Saturday, June 13, 2015

M/weyne ku-xigeenka iyo Guddoomiha Kulmiye oo ka hadlay Shakhsiyaaddii Marxuum Suldaan Xiis Barre

Hargeysa, 13 June, 2015 (Himilo)- Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci), ayaa madax-dhaqameedka Somaliland, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay ka tacsiyeeyey Alle ha u naxariistee Marxuuun Suldaan Xiis Barre Yuusuf oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
sayliciMadaxweyne ku-xigeenku waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Oday-dhaqameed qayb weyn ku lahaa, kana soo shaqeeyey nabadeynta iyo dib-u-dhiska dalka, sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo ka baxay Aqalka madaxtooyada, kaas oo u qornaa sidan:- “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, Bulshada qaybeheeda kala duwan iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Suldaan Xiis Barre Yuusuf oo ku geeriyooday hargeysa 11/06/2015.
Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo ubadkii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku, waxaanu Suldaanka ku sifeeyey oday dhaqameed qiimo ku dhex lahaa bulshada kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka oo uu ilaa wakhtigan ku hawlahaa horumarka iyo midnimada shacbigiisa.
Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Sidoo kale, waxa geerida marxuumka ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, muuse“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa SALAADIINTA,UGAASYADA, BOQORADA , CUQAASHA ,GUUD AHAAN MADAX DHAQAMEEDYADA,Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiwaynaha reer Somaliland Geeridii ku timid Marxuum: SULDAAN XIIS BARRE YUUSUF OO ku geeriyooday Magaalada HARGAYSA. Marxuumku wuxuu door wayn ka soo qaatay Halgankii iyo nabadayntii dalka. Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo Eheladii ,asxaabtii iyo qaraabadiiba Samir iyo Iimaan ka siiyo,” Sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment