Yurub, 10 June, 2015 (Himilo)- Laba Hay’adood oo caalami ah, ayaa sheegay in tirada Muhaajiriinta ee waddamada Yurub gaadhay sannadkan 2015-ka, isla markaana ka gudbay Badda Mediterraneanka ay ilaa hadda kor u dhaaftey 100,000 (Boqol kun oo qof).
Hay'adda Qaxoontiga Adduunka u qaabbilsan Qaramada Midoobay iyo Hay'adda caalamiga ah ee socdaalka Adduunka, ayaa bixiyey tirooyin isku mid ah oo muujinaya Qaxoontiga gaadhay Talyaaniga iyo Giriigga, halkaas oo ay inta badan Tahriibayaashu gelitaanka dhulka Qaaradda Yurub ka bilaabaan.
Hay'dda caalamiga ah ee socdaalka Adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano IOM, waxay sheegtay in tiradaasi ay muujinayso waxoogaa sare u kac ah marka la barbar-dhigo, isla wakhtigaas sannadkii hore, oo Muhaajiriintu ay badnaayeen. Hase-yeeshee, waxaa la filayaa in dadka Badda ka gudbayaa ay sii bataan bilaha soo socda ee sannadkan.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment