaarada maaliyadu soo jeedisay

1.Dhamaan qalabka Beeraha, Biyaha sida riigaga ,wadooyinka sida cagafyada ,kalluunka sida laashashka, shabaakta, gaasta cuntada lagu karsado.

2.waxa la tirtiray cashuurtii kala wareejinta gaadiidka taas oo laga dhigay qiimo go,an oo ah gaadiidka waaweyn $105gaadiiidka yaryara $55.

1.8.Soo jeedinta Cashuuraha la dhaafayo sanadka 2015

Sida uu tilmaamayo qodobka 54aad ee dastuurka Jsl takaaliifta waxa ogolaada qaadistooda ama tirtira oo awood u leh Golaha wakiilada hase yeeshee wasaarada maaliyadu waxay leedahay soo jeedin keliya,mana jirto cashuur aan golaha wakiiladu ogolaan oo wasaarada maaliyadu uruurisaa sidaas anagoo ka duulayna qodobkaas dastuuriga ah waxa aanu golaha wakiilada horyeel in cashuurta laga dhaafo qodobada hoos ku qoran, taas oo aanu ka rajeynayno in goluhu naga ogolaado isla markaana aanu u sameyn doonon xeer nidaamiye marka goluhu ansixiyo, waxaana kamida kuwa hoos ku qoran:-

Dhamaan qalabka Beeraha iyo dawada lagu xanaaneeyo Beeraha ee Bacriminta (Fertalizer)

Dhamaan cagafyada lagu dhiso wadooyinka nooc kasta oo ay yihiin oo laga dhaafo cashuurta soo dejinta kastamada.

Dhamaan Gaadiidka Ambalance yada caafimaadaka iyo dabdamisyada

Qalabka wax lagu karsado sida Shooladaha naqaska iyo shooladaha dubaalada.

Qalabka tamarta laga dhaliyo ee Cadceeda iyo dabaysha.

 

1.9.Hirgalinta Go’aamadii Golaha Wakiiladda ee 2014

Waxa jirta in go’aankii Golaha wakiiladu ku ansixiyeen miisaniyadii 2014 ay soo raaciyeen go’aamo taas oo wasaarada maaliyadu fulisay dhamaan go’aanadii golaha Wakiiladu ay soo raaciyeen Miisaaniyaddii 2014 oo ah in hay’adaha ku jira Miisaaniyadda 2014 ee aan xeerarkii lagu aas aasay lagu hor keenin mudadii 90 cisho ahayd aanu ka saarnay Miisaaniyadda 2015 nuqulkay ku lahaan jireen anagoo hoos geynay Miisaaniyadoodiina ku darnay Wasaaradihii Madaxweynuhu hoos geeyey kuwaas oo kala ah sidan:-

Tirsi Hayadda    Wasaaradda la hoos geeyay

1       TV-ga Qaranka   Wasaaradda Warfaafinta

2       ICT-Commission          Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiina

3       Hayada Xidhiidhka Raashinka Qaranka          Wasaaradda Dib u dejinta

4       Gudiga Baadhista Xasuuqa Wasaaradda Cadaalada

5       Hayadda Qurba jooga Wasaaradda Arimaha Dibada

 

2.Hirgelinta Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda(PFM Reform)

Waxanu ku guulaysanay inaanu meel marino dib u habaynta Maamulka Maaliyadda oo ka kooban 5 tiir iyo 14 qaybood . Waxa noo suurto gashay in naloo maalgeliyo tiirka labaad ee PFM strategy ga ee dakhliga(Domestic resource Mobilization) sida Kastamada, Cashuuraha Berriga iyo Waaxda Qorsheynta, taas oo ay naga caawin doonto Hay’adda DFID ee Dalka ingiriiska u qaabilsan deeq bixinta Meelaha xooga la saarayona waxa kamida; dib uhabaynta Cashuraha,Hirgelinta Cashuuraha & Dakhli ururinta, Tayaynta Waaxaha ay khusayso Dakhli ururintu iyo Dhisida hayad Dakhli ururineed oo madax banaan(Somaliland revenue authority) ,waxaanay ku bixisay hawshaas qandaraas qiimihiisu dhan yahay $7.2 Million, kaas oo socon doona mudo 3 sano ah.

Hawshaasi waxay bilaabmaysaa bisha janaury 2015 taasina waxay keeni doontaa in Dakhligeenu uu ka noqdo GDP (wax soo saarka dalka) ga qaranka ugu yaraan 25%, halka uu imika ka yahay 10%. Waxa kale oo jirta in EU, Baanka aduunka iyo deeq bixiyayaal kale iyana hada ay wadaan qorshihii dib u habaynta Maaliyadda ee la xidhiidhay 4 ta tiir ee kale oo kala ah Dhaqaaaha guud (Macro Economics), Hirgelinta Miisaaniyadda (Budget execution) , Iibsiga (Procurement) iyo Ilaalinta hantida (oversight),taas wax lagaga qabandoono dhinacyada Qorsheynta, maamulka,Miisaaniyadda, Xisaabaadka, Hanti dhawrka, Baanka iyo dhamaan daneeyayaasha kale ee PFMka sida Gudida dhaqaalaha Golaha wakiilada iyo Gudida ilaalinta hantida ee golaha wakiilada, waxaana hada naloo soo gudbiyey qaybtii hore oo kharashkoodu Noqondoono 4.5 million dollar.

 

Waxa kale oo aanu gacanta ku haynaa oo bilaabmi doona bisha January 2015 Nidaam Xisaabeed casri ah (Somaliland Financial Management Information System) oo Somaliland yeelato, noqona doona Mid Hay’adaha Dawlada oo dhami (Dawlada dhexe, Dawladaha Hoose & Hay’adaha Madaxabanaan) ay kuwada shaqayn doonaan waxa kale oo jira in sanadka 2016 uu qalabkani inoo ogolaan doono in miisaaniyada qaranku noqon doonto mid Goblaysan oo sidoo kale deegaamaysan taas oo in badan Golaha wakiiladu soo jeediyeen in qaabka miisaaniyada la deegaameeyo.

 

Waxaanu u gudbinay Madaxweynaha wax kabedelkii shuruucda Maaliyadda ee la xidhiidhay PFM ka taas oo loo soo gudbin doono Golaha Wakiiladda si dhakhso ah isla markaan aanu idinka rajaynayno inaad hore u ansixisaan Markay idin soo gaadhaan madaama waxbadani ku xidhan yihiin.

 

Gebegebadii Mudanayaal/mudaneyaal, iyadoo ay ka jirto Dunida dhaqaale xumo iyo dhibatooyin farabadan oo ka haysta xaga horumarka oo saameeyey dhammaan Dawladihii Horumaray ee aduunka iyo kuwa dunida saddexaad oo hoos u dhac dhaqaale iyo sicir barar balaadhan saameeyey, dalkeenuna la qabo aduunka. Hadana waxa Ilaahay mahadiis ah in Miisaaniyadda Dawladda Dhexe 2015 ka ay ka badantahay 18% miisaaniyadii hore ee 2014, sidoo kale hadii la barbar dhigo Miisaaniyadii 2010 oo ahayd wakhtigii xilka dawladani la wareegtay waxay miisaaniyadani dheertahay 283%.

Mudanayaal, aniga oo aan waxba kala hadhayn dadaalka lagu hirglinayo Odoroska Miisaaniyadda sannadkan, waxan ku kalsoonahay inaanu ka midho dhalin doono idinkuna aad gacan buuxda naga siin doontaan wixii aanu idiinka baahano Insha Allah.

Sidaas awgeed; waxaan si sharaf iyo maamuus leh idiinka codsanayaa ansixinta Miisaaniyada idin hor taala ee sanadkan 2015 ka, lifaaqa wax ka bedalka Tacriifada iyo siyaasada miisaaniyada 2015 ee ku lifaaqan idinkoo waajibaadkiina Distooriga ah gudanaya.

 

Salaamu Calaykum

 

Allaa Mahad Leh

(C/casiis Maxamed Samaale)

Wasiirka Wasaarada Maaliyada.

 

 

Himilo Media

 

 

 

Marwada Koowaad iyo Wasiirro ka hadlay Sharcinnimada Gobolka Gabiley oo ay Ammaan Huwiyeen

Gunaanadkii Shirka Horumarinta Gabiley iyo Ballan-qaadkii Xukuumadda
Gabiley, 30 Nov, 2014 (Himilo)- Marwada Koowaad ee Madaxweynaha iyo Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada, Maaliyadda, Wershadaha, ayaa ka hadlay xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo reer Gabiley, isla markaana waxay sheegeen inaanay ahayn wax lagu murmi karo gobolnimada Gabiley, Xukuumadduna ula dhaqanto gobol ahaan, balse wixii sharci ahaan uga dhiman gobolnimada Gabiley si dhakhso ah Baarlamaanku u dhammayn doono.
Masuuliyiintan oo ka qaybgalay Shir lagaga hadlayey qorshaha horumarineed iyo sida ay baahiyaha gobolkaasi u kala horreeyaan iyo wixii ka qabsoomay sannadka dhammaanaya oo saddex cisho ka socday magaalada Gabiley oo shalay fiidkii lagu soo gebogabeeyey halkaas. Waxaanay Masuuliyiintani ballan-qaadeen in wax kasta oo ay la qaban karto reer Gabiley diyaar u tahay, iyagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay dacaayado ay sheegeen in Mucaaradku jeediyaan oo ku sheegaan inaanay Xukuumaddu gobol u aqoonsan Gabiley.
Marwada Koowaad ee Somaliland Aamina-Waris Sheekh Maxamed Jirde oo halkaas ka jeedisay hadal ay kula hadlaysay dadweynaha reer Gabiley, waxaanay tidhi; “Gabiley iyo dawladda KULMIYE la isu sheegi maayo, waa laba is-yaqaan oo midba ka kale waxa uu gudo yaqaan, Gabiley waa gobol, cidna ka baryi mayso, dawladda uu Axmed Maxamed Maxamuud Odaygaygu gadh-wadeenka ka yahay-na afartaa sano ee ay joogtay Gabiley gobol ahaan bay ula dhaqmaysay, sababta oo ah waa gobol. Tii sharciyaddana waakii Xildhibaanku innoo sheegay oo Baarlamaanka ayay ku xidhan tahay, waxa fududaynaya Xeerka Caasimaddu markuu inna dhaafo Gabiley gooni bay isu taagaysaa, Gabiley waynu riixaynaa, inta sharcigu imanayana gobol baannu ula dhaqmaynaa, waanan ula dhaqmaynay, Isu-duwayaashii baa jooga, Badhasaabkii baa jooga, waa gobol, waa gobol Gabiley.”
“Gabiley Madaxweynuhu inay gobol tahay beenaale markhaatigiisuu fogeeyaaye waxaa ka markhaati-kacaaya gobolka keliya ee saddex Wasiir leh ee aan Caasimadda Maroodi-jeex ka ahayni waa Gabiley, waa saddexdaa Wasiir ee qaaliga ah ee Wasaaradaha muhiimka ah jooga.” Sidaa ayey tidhi Marwada Koowaad ee Madaxweynuhu. Waxay Marwo Aamina-Waris sheegtay inay Xukuumaddu dhegaysan doonto cabashada reer Gabiley, taladooda iyo waxay u soo gudbiyeen-ba, iyadoo xustay inay reer Gabiley yihiin Baalasha ay Xukuumadda talada haysaa ku duusho oo aanay kala maarmin.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo xidhitaankii shirkaas ka hadlay, ayaa sheegay in gobolka Gabiley yahay mid ku suntan horumarka dalka, waxaanu yidhi; “Gobolka Gabiley waa gobol ku suntan horumarka dalka, waa gobol ku suntan taageerada uu u hayo Xisbiga KULMIYE iyo Madaxweynaha, been kama sheegi karno, Annaguna weli ololihii maannaan bilaabin ee marka ololaha la gaadho si weyn baannu u hadli doonnaa.” Waxaanu intaas ku daray oo uu sheegay Wasiir Samaale inay Xukuumadda talada haysaa mashaariic horumarineed ka fulisay gobolka hadday waddooyin tahay iyo hadday horumarin kale tahay-ba.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Reer Gabiley inay yihiin dad tan iyo halgankii xadhigga meel ka wada jiidayey oo aan Shaqsiyaad wax kale ka sheekeeyey kala fogeyn karin. “Saddex qof oo hadlay waxba ma dhimayaan. Waxa weeyaan Madaxweynuhu Axmed-Siilanayo iyo Reer Gabiley illaa halgankii illaa maanta waa dad xadhigga meel ka wada jiidayey. Waxaan u rejaynayaa Insha Allaahu Gabiley inay gaadho horumar.”
“Waayo? Gabiley waa meesha ay ku taamayso Somaliland inay kafayso, sidaa loo sheegayo WFB inay ka iibsanayso Raashinka, markaa Illaahay ha innala qabto innagoo meel xadhigga u wada jiidayna oo aan afmiishaaraynaynin oo Illaahay innagala xisaabtamayo, waxaan jeclahay innagoo isku duuban inaynu horumarka dhabta ah aynu gaadhno.” Sidaa ayey tidhi Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan. Waxaanay Wasiir Samsam sheegtay in Gobolnimada Gabiley aanay ahayn mid muran ku jirta ee ay tahay mid cad oo la gaadhay, isla markaana sharci ahaan waxa uga dhiman si dhaqso ah loo gaadhi doono haddii ILLAAHAY yidhaahdo. Waxa kale oo ay sheegtay inay Gabiley ka horumarsantay dhinaca Tacliinta, isla markaana ay Shan Boqol iyo Afartan Macallin ka gunnaysan yihiin wakhtigan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Faysal Cali Waraabe oo ka digay Wejiyo-siyaasadeed oo Caqabad ku noqon kara Wada-hadallada Somaliya

“Axsaabtiibaana qabiil gashay, Sharcigii baynu laalnay waxay ku noqonay sidii reer Miyigii Odayaal ina kala saara” – Faysal Cali Waraabe
Hargeysa, 30 Nov, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka deyriyey xaaladda dalku ku sugan yahay wakhtigan oo uu sheegay inay tahay meel laga warwaro.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo shalay la hadlay saxaafadda, waxa uu ku dooday in qaranimadii Somaliland sii kala furfurmayso, isla-markaana nidaamka qabyaaladda oo si xooggan uga jira dalku ay tahay caqabadda ugu weyn ee dalku u baahan in laga badbaadiyo, waxaanu si gaar ah u dhaliilay nidaamka xulashada hoggaanka Guddiga doorashooyinka ee golaha wakiilladu shalay ansixiyey.
faysal-cali-waraabe“Somaliland maanta hawsha u taalla ma aha oo kaliya Komishanka, Somaliland Qabiil bay ku burburtay, waxaad arkaysaa maanta Komishanka lama ogaan jirin cidda ay dooranayaan, laakiin hadda waxa socota Kaambayn Guddoomiyihii ayaa xataa qabiil galay, axsaabtiibaana qabiil gashay, Sharcigii baynu laalnay waxay ku noqonay sidii reer Miyigii Odayaal ina kala saara, sharcigii baynu jiidhnay, umad aan sharci ku shaqaynina ummad ma noqoto, waxaana aynu noqonay Qabaa’il aan sharci ku socon ee Xeer-jajab ku socda. Komishankii Baa Maanta la leeyahay Beeshii dhexaa u tartamaysa’e haddii aynu nahay umad aan waxba ka tegayn oo wax kasta qaadanaysa sidee baa la inoola noolaanayaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Guddoommiye Faysal Cali Waraabe waxa uu mar kale kaga dhawaajiiyey shirweyne Qaran oo aayaha dalka lagaga tashado, waxaanu yidhi, “Inagoo sidaas u soo taagan ayaa maanta dhulkeenii la sheeganayaa oo dawlad goboleedyo la inaga dhex sameeyey oo aynu maamulkeenii gaadhsiin kari weynay, degmooyinkii Bariga ee Sool-Bari iyo Koonfurta Sanaag, waxaan hore u sheegay, aynu tashano oo aynu shir qaran iskugu nimaadno oo eegno waxa u baaahan in la hagaajiyo, haddana waan ku celinayaa.”
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in cidda kaliya ee waajibaadka kowaad ka saaran yahay qaranku ay tahay madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay in looga baahan yahay isu-soo-dhawaynta bulshada iyo xalinta khilaafaadyada siyaasadeed.
“Xilka Qaranku madaxweynaha ayuu saaran yahay, baarlamaanka iyo Guurtidu waa ku jiraan, laakiin Fulintu waa Madaxweynaha, isagaana ka kaw ah dadkuna talo ayuu u baahan yahay dawladduna gogosha Ha Fidiso, Madaxweynahana waxan leeyahay dalkii wuxuu ku jiraa Fawdee waa in Fawdadaas Laga gaadhaa,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu soo Hadal-qaaday Shirar-beeleedyada iyo saamaynta ku yeesheen isku-duubnaanta shacabka Somaliland, waxaanu yidhi, “Galbeedka Dalka Shirbaa ka socda . Xaq bayna u leeyihiin waayo Beelihii dhexe ayaa intaas shiraysay ee Reero u shiraysay oo Jilib jilib u shiraysay, Taleex midbaa ka socay oo khaatumo ayaa lagu sameeyey, Majeerteeniyana Goboladeenii ayey Distoorka ku tarsadeen,waxana aad moodaa inaynu gacmaha laabanay oo aynu arrinteenii ka dhignay Qaad iyo Qabiil. Musuqmaasuqii baa la leeyahay ciddii buu ku batay oo gaaladu qoraysaa, qabiilkii baa batay oo waynu is nacnay oo waynu is-caayeynaa, haddii aynu sidan ku galo doorashana waxan ka baqayaa inay nabadgelyadu ka baxdo meesha, madaxweynahana waxan leeyahay shir qaran baa loo baahayn yahay.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi, “Istaraatiijiyad qaranimo ma socotee waxa socota qofkastow waxad Boobi karto boob. Qabaa’il is boobaya ayeynu nahay oo aan waxba isku ogolayn oo aan waxba ku heshiis ahayn, Baylahdiina way badatay Beelihii hareeruhuna wayna daawanayaan, Beesha dhexana maanta Somaliland Khatar ku haysa mar hadii Axsaabtii qabiil noqotay oo nin maanta la taaban karaa aanu jirin oo nin kastaa qabiil dabada gelinayo.”
Faysal Cali Waraabe waxa uu dhaliilay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isaga oo ka digay wejiyo siyaasadeed oo wada-hadallada Soomaaliya yeesheen mustaqbalka haddii aan la hagaajin siyaasadda Arrimaha Dibadda. “Maanta Xafiis dibadeed oo inoo shaqaynaya ma jiro Ictiraafna waynu doonaynaa, maantana Somalia Dawlad Goboleedyaa Laga dhisay, Awooddii Dawladda Dhexena wuu yaraaday, waxaana iman doonta maalin wada-hadallada aynu la leenahay Somalia la odhan doono la hadla Shanta Madaxweyne ee Somalia oo kasoo dhamaysta arrintiina,” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Taliyaha Booliska oo ka hadlay Gacan-ku-dhiigle iyo tirada Tahriibayaal ay gacanta ku dhigeen

Hargeysa, 30 Nov, 2014 (Himilo)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa Sheegay inay gacanta ku soo dhigeen gacan-ku-dhiigle Muuse Cabdi Cabdulle oo qof ku dilay Xaafadda Macallin Haaruun ee Caasimadda Hargaysa, waxaanu sheegay in sharciga la horgeyn doono, isla markaana waxa uu ku dooday inay hawl-gallo Ciidanka Boolisku sameeyeen lagu soo qab-qabtay Dhalinyaro rabshad-wadeyaal ah oo habeenkii Koox Koox u dagaallama.
taliyaha“27-kii Novermber 2014, abbaaro 10:00 subaxnimo ayaa gacan-ku-dhiigle Muuse Cabdi Cabdule waxa Xaafadda Axmed Macallin Haaruun ku dilay Marxuum la odhan jirey Axmed Xuseen Ibraahim, ka dib uu baxsaday gacan ku dhiigluhu, Ciidanka Booliska Somaliland oo kaashanaya beeshii uu ka soo jeeday gacan-ku-dhiigluhu hawlgal ballaadhan oo ay Ciidanka Boolisku sameeyeen waxay gacanta ku soo dhigeen maanta (Shalay) oo ay taariikhdu tahay (ahayd) 29 Novermber 2014 gacan-ku-dhiiglihii Muuse Cabdi Cabdulle,” ayuu yidhi Taliye Fadal oo u warramay shabakadda wararka ee Hayaannews.
“Aniga oo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ah waxaan uga mahad-celinayaa beesha uu ka soo joodo gacan-ku-dhiigluhu oo si hagar la’aana ula hawlgashay Ciidanka Booliska, waxaana maanta (Shalay) lagu qabtay aga-gaarka Saba-wanaag meel u dhaw Ina Hindise iyo Shaarub. Waxaannu ku xidhan yahay mid ka midda Xabsiyada magaalada Hargeysa, waxaana si degdega loo horgeyn doona sharciga Maxkamaddaha iyo Xeer-ilaalinta.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan.
Taliye Fadal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Ciidanka Boolisku waxay beryan ku jireen hawlgal ballaadhan, cidkasta oo nabadgelyada Qaranka iyo Bulshada reer Somaliland u geysanaysa dhibaato, kuwaasoo ah kooxo dhalinyaro ah oo koox koox u dagaallama, oo dhaqan aan hore loo arag isticmaala, oo inan koox kubadeed ku jira ayaa marka uu ka baxo kooxdii reerkoodii oo aan waxba galabsan la weerarayaa, hawlgalkaa tiro aad u baddan ayaanu ku qabqabanay, wixii falkaasi ku cadaaday sharciga ayaa la horgeeyey. Sidoo kale waxay ciidanka boolisku dagaal adag la galeen mukhaadaraadka, waxaanay xalay oo ugu danbeysay qabteen Baabuur iyo Khamri.”
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal mar uu ka hadlayay qaabka ay u waajaheen tahriibta iyo tirada dadka ay toddobaadkii u danbeeyey u soo xidheen waxa uu yidhi; “Ciidanka Boolisku waxay hawlgal adag ka galeen tahriibta wiigan oo kaliya ilaa 300 oo Ethiopian ah oo maanta kuwii ugu danbeeyey aanu qabanay, ayaanu dib ugu celinay dhinaca dalka Ethiopia, oo u baddan qoomiyada la yidhaahdo Oromada.”
“Waxa kale oo ay ciidanka booliska Somaliland ku guuleysteen dhalinyaro fara baddan oo Somalilander ah oo laga soo qabtay xad-xadka ama goobo kala duwan, kuwaas oo dhamaantood lagu wareejiyay waalidkood. Waxa kale oo ay ciidanku hayaan niman baddan oo dadka tahriibiya, iyada oo horena tiro baddan sharciga loo horgeeyey.” Sidaa ayuu yidih Taliyuhu.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Maayarka Boorama oo dhagax-dhigay Dhisme Dabaq ah oo Dawladda Hoose Yeelanayso iyo Xarunta Keydka Taariikhda gobollada Galbeedka

Hargeysa, 30 Nov, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Boorama Md Saleebaan Xasan Xaddi iyo Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Xasan Yuusuf Riiraash, ayaa si wada-jir ah u dhagax-dhigay Dhisme Dabaq ah oo Xafiisyo u noqonaya Dawladda Hoose ee Boorama iyo Xarun loogu talo-galay Keydka taariikhda gobollada Galbeedka dalka.
wfbMaayarka degmada Boorama oo uu weheliyo Xoghaya Fulinta Dawladda Hoose, waxa ay shalay si wada-jir ah u dhagax-dhigeen dhisme Dabaq ah oo ka kooban Hoolka Shirarka iyo xafiisyada waaxaha fulinta iyo xafiisyada guddi-hoosaadyada Golaha Deegaanka Boorama.
Maayarka magaalada Boorama Saleebaan Xaddi oo warbaahinta kula hadlayey goobta lagu dhagax-dhigay dhismayaasha Cusub, waxa uu yidhi, “Aniga oo ku hadlaya afka Golaha Deegaanka Boorama, waxaan dadweynaha u sheegayaa inay indhihiinu arkayaan halka horumarku marayo. Maanta halkaan dhagax-dhigaynaa waa guri dabaq ah hool dawladda hoose lahaan lahayd.”
Sidoo kale, waxa ay masuuliyiinta dawladda hoose ee Boorama dhagax-dhigeen Maktabad lagu keydinayo Taariikhda gobollada Galbeedka Somaliland. Waxaanu yidhi Maayarka degmada Boorama oo sharraxayay faa’idada xaruntani u yeelan doonto bulshada deegaanka, “Dadka Qurbejoogga ah ee danaynaya horumarka iyo magaca, waxaan leeyahay toban sanno maahee haddaad soddon sanno maqan tihiin xabaalaha waalidkiin haddaad doonaysaan inaad soo booqataan, waa halkii magacyada iyo lambarka Xabaasha waalidkaagu ku jiro aad ka heli lahayd iyo in taariikhdii degmada loogu yimaaddo laguna keydiyo. Waxa kale maktabaddan waxa ku akhrisan doona dhalinyarada mutacalimiinta ah ee doonaya inay ogaadaan taariikhda Boqortooyadii Adal.”
Dhagax-dhigga Dhismaha dabaqa ah ee Dawladda Hoose iyo Xarunta Maktabadda Keydka, ayaa qayb ka ah mashaariicda hay’adaha Caalamiga ah ku taageeraan Dawladaha Hoose ee dalka oo wakhtigan si tijaabo ah uga socda saddexda degmo ee Boorama, Berbera iyo Burco.
Dhinaca kale, waxa shalay xarunta Dawladda Hoose ka furmay Kalfadhiga 6aad ee Golaha deegaanka magaalada Boorama oo uu shir-guddoominayey maayarka magaaladaas, waxaana kalfadhigaas ka soo xaadiray 12 xildhibaan oo ka tirsan 20-ka mudane ee Golaha deegaanka Boorama.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Quwadaha Carabta Oo Dedaal Ugu Jira Sidii Falastiin U Heli Lahayd Aqoonsi Caalami ah

Ca’ira:Nov,30,2014(Himilo)-Waddamda ku carbeed eek u Bahoobay Jaamacadda carabta, ayaa isku raacay inay Golaha ammaanka geeyaan qaraar lagu aqoonsanayo Mujtamaca reer Falastiin oo xilligan dulmi ku jira.

amiirQorshahan oo ay soo diyaarisay dowlada Jordan (Urdun) oo xiligan kamid ah xubnaha aan-joogtada-ahayn ee golaha amaanka, ayaa waxaa taageeray dhamaan dalalka Carabta.

Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Carabta oo sabtidii shalay shir ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa cod ku taageeray in qorshahan loo gudbiyo Golaha Amaanka.

Mooshinkan ayaa qoraya in la iclaamiyo xiliga la aqoonsanayo Qaranka Falastiin oo magaalo madax u noqon doonta Bariga magaalada Qudus, iyadoo la tixraacayo xaduudihii 1967dii.

November 2012 ayey ahayd markiii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu aqoonsaday Qaranka Falastiin, balse go’aanka kama danbeysta ah ayaa ka go’a Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Dowlada Maraykanka oo codka qayaxan (VETO power) ku leh Golaha Amaanka ayaa hore u joojisay go’aano lagu taageerayey Falastiin oo lidi ku ahaa Isra’iil oo ay xulafo yihiin.

Jaamacada Carabta ayaa gudi ka kooban dalalka Jordan, Muritaaniya iyo Sucuudiga u saaray inay olole ka dhexbilaabaan Qaramada Midoobay kahor intaan mooshinkan la geyn Golaha Amaanka.

 

 

Himilo Media

 

 

 

Askarigii Sababta u ahaa Rabshadaha Ka Socda Magaalada Ferguson Oo Shaqadii Ciidanka Iskaga Tegay

Ferguson:Nov,30,2014(Himilo)-Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska waddanka Maraykanka oo dhawaan Toogasho ku dilay Wiil Madow ahaa oo ku noolaa Magaalada Ferguson ee Dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inuu shaqada iskaga tegay.

sonoAskarigan ayaa wiilkii madoowaa ee uu dilay wax aka dhashay rabshado iyo Mudaharaaddo ay samaynayaan dadka madawga ahi, kuwaas oo ilaa iyo haatan ka socda Deegaanada dilkaasi ka dhacay oo dadka madowga ahi si weyn ugu badan yihiin.

Todobaadkan ayey maxkamada Maraykanka sheegtay in aan la maxkamadeyn doonin Askarigaasi lagu magacaabo Darren Wilson.

Wuxuu askarigan sheegay inuu isaga tagayo shaqada, xili ay weli sii socdaan banaanbaxyo looga soo horjeedo dilkii uu u geystay wiil lagu magacaabo Michel Brown oo 18 sano jir ahaa.

Askarigan oo weli ku adkeysanaya inaanu wax danbi ah gelin ayaa sheegay inuu iskiisa u go’aansaday inuu shaqada iskaga tago.

“…go’aankani oo ahaa mid aad u adag maadaama shaqada askarinimada ay tahay mida kaliya ee nolosheyda aan rabay inaan noqdo…” ayuu yidhi Askarigan oo wareysi siiyey jariirada St.Louis Post-Dispatch.

 

 

Himilo Media

 

Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in Kastamka Kala-Baydh toban bilood ku soo saaray Lacag ka badan ku talo-galkii sannadkan oo dhan

Gabiley, 30 Nov, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in ku talo-galkii Miisaaniyadda sannadkan 2014-ka la qorsheeyey inay ka soo baxdo bishii koowaad illaa bisha 12-aad mid ka badani ay ka soo baxday Kastamka degmada Kala-baydh ee gobolka Gabiley iyadoo aanay ku jirin Dakhligan bishan aynu ku jirno iyo bisha soo socota ee sannadkan u dambeeya midkoodna.
ba4934f59c2554d22c8ec44fc7c5af0bWasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu soo gebo-gabeeyey Shir saddex cisho ka socday Gabiley oo lagaga hadlayey qorshaha horumarinta gobolka Gabiley, waxaanu sheegay inuu gobolkaasi yahay gobolka horumarka Somaliland, loona baahan yahay in dedaalka dadkiisu ku jiraan ay intaas ka sii badiyaan.
“Waxaan halkan ka sheegayaa oo run ah waxaan ku hayaa warbixinta Kastamka degmada Kala-baydh, ku talo-galka Miisaaniyadda 2014-ku waxay ahayd Boqol iyo Laba Bilyan buu ahaa illaa December, waxaa soo baxay Boqol, Siddeed iyo Soddon Bilyan illaa October, November weli lama galin xisaab-xidhkeedii, December-na way dambaysaa, waxaa dheeraad ku ah ku tala-galka Soddon iyo Siddeed Bilyan, Berberana la isma gaadhin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Saturday, November 29, 2014

Madaxweynaha Somaliland oo xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo sameeyey xarunta agoomaha islamarkaana dhagax dhigay qayb hablaha u gaar ah

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo ) ayaa xadhiga ka jaray dhisme cusub oo casri ah oo loo sameeyey carruurta agoomaha Somaliland, oo ay maalgalisay dawladda Kuweit oo laga hirgaliyay caasimada hargeysa.
Dhismaha xaruntan ayaa noqonaya mashruucii ugu weynaa ee dalka Kuweit ka hirgaliso Somaliland, kaasoo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo uu xadhiga ka jaray wajiga koowaad oo la dhameystiray oo ah dhismeyaal aad u qurux badan oo aan dalka hore looga samayn ay oo si heer sare ah u qalabaysan, isla markaana uu dhagax dhigay qayb cusub oo lagu kordhinayo oo gaar u ah hablaha agoomaha ah.
Xafladan furitaanka mashruucan ayaa waxa ka soo qayb galay wufuud ka kala socotay waddamada Kuweit iyo Jabbuuti.
Masuuliyiin tiro badan ayaa ka hadlay xafladaasi.
HALKAN KA DHEGAYSO

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/11/Codka-Madaxweynaha-JSL-ee-Furitaanka-Xarunta-Agoomaha.mp3"][/audio]

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA XAFLADA

[gallery columns="4" ids="11842,11841,11840,11839,11838,11837,11836,11835,11834,11833,11832,11831,11830,11829,11828,11827,11826,11825,11824,11823,11822,11821,11820,11819,11818,11817,11816,11815,11814,11813,11812,11811,11810,11809,11808,11807,11806,11805,11804,11803,11802,11801,11800,11799,11798,11797,11796,11795,11794,11793,11792,11791,11790,11789,11788,11787,11786,11785,11784,11783,11782,11781,11780,11779,11778,11777,11776,11775,11774,11773,11772"]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Maxkamad Dambi La’aan Ka Dhigtay Madaxweyne Hore Ugu Xukunnaa Xabsi Daa’im

Ca’ira:Nov,29,2014(Himilo)-Madaxweynihii hore ee Wadanka Masar Xusni Mubarik ooh ore maxkamadi ugu xukuntay Xabsi Daa’im ayaa Maanta maxkamadii mar kale sheegtay inay ku wayday Wax Dambi ah.

daaeXusni Mubarik oo dalkaas soo xukumayey Muddo Soddon ah, ayaa hore loogu helay inuu lug ku lahaa dilka Boqolaal Qof oo ka qaybgelayey Dibad-baxyo isaga ka dhan ahaa, kuwaas oo dhacay xilligii xilka laga tuurayey.

Kulanka Maxkamadda oo saaka ka dhacay xarunteeda magaalada Al-Qaahira ayaa lagu sheegey inaanu lahayn wax dembi ah Mubaarak iyo wasiirkiisa arimaha gudaha iyo laba wiil oo uu isagu dhalay.

Maxamed Xusni Mubaarak ayaa ku dhowaad laba sano waxa uu ku jiray gacanta Xukuumadda Siisi,waxaana haatan la sheegey inaanu lahayn wax dembi ah,taas oo u muuqata mid aan waxba ka jirin,maadaama Ciidanka masar dhamaadkii sanadkii 2010 ay geysteen gumaad Banii Aadamnida ka baxsan.

 

Himilo Media

Turkiga Oo Dib Boodhka Uga Jafaya Wada-hadalladii Somaliland iyo Somalia u dhexeeyey oo Muddo-dhaafay

Stanbul:Nov,29,2014(Himilo)-Dawladda Turkiga ayaa Bilowday tallaabo ay ku derdergelinayso Wada-hadalladii u dhexeeyey somaliland iyo Somalia oo marar badan dib u dhac badani ku yimi.

bodeShalay waxa Magaalada Stanbul ee Dalka Turkiga gaadhay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada ee Somaliland, waxana la filayaa inay dhawaan Halkaas gaadhaan Xubno kale oo kamid ah Wafti ka socda Somalia, waxana laga wada Hadli doonaa Qaabkii loosii Amba qaadi lahaa wada Hadalka labada dhinac oo haatan la doonayo in dib loo bilaabo.

Tallaabada Haatan taagan ayaa ah sidii labada dhinac wax iskaga weydiin lahaayeen Arrimihii ku jirey Qoddobadii kasoo baxay Shirarkii hore, kuwaas aan labada dhinac sidii la rabay u dabakhin, waxana la filayaa in la sameeyo Xoghaymo si joogto ah arrimaha labada dhinac iyo ajandayaasha Wada-hadallada iskugu duba rida.

Shirkan wadahadalka labada dhinac ayaa hore u baaqday sanadkan gudihiisa dhowr goor,ka dib markii cabasho kawada timid labada dhinac oo mid goonidii mar u baajiyey inkastoo Somaliland dowladda federaalka ku eedeeysay baajinta shirarka wada hadalka.

 

 

 

Himilo Media

Ma dhab-baa in xukuumada Jabbuuti ciidamo ka qoranayso gudaha Somaliland iyo ujeedada laga leeyahay

Hargeysa 29 November, 2014 (Himilo)- Xukuumada Jabuuti ayaa la sheegay inay qorshaynayso sidii ciidamo boqolaal gaadhaya uga qoran lahaayeen gudaha Somaliland.
Sida shalay lagu baahiyey wakaaladda wararka ee Indian Ocean Newsletter, ciidamada Jabuuti ee loo yaqaan Ilaalada Qaranka (The Republican Guard) ayaa u doontay helitaanka ciidamo dalka Somaliland.
Warka ku saabsan ciidamo cusub oo xukuumada Jabuuti ka qoranayso Somaliland ee wakaaladu qortay oon faahfaahin badan lagu qorin ayaa lagu sheegay in boqolaal ciidamo ah loo doonayo ciidanka Ilaalada Qaranka ee jabuuti laga qoranayo Somaliland.
Arrinka qorashada askar cusub ee ciidanka Ilaalada qaranka oo u xilsaaran amaanka guud ee xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegaya in intooda badan laga qori doono shacabka degan degaamada u dhow xuduudka jabuuti, ee dhalashada ay wadaagaan.
Dhinaca kale, noomay suurto galin inaanu khadka taleefanka ku helno maamulka gobolka salal oo ah deegaamada la sheegay in dawlada jabbuuti inay ciidamo ka qoranayso.
Himilomedia.com,
Hargeysa-Somaliland

Golaha Wakiillada Somaliland Oo Durduro Ku Ansixiyey Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Hargeysa:Nov,29,2014(Himilo)-Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta Cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xubanaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Shanta Sanadood ee Soo Socota.

macooFadhiga Maanta ee lagu ansixinayey Komishanka Doorashooyinka qaranka, ayaa shirguddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), waxana ku sugnaa 70-Mudane, waxana Halkaas laga akhriyey Taariikh Nololeedka Xubnaha Cusub ee loo soo xulay Komishanka oo saaka halkaas ku sugnaa dhammaantood.

Xubnahan oo ka kooban Lix nin iyo Hal Gabadh ah, ayaa mid mid loogu codeeyey, waxana dhammaantood ay heleen cod isku mid ahaa oo ahaa 69-kii mudane ee dhammaantood halkaas fadhiyey, iyadoo aanay jirin cid diidday iyo cid ka Aamustay midnaba.

Xubnahan ayaa xilka hayn doona Muddada shanta sano ee soo socoto,waxana la filayaa inay dhawaan la wareegeen shaqadooda oo haatan ay si ku meel-gaadh ah usii hayaan Xubnihii hore ee Komishanka doorashooyinka qaranka oo iyaga haatan xilkoodu dhamaaday.

Shaqooyinka ay xubnahan qaban doonaan, ayaa waxa kamid ah sidii ay u qaban qaabin lahaayeen Doorashooyinka Madaxtinimada, Baarlamaanka iyo Dawladaha Hoose, waxana ay isku dubbaridi doonaan shuruucda     iyo qaanuunka lagu geli doono Doorashooyinka soo socda oo la filayo inay dhacaan Sanadka 2015-ka, kuwaas oo iskugu jira Madaxtinimada iyo Baarlamaanka.

Todobada Xubnood ee saaka la ansixiyey ayaa kala ah sidan soo socota:

 

  1. Siciid Cali Muuse

  2. Cabdiraxmaan Aadan Sigad

  3. Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi

  4. Cabdifataax Ibraahim Xasan

  5. Maxamed Xasan Wacays

  6. Cabdiqaadir Iimaan Warsame

  7. Maxamed Jaamac Maxamed


 

 

 

Himilo Media

Hay’adda WFB oo Shuruudo ku xidhay qorshe ay Xukuumaddu ugu bandhigtay iibsiga Raashinka ay Beeralayda Somaliland soo saaraan

“Waxaannu isla qaadannay WFB in Guddi wada-jir ah la magacaabo oo qiimaysa buuxinta Shuruudahaas iyo in la helo...Waxay arrintani dhiirrigelin u tahay Beeraladayda Somalililand inay kordhiyaan...” Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe-Shiine: Waraysi Gaar Ah
Gabiley, 29 Nov, 2014-(Himilo)- Hay’adda Cuntada Adduunka u qaabbilsan Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee WFB iyo dawladda Somaliland, ayaa ka wadahadlay arrimo la xidhiidha sidii ay Hay’addaasi cuntada caawimada ah ee ay dalka keento uga iibsan lahayd Beeralayda reer Somaliland, waxaanay Hay’addu ku xidhay hirgelinta arrintaas fulinta iyo hirgelinta dhawr qodob oo sal u noqon kara in qorshahaasi guulaysan karo.
Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Sheene) iyo Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhinta Raashinka Caawimada ah ee WFB u qaabbilsan Somaliland Yuusuf Cismaan Garas, ayaa Khamiistii kulan arrimahaas lagaga wadahadlay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley kula yeeshay Madaxa Xafiiska Hay'adda WFP ee Somaliland Mr. Achille Aka.
wfpHaddaba, Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine) oo Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo Wargeyska Himilo ka tirsani Khadka Taleefanka xalay wax kaga weydiiyey qodobbada ay ka wadahadleen Masuulka Somaliland u fadhiya Hay’adda WFB, ayaa sheegay inay isla-qaateen WFB inay Raashinka Beeralayda dalku soo saaraan ay ka iibsato halkii ay Caawimooyinka ay keento ka soo dhoofin jirtay dalka dibeddiisa, balse ay shuruudo dhawr ah ku xidhay hirgelinta arrintaas.
“Madaxa WFB waannu kulannay shalay, waxyaabaha aannu ka wadahadalnayna waxa ugu muhiimsanaa laba qodob oo kala ah: Cabashada ah Xilliga Beeruhu soo go’aan inay Raashin keenaan iyo inaanay ka iibsan Beeralayda dalka wax raashin ah, markaa aniga iyo Maareeyaha xidhiidhka Raashinka Somaliland ee WFP, ayaa la kulannay Madaxa Xafiiska Somaliland ee WFB Mr. Achille Aka iyo Wefti la socda noogu yimi Gabiley, waxay yidhaahdeen markii aannu qodobbadaas u bandhignay kuma beegno xilliga raashinku soo go’o caawimadayada ee xilliga baahidu jirto ayaannu ku beegnaa oo mar baahiyi jirto ayuun baannu keennaa. Waxaanay nala qaateen inay ka iibsanayaan Beeralayda Somaliland inay ka iibsadaan Raashinka ay soo saaraan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe-Shiine.
Waxaanu Guddoomiye Shiine oo sharraxaya nuxurka shuruudo ay Madaxda WFB ku xidheen hirgelinta qorshahaas, waxaanu yidhi; “Waxay nagu xidheen dhawr qodob oo kala ah in Beeralaydu soo saarto Raashin ku filan Raashinka ay Hay’ad ahaan u baahan yihiin oo illaa 100,000 (Boqol kun) oo Mitirtan ah inay Beeralaydo soo saaraan iyo weliba Raashinkii iyagu Beeralay ahaan ay cuni lahaayeen. In Raashinka laga iibsanayaa noqdo raashin tayo leh. Waxay yidhaahdeen markaannu isku dayno inaannu raashin ka iibsanno waxay dadku kor u qaadeen qiimaha oo Galaanka oo Kun Shilin ah haddaannu isnidhaahno iibsada shan kun baa la odhanayaa bay yidhaahdeen, markaas waxay noo soo jeediyeen in taasna aannu wax ka qabanno oo Beeralayda kala hadalno in Sicir fiican wax lagaga iibiyo, qodobbadaas ayaa ugu muuhimsanaa waxyaabaha aannu ka wadahadalnay Masuuliyiinta WFB.”
Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine) waxa uu sheegay waxyaabaha kale ee ay isla qaateen Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFB inay ka mid yihiin in Guddi la sameeyo, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waxaannu isla qaadannay qolada WFB in dawladda Somaliland iyo WFB Guddi ay soo magacaabaan iyaga iyo xidhiidhiyaha Raashinka ee Somaliland, ka dib aan isla eegno tayada Raashinka loo baahan yahay, heerka awoodeed ee Beeraladayda, siday wax u soo saari karaan iyo qodobbo la hal-maala. Waxa kale oo aan kala hadlay Madaxda WFB in gobolka Gabiley xarumo Raashin-quudin ah mooyee aanay ka hirgelin wax kale oo horumarka ku saabsan, sida Ceelal-biyoodyo oo kale, taasna way ka garaabeen waxay yidhaahdeen Codsi soo qorta gobol ahaan, markaa codsigaasna waannu u qoraynaa insha ALLAAH, waxaanannu ka rejaynayna guul iyo inay hawshaas bilawga ahi si fiican u dhammaato.”
Mustafe-Shiine oo su’aal aan ka weydiiyey, sida ay Beeraladayda Somaliland, gaar ahaan reer Gabiley u dabooli karaan baahidaas Raashinka, isla markaana u buuxin karaan shuruudaha ay Hay’addu ku xidhay, waxa uu ku jawaabay; “Waxaannu ku dedaalaynaa inaannu Beeralayda ku dhiirrigelinno inay awood wax-soo-saar yeeshaan, marka hore waxaannu doonaynaa in Beeralaydeenna ay WFB ka iibsato Raashinka ay caawimo ahaanta ugu bixin lahayd dalka gudihiisa oo Raashinkeennu ku filnaan karo dalkeenna gudihiisa, marka dambe ee ay Beeralaydo Raashinkii gudaha iibiyaan ee ay baahida gudaha daboolaan waxay ku dhiirran doonaan inay kordhiyaan wax soosaarkooda hadday qalab tahay, hadday iskaashi tahay iyo hadday caawinta dawladda tahayba ay yeeshaan tamar inta ay maanta leeyihiin ka badan, waxay soo saaraan hadda ay ka badiyaan wax soo saarkooda oo Baahida Raashin ee Hay’adda iyo ta gudaheennaba ay dabooli karaan.”
“Waxaa noo qorshayn inaannu Hay’adda Beeraha Adduunka ee FAO kala hadalno sidii ay kor ugu qaadi lahayd wax soo saarka Beeralayda reer Somaliland, gaar ahaan gobolkan aan Guddoomiyaha ka ahay ee Gabiley oo ka mid ah deegaannada Beeraha Hodanka ku ah dalkeenna. Markaa, waannu aad ugu rejo waynahay in arrintan lagu guulaysto insha ALLAAH.” Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe-Shiine.
Sidoo kale, Maareeyaha Somaliland u qaabbilsan Xidhiidhka Raashinka ee Hay’adda WFB Yuusuf Cismaan Garas, ayaa markii uu ka soo noqday socdaalkiisaasi Gabiley Warbaahinta uga xog-warramay ujeeddada socdaalkoodaas, ayaa sheegay inuu ku taxaluqo soo indho-indhaynta xaaladda gobolkaas, isla markaana sheegay inay ku qanciyeen Hay’adda WFP inay raashinkii ay dibedda ka keeni jirtay ay ka iibsato Beeralayda Somaliland.
Garas waxa uu xusay inuu socdaalkoodaasi daarnaa sidii ay u dhiirri-gelin lahaayeen wax-soosaarka dalka si uu hore ugu sii mariyaan Muwaaddiniinta Somaliland wax soosaarkooda. “Xukuumad ahaan waxa naga go'an sidii aannu u dhiirri-gelin lahayn wax-soo-saarka Beeralayda dalka, Xukuumad ahaan waxa aannu ku qancinnay Hay'adda WFP, in ay dhiirri-geliyaan wax soo saarka Beeralayda dalka, oo ay Hay'adda WFP. ka iibsato Beeralayda dalka Raashinka ka soo go'a, Beerahooda. Arrintaasna si rasmi ah ayaannu guul uga gaadhnay, Badhasaabka Gobalka Gabiley-na xafiiskiisa ayuu nagu qaabilay, Madaxdii Hay'adda WFP, way nala qaateen arrintaas, wxaanay noo caddeeyeen in ay diyaar u yihiin iibsashada cuntada waddaniga ah ee aynu Beeranno.”
Maareeyaha hay’adda xidhiidhka raashinka Somaliland waxa uu ugu baaqay beeralayda dalka inay ka faa’idaystaan fursadaan oo ay libin-laabaan wax soo saarkooda, kaasoo qorshaas cusubna ku tilmaamay mid lagama maarnaan ah. Waxaanu kula dardaarmay Beeralayda in ay ilaaliyaan tayada Raashinka, oo marka dallaga la jaro ay waajib tahay in la dhigo meel nadiif ah oo aanay waxyeello ka soo gaadhayn, isagoo u mahad-celiyey Guddoomiyaha gobolka Gabiley oo uu sheegay inuu si fiican uga qayb-qaatay hirgelinta heshiiskan hor-dhaca ah ee ay WFB isla afgarteen.

Himilomedia.com,
Hargeysa-Somaliland

Waxaan Safar Kooban ku Tegi Doonaa Dalka Turkiga oo uu igaga sii Horeeyo Wasiirkii Arrimaha Dibeda Somaliland

Hargeya (Himilo) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa ka warbixiyey ujeedada socdaal uu ugu ambabaxay dalka turkiga.
Wasiir xirsi ayaa qoraal uu kaga xog waramo ujeedada socdaalkani waxa uu ku baahiyey barta internetka uu ku leeyahay ee la yidhaa Guusha.com waxaanu u dhignaa sidan:-
“Ujeedada Safarkan ayaa ah sidii aanu Gogol xaadh uugu sii samayn lahayn Wada Hadalladii Somaliland iyo Dalka aanu jaarka nahay ee Somalia oo dib u furmi doona”
Waxaa saacado kooban laga joogaa kadib markaan ka soo duulay Gegada Diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport.

xirsiSafarkan oo Insha Allahu qaadan doona Maalmo Kooban ayaan ku tegi doonaa Dalka Turkey-ga , halkaas oo uu igaga sii horeeyo Wasiirka Arrimaha Dibeda Jamhuuriyada Somaliland Mr. Maxamed Biixi Yoonis.

Ujeedada socdaalkan ayaa ah sidii Gudi ka socota Somaliland iyo kuwo ka socda dalka aanu jaarka nahay ee Somalia ay gogol xaadh uugu sii samayn lahayeen wada hadaladii Somaliland iyo dalka aanu jaarka nahay ee Somalia oo dib u furmi doona isla markaana waxaanu diyaarin doonaa gudidii horay loogu balan sanaa in la sameeyo “Secretariat Team”

Maaha markii uugu horaysay ee ay Somaliland ka qaybgasho madal ay caalamka ku barayso xaqiiqda ka jirta dalka Somaliland balse masuuliyiinta iyo shacabka reer Somaliland waxaa ka go’an in ay xaadiraan goob walba oo ay ku soo dhacsan karaan waxa ay caalamka xaqa uugu leeyihiin oo ah in ay helaan Ictiraaf Caalami ah.

Waxaan Aaminsanahay in safar walba oo aad u dheer uu hal talaabo ka bilaabmo, Safarka ay Somaliland uugu jirto xaqiijinta Himiladeeduna yahay mid guul ku dhaw.

Wa Bilaahi Tawfiiq.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Friday, November 28, 2014

Britain Oo Hirgelisay Qorshe Ka Dhan Ah Soogelootiga Dalkeeda Kaga Imanaya Dalalka Yurub

London:Nov,28,2014(Himilo)-Dalka Britain ayaa shaaciyey qorshe cusub oo hoos loogu dhigayo dadka Soo Gelootiga ah ee kaga imanaya Dalalka kale ee isla midowga Yurub ka tirsan, kuwaas oo si xawli ah ugu gudba dalkaasi.

cameronArrintan oo Dalku si weyn uga fikirayey ayaa waxa ku dhawaaqay Ra’isal wasaare Cameron, waxana uu tilmaamay inay tahay tallaabo loo baahnaa oo lagama maarmaan ahayd xilligan.

Qorshaha Cameron ayaa waxaa kamid ah dadka kasoo guuraya dalalka kale ee Midowga Yurub ee raba inay degaan UK, in aan lasiin doonin lacagta Caydha 4-ta sano ee ugu horeysa.

David Cameron ayaa sidoo kale doonaya inuu wax ka bedalo lacagta lasiiyo dadka shaqada ka dhamaatay ee kasoo jeeda dalalka kale ee Midowga Yurub.

Halkaas kuma eka qorshaha Cameron wuxuu sidoo kale doonayaa in dadka soogalootiga ah ee aan shaqo ku helin muddo 6 bilood gudahood ah inay dalka UK isaga baxaan.

Hogaamiyaha UK ayaa sheegay in hadii qorshihiisan ay horjoogsadaan dalalka kale ee Midowga Yurub uu go’aamin doono in dowlada UK isaga baxdo Midowga Yurub.

Wuxuu qorshahan kusoo beegay Cameron xili ay muddo bilo ah ka hadhsan tahay doorashada guud ee wadanka UK, waxaana xisbiga Cameron culeys iyo loolan weyn uga imanayaa xisbiyada xagjirka ah ee kasoo horjeeda dadka soogalootiga ah sida UKIP.

 

Himilo Media

Madaxweyne Gaas Oo Ku Baaqay Shirweyne Qaran Oo Beelo Deggen Gudaha Somaliland Uu U Qabanayo

Garowe:Nov,28,2014(Himilo)-Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqasho ku jooga Magaalo xeebeedda Boosaaso, ayaa ku baaqay shirweyne qaran oo uu sheegay inuu u qabanayo beelaha maamulkiisa ku abtirsada, balse wali saluugga muujinaya.

cabdiweli gaasMudane Gaas waxa uu sheegay in shirweynahaas oo ujeeddadiisu tahay sidii beelaha maamulkiisa hoosyimadda loo heshiisiin lahaa, waxana uu shirkaasi qabsoomayaa 20-bisha January ee sanadka cusub, isagoo socon doona Muddo 10-cisho ah.

Wararka u dhoon daloola madaxtooyada maamulkaas, ayaa sheegaya in ujeeddada shirku yahay in Beelo deggen deegaanno ka tirsan Bariga Gobollada sanaag iyo Sool oo Gudaha somaliland ah la doonayo sidii shirkaas loogu casuumi lahaa, maadaama maamulkaasi sheegto inuu dhulkaas leeyahay.

Goobo kamid ah dhulkan ayaanay joogin somaliland, waxana haatan ku sugan Kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali Khaliif, waxana uu Madaxweyne Gaas doonayaa inuu Waxgaradka Deegaankaas Shir ugu qabto Gudaha Puntland.

Deegaanka uu Madaxweyne Gaas doonayo inuu dadka deggen shir ugu baaqo ayaa gebi ahaanba ah Somaliland, waxase jira Siyaasiyiin kasoo jeedda oo ku jira Maamulkaas, kuwaas oo Warbaahinta ka sheego in dhulkaasi yahay Puntland.

Baaqa shirkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo dhowaan uu Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh uu ku eedeeyay dowlada federalka inay maamulkiisa diidan tahay.

 

Himilo Media

Maxkamad Ku Taalla Bristol Oo Lasoo Taagay Dhallinyaro Soomaaliyeed Oo Kufsi ku Eedaysan

Bristol:Nov,28,2014(Himilo)-Maxkamad ku taalla magaalada Bristol ee carriga ingiriiska, ayaa waxa lasoo taagay 13-Ka mid ah Soomaalida Halkaas deggan kuwaas oo lagu eedeeyey inay kufsadeen Hablo dhallinyaro ah oo halkaas deggen.

Somali gang court caseWiilshan ayaa la sheegayaa inay si badheedh ah u kufsadeen Afar Hablood oo da’yar, kuwaas oo saddex kamid ahi caddaan yihiin, halka midda kalena ay tahay iska dhal.

Wiilshan ayaa qaar kami dah lagu riday Xukunno dhaadheer, halka qaar kalena la sugayo in maanta oo jimce ah xukunkooda la soo saari doono, waxana muuqata in kiiska lagu hayaa yahay mid ciqaab dheer ay ku mutaysan karaan.

Ciidamada Magaalada Bristol ayaa muddo dheer ku raad-joogay wiilshan da’yarta ah, waxana ugu dambayntii u suurtashay inay gacanta kusoo dhigaan, isla-markaana ay maxkamadda sharciga ah horkeenaan.

Wiilshan ayaa da’doou u dhaxaysaa 14-23, waxana la sheegay inay hablahan ku kufsadeen Goobo Huteelo ah, iyagoo qaarkood xidhiidho la leh kooxo Daroogo ku hawllan oo dalkaas ka jira.

 

Himilo Media

Thursday, November 27, 2014

Ujeeddada uu xambaarsan yahay Socdaal aan hore loo sii shaacin oo Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku gaadhay Dalka Turkiga

Qodobbada lagaga wada-hadlayo Kulan maanta magaalada London ku Dhexmaraya Dawladaha Turkiga iyo Ingiriiska

Ankara, 27 Nov, 2014 (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa socdaal qarsoodi oo aan warbaabinta loo soo bandhigin ujeeddada uu xambaarsan yahay kaga baxay dalka maalintii Isniinta ee todobaadkan, isaga oo isla shalayba gaadhay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

wasiirMa jiro wax war ah oo Wasaaradda Arrimaha dibaddu ka soo saartay Safarka Wasiirka, haseyeeshee ilo-wareedyo Wargeyska Himilo helay ayaa sheegay in socdaalka wasiirku la xidhiidho kulamo uu dawladda Turkiga kala hadlayo hirgelinta qodobbo ay xukuumadda Somaliland kala hadashay Safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta xafiis qaabilsan isku-xidhka labada waddan oo Somaliland ka furanayso magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Sida ay ilo-wareedyadani tibaaxeen, wasiirka Arrimaha Dibaddu, waxa uu dawladda Turkiga u soo bandhigi doonaa mowqifka Xukuumadda Somaliland ka taagan tahay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo qaabka dawladda Turkigu ula macaamisho labada dawladdood oo Somaliland saluug xooggan ka muujisay. Sidoo kale waxa la filayaa in Wasiirku kala-hadlo dawladda Turkiga sidii loo dar-dar-gelin lahaa wada-hadalladii u socday labada waddan oo tiraba dhowr jeer dib-u-dhacyo ku yimaaddeen.

Warku waxa u intaas ku daray, in Wasiirka Arrimaha Dibaddu magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga kula kulmay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turkiga, isla markaana ay ka wada-hadleen sidii dawladda Turkigu u suurto-galin lahayd xafiis dibloomasiyadeed oo Somaliland ka furato dalkaas, kaas oo madaxweyne Recep Dayyib Erdogen hore u ballan-qaaday wakhtigii uu ahaa Raysalwasaaraha Turkiga.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay inay saluugsan tahay siyaasadda dawladda Turkigu ku waddo dhex-dhexaadinta labada waddan, isla markaana ay tuhunsan tahay inaanay dhex-dhexaad ka ahayn wada-hadallada labada waddan, siyaasaddooduna u jan-jeedho dhinaca Soomaaliya. Sidaa awgeed, lama oga in ujeeddada socdaalka wasiirku la xidhiidho inuu dawladda Turkiga kala hadlayo tabashada Xukuumaddu ka muujisay dhex-dhexaadnimada Dawladda uu hoggaamiyo madaxweyne Reccep Dayyib Erdogan.

Kulan madaxweynaha Somaliland horaantii bishan magaalada Hargeysa kula yeeshay Safiirka dawladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Olgan Bekar, waxa uu madaxweynuhu ugu gudbiyey saluug ay Xukuumaddiisu ka qabto nidaamka ay Dawladda Turkigu kula macaamisho labada waddan Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo u muuqda mid aan dhex-dhexaad u ahayn labada waddan, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda oo madaxweynaha ku wehelinayey kulanka dhexmaray Safiirka Turkiga.

“Waxa kale oo ugu muhiimsan ee aannu ka wada-hadallanay waxtarkii ay noo ballan-qaadeen. Reysal-waaarihii hore immikana Madaxweynaha Turkiga ah markii aannu la kulannay wuxuu nagu yidhi si wada-jir ah baannu idinka iyo Xamarba idiin siinaynaa. Xamar waxa la siiyey waannu ku faraxsannahay, laakiin waxaannu jecelnahay sida Xamar wax loo siiyo si mudan oo le’eg in Somaliland wax loo siiyo,” Sidaas waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlayey natiijada kulanka dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Turkiga oo 8-dii bishan November socdaal ku yimi dalka.

Dhinaca kale, wufuud sar-sare oo ay hoggaaminayaan Wasiir ku-xigeennada Arrimaha Dibadda dalalka Ingiriiska iyo Turkiga, ayaa maanta ku kulmaya magaalada London, waxaanay kulankoodaad wada-tashi kaga yeelan doonaan arrimo khuseeya maslaxadda iyo danaha siyaasadeed ee ka dhexeeya labada waddan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu baahiyey bogga Internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga Danjire Feridun SinirlioÄŸlu iyo ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska Sir Simon Fraser, ayaa maanta ku kulmaya London, waxaanay wada-xaajoodkooda kaga wada-hadli doonaan xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan iyo arrimo khuseeya in dalka Ingiriisku ka taageero Turkiga sidii ay ugu biiri lahaayeen Midowga Yurub.

Waxa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in labada waddan ka wada-hadli doonaan arrimaha siyaasadeed ee ka taagan qaaradda Yurub iyo guud ahaan Caalamka, waxaana si gaar ah loo xusay xaaladaha ka taagan dalalka Suuriya iyo Ciraaq oo la filayo inay ka wada-hadleen. Haseyeeshee lama hubo inay ka wada-hadli doonaan arrimaha siyaasadeed ee Somaliland iyo Soomaaliya, maadama labada waddan kaalin muhiim ah ku leeyihiin wada-hadallada u dhexeeya labada waddan.

Waddanka Turkiga ayaa gacanta ku haya marti-gelinta wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyey hakad galay, waxaana kala wareegtay dawladda Ingiriiska oo marti-gelisay shirkii u horeeyey ee ibo-furka u ahaa waddamada u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Prof Gees oo iftiimiyey Gal-daloolooyinka Maamul, Siyaasadeed iyo Sharci ee Salka u ah Khilaafka Wakiillada, Talooyinna ka dhiibtay

Hargeysa, 27 Nov, 2014-(Himilo)- Prof: Maxamed Siciid Gees, ayaa dhalliilay mushaakilaadka Muranka soo noqnoqda ee Golaha Wakiillada Somaliland hadheeyey sannadkii u dambeeyey, kaas oo ay ugu yaraan laba jeer sulux iyo isu-soo-dhawayn ku xalliyeen Golaha Guurtidu, waxaanu Prof: Gees soo jeediyey talooyin uu ku tilmaamay kuwa wax lagu hoggaamin karo, isagoo fayday gal-daloolooyinka Maamul iyo Siyaasadeed ee Golahaas oo macno ahaan uu hawraar iyo hadal-ba ku qaawiyey.

geesProf: Gees, waxa uu arrimahan iyo kuwo kale si cilmiyan ah iyo si caqliyan ah oo uu taariikh soo jirto ah iyo dhaqan Soomaaliyeed-ba kaga faallooday Taxanihiisa uu qoro ee Dharaaro Xusuustood oo sida caadada ah uu Khamiisaha soo saaro. Waxaanu qormada toddobaadkan oo ah Qeybtii 34-aad ee Dharaaro Xusuustood, waxaanu qoraalka qormadani u dhignaa sidan:- “Ka hadh baan lahaa, hadal haan ma buuxshee, hore ugu mar baan idhi, waa lagu habsaamee, caawaana hirkaan degay, ma Hargeysa weyn-baa, Hoobaynta siyaasadda baan galay halkaygii..Kontomeedyadii ayaa la odhan jiray Siyaasadda Somaliland waxa laga hagaa labada Fooq ee isu sanqanaya (Kii Ina Jibriil iyo kii Ina Cumar Xaashi); hadda waxa laga wada tuulooyin isu-sanqanaya. Markaas hore ayaaba Fooqyo la fuushanaa ee hadda Tuulooyin iyo boodhkii ayaa lagu legdamayaa: Gar-adag, Daalo, Agabar, Xingalool, Xeego, Saaxdheer, Balligubadle, Dubur, halkaas ayaa lala aaday siyaasaddii Qaranka.

Waxa laga carararyaa ilbaxnimada, aqoonta iyo internet-ka, telefoonka, skybe-ga iyo (flush toilets), waxa la tegayaa meelo Banka loo kor-tago. Siyaasadda lagaga hadlayo iyo dawladaha meelahaas lagu soo samaynayaa ma tahay mid horomar higsan doonta? Mise Tuulo cusub ayey samayn doontaa? Dadweynaha Somaliland 70% waxa ay ku nool yihiin magaalooyinka ee miyiga iyo tuulooyinka kuma noola waa tii laga soo hayaamay ee maxaa talada loogala cararayaa dadka magaalooyinka buuxa?

Hore ayaa loo sheegay sacabka maxaa habeenkii loo tumaa, haddii aan xeeladi ku jirin? Ma nafteenna ayaa jecel miyigaa iyo bannaanka furan ee cidlada ah, oo neceb daaraha iyo gidaarada iyo wadooyinka iyo urta kala duwan ee magaalooyinka.

Waxay nafta Soomaaliyeed u heellan tahay deegaanka dhirta iyo Hawd iyo caleen iyo Duur-joogta ay ka mid yihiin iyo Shimbiraha ee ilbaxnimadan iyo dunidan macmalka ah ma jecla! Xaalku ma sidaas baa oo tuulooyinka iyo duurka cidlada ah marka la tago ayaa waxyigu ku soo degaa? Haddii ay sidaas tahay maxay dhallinyaradu Badda isugu tuurayaan oo ay u tahriibayaan?

Nin Gabyaa ahaa oo Maraykana oo la odhan jiray (Robert Frost) ayaa gabay tiriyey uu ku magcaabay “Mending a wall “ama Derbi la dhigayo kii Soomaalidu odhan jirtay derbi doqon dhigay haddu dumayaba hataanba ha dumo!.

Gabayga ayaa ku bilaabma “Something there is that doesn’t love a wall” waxa jira wax aan gidaarka jeclayn... Waxa uu ku sheegayaa sida gidaarada ay wax waliba u dumiyaan, xayawaanka, cimilida iyo cayayaankuba. Xaalku ma sidaas baa deegaanka ayaa dhab ah?. Bal adba!.

Markii Somaliland xorriyaddeeda qaadatay ayaa xafiisyadii Khawaajayaashu fadhiyeen, waxa beddelay Rag muwaaddiniin ah. Raggii ayaa la saluugay. Gaagaalihii suuqa joogay ayaa deeto sheeko sameeyay oo yidhi; ‘Waar meeshii KARAL (Currall, oo ahaa nin Ingiriis oo maamulka iyo hawlaha dalka kala socodsiin jiray.) fadhiyey ma hebello ayaa fadhiistay? Qoladiina waxay yidhaahdeen kuwa na beddeli doona ee naga dambeeya ayaad ka yaabi doontaan ha sugi waayina, waa kii Wakiillada Xisbigu beddeleen.

Hadda meeshii Marxuun Qaybe, Jirde iyo Oday Cilmi fadhiyeen ee ay oggolaadeen in illaa mooshin xil-ka-xayuubin ah, oo lagu soo oogay Madaxweyene Marxuun Cigaal, in la soo dhigo oo loo codeeyeyo, kaas oo dirqi lagu jebiyey oo cidina isku qabsan waxa beddelay kuwa maanta Ciidammo Boolis ah la kala dhex-dhigay.

Xubnihii Golaha iyo Shir-guddoonkii oo kala qaybsamay oo laga baqay inay isugu dhacaan. Cadkeedley, kuwa soo socda ayaad kaa yaabi doontaa waa halkeedii eh. Suluxii hore ee Guurtidu ku kala hagtay labadii kooxood ee Golaha Wakiillada ee is-hayey, waxa la sheegay inaanu dhammaystirnayn, mar haddii hoos-u-dhigidii tiradii xilka lagaga qaadayey Shirguddoonka uu sideedii u daayey, oo ay la mid noqdeen Maayerrada magaalooyinka ee haldheerida codka lagaga xayuubin karo xilka. Murankii oo mar kale dilaacay haddana Guurtidii, ayaa nasiib-wanaag u gurmatay Golihii ay jaarka ahaayeen oo sulux kale ku guulaysatay.

Beel Goballada Bariga degta ayaa Suldaankoodii geliyey dagaallo aan joogsanayn iyo colaado aan dhammaanayn. Oday odayaasha beesha ka mid ahaa ayaa ku yidhi Suldaankii; ‘Suldaan ka daa reerka dagaalladan joogtada ah, ee aad Raggii ku riiqday.’ Suldaankii waxa uu ku jawaabay, ‘Nasiib ayaan ku leenahay dagaalka oo la igama guulaysto.” Odaygii waxa uu ugu celiyey ‘Suldaan, nasiibku miyaanu innaga dhammaanayn?’

Hadda waa yaab’e nasiibka Guurtidu miyaanu innaga dhammaanayn? Saw mar uun ma dhici doonto in qolo diiddo, markaas maxaa la yeeli doonaa? Hawsha Golaha Wakiilladu waxay u baahan tahay in wax-ka-beddelkii lagu sameeyey xeer-hoosaadkii lagu soo caano maalay ee lagu dhaqmayey muran la’aan 17 sano laga noqdo. Waa laga digay hawshaas mar hore, dhegse looma jalaq siin.

Yaaba Sabay furay waa saliid eh baa hore loo yidhi; “Sabay iyo Saliid waa laba tog oo ku yaalla Bariga Sanaag oo dhirta Dhamastu ka baxdo, ahna halka adduunka oo dhan ugu horreyntii geedkaasi laga helay. Waa dhulka macag la yidhaahdo ee Boqortooyadii Macag ama Balqiis ay ka talin jirtay oo af Soomaaliga oo far qadiim ah ku qoran laga helay).

Hadda ha lagu celiyo xeerka sidiisii hore ee ahaa 2/3 codka xilka lagaga xayuubin karo Shirguddoonka Golaha iyo inaan la furi karin Xeer-hoosaadka Golaha illaa muddada Goluhu dhammaato oo mid cusubi yimaaddo. Nin run yaqaanoow wax noo sheeg, nin Rag yaqaanoow na malay!.

Hawsha Golaha sugaysa ayaa mudan in la qabto oo xoogga la saaro; Ansixintii Guddiga Doorashooyinka, Ansixintuiin Miisaaniyad-Sanaddeedka 2015 ee Qaranka, Kabidda iyo wax-ka-beddelidda iyo Ansixinta Xeerkii Doorasha ee Golaha Wakiillada.

Waagii hore Raggu waxay u soo ciyaar-guddi jireen Reeraha Gabadhaha guur-doonka ihi joogaan, weligeedba cawayska habeenkii ee bulshadu ama ‘night club’-ku waa jiray. Qoladan gadh-dheerta ah ee Wahaabiyada soo xambaaratay ayaa diiddane.

Waxa la sheegay qolo soo ciyaar-gudday in cayaartii ka dhabaqday oo jaantii ay isla heliwaayeen sida Madaxda Soomaalida ku dhacda, deeto hormoodkii kooxda oo saluugay sida ay u dhacaysay ciyaartu baa ku baanay; “Ma sidaas ayaa Rag lagu yahay oo reer loogu soo cayaar-guday?” Ma sidaas ayaa madax lagu yahay oo dad iyo dal lagu hoggaaminayaa?.

Is-qabsigan soo noqnoqonaya oo sidii carruur allaalaxey isku darsatay, oo hadba kala soocanaya miyaa sii wadaya dalka! Mid aanu isku jifi nahay oo Golahaas ka mid ah ayaan la hadlay markii is-qabadku soo baxay, oo ku idhi war horta mudnaanta siiya ansixinta guddiga doorashooyinka iyo miisaaniyadda, deeto gala hawsha xeerka muranku ka joogo habraaciisa.

Waxa uu iigu jawaabay, “Ma yeelayno illaa arrinta xeerka ciddii ka dambeysay wax laga qabto oo xilka laga tuuro.” Dawacadii reerka xadhkihii yeesha ahaa ka cuntay waxay tidhi; ‘wallee reer aan ogahay ma guuro sawtaan yeeshii ay Awarta ku raran lahaayaan ka cunay . Tolaw yaa yeeshii inaga cunay?.”

Walaaca Baarlamaanka Kenya, Weedhaha Uhuru, Eedaynta Kiniisadaha, Jawaabta Culimada Islaamka iyo Baro-kaca Kiristanka Mandheera

Nairobi/Mandheera, 27 Nov, 2014-(Himilo)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa si adag uga hadlay xaaladda amni-xumada ah ee ka taagan dalkiisa iyo weerarkii ugu dambeeyay ee 28-ka qof ay Kooxda Al-Shabaab ku dileen Mandheera Sabtidii toddobaadkan.

Madaxwene Uhuru waxa uu sheegay inaanay suuragal ahayn in qofkasta oo reer Kenya ah nabadgelyadiisa la ilaaliyo, ka dib markii ay dadka Kiristanka ah ee aan Diinta Islaamka haysani ka qaxeen magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-Bari ee waddankaas. Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Kenya, ayaa iyaguna Salaasadii dood adag ka yeeshay arrimaha nabadgelyada dalkooda ee ka sii daraya, waxaanay sheegeen inaanay jirin meel keliya oo Kenya ka mid ah oo lagu nabadgeli karaa.

warka kenya (1)Sidoo kale, Ururka ay ku mideysan yihiin Kaniisadaha Kenya, ayaa shalay eedeeyay hoggaamiyayaasha Muslimiinta, iyaga oo ay Culimada Islaamkuna arrintaasi iska difaaceen. Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya oo Salaasadii ka soo laabtay Safar uu ku maqnaa, ayaa meesha ka saaray dhammaan eedaha dawladda loo jeedinayo ee ku saabsan sida ay u maareysay arrimaha amniga iyo la-dagaallanka argaggixisada.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa ka jawaabay dalabka dibed-baxyo Salaasadii ka dhacay dalkiisa oo ahaa inay Booliska Kenya ku guul-darreysteen sugidda nabadgelyada waddanka Kenya. Uhuru Kenyata oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Ma la heli doono Ciidammo ku filan oo ilaaliya qof kasta amnigiisa.”

“Masuuliyadda ilaalintu waxay saaran tahay Adiga iyo Aniga iyo qof kasta. Masuuliyadda ka hor-tagidda weerarradu waxay saaran tahay Adiga iyo Aniga. Haddaba, xittaa haddaan xoojinno amnigeenna, xittaa haddii aan aragno inay habacsanaani jirto, xittaa haddii aad soo bandhigtay habacsanaantaasi, waa inaan ogaannaa. Is casilaadda Boqlkiiba-boqol maaha mid bad qab ah, illaa aan ka aqbaleyno masuuliyadda amnigeenna naga saaran.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale, Ururka ay ku mideysan yihiin Kaniisadaha Kenya oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi Arbacadii shalay, ayaa eedeeyay hoggaamiyayaasha Muslimiinta Kenya, waxaanay tilmaameen inay waxba ka qaban waayeen weerarrada ka dhanka ah Masiixiyiinta. Peter Karanja oo ka mid ah dadkii War-Saxaafadeedka qabtay, ayaa Warbaahinta u sharraxay waxa ay ka hadlayaan.

“Masiixiyiinta hadda ma aamminayaan War-Saxaafadeedyada ay soo qorayaan hoggaamiyayaasha Muslimiintu, ee ay naftooda iyo Diinta Islaamka uga fogeynayaan weerarrada argaggixisada, markasta mid baa dhaca, hoggaamiyayaasha weligood ma sheegin wax caddeyn ah oo muujinaya inay qaadayaan tallaabo si ay uga hortagaan una difaacaan ficilladaasi dadka Masiixiyiinta ah ka dhanka ah, ka hor inta aanay dhicin.” Sidaa ayuu yidhi Peter Karanja.

Waxaanu intaas ku sii daray oo uu yidhi; “Waxaan rejeyneynaa inaan Muslimiinta oo dhan xasuusinno, inay ku nool yihiin meelkastoo Kenya ka mid ah, meelaha qaarna ay aad ugu yaryihiin, waxay ka faa’ideysanayaan sida Kiristaanka, is-dexgalka nabadda iyo xushmadda ee dalka oo dhan ka jirta. Haddaba, waa dantooda inay beddelaan Cadhada ka jirta Kaniisadaha Kenya.”

Sheekh Cabdilaahi Siraad oo u jawaabay Ururka Kaniisadaha Kenya, ayaa sheegay inaanay dooddaasi ku waafaqsaneen Kaniisadaha. Waxaanay Culimada Islaamku ku doodayaan inaanay Islaamku taageersanayn weerarka ay Kooxda Al-Shabaab ku dishay 28-ka qof ee Kiristaanka ah Sabtidii toddobaadkan meel u dhaw Magaalada Mandheera oo ku taalla gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya, dadkaas oo saarnaa Baabuur Bas ah oo ay Rakaab ahaan ula socdeen, isla markaana Kooxda AL-Shabaab ka tirsani markii ay qabteen u kala saareen Muslimiin iyo Kiristan, iyagoo dadkii Muslimiinta u sheegtay wakhtigaas aan waxba yeelin halka ay kuwii Kiristaanka ahaana Madaxa ka wada toogteen.

Doodda ka dhalatay weerarkii subixii sabtida ka dhacay meel u dhaw magaalada Mandheera, ayaa aad sare ugu sii keceysa, waxaanay hadda gaadhtay labada Aqal (Guurtida iyo Wakiillada) ee Baarlamaanka Kenya oo doodo adag ka yeeshay sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalkooda iyo dadkooda, iyagoo Mudanayaasha dooday qaarkood sheegay in nabadgelyadoodu halis ku jirto.

“Halkeen ku noolaannaa, Haddaan Baarlamaanka joogno waa nala dilayaa, haddaad bas raacno waa nala dilayaa, haddaan baar aadno waa nala dilayaa, haddaan baabuurkayaga kaxaysanno waa nala dilayaa, haddaannu Huteelka tagno waa nala dilayaa, haddaan gurigayaga joogno waa nala dilayaa, haddaba halkeen ku noolaan karnaa, waa inay dawladdu amnigayaga sugtaan.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Xildhibaannada Kiristaanka ah ee ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo ka qaybgalay dood adag oo Salaasadii Baarlamaanka dalkaasi yeeshay.

Xildhibaannada Baarlamaanka Kenya, qaarkood ayaa soo jeediyey in sugidda nabadgelyada dalka Kenya la xoojiyo, isla markaana Ciidammada Ammaanka dalkooda lagu daro kuwo Soomaali ah oo si gaar ah loogu tabobbaro ka hor-tagga iyo la-dagaallanka falalka argaggixiso ee lagu gumaadayo dadka reer Kenya sida ay dooddooda u dhigeen, isla markaana ay Ciidammadaas Soomaalida ah ka qaybgalaan sidoo kale la-dagaallanka Al-Shabaab.

Balse, Madaxda Ciidammada Amniga Kenya, ayaa sheegay in ammaanka aad loo adkeeyay, waxaana Ciidammo badan la geeyay Xuduudaha, gaar ahaan dhanka deegaanka Mandheera oo ku dhaw Xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.

Gudoomiyaha degmada Mandheera Cali Roba, ayaa meel fagaaraha ka gashay Arbacadii shalay, in dhammaan Basaska Rakaabka qaada ee ka tegi jiray Mandheera aanay bixi karin, iyadoo aanay ilaalo la socon. Waxaanu tilmaamay in amniga ay kawada shaqeeyaan dawladda deegaanka iyo dawladda  dhexe ee Kenya tan iyo intii ka dambaysay weerarkaas Sabtidii 28-ka Kiristaanka ah lagu dilay oo ay Al-Shabaab sheegatay Masuuliyaddiisa.

Sidoo kale, Boqollaal dad ah oo ka shaqaynayay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya, ayaa ku qaxay garoonka Ciidammada Cirka ee Kenya, ka dib markii magaaladaasi lagu weeraray gaadhi Bas ah, kaasoo lagu dilay 28 qof Sabtidii toddobaadkan. Inta badan dadkaasi dul-dagay garoonka Ciidammada Cirka Kenya, waa dad aan Muslim ahayn. Kuwaasoo sheegay in ay ka cabsi-qabaan in ay waxyeello ka soo gaadhto Malleeshiyada Al-Shaab oo gudaha dalka Kenya weerarro kala duwan ka fulisay dhawrkii sano ee la soo dhaafay, weerarradaas oo uu ugu dambeeyey kan Sabtidii toddobaadkan lagu dilay 28-ka qof ee reer Kenya.

Ururka ay ku midaysansan yihiin shaqaalaha Kenya, ayaa ku baaqay in macalkimiinta, iyo shaqaalaha caafimaadka ay isaga soo tagaan magaalada Mandhera iyo qaybaha kale ee Waqooyi-Bari Kenya. Dhammaan Duullimaadyada Diyaaradaha iyo Basaska Mandheera ka baxaya, ayaa buuxa oo aan lahayn meel laga raaco, Rakaabka magaaladaas ka tegaya ee qaybaha kale ee Kenya, gaar ahaan Caasimadda tegaya oo tiro ahaan badan.

Kenya Oo Dib u Furtay Masaajiddo Mombasa Ku Yaalla Oo ay Hore u Xidhay

Mombassa:Nov,27,2014(Himilo)-Xukuumadda waddanka Kenya, ayaa shaacisay inay dib u furtay Masaajido ku Yaalla Magaalada Mombassa, kuwaas oo lagu xidhay Hawlgallo ay ciidamada Ammaanku xidheen.

qe5Masaajidaddan ayaa la sheegayaa in lagu wareejin doono Hoggaanka Bulshada Muslimiinta ah ee Halkaasi ku Nool.

Go’aanka lagu furay masaajidaan oo kala ah Minaa, Sakina, Musa iyo Swafaa ayaa ka dambeeyay markii shir laba maalmood socday ay wada qaateen hogaamiyaasha muslimiinta iyo madaxda Deegaanka Mombasa.

Taliyaha ciidamada booliska ee Gobolka Mombasa Robert Kitur iyo golaha sare muslimiinta Kenya ee Supkem ayaa sidoo qeyb ka ahaa kulankaasi.

Faahfaahinta ku aadan waxyaabaha looga wada hadlay shirkaasi oo ay marti galiyeen Guddoomiyaha Mombasa Hassan Joho iyo gudoomiyaha Gobolka Nelson Marwa ayaan wali la shaacinin.

Guddoomiyaha Mombasa Hassan Ali Joho ayaa ugu baaqay bulshada Muslimiinta ay ay dib u bilaabaan cibaadadii ay ku gudan jireen masaajidyadan iyagoo aan wax cabsi ah qabin, hase ahaatee waxa uu masuulkan ka digay in arimo amniga lidi ku ah loo adeegsado goobaha cibaadada.

Joho waxa uu ka dhawaajiyay in aysan Booliska ka hor istaagi doonin xadhiga shaqsiyaadka ku xad gudba amniga, ayna sii wadi doonaan beegsiga dadka kasoo hor jeeda nabadgalyada.

hogaamiyaasha muslimiinta ayaa soo xulaya wadadaado joogta ah oo masaajidyadaas loo xil saarayo iyo gudi kormeerta dhaqdhaqaaqyada masaajidyadaan ku yaalla xaafadaha Kisauni iyo Majengo.

Goobahaan cibaadada ayaa albaabada la isugu dhuftay todobaadki hore, kadib markii ay booliska howlgallo ku soo qabteen in ka badan 250 dhalinyaro ah iyo hub la sheegay in ay isticmaalayeen.

 

 

 

Himilo Media

Boobe Yuusuf Ducaale Oo Khudbad Kicisay Dareenka Taageerayaasha Waddani Ka Jeediyey Munaasibad Lagu Soo Dhaweynayey Siyaasiyiin uu Ku Jiro

Hargeysa:Nov,27,2014(Himilo)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe) oo kamid ahaa Siyaasiyiin miisaan leh oo maanta ku biiray Xisbiga waddani ayaa faahfaahin ka Bixiyey waxyaaabaha ku kalliifay inuu xisbigaas ku biiro, isagoo si gaar ah u sheegay ujeedooyinka uu doonayo in lagu dhex gaadho Xisbiga.

haakMujaahid Boobe Waxa uu sheegay in isaga iyo inta ku Biirtay Xisbiga waddani ay yihiin koox doonaysa inay ka midho dhaliyaan Himilo fog oo ku qottonta khibrad iyo cilmi loogu sahan tegayo Bulshada reer Somaliland oo uu ku sheegay mid u baatan isbeddel dhab ah,

“Waxan nahay isbaddel doon, isbeddelkuna waa Badan yahaye waxanu ujeednaa Isbeddel togan oo caafimaad qaba oo dad iyo dalba la mahadiyo, waxa kale oo aanu kasii nahay Haakah ma sugtada Go’aansatay inaan mar dambe laga qaniinin God hore looga qaniinay, Waxanu ka Duwanahay Haakah Sugtada, waxanu nahay dad ka khatoobay filimada lasoo celceliyo ee sidii musalsallada loosoo celceliyo ee Indhihii iyo Dhegihiiba ka daalleen.” Ayuu yidhi Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.

Mujaahidka oo Hadalkiisa sii wata, isla-markaana u duurxulaya Dhaqanka Xukuumadda Kulmiye iyo Loollanka ay ku jiraan Rag hankooda Madaxtinimada Jeebka ku haystaa ayaa yidhi,

“Maanta waxa la odhanayaa madaxweynuhu wuu sharraxan yahay dabadeena saddex madax baa la waayayaa, Berrina waxa la odhanayaa madaxweynuhu ma sharraxna, Haddana Saddex Madax baa mudh soo odhanaya.”

Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu sheegay sidii dhinac looga dhaafi lahaa, isla-markaana wax looga Baran lahaa waxyaabo iyo dhaqanno Taban oo uu sheegay in lagu arkay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu Hore uga tirsanaan jirey, waxana uu yidhi,

“Waxanu idiinku nimi inaan xisbiga waddani u adeegsano xaqiijinta Himilooyinka qaran ee Dal iyo dadba danta u ah, oo aanu xisbiga ku wadaagno dareenada Togan Ee Dal-jacaylka iyo dad-jacaylkaba ah oo aynu la dagaallanno qabyaaladda dad iyo dalba lagu shiddeeyey ee aynu taab la rogi la’nahay. Waxanu idiinku nimi inaanu wax ka barrano oo aynu wax ku qaadano waxyaabaha taban ee Nusqaanta leh ee aynu ka aragnay nidaamkan aynaan mahaddin xukuumadda maanta dalka kka talisa ee aynu eednay, abaalkeeniina xumaanta iyo Tacaddiga inooga dhigtay.”

 

Himilo Media

Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Ku-xigeenka Safiirka Japan u Fadhiya Dalka Kenya

Hargaysa:Nov,27,2014(Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa Maanfta xafiisa Kulan kula yeeshay Ku xigeenka safiirka waddanka Japan u fadhiya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Mikio Mori oo Booqasho ka jooga somaliland.

abeerSida ay Madaxtooyadu tilmaamtay waxa uu Madaxweynuhu warbixin ku saabsan Xaaladda Guud ee Dalka Siiyey Masuulkan reer Japan, waxana uu Madaxweynuhu ku dhiirrigeliyey inay xidhiidh dhaw la yeeshaan Somaliland oo Horumar samaysay.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Jamuuriyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo Kulan kaasi ka dib Saxaafada La hadlay Ayaa sheegay inuu Madaxwaynaha Safiir ku xigeenku kala hadlay Sida ay Somaliland u isticmaasho Mashruucyada Uu dalka Japan ka hirgaliyo.

Waxa uu sheegay wasiirku inuu Safiir ku xigeenka Dalka Japaan u fadhiya Keny inuu Bookhaday Goobaha ay somaliland Mashariicda ka Fuliyaan waxaana uu yidhi.

“Waxa Maanta Halkan inala Jooga Safiir ku xigeenka Dalka Japan u fadhiya Dalka Kenya Deputy Ambassador Mikio Mori oo dalka Bookhasho ku yimid,Waftigani Waxa ay dalka inala Joogeen Afar cisho waxaan ay Dalka u yimadeen in ay kormeer kusoo sameyeen Mashariicda ay iyagu Maal Galiyaan kaas oo soo maray Haay’adda Unicef.”

Wasiirka oo hadalkiis siiwata ayaa in taasi raaciyay.”Halkan ayuu ka tagay Berbera ilaa Sheekh ayuu socday wadanka Waxa uu kusoo arkay Aad iyo Aad ayuu ula dhacay,Shir ayuu Madaxwaynaha Somaliland Saaka Halkan kula lahaa waana looga Mehed Celiyay Mashariicda ay dawlada Japaan Siiso Somaliland,Waxaana ka codsanay In ku soo biiran Wadamada Deeqda Sida Tooska ah Somaliland u Siiya ee Sanduuqa Horumarinta.”

Deputy Ambassador Safiir ku xigeenka U dalka Japaan u fadhiya Kenya oo isna kulanka uu madaxwaynaha Somaliland laqaatay ayaa sheegay in mashruucyada Ay Somaliland Siiyaan in ay Si fiican uga Faa’idaysatay Mashruucyadaas.

“Somaliland Mashruucyada Ay siiyeen Dawlada Japaan sifiican ayay uga Faa’idaysataa,waxaana uu sheegay inuu Somaliland La samayn Doonaan Xidhiidh wanaagsan oo ganacsi”

Masuulkan ayaa qayb ka ah wufuud tiro badan oo caalamka ka socotay, kuwaas oo ayaamahan si joogto ah booqasho ugu imanayey Gudaha Somaliland si ay u indho indheeyaan Talaabooyinka Guusha ah ee Qarankani ku Tallaabsaday.

 

Himilo Media

Wednesday, November 26, 2014

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Jidka Isku Xidha Lafaruug Iyo Berbera

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland axmed maxamed maxamuud (silaanyo ) ayaa socdaal hawleed ku tagay deegaamo ka tirsan gobolka saaxil.
Madaxweyne silaanyo ayaa soo dhaweyn laxaad leh kala kulmay shacbiga Degmooyinka iyo Tuulooyinka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa gaar ahaan waxa si weyn loogu soo dhaweeyey Dacarbudhuq, Sheekh Abdaal iyo Xamaas iyada oo madaxweynuhu dhagax-dhigaasi ka dib loogu qado sameeyey Sheekh Abdaal isaga oo halkaasi kala hadlay shacbiga Degmada Madheera. Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Salaadiinta, Madaxdhaqameedka, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Wasiiro, Marwooyin iyo Madaxda gobolka Saaxil iyo ta degmada madheeraba.
Intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu u soo kicitimay una soo caraabay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Halkan ka dhegayso

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/11/Khudbada-Madaxweynaha-ee-Sheekh-Abdaal.mp3"][/audio]

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/11/Goobta-Dhagaxdhiga.mp3"][/audio]

HALKAN KA DAAWO

DSC_0175 DSC_0167 DSC_0145 DSC_0137 DSC_0123 DSC_0101 DSC_0099 DSC_0097 DSC_0095 DSC_0083 DSC_0079 DSC_0076 DSC_0064 DSC_0061 DSC_0055 DSC_0036 DSC_0033 DSC_0032 DSC_0029 DSC_0020 DSC_0015 DSC_0014 DSC_0013 DSC_0010 DSC_0009 DSC_0006 DSC_0004
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Laba Kamid ah Soomaalida Maraykanka Deggen Oo Argagixiso Lagu Eedeeyey

Minneapples:Nov,26,2014(Himilo)-Laba Kamid ah Soomaalida haysata Dhalashada waddanka Maraykanka, ayaa lagu soo oogay dacwad la xidhiidha arrimo Argagixiso.

autDacwadda Labadan Nin ayaa waxa Soo Oogay Xeer ilaaliyaha Guud ee Gobolka Minnesota Andrew Luger, waxana uu ku andacoonayaa inay labadan nin ee Soomaalida ahi ay xidhiidho la sameeyeen Kooxda Islaamiga ah ee Daacish.

Labada nin ayaa lagu kala magacaabaa Cabdi Maxamuud Nuur oo 20 jir ah iyo Cabdullaahi Yuusuf oo 18 jir ah.

Labada nin ayaa ku eedaysan inay shirqooleen inay taageero u fidiyaan urur argaixiso ah gaar ahaan ISIL oo sidoo kale loo yaqaanno magacyada ISIS iyo IS. Cabdi Maxmaudu Nuur waxa kale oo uu ku eedaysan yahay inuuba taageerada u fidiyey kooxdaas kadib markii uu ku biiray.

Sida ku cad dacwadda lasoo gudbiyey Cabdullahai Yuusuf waxa uu iibsaday tikidh bishii May ee sannadkan isaga oo qorshaynayey inuu diyaarad ka raaco garoonka diyaaradaha ee Minneapolis una socday dalka Turkiga, waxayna sheegeen inuu tikidhka iibsaday iyadoo aanay waalidkiis ka warqabin inuu safrayey.

Waxaa dawcadda ku qoran in Cabdullahai Yuusuf uu xidhiidh la leeyahay qof magaciisa lagu soo gaabiyey H.M oo hore u deganaan jiray Minnesota oo haatana ka dagaalamaya dalka Siiriya. Waxa kaloo lagu sheegay in kaadhka bankiga ee lagu iibiyay tikidhada Cabdullahai Yuusuf iyo H.M. iyo weliba tikidhka qof saddexaad oo u safray markii dambe Siiriya uu isku mid yahay.

Sidoo kale Cabdi Maxamuud Nuur waxay sheegeen inuu dalkan ka baxay bishii May 29 keedii ee sannadkan, iyadoo ay ahayd inuu dalkan kusoo laabto 16-kii Juun balse uu soo laaban waayey.

Himilo Media

 

Maraykanka Oo Muwaadiniintiis Uga Digay Inay Djibouti u Safraan

Washington:Nov,26,2014(Himilo)-Xukuumadda Waddanka Maraykanka, ayaa muwaadinteeda uga digtay inay safarro ku tagaan Dalka Djibouti oo ku yaalla Bariga Afriga, sababa la xidhiidha Dhinaca Ammaanka Darteed.

FLAAWarkan oo ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay suurtogal tahay in dalkaasi ay ka dhacaan Weerarro Argagixiso.

Dowladda Maraykan waxay sheegtay in dhibaatada dadka Maraykanka soo gaadhaya ay ka hortagayaan kagana digayaan goobaha khatarta leh ee ay dhici karto in weeraro kusoo qaadaan kooxaha Argagixisada sida Al-shabaab, Alqaacida iyo ISIS.

Maraykanku wuxuu muwaadiniintiisa jooga Jabuuti kula dardaarmay in ay ka fogaadaan goobaha ay isku yimaadaan dadka Ajnabiga, wadooyinka waaweyn ee saxmada ka jirto dhici kartana in la beegsado, hotelada aan sugnayn amnigooda iyo meelkasta ay khatar kaga imankarta.

Muwaadiniinta Maraykanka ayaa hore looga digey in ay u safraan dalal ku yaala Africa gaar ahaan geeska Africa iyo Waqooyiga Africa oo Maraykanku ka fuliyo danaha uu ka leeyahay dalalkaas.

Sanadkan gudahiisa ayaa Al-shabaab waxay weerar ismiidaamin ah ku qaadeen hotel ku yaalay magaalada Jabuuti oo ay deganaayeen Ajaaniimta gaar ahaa dadka ka soo jeeda dalalka reer Galbeedka.

 

Himilo Media