Hargeysa, 03 June, 2015 (Himilo)- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, ayaa kulankii ugu horreeyey ee lagu dar-dargelinayo heerka shaqo-abuurka muwaadiniinta iyo ilaalinta xidhiidhka ka dhexeeya Shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha la yeelatay madaxda hay’adaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalka.

Wasiirka Shaqaalaha iyo arrimaha bulshada Somaliland Dr Cabdi Awdaahir Cali, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shaqaaluhu yahay halbowlaha horumarka dalka, wasaarad ahaanna ay ku dedaalayaan sidii tayada iyo xuquuqda shaqaalaha & loo-shaqeeyaha loo xaqiin lahaa isla markaana meesha looga saari lahaa shaqo-la’aanta dhalinyarada.
“Haddaynu hagaajinno shaqada iyo shaqaalaha waxaan filayaa in horumarka dalkuna hagaagayo. Waxaanu ka-wada tashanaynay sidii loo kobcin lahaa shaqada, sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha. Waxa kale oo aanu doonaynaa inaanu ogaanno shaqaalaha Ajnabiga ah ee u shaqeeya Shirkadaha, ururrada iyo hay’adaha ama si gaar ah dalka uga shaqaysta, si aanu u ogaanno tiradooda, wax-qabadkooda, wax-tarkooda, dhibaatadooda, iyo waliba inaanu ogaanno in ninka ama gabadha shaqaalaha ah ee Ajanabiga ah hadduu jiro mid shaqaale muwaadin ah oo shaqadiisa qaban kara inaanu halkiisii ama shaqadiisii inuu qabto aanu u dhiirri-gelino,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cabdi Aw-Daahir.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Waxa jira dad badan oo Ajaanib ah oo aynu u baahannahay oo waxyaabo badan innaga caawiya, mustaqabalkana waxaynu hiigsanaynaa inay shaqaalahaas beddeli karno.”
Kulanka ayaa intii uu socday lagu falan-qeeyey isla markaana layskula qaatay qodobbo ay ka mid yihiin: Arrimahaa shaqaalaha ajenibiga ee hayadahooda iyo Diiwaangelintooda, loona xaqiijin lahaa in shaqo muwaadin qaban karo in aan Cid kale qaban. Waxa kale oo qodobbada laga wada-hadlay ka mid ah; Siyaasadda kobcinta Shaqo abuurka Dhalinyarada, Xidhiidhka Shaqaaalaha iyo loo shaqeeyaha, Dib u- eegista Xeerka Shaqada, Kor u qaadidda qaabka wada-shaqaynta iyo xidhiidhka Wasaaradda Shaqada iyo loo shaqeeyaha.
Gunaanadkii kulanka, waxa laysla meel-dhigay Qorshe hawleed mudaysan oo lagu xaqiijinayo fulinta dhammaan qodobbada kor ku xusan iyo sidii loo wejihi lahaa der-dargelinta qorshaha nidaaminta tayada shaqaalaha iyo kobcinta shaqo-abuurka dalka.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment