Tuesday, July 1, 2014

Qarax ka dhacay Muqdisho oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay, Fulitaanka Hanjabaaddii Al-Shabaab iyo Fashilka Ballan-qaadkii Xasan Sheekh

Muqdisho, 01, July 2014 (Himilo)- Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay 14 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii ay Kooxda Al-Shabaab Qarax ka fulisay Xafiiska Waaxda Cashuuraha Suuqa Degmada Kaaraan ee Waqooyiga magaalada Muqdisho.

2014630635397103165948310Qarax_Kaaraan_MaantaDadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarkaas cadawnimo, ayaa isugu jira Shacab iyo Askar una badan dad Shacab ah oo Suuqaas ka adeeganayey iyo kuwo Cashuur bixinayey oo Xafiiska la qarxiyey oo shaqo-maalmeedkiisa lagu guda jiray cashuur ku bixinayey.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid Miino, iyadoo wararku ay sheegayaan inay miinadu ku jirtay Bac la ag-dhigay Xafiiska, dabadeedna ay qaraxday, iyadoo ay ku sugnaayeen Xafiiska dadka shacabka ah iyo Ciidammada Cashuuraha degmadaas.

“Cusbitaalka Keysaney waxaa lasoo gaadhsiiyay dhaawacyada 14-qof, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo xaaladdoodu daran tahay, afar ka mid ah daweyn ayaan u sameynay halka 10-qof oo kalena aan jiifinnay Cusbitaalka.” Sidaa ayuu yidhi Maamulaha Cusbitaalka Cali Bile oo la hadlayay Warbaahinta.

Ma jirto cid sheegatay inay Mas’uul ka tahay qaraxaas, balse wuxuu imaanayaa xilli dawladda Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen inay ammaanka Muqdisho adkeynayaan si ay uga hortagaan falalka ammaan-darro ee Al-shabaab ay geysanayso inta lagu jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Qaraxan khasaaraha geystay ayaa kusoo beegmaya maalintii labaad ee Ramadaan iyadoo dorraad oo ahayd maalintii koowaad lagu toogtay Muqdisho saddex Askari oo laba ka mid ah ay ahaayeen Ciidammada nabadgelyada waddooyinka ee Taraafikada loo yaqaan, kuwaasoo koox Baastoolado ku hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsani toogteen Axaddii iyagoo shaqo kaga jiray Isgoyska Dabka ee Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow oo ka hadlay qaraxaas, ayaa sheegay inuu burburay dhismaha Xafiiska la qarxiyey, laba qofna ay ku dhinteen, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad u badan shacab adeeg u soo doontay Suuqaas.

Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay qaraxyo iyo weerarro kala duwan ay Muqdisho ka geysan doonaan inta lagu jiro bisha Ramadaan, halka dawladduna ay sheegtay inay ka hortegi doonaan weerarrada ka imaanaya Al-shabaab, balse waxaan illaa hadda muuqan sheegista dawladda ee ah inay ka hor-tagayaan weerarrada Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka hadlay oo dadweynaha reer Muqdisho ugu bushaareeyey inay sameeyeen qorshe la yidhaahdo NABAD KU AFUR oo ammaanka lagu sugayo, haddana waxa muuqata inay weerarro Shacabka iyo Ciidanka lagu gumadadayaa ka socdaan Muqdisho iyo deegaannada kale ee ay ku dagaallansan yihiin Al-Shabaab oo dhan ah iyo Ciidanka dawladda oo kaashanayana kuwa Midawga Afrika ee AMISOM.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland 

No comments:

Post a Comment