Kulankan oo hore ugu qorshaynaa inuu dhexmaro wasiiro ka socda Somaliland iyo Itoobiya horaantii sannadkan ayaa la sheegay inuu ka baaqday dhinaca Somaliland, ka dib markii ay sheegene inaanay weli u diyaargaroobin, loona ballamay inuu qabsoomo dhamaadka bishan June.Xogo wargeyska Himilo heshay ayaa xaqiijiyey in mar labaad xukuumada Somaliland dib u dhigtay qabsoomidda kulan dhexmari lahaa wasiiro ka socda dalka Itoobiya oo lagaga hadli lahaa arrimo ay ka mid yihiin isticmaalka dekeda Berbera.
Xogahan la xidhiidha sababaha keenay dib u dhaca labaad ee kulankii Somaliland iyo Itoobiya dhexmari lahaa dabayaaqada bishan ayaa tilmaamaya inay keentay maadama kulankaasi ku soo beegmay bisha Ramadaan dhexdeeda, xukuumada Somaliland codsatay inuu qabsoomo bisha Ramadaan ka dib.
Shirkan, ayaa qayb ka ah qorshe Dowladaha Somaliland iyo Itoobiya kor ugu qaadanayaan xidhiidhka ganacsi ee labada waddan.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment