Tuesday, June 9, 2015

Nuxurka Go’aamo Toban Qodob ka kooban oo lagu soo gunaanay Shir-nabadeed u socday Beelaha Qorulugud iyo Buuhoodle

Coodanle, 09 June, 2015 (Himilo)- Shir-nabadeed deegaanka Coodanle ee gobolka Togdheer uga socday Beelaha Qorulugud iyo Buuhoodle labadii todobaad ee u dambeeyey, ayaa lagu kala saxeexday heshiis qodobaysan oo lagu soo af-jaray colaado daba-dheeraaday oo u dhexeeyey labada beelood.
SHIRKAShir-nabadeedka oo shalay lagu soo xidhay deegaanka Coodanle oo u dhexeeyey degmooyinka Buuhoodle iyo Balidhiig, ayaa lagu shaaciyey heshiis ka kooban toban qodob oo kala baxaya muranka dhulka iyo Dad ku dhintay Isku-dhacyo dhex-dhacay labada beelood.
Heshiiska lagu xaliyey Dhiigga dadka ku kala dhintay isku-dhaca labada beelood oo ay ku saxeexan yihiin madax-dhaqameed ay hoggaaminayaan Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco iyo Garaadka Guud ee Beelaha Buuhoodle, ayaa lagu sheegay in layska saamaxay oo aan waxba laysku raaci doonin oo laga samray dadkii kaga dhintay iyo kuwii kaga dhaawacmay dagaallo dhexmaray labada beelood.
Tobanka qodob ee heshiiska lagu gaadhay oo todoba ka mid ahi ka hadlayaan Dilalka iyo Dhaawacyada labada beelood ku kala gaadhay dagaalladii dhexmaray, ayaa lagu shaaciyey guddi isku-dhaf ah oo ka shaqayn doonta nabadgelyada. Sidoo kale, Heshiiska ayaa lagu shaaciyey Madaha u dhexeeya deegaanada labada beelood.
Qodobbada Heshiiska lagu soo gunaanaday Shirka Coodanle oo laga akhriyey, ayaa u qornaa sidan:-
Heshiiska Arrimaha Dhiigga
1. Waxay ku heshiiyeen labada beelood nabadgelyo buuxda, deris-wanaag iyo in beel waliba ilaaliso xuquuqda beesha kale.
2. In wixii Dil iyo Dhaawac dhexmaray labada beelood, laga soo bilaabo Kalshaale, lagu kala samray oo aan waxba laga soo qaadin iyadoo wixii Gaadmo ku dhintayna la isu tuuray.
3. Qofkii danbe ee wax dila labada beelood dhexdooda in la waafajiyo shareecadda Islaamka. Sidoo kale wixii khilaaf ah oodhan ee beelaha dhexdooda ka yimaada lagu dhameeyo shareecada Islaamka.
4. In aan Beelina magan gelin nin gacan ku dhiigle ah oo dil kasoo geystey beesha kale dhexdeeda loona adeegsado cidkasta oo awood u leh inay wax ka qabato.
5. In wixii hadda ka danbeeya ciddii dil geysata ay ku kooban tahay isaga iyo qoyskiisa, cid ugu kaalmayn kartaana aanay jirin.
6. In wixii maanta ka danbeeya dhibkii dhaca lagu dhammeeyo xal nabadgelyo oo ay waxgaradka iyo guddigu ka kulmaan isla markaana ay reebban tahay in la isugu gurmado.
7. In la qabto guddi nabadgelyo oo ka kooban 10 xubnood, oo labada beelood iska dhexqabtaan shirka.
Heshiiska Arrimaha Dhulka:-
8. Waxay labada beelood ku heshiiyeen in beesha Habarjeclo degto Baliga Goble-Magan, beesha Dhulbahante-na Hagoogane, inta u dhaxaysana, sida Kalshaale, aan la qodi karin.
9. Waxay labada beelood ku heshiiyeen si loo ilaaliyo daaqa inaan deegaan danbe oo cusub laga samayn karin dhul-daaqeenka u dhexeeya labada beelood, Sida Inta u dhaxaysa Xadhadhan iyo Coodanle, Goble-Magan iyo Hagoogane, Galgal iyo Qabri Hulul, Qoruligud iyo Maygaagle, Horufadhi iyo Adhi-Boob.
10. In la wada dego magaalada Adhi-Boob.
Waxa saexexay heshiiskan
1. Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali
2. Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe.
3. Boqor Maxamuud Cali Carab
4. Suldaan Siciid Cismaan Cali
5. Garaad Saleebaan Buraale Aadan.
6. Maxamuud Xaaji Xuseen.”
Heshiiskan oo noqonaya kii ugu horeeyey noociisa ee sannadihii u dambeeyey dhexmara labada beelood, ayaa u muuqda mid soo af-jaraya colaado soo noq-noqday oo labada beelood ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Buuhoodle, kuwaas oo ka bilaabmay kaddib markii deegaamaysi iyo baraago laga qoday dhul-daaqsimeed u dhexayn jiray labada beelood.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment