Wednesday, December 2, 2015
Xuska Maalinta HIV/AIDS ee Adduunka: Hoos u dhaca Somaliland, kor u kaca Puntland iyo Khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo
Heerka Takoorka ay Dadka la nool Cudur-dhaliyaha HIV iyo Ubadkoodu kala kulmaan Somaliland
“Labo sano ka hor heerka uu xanuunkani dalkeenna ka marayey wuxuu ahaa %1.1, halka uu maanta hoos ugu soo dhacay %0.6, taasoo ah horumar aad u weyn oo…” Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo
Hargeysa, 2 December, 2015-(Himilo)- Xuska Maalinta la isku baraarujiyo La-dagaallanka Cudur Sidaha HIV ee dhaliya Xanuunka dilaaga ah ee AIDS oo Adduunka oo dhan laga xuso 1-da bisha December Sannad kasta, ayaa Shalay si weyn looga xusay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasoo uu hoos uga dhacay dhulka Somaliland xaddigii uu sannadkii horreeyey marayey sannadkan, halka Puntland sheegtay inuu deegaannada ay maamusho kor uga kacay.
Xuska Maalinta HIV/AIDS-ka oo Sannad walba uu soo qaban-qaabiyo Komiishanka La-dagaallanka iyo Cidhib-tirka Cudurka AIDS-ka ee Somaliland (SOLNAC), ayaa waxa ka qayb-galay Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu hadal uu halkaa ka jeediyay ku sheegay in faafitaankii cudurkaasi hoos uga dhacay dalka, isla markaana wacyigelin ballaadhan ay ka sameeyeen faafitaanka cudurkaas.
Munaasibadda lagu xusay Maalinta HIV/AIDS oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ugu horreyn hadal ka jeediyay Agaasimaha Komishanka SOLNAC Cabdi Cali Yuusuf, waxaanu ka sheekeeyay Marxalidihii kala duwanaa ee ay Komiishankoodu u soo maray dedaalka hoos loo dhigay. Waxaanu Madaxweynaha ku ammaanay dedaal uu sheegay inuu ugu jiro in Cudurkaas la xakameeyo.
Agaasimuhu waxa uu tilmaamay inay jiraan goobo ku yaala Magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera iyo Burco oo dadka Xanuunkan la nooli ka qaataan Dawooyinka, sidoo kalena waxa uu tilmaamay in dad ka badan 1500 qof iska baadheen Xanuunka Sannadkii u dambeeyay. “Waddanka waxa jira labaatan kun oo goobood oo Cudurkan lagu baadho, baadhistaas oo ah lacag la’aan, sannadkii waxaannu baadhnaa illaa 22000 qof. Waxa jira afar goobood oo dawada laga qaato oo ah Cusbitaalka wayn ee Hargeysa, Berbera, ka Boorama iyo Burco. Waxaa dawada qaata waddanka marka la isku wada daro Kun iyo Saddex Boqol oo qof.” Sidaa ayuu yidhi Cabdi Cali Yuusuf.
Munaasibadda oo sidoo kale ay hadallo ka soo jeediyeen qaar ka mid ah dadka la nool Xanuunkan, waxayna aad uga cawdeen takoorka ay bulshada kala kulmaan. “Toban Sanadood ayaan la noolahay Xanuunka (HIV/AIDS-ka), muddadaa Carruurtayda Waxbarasho maan geyn, aniguna Markaan Meheradaha gurigeyga u dhow ka adeegan kari waayay waxaan ka soo adeegta Suuqa weyn.” Sidaa waxa tidhi Hooyo la nool Cudur-sidaha HIV.
Haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Aamina waxay sheegtay inay ka qaadday Cudur-dhaliyahan Saygeeda oo markii dambe u geeriyooday AIDS sida ay sheegtay, iyadoo intaas ku dartay inay takoor badan kala kulan tahay Bulshada dhexdeeda, takoorkaas oo sababay inay saddex Carruur ah oo ay dhashay waxba baran kari waayaan, sidaas darteedna ay xataa Malcaamad iyo Iskuulba ka joojisay oo uu takoorkaasi sababay in Ubadkeedu waxbarasho la’aan ku dhacaan.
Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo isaguna Gabogabadii Munaasibaddaas khudbad ka jeediyey, ayaa yidhi, “Sannad kasta Kowda Bisha December, waxa Dunida oo dhan laga xusaa Maalinta La Dagaallanka Xanuunka HIV/AIDS-ka. Sidoo kale, Bulshada Caalamku waxay xog-waraysi iyo wada-tashiba ka yeelataa waxa ka qabsoomay dedaalka loogu jiro la dagaallanka iyo cidhib-tirka xanuunka HIV/AIDS-ka iyo waxa hadhay ee u baahan in si wadajir ah wax looga qabto. Dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Bulshada Caalamka kala midaysan yahay la dagaallanka iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS-ka.
Taariikhdu markay ahayd 25/8/2013-kii, waxaan Xafiiska Komishanka Qaranka ee La-dagaallanka Xanuunka HIV/AIDS-ka kaga dhawaaqay siday Madaxweyne ahaan, iiga go’an-tahay la dagaallanka iyo xakamaynta HIV/AIDS-ka. Xukuumaddaydu waxay wakhtigaa yool ka dhigatay in lagu dedaalo sidii xanuunkan loo xakamayn lahaa, si aanu u dhaafin marxaladda uu xilligaa taagnaa, una gaadhin Heerka Labaad ee loo yaqaanno Marxaladda Baahsan.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Maanta (shalay) oo ah 01-da December, 2015, waxaan jecelahay inaan idinku wargaliyo in ku talo-galkaasi uu fulay, oo xanuunku Waddankeena hoos ugu soo dhacay Marxaladda Koowaad, halkii uu markii hore madaxa la sii galayay Marxaladda Labaad (Marxaladda Baahsan). Labo sano ka hor heerka uu xanuunkani Dalkeena ka marayey wuxuu ahaa %1.1, halka uu maanta hoos ugu soo dhacay %0.6, taasoo ah horumar aad u weyn oo Qarankani gaadhay, una dhiganta in Xanuunkani uu %54.6 hoos uga dhacay heerkii uu maalintaas taagnaa.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan idinla socodsiinaya in guud ahaanba Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland uu ka muuqdo hoos u dhacaasi. Mahadda Kowaad Ilaahay baa leh, mar labaad, waxaan halkan mahad-naq iyo ammaanba uga soo jeedinayaa guud ahaanba cid kasta oo isku hawshay wax ka qabashada iyo xakamaynta xanuunkan ama wax-tar, iyo teegeero u fidisay dadkeenna la nool xanuunkan. Gaar ahaan waxaan aad ugu mahad-naqayaa Maayarka Degmada Berbera siduu wax ula qabtay Komishanka Qaranka ee La Dagaallaanka HIV/AIDS-ka iyo taageerada uu siiyey dadka xanuunkaa la nool. Waxaan ku boorrinayaa masuuliiyinta kala duwan ee Qaranka inay si hagar la’aan ah uga qayb qaataan dedaalka loogu jiro la dagaallanka iyo xakamaynta xanuunkan, daryeelna ay u fidiyaan dadka xanuunkan la nool.
Fadliga iyo gar-gaarka Rabbi ka sokow, hoos u dhaca cudurka HIV/AIDs-ka ee dalkeenna ka muuqda, wuxuu ku yimid dedaalka Xukuumaddan aan Madaxweynaha ka ahay oo Komishanka Qaranka ee la Dagaalanka HIV/AIDs-ku wakiil uga yahay. Iyadoo hoos u dhacaasi jiro, haddana waa inaan loo qaadan in khatartii xanuunku meesha ka baxday.
Waqtigan xaadirka ah, hiigsiga Bulshada Caalamku waxa weeye in dedaal badan loo galo sidii cudurka HIV/AIDs-ka loo cidhib tiri lahaa sannadka 2030-ka, haddii ALLAH idmo. Haddaba, si loo gaadho yoolkaa Caalamiga ah ee lagu cidhib-tirayo xanuunkan, waxa lagama maarmaan ah:
In %90 dadka xanuunka la nool ee aan iyagu is ogayni ay is ogaadaan.
In %90 dadka xanuunka la nool ee is ogi ay daawada qaataan.
In %90 hoos loo dhigo dadka cusub ee xanuunka qaada sannad kasta.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Anigoo isku xidhaya gar-gaarka ALLAH, isla markaana kaashanaya kuna kalsoon aqoonta, khibradda iyo waayo-aragnimada durugsan ee ku duugan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gudo iyo dibedba, waxaan halkan ka ballan qaadayaa inaan dedaal u sii geli doono cidhib-tirka xanuunkan iyo xakamaynta waxyaalaha uu ka dhashaba.
Ugu dambayntii, waxaan halkan codsi uga dirayaa dhammaanba hay’adaha ku shaqada leh la dagaallanka cudurkan HIV/AIDs-ka inay intii awoodooda ah ee wax la qabasho ah, ay Komishanka Qaranka la Dagaallanka HIV/AIDs-ka ka caawiyaan sidii xanuunka looga cidhib tiri lahaa dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.”
Xuska Maalinta caalamiga ah ee isku-baraarujinta Cudur-sidaha HIV, ayaa laga xusaa sannad kasta 1-daw bishan December, waxaana sidoo kale shalay iyadoo caalamka oo dhan laga xusay, meelaha laga xusay ka mid ahaa Soomaaliya magaaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, Baydhabo, Garoowe iyo meelo kale.
Waxaana Puntland oo ka mid ah deegaannada Soomaalida ee laga xusay Maalinta HIV/AIDS-ka oo Xafladeeda lagu qabtay Garoowe Masuulka la-dagaallanka HIVE/AIDS u qaabbilsan Maamul-goboleedkaas uu sheegay in Cudurku kordhay sannadkan marka loo eego tirada dadka laga helay sannadkii hore, oo sannadkan ay is-baadheen dad laba kun oo ruux ka badan, isla markaana laga helay lix iyo siddeetan qof oo labadaas kun iyo dheeraadka isbaadhay ka tirsan, sidaas awgeedna ay caddahay in cudurku ku fidayo Puntland, gaar ahaan Deegaannada Dhulka Xeebaha ah ee Puntland.
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment