
Sida lagu sheegay war qoraal oo lagu baahiyey bogga internetka ee ururka UNPO (Unrepresented Nations and Peoples Organisation), waxa kulanka wasiirku la qaatay masuuliyiinta ku wehelinayey guddoomiye ku-xigeenka UNPO ahna wakiilka Somaliland metala ururka Md Maxamuud Dacar, isagoo Md Mowliid uga warbixiyey xaaladda dalka iyo baahida loo qabo sidii waddamada Yurub loogu baraarujin lahaa heerka dimuqraadiyadda iyo horumarka ka socda Somaliland.
“Intii uu socday kulanka uu la qaatay hoggaanka UNPO, Mr Ibraahim waxa uu hoosta ka xarriiqay isbeddellada togan ee ka hana-qaaday Somaliland dhowrkii sanno ee u dambeeyey iyo muhiimadda ay siisay maal-geshiga iyo horumarka, tacliinta, Caafimaadka, kaabayaasha dhaqaale oo ay ku jiraan dhismayaasha jidadka isku xidha magaalooyinka.
Wasiirku ku-xigeenku waxa kale oo uu ka hadlay muhiimadda dalkiisu siiyo la-dagaalanka budhcad-badeeda iyo sidoo kale kooxaha Xag-jirka ee Al-Shabaab ka mid tahay, kuwasoo ah hawl-gallo lacago badan kaga baxaan dowladda Somaliland iyadoon taageero caalami ah ku helin.
Waxa kale oo kulanka lagu soo qaaday sida ay Somaliland u qaabishay qul-qulka qaxoontiga ka soo qaxaya waddanka qul-qulatooyinku ka jiraan ee Yemen.” Sidaas ayaa lagu sheegay warka qoraalka ah ee lagu baahiyey bogga internetka ee Ururka UNPO oo Somaliland xubin ka noqotay sannadkii 2004-tii.
Kulanka Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland la qaatay hoggaanka Ururka UNPO, ayaa layskula qaatay sidii UNPO u sii wadi lahayd wada-shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo inuu qaddiyadeeda gaadhsiiyo waddamada Midowga Yurub.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment