Tuesday, December 1, 2015
Kenya oo Amartay Qabashada Nin Britain u dhashay oo Argaggixiso ku eedaysan oo ay Shacabka u soo bandhigtay Macluumaadkiisa
Nairobi, 01 November, 2015-(Himilo)- Taliska sare ee Ciidanka Booliska Kenya, ayaa bixiyay amarkii lagu soo xidhi lahaa Nin haysto dhalashada dalka Britain oo lagu magacaabo Maalik Yaasin, laguna tuhuumay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, isla markaasna uu qaab dhumasho ah la sheegay inuu ku soo galay Kenya iyo xubno kale, iyadoo ay Ehelada mid ka mid ah dadka la eedeeyey iska difaaceen eedaymaha loo jeediyey.
Booliska, ayaa sidoo kale ka codsi Shacabka iney feejignaan sameeyaan, isla markaana ay war-geliyaan Ciidammada amniga, haddii ay arkaan ninkaas oo lagu eedeyay in uu ka mid yahay xoogagga shisheeye ee ka barbar-dagaallama Al Shabaab.
Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya, ayaa barteeda Twitter-ka kusoo bandhigtay Sawirka eedeysanaha oo ay ku lifaaqneyd Warbixin yar oo tilmaam guud ka bixineysay tuhmanahan oo muuqaalkiisa loo bandhigay Shacabka Kenya si ay fikrad guud oga qaataan.
Maalik Yaasin, ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay dagaal-yahannada ka soo jeedo Britain ee ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanto, laakin dowladda Kenya ma aysan sheegin sababta uu dalkeeda u yimid iyo waliba waxyaabaha uu damacsan yahay.
Illaa 20-qof, ayaa la sheegayaa in siyaabo kala duwan dhawaanahaan loogu xidhay Kenya, kuwaasoo qaarkood lagu eedeyay iney Basaasiin u ahaayeen dalka Iran oo ay u fududeynayaan weerarro ay damacsan tahay iney la beegsato Muwaaddiniin reer Galbeed ah oo gudaha dalka Kenya ku sugan.
Sannad ka hor ayay ahayd markii Booliska dalka Kenya ay xidheen laba Nin oo Iraniyiin ah, kuwaasoo la sheegay inay iska dhigayeen Ganacsato dooneysay inay Kenya maal-gashi ku sameeyaan, balse haystay Hub sharci-darro ah.
Taliyaha guud ee Ciidammada Booliska Kenya Joseph Boinnet, ayaa maalin ka hor caddeeyay in laba qof oo Kenyan ah loo xidhay eedeymo ku saabsan iney Jaajuusiin u ahaayeen Sir-doonka waddanka Iran, ayna kala shaqeynayeen sidii ay danahooda uga fushan lahaayeen Kenya.
Hase-yeeshee, Noshiin Abiibbakar oo ah Gabadh uu dhalay Abubakar Lou oo ka mid ah eedeysanayaasha loo xidhay iney jaajuusiin u ahaayeen dawladda Iran, ayaa diidday eedeyntaas loo soo jeediyay Aabbaheed oo da’diisa lagu sheegay 69 sano jir.
“Warkani guud ahaan waxa uu nugu noqday Shoog (Naxdin), wax ka jiraana ma jiro. Aabbahay Argaggixiso maaha, waxaannu nahay Qoys Muslim ah, maaha in la isku qaldo Muslinnimada iyo Argaggixisonnimada, maaha in la isku qaldo Ganacsiga iyo Basaasnimada. Waxaannu ka cabanaynaa eedayntaas dawladda Kenya u jeedisay Aabbahay, waxaan leeyahay guud ahaan waxba ka-ma jiraan.” Sidaa ayey tidhi Noshiin Abubakar, sheegtay inay si fiican u garan karaan Saaxiibbada iyo Jaarka Qoyskoodu Shaqada Aabbohood qabto oo ah mid Ganacsi.
Sidoo kale, Garyaqaanka Qoyskaas ee Difaacaya eedayntaas, ayaa ku tilmaamay eedaynta dawladda mid xaqiiqada ka fog, isla markaana ka hor-caddaan doonta Maxkamadda horteeda. Eedayntaas Abubakar Lou loo jeediyeyna tahay mid xaqiiqada ka fog, isagoo ku dooday Garyaqaankani in Abubakar iyo Qoyskiisu yihiin dad nadiif ka ah eedayntaas.
Waddanka Kenya, waxaa hore uga dhacay weerarro khasaare badan geystay oo la sheegay qaarkood inay fuliyeen Ajaanib haystay dhalashooyin kala duwan. Waxaana ka mid ahaa weerarradii lagu qaaday Jaamacadda Magaalada Gaarisa iyo Xaruntii Ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi.
Sidoo kale 17-kii bishii Juun sannadkaan ayey aheyd markii Ciidammada Difaaca Kenya ee KDF ay dileen Thomas Evans oo ahaa Nin u dhashay dalka Britain, kana tirsanaa dagaal-yahannada Al Shabaab, ka dib markii ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidammada Milatariga Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Baure oo ka tirsan Ismaamulka Laamu ee gobalka Xeebta Kenya.
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment