
Gelinkii hore ee shalay, ayaa Wasiirka Warfaafinta ee Sudan waxa uu sheegay in Madaxweyne Al-bashiir uu Khartoum ku noqon doono marka uu soo dhammaado Shir-madaxeedka 25-aad ee Ururka Midowga Afrika oo ka socday Koonfur Afrika.
Axaddii toddobaadkan, ayaa xaakin ka tirsan Maxkamad ku taala Koonfur Afrika waxa uu soo saaray amar ugu baaqaya Madaxda dalkaasi inay ka hor istaagaan Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir dalkaasi ka dhoofo. Maxkamadda amarkan soo saartay, ayaa fulinaysay go’aan ay hore u soo saartay Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC oo ku taalla magaalada Heuge ee waddanka Holland, balse kumay guulaysan arrintaas ee way ku guul-darraysatay Maxkamadda Koonfur Afrika.
Cumar Xasan Al-Bashiir ayey Maxkamadda ICC ku eedaysay dembiyo dagaal iyo tacaddiyo Xuquuqda Aadamaha ka dhan ah inuu kula kacay dadka Madawga ah ee gobolka Darfur ee dalka Sudan iyo goobo kale oo dalkiisa ka mid ah. Safarrada caalamiga ah ee Madaxweyne Al-Bashir, ayaa xiisadi ka taagneyd tan iyo markii Maxkamadda caalamiga ahi ay ku soo oogtay dacwado ku aaddan dambiyo dagaal.
Afhayeenka u hadlay dawladda Koonfur Afrika, ayaa sheegay in dawladdiisu aanay soo casuumin Madaxweynaha Sudan, balse uu casuumadda ka helay Ururka Midawga Afrika ee uu dalkaas kaga qaybgalay Shir-madaxeedkiisa 25-aad. Hase-yeeshee, waxa la sheegay inay Maxkamaddu diyaarinayso in dacwad lagu oogo Masuuliyiinta dalka Koonfur Afrika ee ka dhego-adaygay amarkeeda.
Xeer-ilaaliyaha Xukuumadda Koonfur Afrika William Mokhari, ayaa u sheegay Weriyeyaasha shalay in amarka lagu xayiray Cumar Al-bashiir uu ahaa mid uu bixiyay hal Garsoore oo keliya, ayna Garsoorayaasha Maxkamadda Pretoria ay maanta dib u eegayaan go’aankaas. Isagoo intaa raaciyay in Al-bashiir aanu khatar ku ahayn hadalkaas, maaddaama oo uu Koonfur Afrika u yimid ka qaybgalka shirka Ururka Midowga Afirka.
Tallaabooyinkan, ayaa kusoo beegmaya iyadoo Warbixin ay Koonfur Afrika ay soo saartay 5-tii bishan Juun uu Wasiirka Xidhidhka Caalamiga ah ee Koonfur Afrika Maite Nkoana-Mashabane ku xusay in labada dal ay kala Saxeexdeen heshiis ah in la ilaalinayo xasaannada Weftiga Sudan uga qayb-geli doona Shirka Ururka Midowga Afrika.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ku Sugan Magaalada Geneva ee Waddanka Switzerland ayaa dalbaday in la Tix-geliyo amarka ay soo saartay maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC. Hase-ahaatee, maaha markii ugu horreysay ee uu Madaxweynaha Sudan dibedda u dhoofo intii ay Maxkamadda ICC amartay in meeshii uu tagaba lagu qabto, isla markaana lagu wareejiyo Maxkamaddaas si tallaabo sharci ah looga qaado sida ay ku doodday, balse marna kumay guulaysan ICC in loo qabto Cumar Xasan Al-Bashiir oo dalka Sudan xukumayey muddo 25 sannadood ah, dhawaanna loo doortay inuu muddo sannado ah sii hayo xilkaas.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment