Sunday, June 14, 2015

Sideed Ku Noqonkartaa Millionaire 10 Steps:-W:Q/ Eng Mahbuub Hussein Ismail (MrBurao)

Waan idin Salaamay Dhamaantiinba Akhristow, Meelkasta oo aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arrintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in Bulsha waynta soomaaliyeed, Gaar ahaan dhalinyarada ama qofkasta oo jecel in uu Noqdo Millionaire ama Taajir, ama uu hore umariyo si uu u noqdo qof maamuus leh, sidaas darteed waxaan jecleeystay inaad ila waddaagtaan 10 talaabo oo aan is idhi haddii uu qofka raba inuu Noqdo taajir oo uu ku dhaqmo gaadhi doono ama Hadafkiisa Horumarineed, xxxxxxxx Qodobadiina waa Sidan:-

13/06/2015
1. Ugu horreyn Marka hore aamin inuu" Illaahay subxaana Watacaala" yahay qani adna aad tahay Faqiir, Marka aad taa Rumaysatid oo aad yaqiinteeda La timaadid Yeelo kuwan mid Ka mid ah.
2. Yeelo Awood Wax Kaydsi " Power of Savings" .
a) Ha eegin Cida ama waxa aad haysatid maanta la qabso Dabeecada ama Nolosha illaahay sida uu kuu siiyay, qodobkani waa qodobka aan is idhi haddii uu shakhsi kastaa yeesho uu ku noqon karo muddo kooban Millionaire,
b) Ka feker haddii uu yahay Mushaharkaagu $100 oo aad boqolkaaba kharashgaraysid, haddaba akhristoow Muhiim maaha Lacagta ama Dakhliga ku soo galaya Maanta inta uu leeg yahay,
c) waa in aad barataa sida wax loo kaydsado intaanad noqon Taajir, waayo haddii aanad waxba kaydsan ma helaysid Dakhli dheeraad ah oo aad maalgelin ku samaysid, ha ahaato inaad guri dhisatid, guursatid, gaadhi iibsatid, ganacsi furatid,
d) Dhibka ugu badan ee ka iman doona qodabkaygan Koowaad, waan ogahay waxa weeyaan inay dad badani is yidhaahdaan ma anagaa haysana waxa aanu kaydsano, balse muhim maaha Lacagta aad kaydsanaysid inta ay leeg tahay waxa muhiim ah xattaa haddii aad $1 aad bishii kaydsatid wax baad kaydisay. Ujeedaduna maaha waxan aad kaydinaysid balse waxa weeyaan in aad baratid sida wax loo kaydsado. "Habit of Saving". kaydso waxa yar haddii aadan waxa badan haysan, kaydso wax badan markaad Wax badan heshid.
3. Ha raacin Hamadaada Nafeed, sidaynu ogsoonahay nafteenu waxa ku xeeran ama lamaane la ah ibliis ama shaydaan labadooduna waa labada qofka ka tuura jar haddii dhanka xun ee markasta inoo hagaan u raacno, balse adigu haddii aad tahay qof doonaya inuu noqdo Millionaire waa in aad xadaysaa labadaas, waayo haddii aad taariikhda dib u raacdo oo aad eegto dadka imika adduunka ugu taajirsan sida ay ku keeneen hantidan aadka u farabadan waxaad ogaanaysaa in ay ku qaadatay muddo ka badan 20 sano oo ay wax kaydsanayeen, sidoo kale hamada nafta iyo shaydaanka waxa ka mid ah inay ku tusaan markasta in taajirnimadu tahay in Baabuur qaali ah la kaxaysto in guri Fiilo ah laga soo tooso, in hudheelada kuwa ugu qalisan ee wax la ga cuno, haddaba akhristow taasi taajirnimo maaha ayaa la odhan karaa ee waa Faakahaysi ama Hamadii shaydaanka iyo nafta oo aad raacdo, waayo kaxaysashada gaadhi qaali ah iyo ka cuntaynta Hudheelada noocaas ahi maaha mid taajirnimo kuugu filan, waayo "Lacgataadi waxaad ku kharashgaraysay faakahaysi xalkii aad ka fekeri lahayd in aad iyada korisid" you have spent all your money into luxury items instead of growing them!, runtii qodobkan labaad waa mid qofkasta oo akhristaa uu dareemayo loogana baahanyahay in uu ogaado in uu naftiisa aanay ku horu marayn ama uu Taajir ku noqonayn Faakahaysigan noocan ah.
4. Maal gasho Maskaxdaada, oo baro sida loo xaddido, habka looga fekersiiyo maskaxdaada, iyo sida kor loogu qaado fekerka masakada si ay kuugu hagto guulo sare, maxaa yeelay maskaxdaado waa hantidaada ama Asset kaaga ugu qaalisan noloshaada, markaa maalgasho iyada si ay wax uun kuugu soo celiso. taas macnaheedu maaha in aad afka taagtid oo aad kibir la timaadid, balse waxa weeyaan in aad psychology kali ahaa aad naftaada ubartid in laga rabo in ay Horumarkaas la timaado, waayo naftu markasta wixii lagu celceliyo ayay ku dadasahaa, maanta haddii aad naftaadu ku celecelisid "waxaan rabaa in aan qof xun noqdo" runtii waxaa hubaal ah in aad noqonaysid qof xun, markasta uu shay maskaxdaada ku soo dhaco oo aad rumaysantahy in aad go’aan ka gaadho go’aankaas aad gaadhaysid waa mid ay maskaxdaadu hormood ka tahay kuuna horseedi doona in aad qiimaysid noloshaada maanta, haddii aad maanta Faqiir tahay becouse of your mindset, tani waa tusaalooyin aan uga la jeedo in wax kasta oo aad maskaxdaada ku haysatid ay kuu muujinayaan uun waxa aad nolosha dhabta ku haysatid.
5. Mar kasta samee wixii aad jeceshahay ee wanaagasan, eeg dadka adduunka ugu taajirsan sida " Bill Gates, Warren Buffett, Donald Trump, Robert Kiyosaki, Dahabshiil,Indhodeero, Omaar iyo in kaloo badan waxaad arkaysaa in mid kastaa talaabada uu qaadayo ay tahay mid uu jecelyahay, waana sababta ay maanta taajiriinta u yihiin, maxaa yeelay haddii aad samaysid waxa aad jeceshahay ee wacan kama niyad jabaysid waanad ku raaxaysanaysaa intaad wadid howshaas, waayo waa wax aad adigu nafsad ahaantaa go’aansatay ood jecleysatay, tusaale ahaan ma dareentaa Caajis ama Niyad jab marmarka aad wax akhrinaysid ama aad baadhaysid warbixinta shirkadaada sidaa daraadeed taasi waxa ay ku tusaysaa in aadan adigu nafsad ahaantaa ku qanacsanayn Field kaas, markaas samee waxyaalo kale oo aad jecesahahay kuna Faraxsan tahay, waayo wax kasta oo ku farxad geliyaa waxa ay ka qayb yihiin Guushaada, “This is the secret to be a millionaire.”
6. Baro sida loo Horumariyo Naftaada, sida aynu ogsoonahay waddada loo maro in aad ku noqotid Millionair maaha Tartan iyo orod, balse waa sida marathon ka. waxaad u baahntahay wakhti aad ku dhistid naftaada ama aad ku noqotid millionaire. maaha oo kaliya millionaire-nimadu habeen inta aad seexatay oo aad ku soo toostay iyadoo jeebkaaga ama account-kaaga ay ku jirto 1 million dollar. waddada lagu noqdo millionaire waa nidaam soconaya. sidaas daraadeed haddii aad rabtid in aad gaadhid waa in aad ku dadaashaa sidii aad ku baran lahayd kuna horumarin lahayd naftaada wakhti kasta. mar kasta oo aad joojisid in aad naftaada baratid waxa aad joojisay korintii naftaada, barashada aad baranaysid waxayaalo kala duwana waxa ay muhiim u tahay nataada.

7. Yeelo Hadaf iyo ujeedo khaas ah oo dhaqaale, qodobkan waxaan ugala jeednaa in aad noqotid qof Muuq leh oo meel higsanaaya, xisaabtamaya, oo ujeedadiisii ahayd in uu Millionaire noqdo markasata ku dadaalaya inuu rumeeyo naftiisana kula xisaabtamaya, analogy yar ayaa waxa ay ahayd "Haddii aanay Goals kaagu hadayn waxa aan maskaxdaada u diraysaa farriin Madow".

8. Raad raac Dakhligaaga iyo Kharashkaaga, qodobkan runtii waa qodob aan odhan karno wuxuu asal u yahay qofkasta oo doonaya in uu noqdo Millionaire, waana mid aanay dadka badankoodu samayn. hadda sii wakhtigaaga qayb kamida ugu yaraan 10-15 daqiiqo oo aad dib ugu raad raacdid Dakhligaaga iyo Kharashaadkaaga, ujeed kuna waxa weeyaan in ay dabeecad kuu noqoto Xisaabtanka Naftaada, ma rumaysan tahay akhristow in badanaa dadku ay ku lumiyaan 30daqiiqo bishiiba sidii ay u maamuli lahaayeen Dakhligooda? haddaba tan waa mid wacan, balse waxay wakhtigooda ku lumiyeen meel khaldan. haddaba tan saxda ah waxa weeyaan in in dadka badankoodu ay ku lumiyaan ugu yaraan 30daqiiqo bishiiba si ay biilal iskaga bixiyaaan. haa dadka badankoodu way maamuli karaan Dakhligooda iyo Kharashkoodaba oo kaliya marka ay biilasha ka bixinayaan. haddaba haddii aad rabtid inaad noqotid Millionaire waa inaad ka dhigataan dabeecad sidii aad u maamuli lahayd Lacagtaada. sidaan xaga sare kusoo sheegnay, looma baahna intaad lacag kusoo gasho loomana baahna inta kharash aad gashid, balse waxa muhiim ah in aad dabeecadaa rasmi ku noqotid. " If you cannot manage your wealth, you cannot be rich.".

9. Iska illaali bidcada ama khuraafaadka Diinteena islaamka ka hor imanaysa, dad badan ayaa arrimo khuraafaad ah oo dambaab ah isku daya inay ku doonaan Hanti taas oo aakhiradooda iyo adduunkoodaba ku noqota Cadaab, haddaba maxaa lagaaga baahan yahay inaad ogaatid qodobadan:-
a) Lacag kuma iibsan kartid Farxad, waa run haddii aadan Lacag haysan kaama dhigayso mid faraxsan, waayo lacagi farxad ma keento.
b) Lacagtu maaha wax kasta, tani waa waano aan u dirayo dadka Faqiiriinta oo aan rabo in ay ogaadaan in aanay lacagi waxba ahayn, balse loo baahanyahay inuu qofku la yimaado yaqiin iyo iimaan,
10. Baro sida loo ikhtiraaco Fikrado Cusub “Innovation” taas oo ay ka mid tahay in aad yeelatid ku dhac, go’aan qaadasho, Kalsooni illaahay aad ku kalsoonaatid in illaahay ku siiyay asbaabihii kaa caawin lahayd inaad la timaadid ikhtiraac ama fikir cusub oo noloshaada wax ka bedela.
Gabagabadii maqaalkayga oo noqon doona mid taxane ah oo aan uga hadli doono insha allaah nolosha qeybaheeda kala duwan sida (Siyaasada, Waxbarashada, guurka, jacaylka iyo sida uu qof kasta oo inaga mid ah u dhisi karo noloshiisa hadba heerka uu karo isagoo marnaba ka tagayn Tawakalka Alle.
وَاسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلاَةِ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلاَّ عَلَى الْخَاشِعِينَ )
Waad Mahadsantihiin
Eng: Mahbuub Hussein Ismail
Email: engmahbuub@hotmail.com Tell: 063-4331708 / 065-9309754
Burao Somaliland
Facebook User: https://www.facebook.com/MrBura0
Facebook Page: https://www.facebook.com/MrBurao.

himilomedia.com
hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment