Tuesday, July 1, 2014

Guddoomiyaha Saaxil oo Masuuliyiinta Laamaha dawladda ee Gobolkaas u soo jeediyey inay dhawraan Saacadaha Shaqada

Berbera, 01 July, 2014 (Himilo)- Shir Toddobaadle ah oo uu Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ay isku-xog-waraystaan Masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda ee heer gobol iyo Degmo, waxaa kulankooda shalay kala qaybgalay Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi.

DSC00079Shirkaas oo lagu qabto xarunta Maamulka gobolka Saaxil ee magaalada Berbera, ayay Madaxda Laamaha dawladda gobolka Saaxil ee fadhigoodu yahay Berbera iyo Wasiir-ku-xigeenka ayaa ka qaybgalay kulankaas shalay, waxaana uu sheegay in Guddoomiyaha Saaxil Mr. Fahmi in kulankooda maanta diiradda lagu saari doono, arrimaha Laydhka iyo Biyaha maaddaama oo ay Berbera tahay Xeeb u nugul biyaha iyo Korontada, wakhtigan Ramadaanta lagu jiro oo ku soo beegantay xilligii Xagaaga ee Kulaylku badnaa ay muhiim tahay in wax la iska weydiiyo.

Waxa wax la iskaga weydiiyey in si gaar ah loogu dedaalo helitaanka Biyaha iyo Laydhka iyo inaanay ka kala go’in qaybaha kala duwan ee magaalada wakhtigan hadda lagu jiro maaddaama oo aad loogu baahi badan yahay Laydhka iyo Biyaha. Waxaanu Badhasaabka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar u soo jeediyey Masuuliyiinta Laamaha dawladda ee gobolka Saaxil inay dhawaraan saacadaha shaqada, oo ay weliba si gaar ah u dhawraan Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wakaaladaha Biyaha iyo Laydhka.

Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi, oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay Maamulka gobolka iyo Masuuliyiinta kale ee Laamaha dawladda ee gobolka Saaxil isugu xidhan yihiin iyagoo gudanaya waajibaadkooda ah ka wada-shaqaynta horumarinta adeegyada ay Bulshada iyo Qaranka Masuulka uga yihiin.

Waxa uu Wasiir Ku-xigeenku u soo jeediyey in lagu dedaalo in arrimaha nabadgelyada iyo horumarintoodana ay ku dedaalaan Masuuliyiinta iyo Shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Saaxil iyo xarunta gobolkaas ee Berbera, maaddaama oo sida uu sheegay nabadgelyadu tahay shayga ugu muhiimsan ee sahlaya wada-shaqaynta ka dhaxaysa, habsami-u-socodka Hawlaha ay Qaranka iyo Bulshada u hayaan iyo wada-noolaanshaha Bulshada-ba.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Maraykanka Oo Ballaaadhiyey Gulufka Ka Dhanka ah Kooxda ISIL, Ciidamo Cusubna Ku Daad-gureeyey Ciraaq

Washington:July,01,2014(Himilo)-Dawladda Dalka Maraykanka ayaa shaacisay inay Ciidamo cusub ku xoojinayso kuweedii hore ugu sugnaa Dalka Qalalaasuhu hadheeyey ee Ciraaq, iyadoo ugu yaraan saddex Boqol oo Askari loo qoondeeyey inay Halkaas Tagaan.

cusubeeCiidamadan oo Axadii gaadhay caasimada Ciraaq ayaa waxaa sidoo kale weheliya diyaaradaha helikobterka iyo waliba diyaaradaha Drone-ka ee aan duuliyaha wadin.

Ciidamadan ayaa ka qeyb qaadanaya sugida amaanka Airporka Caalamiga ah ee Baqdaad iyo illaalinta gaadiidka dowlada Maraykanka ee ku sugan Baqdaad.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa hore saraakiil gaadhaya 200 u diray dalka Ciraaq si ay tababaro u siiyaan askarta dowlada Ciraaq.

Obama ayaa hore u sheegay in ciidamo badan oo dagaalama aanu u diri doonin dalka Ciraaq, balse Maraykanka ayaa u muuqda inuu sii kordhinaya ciidamada uu u dirayo Ciraaq, xili dalka Iran la sheegay inuu ka qeyb qaadanayo hubeynta iyo tababarida xoogaga dowlada Ciraaq iyo maleeshiyaadka shiicada ah ee la dagaalamaya xoogaga ISIL.

 

Himilo Medida

Tirada Tahriibayaal ku dhintay Badda Waqooyiga Afrika iyo Xaddiga Dadka la badbaadiyey

Sicily, 01 July, 2014-(Himilo)- Ugu yaraan soddon qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen Doonnni ay saarnaayeen illaa Lix boqol oo Tahriibayaal Afrikaan ah, sida ay xaqiijiyeen Kooxaha wax Badbaadiya oo sheegay inay heleen Meydadka soddonkaas Tahriibe.

131015103239_immigrants_boat_512x288_d_nocreditDoonnida ay ku dhinteen Soddonka Tahriibe oo ay saarnaayeen illaa lix boqol oo Tahriibayaal Afrikaan ah, ayaa ayay Kooxaha Badbaada Talyaanigu ku soo warramayaan inay maraysay Badda u dhexeeya Waqooyiga Afrika iyo Jasiiradda Sicily.

Ciidammada Badda ee Talyaaniga ayaa sheegay in ay Meydadka heleen ka dib markii ay Doonnida fuuleen si ay u badbaadiyaan dad xaallad adag ku sugnaa oo ay ka mid ahaayeen laba Haween oo Uur leh.  Dadka dhintay ayaa u muuqday kuwo uu naqasku ku xidhmay, waxaana ay ku jireen meel aad Cidhiidhi u ahayd, iyada oo illaa hadda la awooday oo keliya in laba Meyd halkaas laga soo saaro.

Dhimashada dadka Afrikaanka ah ee u Tahriibaya dalalka Yurub ayaa dhibaatooyin badan oo isugu jira, xadhig, garaacis, jidh-dil, dhimasho iyo halaag iyo rafaad badan oo nololeed kala kulma inta ay safarkooda ku sii maraan Saxaraha Afrika iyo Badda u dhaxaysa Afrika iyo Talyaaniga, iyada oo sannadba sannadka ka dambaysa ay sii badanayaan Tirada dadka Afrikaanka ah ee Tahriibta ku halaagaya naftooda.

Himilomedia.com                                                                     

Hargeysa-Somaliland

Qaramada Midoobay oo Shaacisay inay Dawladda Kenya ka caawinayso la-dagaallanka Argagixisada

Nairobi, 01 July, 2014 (Himilo)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa shaaca ka qaaday inay dawladda Kenya kala shaqayn doonaan, isla markaana ka taageeri doonaan dagaallada ay kula jirto Kooxaha xag-jirka ah ee ay Al-Shabaab ka mid tahay.

golaha-ammaanka-Qaramada-Midoobay1-298x295Ban Ki-Moon ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Sabtidii la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaanu xusay in Qaramada Midoobay ay Kenya ka taageerayso dhanka xoojinta laamaha ammaanka, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya, Koonfurta Sudan iyo waddamada Harooyinka waaweyn ee gobolka Geeska.

Xoghayaha Qaramada Midoobay, ayaa ku ammaanay Kenya kaalinta hoggaamineed ee la-dagaallanka Argagixisada iyo ilaalinta deegaanka ay kaga jirto sida uu hadalka u dhigay. Kulanka uu Ban Ki-Moon la yeeshay Madaxweynaha Kenaya Uhuru Kenyatta, ayaa daba socday Shirkii Golaha Deegaanka ee Qaramada Midoobey oo Jimcihii lagu soo gabagabeeyey magaalada Nairobi.

Madaxwaynaha dalka kenya  Uhuru kenyatta, ayaa shalay gaadhey magaalada Kitale ee xarunta gobolka Tran zania. Bulshada magaalada kitale ayaa subax nimadii hore ee shalay isugu soo baxay waddooyinka waawayn ee magaaladaas si ay u soo dhaweyaan Madaxwaynaha.

Uhuru Kenyatta markii la soo dhaweeyay ka dib  waxa uu shacabka uga mahad-celiyeey sida wanagsan ee ay u soo dhaweeyeen dadweynaha Magaaladu. Madaxwayne Uhuru, ayaa dhagax-dhigay mashaariic dhawr ah, sida Iskuullo, isaga oo Bulshada Kitale u sheegay ina ay dawladdiisu wax wayn ka qaban doonto arrimaha bulshada iyo adkaynta nabadgelyada dalka Kenya ee faraha ka sii baxaysa maalinta maalinta ka dambaysa.

Himilomedia.com                                                                     

Hargeysa-Somaliland

Maamul Islaami ah oo Kooxda ISIS kaga dhawaaqday Ciraaq & Suuriya, Hoggaamiyaha ay u doorteen iyo Doodda Maraykanka

Ciraaq, 01, July, 2014-(Himilo)- Kooxda la baxday ISIS ee ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa shaaciyey inay samaynayanayaan dawlad Islaami ahh oo hawsheeda hoggaamineed ka bilaabi doonto deegaannada ay gacanta ku hayaan Maamulkooda ee ka kala tirsan labadaas waddan.

2014630635396964859403651_75926335_isisMaamulka Islaamiga ah ee Kooxda ISIS ku dhawaaqday, ayaa  Madax looga dhigay Sheekh Abuukabar Al-Baqdaadi, kaasoo ay ku sheegeen inuu yahay hoggaamiyaha Muslimiinta dunida oo dhan meel kasta oo ay caalamka ka joogaan. “Golaha Shuurada ee ISIS ayaa kulan ay yeesheen waxay ku go’aansadeen inay dhiseen Maamulkan Islaamiga ah si loosoo celiyo khilaafadii Islaamka oo muddo ka hor burburtay.” sidaa waxa yidhi Afhayeenka Kooxda ISIS Abuu-Maxamed Al-Cadnaani.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Islaamiyiinta dagaalka ku jiraa ay u doorteen Al-Baqdaadi inuu noqdo hoggaamiyaha Muslimiinta calaamka. Isagoo xusay inuu si ramsi ah u aqbalay Al-Baqdaadi xilka loo magacaabay, isla markaana uu yahay hoggaamiyaha Muslimiinta caalamka.

“Erayada Ciraaq iyo wixii la mid ah kama mid noqonayaan magacyada Maamulka Islaamiga ah ee aan dhisnay.” ayuu yidhi Cadnaani, isagoo ku caddeeyey in Maamulka Islaamiga ah ee ay ku dhawaaqeen yahay riyo ay qabeen Muslimiinta oo dhan iyo rejadii Mujaahidiinta caalamka oo guulaysatay sida uu sheegay.

Sidoo kale, Afhayeenka u hadlay Kooxda Daacish (ISIS), ayaa sheegay inay ku dhaqami doonaan Shareecada Islaamka, waanu xusay in tani ay qayb ka tahay sidii ay dunida oo dhan uga hirgelin lahaayeen Maamul Islaami ah oo Shareecada Islaamka wax ku dhaqa. Waxa uu Aftahayeen, xooggaggoodu ay ku taamayaan inay gaadhsiiyaan Maamulkooda dhulalka fog-fog ee caalamka, gaar ahaan deegaannadii ay xukunka hore u gaadhsiiyeen khilaafadii Cusmaaniyiinta.

Afhayeen u hadlay kooxda Daacish ee ka dagaallameysa dalka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay inay dhulka ay ka haystaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya ay ka aasaasayaan Khilaafo Islaami ah oo lagu xukumayo shareecada Islaamka. Sheekh Abu Muhammad al-Adnani as-Shami's ayaa codkiisa lagu baahiyay internetka.

Wareysi ay siiyay BBC-da Xubin sare oo ka mid ah Golaha Sanetka Mareykanka Diane Feinstein, ayaa qeexday in horumarrada dagaalka ee ay sameynayaan kooxda ISIS inay tahay arrinta ugu halista badan illaa iyo hadda ee ka jirta gudaha waddanka Ciraaq.

Madaxa Guddiga Sirdoonka ee Sanetka Mareykanka, ayaa sheegeysa in Iran ay door muhiim ah ka ciyaari karto xaaladda dagaalka ee hadda socda dalka Ciraaq, aanay ahayn Mareykanka cidda gacanta ka geysan kartop xaaladda.

Kooxda ISIS ayaa waxay dagaal kula jirtaa dowladaha Ciraaq iyo Suuriya, iyagoo qabsaday gobollo dhowr ah oo ku yaalla dalka Ciraaq toddobaadyadii lasoo dhaafay, halka ay Xukuumadda Ciraaqna isku dayayso inay dib u qabsato gobolladaas iyo degmooyinka ay kooxdani sida buuxda ula wareegtay, iyada oo dawladda Ciraaq u qayshatay reer Galbeedka iyo Maraykanka oo isagu u diray diyaarado dagaal oo ka caawiya duqaynta dhinaca Cirka.

Himilomedia.com                                                                     

Hargeysa-Somaliland

Qarax ka dhacay Muqdisho oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay, Fulitaanka Hanjabaaddii Al-Shabaab iyo Fashilka Ballan-qaadkii Xasan Sheekh

Muqdisho, 01, July 2014 (Himilo)- Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay 14 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii ay Kooxda Al-Shabaab Qarax ka fulisay Xafiiska Waaxda Cashuuraha Suuqa Degmada Kaaraan ee Waqooyiga magaalada Muqdisho.

2014630635397103165948310Qarax_Kaaraan_MaantaDadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarkaas cadawnimo, ayaa isugu jira Shacab iyo Askar una badan dad Shacab ah oo Suuqaas ka adeeganayey iyo kuwo Cashuur bixinayey oo Xafiiska la qarxiyey oo shaqo-maalmeedkiisa lagu guda jiray cashuur ku bixinayey.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid Miino, iyadoo wararku ay sheegayaan inay miinadu ku jirtay Bac la ag-dhigay Xafiiska, dabadeedna ay qaraxday, iyadoo ay ku sugnaayeen Xafiiska dadka shacabka ah iyo Ciidammada Cashuuraha degmadaas.

“Cusbitaalka Keysaney waxaa lasoo gaadhsiiyay dhaawacyada 14-qof, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo xaaladdoodu daran tahay, afar ka mid ah daweyn ayaan u sameynay halka 10-qof oo kalena aan jiifinnay Cusbitaalka.” Sidaa ayuu yidhi Maamulaha Cusbitaalka Cali Bile oo la hadlayay Warbaahinta.

Ma jirto cid sheegatay inay Mas’uul ka tahay qaraxaas, balse wuxuu imaanayaa xilli dawladda Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen inay ammaanka Muqdisho adkeynayaan si ay uga hortagaan falalka ammaan-darro ee Al-shabaab ay geysanayso inta lagu jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Qaraxan khasaaraha geystay ayaa kusoo beegmaya maalintii labaad ee Ramadaan iyadoo dorraad oo ahayd maalintii koowaad lagu toogtay Muqdisho saddex Askari oo laba ka mid ah ay ahaayeen Ciidammada nabadgelyada waddooyinka ee Taraafikada loo yaqaan, kuwaasoo koox Baastoolado ku hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsani toogteen Axaddii iyagoo shaqo kaga jiray Isgoyska Dabka ee Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow oo ka hadlay qaraxaas, ayaa sheegay inuu burburay dhismaha Xafiiska la qarxiyey, laba qofna ay ku dhinteen, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad u badan shacab adeeg u soo doontay Suuqaas.

Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay qaraxyo iyo weerarro kala duwan ay Muqdisho ka geysan doonaan inta lagu jiro bisha Ramadaan, halka dawladduna ay sheegtay inay ka hortegi doonaan weerarrada ka imaanaya Al-shabaab, balse waxaan illaa hadda muuqan sheegista dawladda ee ah inay ka hor-tagayaan weerarrada Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka hadlay oo dadweynaha reer Muqdisho ugu bushaareeyey inay sameeyeen qorshe la yidhaahdo NABAD KU AFUR oo ammaanka lagu sugayo, haddana waxa muuqata inay weerarro Shacabka iyo Ciidanka lagu gumadadayaa ka socdaan Muqdisho iyo deegaannada kale ee ay ku dagaallansan yihiin Al-Shabaab oo dhan ah iyo Ciidanka dawladda oo kaashanayana kuwa Midawga Afrika ee AMISOM.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland 

Shirkadda Dahabshiil oo $25,000 ku wareejisay Guddiga Dhismaha Waddada Alleybaday-Arabsiyo

Hargeysa, 01 July, 2014 (Himilo)- Maareeyaha Guud ee Xarunta Shirkadda Dahabshiil, Mudane Cabdiraxmaan Cali Cabdi, ayaa guuddoonsiiyey Guddoomiye-ku-Xigeenka Guddida Dhismaha waddada Allaybaday iyo Arabsiyo, iyo xubno kale oo isugu jira waayeel iyo waxgarad oo weheliyey, deeq lacag ah oo dhan US$25000 (Shan iyo labaatan kun oo Dollarka Maraykanka ah).

dahabMunaasabad kooban oo Axaddii todobaadkan lagu qabtay xafiiska Maareeyaha Guud, waxa ugu horrayntii ka dareen celiyey sida shirkadaha Dahabshiil u soo dhoweynayaan dedaallada iskaa-wax-u-qabso ah ee bulshadu ugu tartamayso horumarinta deegaannada iyo kaalinta wax-ku-oolka ah ee Shirkadaha Dahabshiil Group kaga  qayb qaataan dhiirrigelintooda.

“Waxa kasta oo shirkadaha Dahabshiil ku darsadaaan mashaariicda horumarineed ee socda ma aha wax kale ee waa falcelin ka soo unkamay dedaalka bulshada iyo deegaannada kala duwani la yimaaddeen eek u jihaysan horumarinta adeegyada, oo waddooyinku qayb muhim ah ka yihiin”, ayuu yidhi Maareeyuhu, isaga oo ku daray in falsafadda shirkadaha Dahabshiil ay ka mid tahay in waxtarka loo geysto bulshadu yahay mid khayr iyo barakaba kun-jibbaaran oo uu mar walba faa’iido yahay.

“Waannu ognahay,”ayuu yidhi, “in qoonadada maanta aanu idin soo gaadhsiinnay ay ka tahay dhibic dedaalka guud ee loogu jiro dhammaystirka waddadaa, haddana waxa lagama maarmaan ah inaanu idinku garab galno, idinku dhiirrinno, oo idiin bilowno wixii itaalka iyo wakhtiguba maanta innoo saamaxaan.”

Guddoomiye-kuy-Xigeenka Guddida Dhismaha Waddada, Jiif-caaqil Maxamed Yuusuf Aadan, ayaa dhankiisa aad uga mahad-celiyey sida sharafta leh oo shirkaddu u karaamaysay Guddiga iyo hawsha ay u xilsaaran yihiin.

“Dareenkaygu ma cabbiri karo qaderinta shirkaddu na tustay iyada oo ah shirkaddii u horreeysey ee si mug leh u ajiibtay, ugana dhabaysay, baaqii aannu bulshada, ganacsatada iyo qurbajoogga ugu gacan haadinney ka-qayb-qaadashada dhismaha waddada,” ayuu yidhi Jiif-Caaqil Maxamed Yuusuf, isaga oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin, uguna ducaynayaan mugga waxtarka shirkadaha Dahabshiil Group taarteen dhismaha waddada.

Mooge Cali Yuusuf oo ka mid ahaa waayeelka iyo waxgaradka madasha fadhiyey, ayaa isaguna waxa uu hoosta ka xarriiqay, “Qiimaynta aad na tusteen ayaa wax walba nooga badan’, ayuu yidhi Mooge oo intaas ku daray, “ iyada oo manta Ramadaan Kow tahayna bilow Baraka le ayay noo tahay deeqdan mugga leh ee shirkadaha Dahabshiil ugu deeqeen waddada Allaybaday-Arabsiyo.”

Muuse Yuusuf Cadduur ayaa isaguna dhinaciisa ballan-qaaday inay ka guddi ahaan iyo ka deegaan ahaanba meel muuqata gelin doonaan deeqda shirkaddu soo gaadhsiisay, ummadduna midhaheeda si siman uga faa’iidaysan doonto.

Guddoomiyihii hore ee hay’adda Shaqaalaha Dawladda Muhumad Aw Cabdi, ayaa isaguna tilmaamay in ay bog dahabi ugu qornaan doonto shirkadaha Dahabshiil kaalmaha ay guddi ahaan ku wareejisay, waxaanu yidhi, “In Dahabshiil nala maseeyey oo isku si noo qaabilay waddooyinka kale ee waddanka ka socda ee naga dhaadheer ama naga dhibta badan, ayaa noo muujisay in shirkadda iyo madaxdeedu aanay waxba nagala hadhin ee noo sed buriyeen, taana mahadnaq iyo duco ayaannu beddelkeeda iddinku huraynaa si kal iyo laab ah.”

 

Madasha lagula kala wareegey deeqdan waxa goob joog ka ahaa dhinaca Dahabshiil Maareeyaha Guud, Cabdiraxmaan Cali Cabdi, Madaxa Shaqaalaha Axmed Faarax, Madaxa Xidhiidhka Dadaweynaha Xasan Xiis, Maxamed Jaamac Iriir (Xisaabaadka) iyo Xasan Cusmaan (Real Estate). Dhinaca Guddiga Dhismaha Waddada Allaybaday-Arabsiyo, waxa goob-joog ka ahaa, Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga, Jiif-caaqil Maxamed Yuusuf Aadan, Muxumad Aw Cabdi, Ibrahim Cabdi Xuseen, Mooge Cali Yuusuf, Muuse Yuusuf Cadduur iyo Guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland