
Waxa uu Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka soo jeeda Bariga gobolka Sanaag isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi; “Shirguddoonka joogaa Golaha Wakiillada Xaraan ayuu ku yimid, annaga oo ka nimid Guriga Madaxwaynahii hore ee Somaliland, ayaa Cabdi-Waraabe yidhi; ‘Geel cokan iyo Geel ooman ayaan u garnaqayoo Geelaas ooman ayaan waraabinayaayee Rayaaloow Liq’. Sidaas ayuu ku qaatay Cabdiraxmaan-Cirro, sidaas ayuu ku yimi mana yimaddeen meesha, taas waxaannu ka rabnay inuu caddaalad lagu Maamulo tiina waannu ka waynay oo cadaalad-darro aad u baahsan ayaannu ka tirsanaynaa.”
“Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay Safarro ay Guddiga Daba-galku ugu baxeen dalka dibeddiisa oo laga reebay waxaanu yidhi; ‘Waxaan ka mid ahayn Guddiga daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada, mar Guddoomiye ku-xigeen ayaan ahaa oo dhamaan waa lakaxeeyay,waxaana lageeyay Ethiopia,aniga basaboorka Soo badal ayaa laygu yidhi waan soo badalay oo basaboorkii kale ayaan soo qaatay ayaa laygu yidhi ka noqo Adigu ku dhoofi mayside, haddana Guddiga Hantida ayaa mid kale u soo baxay, tiina waa la iga reebay oo ninkaas Golaha haysta Inaadeerkii oo Bukhaari ah lagu daray, Aniga ayaa xaq u leh ee maxaa dhacay markaan idhi? Waxa la iigu jawaabay; ‘adigu darood ayaad tahay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud.
Xildhibaan Cabdiqaadir oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Saddexda Nin ee Shirguddoonka ah ballan lama galo ama lama beeneeyee waxaan idin tusi doonaa iyaga oo Golaha laga qaaday, Sharciyaddii dalka ayay ku tunteen oo Golahii ayay Madaxa isu geliyeen. Baashe (Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Wakiillada) waxa uu yidhi; ‘Guurtidu maxay tahay? Mar kalena waxa uu yidhi; ‘Golaha boqol Doollar ayaan ku imi’ Anna Baroon ayaan ku imi halkan, anigu qori qaadan maayo, laakiin waxaan ku dagaallamayaa qalin.”
Mar uu Xildhibaan Xaamud ka hadlayey Miisaaniyadda Golaha Wakiillada ku baxda, waxa uu yidhi; “Miisaaniyadda Golaha wali cidi may Xisaabin inta Lacag soo gasha iyo halka ay ku baxdo, intii uu joogay Wasiirka Maaliyaddu ayuu Golihii si fiican u dhismay, Shirguddoonka Maanta joogaa Golihii way kala qaybiyeen, cuqdad ayey geliyeen, hadda ka horna sidii loo galay labada Guddoomiye Ku-xigeen, ayaa maanta loo galayaa iyo Guddoomiyahaba markii ay dhib mooyaane dheef soo kordhin waayeen.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment