Hargeysa, 09 June, 2015 (Himilo)- Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland Dr Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa ka warramay wax uu ku tilmaamay Dhaqanno aan hore ugu jirin oo ku cusub nidaamka iyo xil-gudashada Maxkamadaha dalka oo muddadii uu hayay xilka guddoomiyaha maxkamadda sare ku soo kordhay, kuwaas oo uu tilmaamay inay qayb ka yihiin faro-gelinta Xukuumaddu ku hayso go’aamada ka soo baxa Garsoorka dalka.

“Waxa jira caqabado badan oo loo baahan yahay in laga gudbo. Waxa jira oo aan dhaqan garsoor ahaan jirin in loo dhexeeyo Booliska iyo Maxkamadaha, meelna kagama qorna in wasaaradda Daakhiliga la sii maro marka la fulinayo go’aamada garsoorka, waa sheeko inagu cusub oo la kala dhaxlay wakhti dhawayd oo aan fogeyn. Booliska waxay toos uga amar-qaataan gacanta midig ee garsoorka,” ayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare.
Waxa kale oo uu ka hadlay qodobbo iftiiminaya faro-gelin qaawan oo xukuuumaddu ku samayso waaxda Garsoorka, gaar ahaan go’aamada Maxkamadaha, waxaanu yidhi, “Waar kii aanu nidhi Toogta, waydinkii la yaacay ee toogtaye, miskiinadda Jagadeeda laga haysto ama miskiinka xaqiisa laga haysto, maxaa loogu dhiirran la’yahay in loo banneeyo? Yaan Qiil laga dhiganin amnigaa xumaanaya, amnigu wuxuu xumaanayaa sharciga oo lagu dhaqmi waayo.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciiyey, “Guddiga Cadaaladda waxaan leeyahay oo aan kula dar-daaramayaa yaanay dhicin sidii hore u dhici jirtay ee aan u dul-qaadan jiray, markaynu arrin fadhi u fadhiisanno ee aynu wax go’aamino in go’aanku iga horreeyo oon la sii maqal. Aniga hadday cabasho iiga iman jirtay, cabashada shaqadaa keenta, waxa la yidhi meeshii Qiiq jiro, dabna waa jiraa. Xaaji Cabdikariim (Cabdi Waraabe) oo aan u mahad-naqayo kelmad buu beri noo yidhi madaxweyne Cigaal markuu madaxweynaha ahaa. Wuxuu ku yidhi, ha innagu soo faruurin cabashada dadweynaha madaxtooyada ayay inoogu soo geli doonaane, garsoorka iyo dadku iyagaa is-oggole, ha faro-gelinina’. Taana waan leeyahay oo waa kelmad jirta,” ayuu yidhi Yuusuf Ismaaciil Cali.
Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare waxa uu sheegay inaanu garanayn isla markaana ogeyn meel jaan iyo cidhib uu ku dambeeyey Qorshe dib-u-habayn lagu sameynayey Xeerka Nidamka Garsoorka, kaas oo bahda Garsoorka oo wasaaradda Cadaaladdu hoggaaminaysaa u qabteen tabobarro loogu sameeyey xog-ururin wax lagaga beddelayey, waxaanu yidhi, “Xeerka Nidaamka Garsoorku waa xeer aasas u ah socodsiinta hawlaha Garsoorka, qayb wayn-na ka ah dhismaha Garsoorka. Laba qaybood oo uu ku saxeexan yahay madaxweyne Daahir Rayaale, ayaa maxkamadaha yaalla. Dedaalbay galeen bahda Cadaaladda oo ay ku jiraan Qareennada, Garsooreyaasha, Wasaaradda Cadaaladda, Guddi-hoosaadka Shuruucda ee Golaha Wakiillada, wakhti fara-badan baa nagaga lumay, xog-ururinbaa la sameeyey, laakiin meel ay xunbadiisii ku dambaysay ma garanayo.”
Dhinaca kale, Dr Yuusuf Ismaaciil Cali waxa uu ku baaqay hirgelinta Xeer bahda garsoorka iyo Maxkamadaha u oggolaanaya inay helaan Xuquuqdooda marka ay shaqada ka tagaan ama ka hawl-galaan, waxaanu goleyaasha Sharci-dejinta ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa xeerkaas.
“Waxa garsoorka yaala qabyo fara-badan oo ay ka mid yihiin Qawaaniintii lagaga shaqayn lahaa horumarka garsoorka. Waxa ka mid ah Xeerkii Xuquuqda Garsoorka. Shaqaalaha kale ee dowladdu Xeer gaar ah ayay leeyihiin, wali ma jiro Garsoore shaqada ka tagay oo Xuquuq kala tagay. Waxaan uga faa’idaysanayaa fursaddan maadama oo ay joogaan guddigii joogta iyo Guddoomiyihii Golaha Wakiillada, markii uu xilku idinka dhammaaday, waxaad xeer ku soo saarteen wixii maamuuska idiin noqon lahaa iyo inaydaan faro-laab la’aan kaga tegin qaranka. Garsoorkii dhammaa ee shaqaynayey ee ay ka xanniban tahay gacmo shishe inay soo galaan iyo inay siyaasad galaan, waxay u baahan yihiin xeerkii ay dugsan lahaayeen ee xuquuqdooda ilaalin lahaa. Geed-hoostii waa lagu qaadi karaa Garta oo Aqoonta ayaa shaqaynaysa, laakiin Garsoorku kuma sii shaqayn karo sidan,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare.
Hadalka Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, ayaa meesha ka saaraya guulo ay Xukuumadda Kulmiye ku faanto inay ka gaadhay dhibaatooyinka ka taagan tabashada garsoorka iyo faro-gelin ay ku eedayn jireen Xukuumaddii UDUB xilligii Xisbiga Kulmiye Mucaaradka ahaa.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment