Tuesday, July 1, 2014

Shirkadda Dahabshiil oo $25,000 ku wareejisay Guddiga Dhismaha Waddada Alleybaday-Arabsiyo

Hargeysa, 01 July, 2014 (Himilo)- Maareeyaha Guud ee Xarunta Shirkadda Dahabshiil, Mudane Cabdiraxmaan Cali Cabdi, ayaa guuddoonsiiyey Guddoomiye-ku-Xigeenka Guddida Dhismaha waddada Allaybaday iyo Arabsiyo, iyo xubno kale oo isugu jira waayeel iyo waxgarad oo weheliyey, deeq lacag ah oo dhan US$25000 (Shan iyo labaatan kun oo Dollarka Maraykanka ah).

dahabMunaasabad kooban oo Axaddii todobaadkan lagu qabtay xafiiska Maareeyaha Guud, waxa ugu horrayntii ka dareen celiyey sida shirkadaha Dahabshiil u soo dhoweynayaan dedaallada iskaa-wax-u-qabso ah ee bulshadu ugu tartamayso horumarinta deegaannada iyo kaalinta wax-ku-oolka ah ee Shirkadaha Dahabshiil Group kaga  qayb qaataan dhiirrigelintooda.

“Waxa kasta oo shirkadaha Dahabshiil ku darsadaaan mashaariicda horumarineed ee socda ma aha wax kale ee waa falcelin ka soo unkamay dedaalka bulshada iyo deegaannada kala duwani la yimaaddeen eek u jihaysan horumarinta adeegyada, oo waddooyinku qayb muhim ah ka yihiin”, ayuu yidhi Maareeyuhu, isaga oo ku daray in falsafadda shirkadaha Dahabshiil ay ka mid tahay in waxtarka loo geysto bulshadu yahay mid khayr iyo barakaba kun-jibbaaran oo uu mar walba faa’iido yahay.

“Waannu ognahay,”ayuu yidhi, “in qoonadada maanta aanu idin soo gaadhsiinnay ay ka tahay dhibic dedaalka guud ee loogu jiro dhammaystirka waddadaa, haddana waxa lagama maarmaan ah inaanu idinku garab galno, idinku dhiirrinno, oo idiin bilowno wixii itaalka iyo wakhtiguba maanta innoo saamaxaan.”

Guddoomiye-kuy-Xigeenka Guddida Dhismaha Waddada, Jiif-caaqil Maxamed Yuusuf Aadan, ayaa dhankiisa aad uga mahad-celiyey sida sharafta leh oo shirkaddu u karaamaysay Guddiga iyo hawsha ay u xilsaaran yihiin.

“Dareenkaygu ma cabbiri karo qaderinta shirkaddu na tustay iyada oo ah shirkaddii u horreeysey ee si mug leh u ajiibtay, ugana dhabaysay, baaqii aannu bulshada, ganacsatada iyo qurbajoogga ugu gacan haadinney ka-qayb-qaadashada dhismaha waddada,” ayuu yidhi Jiif-Caaqil Maxamed Yuusuf, isaga oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin, uguna ducaynayaan mugga waxtarka shirkadaha Dahabshiil Group taarteen dhismaha waddada.

Mooge Cali Yuusuf oo ka mid ahaa waayeelka iyo waxgaradka madasha fadhiyey, ayaa isaguna waxa uu hoosta ka xarriiqay, “Qiimaynta aad na tusteen ayaa wax walba nooga badan’, ayuu yidhi Mooge oo intaas ku daray, “ iyada oo manta Ramadaan Kow tahayna bilow Baraka le ayay noo tahay deeqdan mugga leh ee shirkadaha Dahabshiil ugu deeqeen waddada Allaybaday-Arabsiyo.”

Muuse Yuusuf Cadduur ayaa isaguna dhinaciisa ballan-qaaday inay ka guddi ahaan iyo ka deegaan ahaanba meel muuqata gelin doonaan deeqda shirkaddu soo gaadhsiisay, ummadduna midhaheeda si siman uga faa’iidaysan doonto.

Guddoomiyihii hore ee hay’adda Shaqaalaha Dawladda Muhumad Aw Cabdi, ayaa isaguna tilmaamay in ay bog dahabi ugu qornaan doonto shirkadaha Dahabshiil kaalmaha ay guddi ahaan ku wareejisay, waxaanu yidhi, “In Dahabshiil nala maseeyey oo isku si noo qaabilay waddooyinka kale ee waddanka ka socda ee naga dhaadheer ama naga dhibta badan, ayaa noo muujisay in shirkadda iyo madaxdeedu aanay waxba nagala hadhin ee noo sed buriyeen, taana mahadnaq iyo duco ayaannu beddelkeeda iddinku huraynaa si kal iyo laab ah.”

 

Madasha lagula kala wareegey deeqdan waxa goob joog ka ahaa dhinaca Dahabshiil Maareeyaha Guud, Cabdiraxmaan Cali Cabdi, Madaxa Shaqaalaha Axmed Faarax, Madaxa Xidhiidhka Dadaweynaha Xasan Xiis, Maxamed Jaamac Iriir (Xisaabaadka) iyo Xasan Cusmaan (Real Estate). Dhinaca Guddiga Dhismaha Waddada Allaybaday-Arabsiyo, waxa goob-joog ka ahaa, Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga, Jiif-caaqil Maxamed Yuusuf Aadan, Muxumad Aw Cabdi, Ibrahim Cabdi Xuseen, Mooge Cali Yuusuf, Muuse Yuusuf Cadduur iyo Guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment