Wednesday, June 3, 2015

Tirada Shacab Cabasho ka muujiyey Macdan-qodis laga wado Buuraha Simoodi oo ay Xukuumaddu Xabsiga dhigtay

Simoodi, 03 June, 2015 (Himilo)- Xukumadda Somaliland ayaa xabsiga dhigtay dad ka badan 20 qof oo ah waxgaradka iyo dadweynaha degaanka Baki ee gobolka Awdal. Dadkan ayaa cabasho ka muujiyay hawlo macdan qodis ah oo shirkad Shiinaha laga leeyahay ka wado Buuraha Simodi.
simoodi-258x193Maxamed Axmed Cali, duqa degmada Baki, ayaa BBC-da u sheegay in dadkaasi loo xidhay cabasho ay sameeyeen oo ku salaysan inaanay oggolayn Macdan-baadhista ka socota Buuraha Simoodi ee degaankaasi.
Wararka laga helayo arrintan ayaa sheegaya in dadkaasi cabasho ka muujiyeen balanqaadyo Xukumadda Somaliland dadka degaanka u samaysay markii hawsha macdan baadhistu ka bilaammaysay degaanka iyo in shaqaale hawlaha macdan baadhista ka shaqaynayay oo degaanka ah shaqada laga caydhiyay.
Suldaan Ibraahin Cabdi, oo ka tirsan Madaxda Dhaqanka deegaankaas, ayaa sheegay inay dalbanayaan in dadka deegaanka loo fuliyo ballamaha loo qaaday, isla markaana Xukuumaddu caddayso waxay dadkaasi ugu talo-gashay.
Suldaanku waxa uu sheegay inay doonayaan in Shirkadda Shidaal-baadhista Simoodi ka waddaa shaqada ku celiso dad deegaanka ah oo ay shaqada ka eriday, isla markaana dadka deegaanka loo fuliyo adeegyo loogu ballan-qaaday oo aan fulin, in Xukumaddu caddayso saamiga dadka deegaanku ku leeyihiin wixii ka soo baxa Macdanta Shiraddu ka qodayso deegaankooda iyo in la caddeeyo inaanay khatar caafimad lahayn Macdanaha laga qodayo halkaas iyo Wershadaha la isticmaalayo.
Xukumadda Somaliland, gaar ahaana Wasaaradda Nacdanta iyo Tamarta oo hawlaha Macdan-baadhista gacanta ku haysa, ayaan weli ka hadal walaaca bulshada deegaanka oo soo noqnoqday, balse waxay hore Wasaaraddu u sheegtay in dadka deegaanka la siinayo saamiga ay xaqa u leeyihiin ee dhinaca shaqada iyo in adeegyo waddooyinka iyo Biyuhu ka mid yihiin loo samayn doono, ballan-qaadyadaas oo ay dadka deegaanka Simoodi ku doodayaan inaan weliba waxba laga qaban.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment