
Wasaaradda Caafimaadka Kenya, ayaa sidoo kale walaac ka muujisay tirada sii badaneysa ee Bukaannada uu Daacuunku soo ridanayo, waxaanay ugu baaqday Shaqaalaha Caafimaadka ee Maamulkada kala duwan ee Kenya, iney isugu yimaddaan kulan lagaga arrinsan doono sidii looga hortagi lahaa khatarta cudurkaas oo lagu wado maalinimada Khamiista maanta inuu ka furmo magaalada Nairobi.
Cusbitaalka Qaranka Kenya ee Kenyatta National Hospital (KHN) oo ku yaalla magaalada Nairobi, ayaa waxaa lagula tacaalayaa kiisas dad qaba cudurkaas Daacuunka oo laga keenay Xaafadda isku raranta ah ee Kibera ee isla Nairobi.
Sidoo kale goobaha Cudurkaasi uu ka dilaacay waxaa ka mid ah Xabsiyada waa weyn ee ku kala yaalla magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee kala ah Kamiti iyo Shimo La Tewa, kuwaasoo laga deyrinaayo xaaladahooda Caafimaad.
Qasaaraha cudurkaas iyo sida uu ugu kala badan yahay deeganada Kenya, ayaa warbixin laga soo saaray dhawaan waxa lagu sheegay in magaalada Nairobi uu cudurkaas ku asiibay dad gaadhaya 371, isla markaana uu dilay ama ay u dhinteen 16 qof, halka magaalada Mombasa uu 99 qof lagu arkay, kuwaasoo 5 ruux oo ka tirsani u dhinteen Xanuunkaas Daacuunka. Sidoo kale Magaalooyinka Nakuru, Migori, Homa Bay, Bomet, Muranga, Kirinyaga iyo Kiambu, ayuu dad badan ku soo ritay xanuunkaasi.
Cudurka Daacuun-Caloolaha oo ka dilaacay Kenya bishii December ee sannadkii aynu soo dhaafnay, ayaa illaa iyo hadda waxa la xaqiijiyay inuu ku dhacay dad gaadhaya 3,234 (Saddex kun, labo boqol, soddon iyo afar qof), isla markaana uu dilay 65 qof, illaa iyo haddana ay dad badani u jiifaan Xarumaha caafimaadka ee magaalooyinka waddanka Kenya.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment