Saturday, June 6, 2015

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo war ka soo saartay Kulan Wasiir Biixi la yeeshay M/weynaha K/Afrika iyo Natiijada shirweyne uu ka qayb-galay

Cape Town, 06 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo socdaal Shaqo ku jooga waddanka Koonfur Afrika, gaar ahaan magaalada Cape Town oo uu kaga qayb-galay Shirweynaha 25aad ee Golaha Adduunka ee Dhaqaalaha Afrika, ayaa la kulmay Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo shirka ka qayb-galay.
Photo2Sida lagu sheegay war-qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland xalay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Madaxweyne Jacob Zuma, ayaa si kooban u wadaagay Hadal kaddib markii la soo xidhay doodo lagu faaqiday Ajandayaal lagaga hadlay aragtiyaha ku aadan kaabayaasha Afrika ee mustaqbalka, halkaas oo Md Maxamed Biixi kaga dhiibtay aragtidii ku aaddan horumarinta dhaqaaalaha Afrika.
“Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis waxa kale uu ka qaybqaatay Ajandaha lagaga hadlayay nabadgelyada Afrika iyo Ajandeyaal kale oo dhammaantood khuseeyay Arrimaha Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, caqabadaha ka jira xagga waxsosoaarka warshadaha, diyaarinta hoggaamiyayaasha waajahaya carqalabadda nabadgelyada mustaqbalka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland dhinicisa wuxu aad uga hadlay heerarka sarreeya ee shaqo nabadgelyada ka jirta mujtamaca dhalinyarada ah ee qaarada Afrika iyo fursadaha xaddidan ee horumarinta xirfadaha iyo shaqada oo uu ku tilmaamay inay caqabad ku noqonayaan xasiloonida, waxanu soo jeediyay talooyin tiro badan oo dhibaatooyinkan xal u noqon kara sida siyaasado waafi ah oo dawladuhu ka yeeshaan xagga waxka qabashada sinnaan la’aanta, horumarinta waxbarashada xirfadaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga dibadeed ee tooska ah.
Waxa ka mid ah masuuliyiinta ay Wasiirka ka wada qaybqaateen doodaha kala duwan ee ajandayaasha masuuliyiin xilal sare haya oo metelyay wadamada South Afrika, Malawi, Canada, Uganda, UK iyo dhinacyo kale
Sidoo kale, Wasiirku wuxu waraysi faahfaahsan siiyay Warbaahinta Caalamiga ah ee CNBC kaasoo uu kaga hadlay hadlay nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland ku naaloonayso, sida ay hawlbawle ugu tahay nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo qaaradaba iyo weliba iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee dalka dhinacyada horumarka iyo siyaasadaba oo uu su’aale badan kaga jawaabay,” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ay wasaaradda Arrimaha dibaddu kaga hadashay socdaalka Wasiirka.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment