Sunday, June 7, 2015

In ka badan 23 Kun oo Arday oo Saaka u fadhiisanaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe/Sare

Hargeysa, 07 June, 2015 (Himilo)- Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare ee Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmaya dhammaan gobollada Somaliland.
ITIXAANKIn ka badan 23 Kun oo Arday oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sare ee dalka, ayaa maanta u fadhiisanaya imtixaanka, kuwaas oo isugu jira 14,000 oo Fasallada Siddeed ah iyo 9,300 Arday oo Fasallada Afraad ee dugsiyada Sare ah, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Prof Faarax Geedoole
“Waxaan ku dhawaaqayaa in Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 8-aad iyo 4-aad uu waddankoo dhan ka bilaami doono 7-da bisha 6-aad oo ah maalin Axad ah bisha Toddobaad Lixdeeda 2015. Fasalka 8-aad waxaa u fadhiisanaya Afar iyo toban kun oo Arday (14,000), fasalka 4-aad ee Dugsiga Sare-na waxa u fadhiisanaya Sagaal kun iyo saddex boqol oo arday (9,300),” Sidaas ayuu yidhi Prof Geedoole oo saxaafadda kula hadlayey magaalada Hargeysa.
Ardayda Fasalka Siddeed ee ku guulaysata imtixaanka Shahaadiga ah, ayaa u gudbi doona Fasalka kowwaad ee dugsiyada Sare, halka ardayda ku guulaysata imtixaanka fasalka Afraad waxbarashadooda ka sii wada doonaan kulliyada iyo Jaamacadaha dalka.
Ardayda Sannadkan u fadhiisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare, ayaa badan marka la bar-bardhigo tirada sannadkii hore imtixaanaadka Shahaadiga ah oo ahayd 21,089 arday.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment