Hadii aan soo qaatao Waxyaabha Sababay in Doorashoyinka somaaliland la qaban kari waayo qodobo dhawra ah oo ay kamid yihiinKhilaafka ka Dhex taagnaa Xisbi Xaakimka KULMIYE, oo aan Diyaarba u ahayn in Doorasho la Galo. Waxa aad wada og soontihiin in Mudo dheer Khilaafka Xisbigu soo jiitamayey Shirarkiisuna dib u dhacyo badan ku dhaceen, taasina ay keentay in ilaa hada aan la garanayn Cidna u sharaxan. Xaalad kale oo ay doorasho u qabsoomi weydaa ma jirto Dalkan. Xisbiyadu waxay Leeyihiin (Institutions) oo kala Saara, Sida loo soo baxayo, Iwm. Xisbiga KULMIYE waxaa Ilaa hada ka dhex taagan Loolan Xoogan oo Laba Qaybood kala Noqday, Taa soo Sharciga u yaala aan u adeegsan in ay ku kala baxaan ama ku dhaqmaan. Ka soo qaad imika Hogaanka Xisbiga oo Nadaamka uu isticmaalayo ay tahay Waa Markaygii iyo Nadaam Qabiili ah, iyo Siilaanyo oo isaguna isticmaalaya aniga ayaa Xisbiga Iska le, Wax ii diidayaana ma jirto in aan Sii ahaa Madaxweynahe, Dastuurka Qarankanina iima diiyaayo in mar kale isu soo taago Musharaxnimada Madaxwayne. Hadaba Halkaa Waxaa kaaga Muuqanaysa In Loolanka ka jira Xisbiga KULMIYE oo ka dhigaya iyaga kuwo aan u adeegsan Sharciga Xisbigooda in ay ku kala Baxaan, iyo waxaa inooga Yaala Hawsha noocan ah ee ku kala baxnaa.
Labada Dhinac ee is khilaafsan midba wax aan Sharciga Xisbigooda ahayn u adeegsanaayo, ee kala ah Nadaamka Reernimo, ka kalena u adeegsanayo Sharciga iyo awooda Kursi Dalka ee uu ku Fadhiyo isagu, oo labada Ninba midna aanu isticmaalaynin Sharciga Uga yaala Xisbigoodu. Ka dib markii uu Khilaaf koodii uu Cirka isku shareeray ayuu dibada uga soo baxay ayaa lagu baraarugay in uu jiro khilaaf u dhexeeya labada Garab ee Xisbigu. Intaa ka dib waxaynu ogay wixii laysku marinayay Tvyada iyo Journalada, ka dib watii Madaxwaynuhu u gudbiyay Guurtida In ay dhex dhexaadiso arrinka ka dhex taagan Xisbiga KULMIYE, taas oo aan Sharcigu ahayn in Guurti loo gudbiyo, oo ay ahayd uun Xisbiga dhexdiisa ku dhamaystan sharciyan taana lama yeeline halka la mariyay waynu ogayn, Gudoomiyuna aqbalay in Guurtidu dhex dhexaadiso arrinka.
Waxa ka soo baxay ee ay Guurtidu kasoo saartay ma aha mid cid kala saartaye, waxayse noqotay wixii Guurtidu ka shaqaysay Waxa maantaba Dalka ka Taagan ee waliba Noqday Khilaaf Qarankii dhamaa dhex galay, oo Sababteedu ahayd Khilaafkii Xisbul Xaakimka oo loo raray Ilaa halka ay Taagan Maanta, runtii waa mid ayan darro nagu arrintani, dadkuna aanay Badankooda aanay Fahan sanayn Hal uu ka yimid arrinku ee Asalka u ah, waxaa uu ahaa XISBIGA KULMIYE EE TALADA DALKA MAANTA HAYA UU YAHAY.
Xisbiyada kale ee Dalka waa Kuwo uu diyaar ah in qabto Doorashada, oo Hawshooduna u dhan tahay lakiin cidda illa iada aan qilaafku aanu ka dhamaanin ee uu Dalkani u xaniban yahay waa Xisbiga KULMIYE. Oo aan uguc talo galin in Doorasho Dalkan Galo. Waxaa suura gal ah in dib u bilaabmo khilaaf hor le Xisbiga KULMIYE. Sababtuna ay noqon doonto sidii Guurtida oo gashay Hawl aan quseynin markii horeba, oo ahayd in uu Xisbigu ku dhamaysto dhexdiisa. Taa weeye in la fahmo marka hore in ay tahay sababta loo gali waayay Doorasho ay noqotay Sabab ka timid Xisbi KULMIYE. Xaqna may ahayn in sidan la yeelo. Dalkiiba waataa sharcida lagu wada Muran san yahay qal qal kana la galiyay, horena waan u qoray anigu qoraalo aan kaga hadlayo arrinkan.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment