Saturday, June 6, 2015

Addis Ababa: Ujeeddada Heshiis Dhexmaray Midowga Afrika iyo Jabuuti

Addis Ababa, 06 June, 2015 (Himilo)- Midowga Afrika iyo Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku kala saxeexday heshiis is-faham ah oo saamaxaya in guuto labaad oo ciidamada dalka Jabuuti ah oo tiradooda lagu qiyaasay 900 oo askari la geeyo dalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu kordhinayo ciidamada dalkaas ee qaybta ka ah hawl-galka nabad-ilaalinta ee xoogagga AMISOM.
AU-and-Djibouti1Heshiiskan oo dhacay Xarunta midawga Afrika ee magaalada Addis Ababa, waxa labada dhinac u kala saxeexay sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika oo lagu magacaabo Amb. Smail Chergui iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Itoobiya Maxamed Idiris Faarax.
Munaasibadan loo qabtay heshiiska lagu kala saxeexday caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxa ka hadlay Smail Chergui oo halkaas ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dawladda iyo shacbiga Jabuuti ay dedaal ugu jiraan dedaallada nabad-ilaalinta iyo la-tacaalista dagaallada ka socda Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in taageerada dalka Jabuuti ee Soomaaliya ay tahay mid muhiim u ah Midowga Afrika, taas oo uu ku tilmaamay mid geesinimo leh.
Danjiraha dalka Jabuuti u fadhiya Itoobiya Ambassador Maxamed Idiris Faarax, ayaa dhinaciisa sheegay in caawinta milateri ee ay siinayaan Soomaaliya ay waajib tahay, nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay mandaqada geeska Afrika, waxaanu ballan-qaaday inay sii wadayaan gacan-siinta dalka Soomaaliya.
Dalka Jabuuti ayaa Ciidamo kor u dhaafaya Kun Askari hore u joogeen, kuwaasoo ka mid hawl-galka nabad ilaalinta ee AMISOM, waxaanu heshiiskan cusubi saamaxayaa in hormo labaad oo ciidamo ah oo ka socda dalka Jabuuti ay ka mid noqdaan hawl-galka AMISOM.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment