Saturday, June 6, 2015

Madaxweyne Silaanyo Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo U Kicitimay Dalka Imaaraadka Carabta

Hargeysa(Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa u kicitimay dalka imaaraadka carabta oo ay marti qaad rasmi ah ka heleen.

[gallery columns="2" ids="20235,20233"]

Safarkan madaxweyanaha ayaa la sheegay inuu qaadan doona dhawr maalmood waxaanu madaxweynuhu saxaafada xog ka siiyey ujeedada socdaalka isaga oo madaxweynuhu sheegay in ay ka wada hadlidoonaan inta ay ku sugan yihiin Imaaraadka sidii labada dal ay u sii xoojin lahaayeen xidhiidhka labada dal iyo wada shaqayntii walaaltinimo ee horeba ay u wada lahayeen.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu sheegay in ay ka wada hadlidoonaan mashaariic dhawra oo dani ugu jirto dalka iyo shacbiga Somalilandba.
Xubnaha madaxweynaha ku wehlinaayey Safarkiisa shaqo waxa ka mid ahaa
1. Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland, Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde.
2. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka JSL, Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse
3. Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan
4. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Cali Axmed Cali
5. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL, Cali Maxamed Warancade
6. Wasiirka Wasaarada Biyaha, Baashe Cali Jaamac
7. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xasan Daahir Dhinbiil
8. Xoghaynta gaarka ah ee Marwada Madaxweynaha JSL, Sabaax Cali Diiriye
HALKAN KA DAAWO SAWIRADA

[gallery columns="4" ids="20239,20238,20237,20236,20235,20234,20233,20232,20231,20230,20229,20228,20227,20226,20225,20224,20223,20222,20221,20220,20219,20218,20217,20216,20215,20214,20213,20212,20210,20211,20209,20208,20207,20206,20205,20204,20203,20202,20201,20200"]

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment