Cape Town, 03 June, 2015 (Himilo)- Qalab laga soo saaray Markab lagu qaadi jiray dadkii la addoosan jiray, ayaa lagu soo bandhigayaa magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika, kaasoo ay Khabiirrada caalamiga ahi ka faalloodeen.

Dadka ku xeel-dheer Cilimiga Arkhaelogy-ga, ayaa ku rejo weyn in qalabkan ay aqoon badan ka heli doonaan, isla markaana waxa uu qalabkani noqonayaa wax lagu xusuusto dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay Ganacsigii dadka. Malyaayiin Afrikaan ah, ayaa waxay qayb ka ahaayeen dadkii lagu iibin jiray Ganacsigii dadka. Qaar badanna waxay ku dhinteen safarradaasi.
Khabiirrada, ayaa waxay sheegayaan Biraha laga helay Markabka ayaa muujinaya in uu ahaa mid lagu qaadi jiray dadkii loo waday Gacansiga dadka maaddaama aanay dadku u cusleyn sida alaabooyinka kale, waxaa Biraha loo isticmaalayey xagga culeyska Markanba.
Qalabkan ayaa waxa helay aqoonyahanno isugu jira Mareykan iyo Koofur Afrikaan oo helay hadhaagii Markab laga lahaa dalka Burtiqiiska oo ku degay meel u jirta 100 Mile Xeebaha magaaladda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika sannadkii 1794-tii.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment