Thursday, June 11, 2015

Maxay isla-qaateen Wasiirka Ganacsiga, Guddoomiyaha Baanka Dhexe iyo Ganacsatada Magaalooyinka Berbera & Burco?

Berbera, 11 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali, ayaa Arbacadii shalay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil kulan kula yeeshay Ganacsatada kala duwan ee magaaladaas, kuwaasoo ay ka wadahadleen joojinta wax ku iibinta Doollarka Maraykanka iyo kor u qaadista isticmaalka iyo wax ku iibinta Lacagta Shilinka Somaliland.
KULANKA GANACSATADA IYO MASUULIYIINTA EE BERBERAMasuuliyiintan oo Salaasadii kulankan oo kale Burco kula yeeshay Ganacsatada kala duwan eek u dhaqan magaaladaas Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa habeen-hore ku soo hoyday Berbera, halkaasoo ay shalay Arbacadiina kula shireen Ganacsatada oo ay isla qaateen qorshaha ay u socdeen ee ah yaraynta adeegsiga Doollarka Marayanka iyo wax ku iibinta Lacagta Shilinka Somaliland, kaasoo ah Qorshe heer Qaran ah oo ay Hay’adaha dhinaca Maaliyadda ee dawladda iyo Ganacsatada waawayni hore isugula qaateen kulammo ay ku yeesheen Hargeysa bishii hore dhammaadkeedii.
Ganacsatada Kulanka Berbera lagu qabtay ka qaybgalay, ayaa hadallo ay halkaas ka jeediyeen waxay ku sheegeen inay ajiiibeen ama aqbaleen qorshaha ay wadaan Wasaaraddaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Baanka dhexe ee Somaliland oo lagu dhiirrigelinayo isticmaalka Shillinka Somaliland iyo sidoo kale joojinta wax ku iibinta Doollarka.
“Shillinka Somaliland iyo wadankuba waa kuweenii, waxaan filayaa haddii la yidhi waxaaga wax ka qabso inaanu hadal lahayn, iskumana durraanto wax dani inoogu jirto…Waxaannu soo jeedinaynaa in Xukumaddu wacyigelin badan ku samayso dadka lacagaha soo dira iyo kuwa qaadanayaba. Haddii Guddoomiyaha cusub ee Bangiga dhexe yidhi; ‘hannaankii fiicnaa baan soo celinayaa oo waan idin la shaqaynayaa’ Annaguna waannu ajiibnay inaannu shillinka isticmaalno, waddaninnimo ku darno oo la shaqayno.” Sidaa ayay yidhaahdeen oo ay iska daba-mareen Xubno Ganacsato ah oo ku hadlayey Afka Ganacsatada reer Berbera iyo gobolka Saaxil-ba.
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali oo kulankaas ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyay qorshaha lagu fadhiisinayo qiimaha isku beddelka Shillinka Somaliland iyo Doollarka, waxaanu yidhi; “Waxaad ogtihiin in hawshan uu hormuud ka yahay Bangiga dhexe ee Somaliland, tallaabooyinkii ku habboonaana waa la qaaday, waxaad ogtihiin in adeegyadii Zaad iyo E-Dahab aannu ka dhignay Shillin Somaliland. Waxaynu eegi doonaa adeegyadaa Shilin Somaliland laga dhigay siday wax uga taraan Sicir-bararka. Waxa noogu xigay Xawaaladaha, iyagana waxaannu go’aaminnay in lacagta ku soo dhacda Xawaaladaha boqolkiiba soddon lagu Sarrifo Shillinka Somaliland, waayo? Lacag kasta oo dalkeenna soo gasha nidaamkii aynu burburkii ka dhaxalnay wuu noqon waayay mid innoo sii shaqeeya.”
Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim, ayaa kulanka ka sheegay in qorshuhu yahay sidii Bulshada Somaliland u isticmaali lahayd Shillinka dalkooda, isla markaana waxa uu sheegay in qiimaha Sarrifka Doollarka ay sar-goyn doono Bangiga dhexe, halka markii hore ay goyn jireen Sarriflayaasha Suuqa Lacagta ee Hargeysa.
“Burco shalay (dorraad) baannu Ganacsatada kula shirnay, si fiican baannu isu-fahannay, aad bay u soo dhaweeyeen qorshahan aannu wadnay ee dalka laga hirgelinayo ee ah in wixii la iibinayo Ganacsatadu ku iibiso Lacagta Shilinka Somaliland oo la joojiyo in wax lagu iibiyo Doollarka iyo in Baanka dhexe laga bilaabo 15-ka bishan goyn doono oo fadhiisin doono qiimaha lagu Sarrifo Doollarka.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland oo Khadka Taleefanka kula hadlayey Wargeyska Himilo xalay isagoo jooga magaalada Berbera.
Wasiirka waxa uu ka warramay sida ay Ganacsatada reer Berbera u qaabbileen qorshahan ay wadaan, waxaanu yidhi; “Berberana maanta (shalay) ayaannu Ganacsatada kula shirnay, iyaguna sidoo kale si fiican bay u ajiibeen qorshahan, waanay nala qaateen oo waan idinkala shaqaynaynaa hirgelinta hawshaas ayay yidhaahdeen. Markaa, 15-ka bisha ayey jaan-geynta qiimaha iyo ku dhaqanka joojinta wax ku iibinta Doollarku-ba si rasmi ah innoogu bilaabmi doonaan, waana tallaabo guul u ah dadka iyo dalka Somaliland ee hallaga wada shaqeeyo hirgelinta qorshahan ayaannu leenahay.”
Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga, ayaa horraantii bishan soo saaray Wareegto uu ku sheegay in laga bilaabo 15-ka bishan June ee aynu ku jirno, la oggolaan doonin wax ku kala iibsashada Doollarka Maraykanka, isla markaana qof kasta oo Ganacsade ah lagu amrayo inuu wax ku iibiyo Lacagta Shilinka Somaliland, qofkii la arko isaga oo Doolar wax ku iibinayana laga qaadi doonto tallaabo Sharciga waafaqsan oo uu mutaysan doono Ganaax, Xadhig iyo in Liisanka Ganacsiga lagala noqdo.
Tallaabadani waxay ka dambaysay qorshe ay Wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Baanka dhexe ee Somaliland iyo Ganacsatada reer Hargeysa iskula qaateen Shir ay ku yeesheen isla Hargeysa, kaasoo ujeeddada koowaad ee laga leeyahay Masuuliyiinta Wasaaradahaasi ku sheegeen mid wax lagaga qabanayo Sicir-bararka Somaliland ragaadiyey iyo kor u qaadista qiimaha Shilinka Somaliland oo uu Doollarku meesha ka saaray, si qorshahan loo hirgelinaya Guddiga Qaran ee meel-marinta nidaamkan, ayaa u kala baxay gobollada dalka sida uu Wasiirka Ganacsigu u sheegay Wargeyska Himilo.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment